Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Muqdisho casho sharaf ugu sameeyay wafdiga Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xalay munaasabad casho sharaf ah Magaalada Muqdisho ugu sameeyay wafdi uu hogaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka aan walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Dileita Mohamed Dileita oo booqasho rasmi ah ku jooga Magaalada Muqdisho.

Munaasabadda casho sharafta ah oo uu sameeyay Gudddoonka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka waxaa sidoo kale ka qeyb-galay Ra’isulwasaaraha  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, Madaxweyneyaasha Dowlad-gobolleedyada Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) , Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) iyo Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) iyo sidoo kale xubno ka tirsan golayaasha kala duwan ee dowladda.

   

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo dhambaal hambalyo ah ka helay dhiggisa dalka Serbia

Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, General Asad Cismaan Cabdullaahi (Diyaano), ayaa dhambaal hambalyo ah ka helay Taliyaha Hoggaanka Sare ee Ciidanka Booliska Serbia, Col. Dragan Vasiljević, isaga oo u rajeeyay ku talaabsashadda horumarka Ciidanka Booliska Somaliyeed.

Col. Dragan Vasiljević ayaa dhambaalkiisa ku sheegay in Hoggaanka Ciidanka Booliska Serbia ay ka go’an tahay in la garab istaago Ciidanka Booliska Soomaaliyeed si loo xoojiyo tayadooda dhanka xirfadda iyo sare u qaadida awoodooda shaqo.

Sida ku qoran taariikhda labadda dal, xiriirka Booliska Soomaaliya iyo Booliska Serbia ayaa bilowday dabayaaqadii Sanadkii 1966dii, waxaana ka dhashay Faa’iidooyin badan oo ay dhaxleen saraakiil Soomaaliyeed oo weli nool.

 

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo hoygiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa hoygiisa ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti, Mudane Dileita Maxamed Dileita oo booqasho ku jooga magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimada ay leedahay iskaashiga labada dal ee Jabuuti iyo Soomaaliya iyo ka shaqeynta wax wada qabsi wadajir ah, taas oo Gobolka u horseedi karta horumar, is ixtiraam, amni, nabad iyo xasillooni waarta, isagoo uga mahadceliyey walaalaha Jabuuti garab istaagga iyo dadaalka dowlada Jabuuti ay ku bixisay dawlad-dhiska Soomaaliya.

Mudane Dileita Maxamed ayaa dhankiisa uga mahadceliyey shacabka iyo dowlada Soomaaliyeed soo dhaweynta diirran ee ay u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa, waxaana uu ku bogaadiyey dowladda Federaalka ee Soomaaliya guulaha taariikhiga ah ee ay ku tallaabsatay labadii sano ee u dambeysay.

DFS oo soo dhaweeysay qaraarka Golaha Ammaanka ee howgalka cusub UNTMIS

Dowladda Soomaaliya waxay soo dhowaynaysaa qaraarka Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay uu maantay sida aqlabiyadda ah ku ansixiyey in hawlgalka kaalmada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) loo bedelo hawlgal kumeelgaar ah labada sano ee soo socota.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Soomaaliya la qaatay soo jeedinteedii ahayd in uu Howlgalka Siyaasadeed ee Qarammada Midoobay ee Soomaaliya UNSOM laga billaabo maalinta Jimcaha ah ee bisha November kowdeeda uu noqdo, howlgal marxalad kala guur ah galaya, kaasoo magaciisu noqonayo UNTMIS.

Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa dhammaantood isku waafaqay, qaraar-na ku soo saaray maanta in sidii ay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay soo jeedisay uu kala guurkani ku dhammaado muddo laba sano ah, ayada oo muddadaas howsha UNSOM ay hadda hayso ay la wareegi doonaan Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Laamaha Qarammada Midoobay ee ka howlgala dalka.

Soo jeedintan Soomaaliya oo ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ay u gudbisay xubnaha Golaha Ammaanka bishii Agoosto isaga oo loo sii marsiiyay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, waxay ku saleysan tahay wadaxaajood dhowr bilood u socday Guddi farsamo oo ka socda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo UNSOM.

Waa guul diblomaasiyadeed oo u soo hoyatay Dowladda iyo shacabka Soomaaliya.

–DHAMMAAD–

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo laga soo saaray warmurtiyeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey Shirka Madasha Wadatashiga Qaranka, kaas oo caawa laga soo saaray warmuriyeed.

Shirkan oo ay ka soo qeyb-galeen Madaxda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Madaxweyneyaasha Dowlad-goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa looga hadlay doorashooyinka, amniga, horumarinta dalka.

Golaha Wadatashiga Qaran ayaa isku raacay in la qabto doorashada dowladaha hoose June 2025, iyadoo  Sidoo kale doorashada Baarlamaanka iyo Madaxda Dowlad Gobolleedyada la qaban doona September 2025.

War-Murtiyeedka Shirka Golaha Wadatashiga Qaran halka hoose ka Akhriso

 

Madaxweynaha JFS oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Dileyta Maxamed Dileyta oo soo gaaray magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay ahmiyadda ay u leedahay labada dal ee Jabuuti iyo Soomaaliya iskaashi diblomaasiyadeed, iyo ka shaqeynta wax wada qabsi wadajir ah, taas oo Gobolka u horseedi karta horumar, is ixtiraam, amni, nabad iyo xasillooni waarta. Dhankiisa Guddoomiye Dileyta Maxamed ayaa shacabka iyo dowlad uga mahadceliyey soo dhaweynta diiran, isaga oo bogaadiyey guulaha ay ku tallaabsatay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka 1-aad ee XFS oo gaaray magaalada Bujumbura ee dalka Burundi

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka 1-aad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta gaaray magaalada Bujumbura ee dalka Burundi.

Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa halkaas kaga qeyb-galayo Shir-madaxeedka 23aad ee Suuqa loo Dhan Yahay ee Bariga iyo Koonfurta Afrika (COMESA) ee Soomaaliya xubinta ka tahay.

Shirkan ayaa looga doodi doonnaa istiraatiijiyadaha amniga iyo nabadda, saameynta isbeddelka cimilada, dhaqaalaha, iyo horumarka waara ee dalalka suuqan ku mideysan.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kormeeray xarunta lagu diyaarinayo Qorshaha Isbeddelka Qaranka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeer shaqo ku tagey xarunta diyaarinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025 – 2029), oo si habsami leh uga socda xarunta Hangarka Afisyoone.

Ra’iiul Wasaaraha ayaa warbixin ka dhagaystay Khubarrada ku howlan qorista Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee 2025-2029, wuxuuna kormeeray Sheybaarrada kala duwan ee ay shaqadu ka socoto isagoo ku ammaanay howsha muhiimka ah ee ay Qaranka u hayaan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa intii uu ku sugnaa xarunta, waxa uu ka qaybgalay doodwadaag wax ku ool ah oo ay yeesheen Wasaaradda Caafimaadka, Dhaqaatiirta iyo Ganacsatada kaas oo looga hadlayay muhiimadda ay leedahay in qeybaha bulshada oo dhan ay door ku yeeshaan, diyaarinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumadda uu hogaamiyo ee DanQaran ay doonayso in dalkeena loo jiheeyo dhanka horumarka, tayeynta hey’adaha dowladda iyo nidaamka casriyeynta oo wax badan ka beddeli doona qorshaha la doonayo in Qaranka lagu horumariyo.

Mudane Xamsa Cabdi Barre, waxa uu intaa raaciyay in dib u eegis lagu samaynayo dhismaha iyo sharciyada Ha’yaddaha fulinta si dalkeenu ula jaanqaado dunida horumartay, iyadoo qorshuhuna yahay in Xukuumadda DanQaran ay dalka ku hogaamiso wax-qabad muuqda oo bulshada u riyaaqdo.

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo soo dhaweeyay wafdiga ururka mideynta Community Services

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta ku soo dhaweeyay xarunta Wasaaradda wafdi ka socda ururka Mideynta Community Services oo ka dhisan Kanada, uuna hoggaaminayo Mudane Mahad.

Wadahadalka ayaa diiradda lagu saaray natiijooyinka shirkii dhawaan ka dhacay Uganda Oktoobar 22-24, kaas oo ku saabsanaa adkeynta iyo awood-siinta dhallinyarada. Wasiir Fiqi ayaa hoosta ka xariiqay sida Wasaaradda uga go’an tahay taageeridda dadaallada dhiirrigelinaya ka-qaybgalka dhallinyarada iyo horumarinta awooddooda.

Wafdiga ayaa muujiyay mahadnaqooda ku aaddan taageerada Wasaaradda iyo fursadda ay u heleen inay wada shaqeeyaan. Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxay xaqiijineysaa sida ay uga go’an tahay dhisidda iskaashiyo xooggan oo la wada shaqeynayo si loo gaaro horumar waara.

Guddoomiye Madaale oo daah-furay Shirweynaha 5-aad ee Hogaanka iyo Hal-abuurka dhalinyarada

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa daah-furay Shirweynaha 5-aad ee Hogaanka iyo Hal-abuurka dhalinyarada, kaasi oo loogu hadlaayo doorka ay dhalinyarada ku dhex leeyihiin bulshada.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in aan la dhayalsan karin doorka dhalinyarada, isla markaana ay yihiin laf-dhabarka bulshada, waxa uuna kula dar-daarmay in lagu dadaalo waxbarashada, ayna isku gurmadaan dhalinyarada si usoo bandhigaan hal abuurkooda.

Shirkaan oo socon doonna muddo labo maalmood ah ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Somali Youth Leadership Center iyo Arkaan Leadership and Innovation Hub oo kaashanaaya Xafiiska La-taliyaha Madaxweynaha JFS ee arrimaha bulshada.