Wasiirka amniga oo ka qaybgalay bandhigga caalamiga ah ee Milipol Qatar

Doha: Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo magaalada Dooxa ee dalka Qatar kaga qaybgalay daah-furka daabacaadda 15-aad ee Bandhigga Milipol Qatar, oo ah dhacdo heer caalami ah oo diiradda lagu saaray amniga gudaha iyo kan heer caalami.

Bandhiggan oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Qatar ayaa ka dhacaya xarunta bandhigga iyo shirarka ee Dooxa, waxaana ka soo qayb galay wasiirro iyo masuuliyiin sar sare oo ka kala yimid dalal kala duwan oo ka tirsan caalamka.

Wasiirka Amniga gudaha XFS ayaa soo bandhigay doorka Soomaaliya ee ku aaddan xoojinta iskaashiga amniga caalamiga ah iyo muhiimadda ay leedahay in la wadaago teknoolojiyadda casriga ah ee lagu horumarinayo amniga iyo nabadgelyada guud ahaan dunida.

Milipol Qatar oo ah mid ka mid ah bandhigyada ugu waaweyn ee looga hadlo amniga, ayaa sanadkan lagu soo bandhigay adeegyo iyo nidaamyo cusub oo lagu horumarinayo amniga caalamka, kuwaas oo la filayo inay kor u qaadaan iskaashiga amniga iyo xasilloonida caalamiga ah.

Diblomaasi Ethiopian ah oo Muqdisho laga cayriyey

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya waxay qaadday tallaabo adag si ay u ilaaliso danaha qaranka oo ay u adkayso heerarka diblumaasiyadeed ee caalamiga ah, taas oo muujinaysa sida Soomaaliya ay uga go’an tahay ilaalinta madax-bannaanideeda iyo ku dhaqanka sharciga caalamiga ah.

Wasaaradda waxay ku dhawaaqaysaa in mudane Cali Maxamed Aadan, oo hadda ah La-taliye II ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga Itoobiya ee Soomaaliya, uu ku kacay falal aan waafaqsanayn xilkiisa diblumaasiyadeed. Ficilladiisu waxay jebinayaan heshiiska Vienna ee Xiriirka Diblumaasiyadeed (1961), gaar ahaan Qodobbada 41 iyo 42, kuwaas oo faraya diblumaasiyiintu inay ixtiraamaan shuruucda dalka martida loo yahay oo aysan ku lug yeelan arrimaheeda gudaha.

Sidaas darteed, mudane Cali Maxamed Aadan waxaa lagu dhawaaqay inuu yahay “shakhsi aan la rabin” (persona non grata) waxaana laga doonayaa inuu ka baxo Soomaaliya 72 saacadood gudahood marka uu helo ogeysiiskan. Tallaabadani waxay marag u tahay sida Soomaaliya ay uga go’an tahay ilaalinta habraaca diblumaasiyadeed ee caalamiga ah iyo difaacidda madax-bannaanideeda qaranka.

Soomaaliya Imaaraatka Carabta oo gaaray heshiis ku saabsan horumarinta kalluumeysiga Soomaaliya

Abu Dhabi: Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa heshiis is-afgarad ah la saxiixatay shirkadda Dekadaha ee Abu Dhabi PORTS Group, kaas oo ay sida wadajir ah isaga gaashanayaan maalgashiga Kalluumeysiga iyo in la horumariyo dekedaha, iyo guud ahaan qeybta Kalluumeysiga ee dalka.

Heshiiskani waxa uu diiradda saari doonaa iskaashi wax ku ool ah oo dhinaca Kalluumeysiga ah, horumarinta dekedaha kalluumeysiga, warshadaha, in la aas-aaso xarumo iyo saldhigyo kormeerka badda ah, in la xoojiyo kaabayaasha Dhaqaalaha Kalluumeysiga, in la hirgaliyo dekedo Kalluumeysi oo wadaag ah, iyo in la abuuro dugsiga tababarka xirfadaha iyo farsamada Kalluumeysiga.

Kapten Maxamed Juma Al Shamisi, Maareeyaha Guud iyo CEO-ga Kooxda Dekedaha ee Abu Dhabi, ayaa yiri: “waxaan dooneynaa inaan baarno fursadaha taageerada horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya annagoo dejineyna qorsheyaal maalgashi iyo iskaashi oo ku saabsan dekedaha, adeegyada badda, iyo qaybta kalluumeysiga ee dalka. Kooxda Dekedaha Abu Dhabi waxay la shaqeyn doontaa Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya si loo xoojiyo awoodda qaybta badda iyo kalluumeysiga ee dalka”.

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee dowladda Soomaaliya, Mudane Axmed Xasan Aadam, ayaa yiri ” Iyada oo aan kaashaneyno Kooxda Dekedaha ee Abu Dhabi, waxaan diyaarinaa waddo u horseedeysa koror waara oo muddada dheer ah iyo xoojinta kaabayaasha dekedaha, iyo sidoo kale taageerida qaybta kalluumeysiga ee dalka, Iskaashigan ma ahan oo kaliya inuu xoojinayo awooddayada, laakiin sidoo kale wuxuu gacan ka geysan doonaa horumarinta dhaqaalaha iyo bixinta fursado cusub oo loogu talagalay bulshadeena xeebaha ee ku tiirsan waxsoosaarka Kalluunka.”

Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga waxa uu ujeedkedu yahay in ay ka faa’iidaysato Khibradda ballaaran ee maareynta dekedaha, adeegyada saadka ee Imaaraadka iyo guud ahaan caalamka ee Kooxda Dekedaha ee Abu Dhabi.

Shirkadda Dekedaha ee Abu Dhabi ayaa dhawaan waxay ku dhawaaqday saxiixa heshiisyada ijaarka dekedaha, adeegyada badda iyo qaybaha saadka ee dalalka Masar, Jamhuuriyadda Kongo, Angola iyo Tanzania.

Guddoomiyaha golaha shacabka oo Muqdisho ku soo dhaweeyey dhigiisa Jabuuti

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka ayaa Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cabdulle kusoo dhoweeyay wafdi uu hogaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka ee wadanka aynu walaalaha nahay Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Dileita Mohamed Dileita oo maanta soo gaaray Magaaladda Muqdisho.

Soo dhoweynta wafdiga waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa safiirka walaalaha Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Danjire Maxamed Ibraahim Yuusuf iyo barbaarta Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Baarlamaanka wadanka aynu walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Dileita Mohamed Dileita oo gudaha garoonka warbaahinta kula hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay imaanshihiisa Soomaaliya isaga iyo wafdigiisa, isaga oo sheegay inuu joogo dalkiisa labaad.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo wafdiga walaalaha Jabuuti kusoo dhoweeyay dalka, ayaa waxa uu sheegay in maalmaha ay joogaan wada qaadan doonaan kulamo ku saabsan dardargelinta iskaashiga baarlamaanadda labada wadan.

Booqashada wafdiga ka socda Baarlamaanka Jamhuuriyadda Jabuuti ay maanta kusoo gaareen dalka ayaa ka dambeysay ka dib casuumaad rasmi ah oo ay ka heleen Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka.

       

Hawlgallo lagu naafeeuey Khawaarijta oo gobollada dalka ka dhacay

Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga dowladda FS Sheekh Abuukar Maxamed oo ka warbixiyey hawlgallada dalka looga xoreynayo Khawaarijta iyo khasaaraha lagu gaarsiiyey ayaa sheegay in degaanka Gerille oo hoos taga degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, waxayna halkaas ku dileen 12-dhagarqabe, halka dhaawac la gaarsiiyey labaatameeyo kale.

Sidoo kale afhayeenka ayaa xusay in hawlgal wadajir ah oo ay fuliyeen ciidanka xoogga dalka iyo daraawiishta Jubaland oo ka dhacay deegaanka Dasheeg-waamo waxaana lagu dilay horjooge lagu magacaabo Maxamuud Cali Xuseen oo ku magac dheer qayliyow ama Goobe.

Dhinaca kale ciidanka xoogga dalka ayaa hawlgal ay ka fuliyeen gobolada Gedo, Baay iyo Bakool ayey isku fureen waddo muhiim ah oo xiriirisa degmooyinka Luuq, Bardaale iyo Qansaxdheere.

Ahaayeenka ayaa xusay in xubno ka tirsanaa Khawaarijta ay isi soo dhiibeen, ka dib markii ay u adkaysan waayeen dagaalka ay kala kulmayaan ciidamada qaybahooda kala duwan.

 

Ra’iisul wasaare ku xigeenka 2-aad ee dalka oo kormeeray madasha diyaarinta qorshaha isbeddelka Qaranka

Ra’iisul wasaare ku xieenka 2-aad ee XFS mudane Cabdisalaan Cabdi Cali Dhaay ayaa maanta kormeeray madasha diyaarinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka oo si habsami leh uga socda xarunta Ciidanka Cirka ee Afisyoone isagoo warbixin ka dhageystay howl wadeennada hormuudka ka ah.

Ku xigeenka Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, mudane Cabdirisaaq Cali Ibraahim ayaa warbixin ku saabsan habsami usocodka diyaarinta qorshaha isbaddalka Qaranka NTP siiyey Ra’iisul Wasaare ku xigeenka, intaa ka dibna waxaa uu soo kormeeray Sheybaarada ay shaqadu ka socoto isagoo ka xog wareysanayay howsha Qaran ee ay hayaan.

Mudane Dhaay ayaa bogaadiyey hawlwadeennada, isaga oo hoosta ka xarriiqay in qorshahaan uu wax weyn ku soo kordhin doono Soomaaliya, waxaana ganacsatada uu ugu baaqay in ay ka faa’iideystaan oo ay qeyb ka noqdaan diyaarinta qorshaha.

   

DFS oo hambalyo ku aadan Maalinta Jamhuuriyadda Türkiye u dirtay Madaxda iyo shacabka dalkaasi

amhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay ugu hambalyeeneeysaa Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan iyo shacabka geesiyaasha ah ee Türkiye Munaasabadda 101-aad ee Maalinta Jamhuuriyadda Türkiye. Maalintani waxay u tahay dabaaldeg xoogga, midnimada, iyo dadaalka joogtada ah ee Jamhuuriyadda Türkiye.

Halgan geesinimo leh oo loo galay xorriyadda, oo uu horseeday Ghazi Mustafa Kemal Atatürk, wuxuu boos sharaf leh ka haystaa taariikhda caalamka. Go’aankii aan la daboolin ee shacabka Turkiga ay ku xaqiijinayeen xorriyadooda iyo aasaasidda jamhuuriyad madaxbannaan wuxuu dhiirigelin u ahaa ummadaha caalamka oo dhan. Safarkooda geesinimada leh wuxuu tusaale u yahay awoodda adkeysiga, aragtida fog iyo hoggaaminta togan si loo gaaro himilooyinka qaran.

Soomaaliya waxay garab taagantahay Türkiye, iyadoo aqoonsan xidhiidhka saaxiibtinimo iyo qiyamka wadaagga ah ee mideeya labada dal. Waxaan rajeynaynaa inaan sii xoojino iskaashiga aan ku raadinayno nabad, barwaaqo, iyo horumar ay wada gaaraan shucuubta labada dal.

Wasiirka Amniga XFS oo Doha kula kulmay wasiiru-dowlaha Arrimaha Gudaha Qatar

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa dalka Qadar kulan kula la qaatay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha wadankaas Qatar Cabdilcasiis Bin Faysal Bin Maxamed Al-Thani.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal gaar ahaan dhinacyada amniga iyo arrimaha gudaha, Sidoo kale waxay ay ka wada hadleen sidii loo horumarin lahaa wada shaqeynta iyo taageerada dowladda Qatar ee Soomaaliya.

“Waxaan maanta magaalada Dooxa kulan kula yeeshay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Qatar, Cabdilcasiis Bin Faysal Bin Maxamed Al-Thani. Kulanka ayaan diiradda ku saarnay xoojinta iskaashiga labada dal gaar ahaan dhinacyada amniga iyo horumarinta” ayuu yiri Wasiirka Amniga Gudaha XFS Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag).

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xarigga ka jaray xarunta Daryeelka Dhaawacyada iyo Xaaladaha Deg-degga ah

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta xarigga ka jaray Xarunta Daryeelka Dhaawacyada iyo Xaaladaha Deg-degga ah oo loogu tala galay in lagula tacaalo dadka ku wax-yeellooba musiibooyinka dabiiciga ah iyo kuwa dadku sameeyeen oo laga hirgaliyay gudaha Isbitaalka weyn ee Madiina.

Xarig-jarka xaruntaan caafimaad oo markiiba qaabili karta 200 oo qof oo u baahan gargaar deg-deg ah, ahna xaruntii ugu weyneed ee dalka laga hirgaliyo ayaa ku soo aadday laba sano kadib qaraxii Soobe 2 ee dhacay 29-kii October 2022.

Xaruntan ayaa waxaana lagu dhisay dhaqaale uu Guddiga Gurmad Qaran oo ka kooban Wasaaraddo heer Federaal ah, Hay’adda SoDMA iyo Ururrada Bulshada Rayidka ka aruuriyay dadka Soomaaliyeed.

Munaasabadda xarig-jarka waxaa qeyb ka ahaa, Wasiirroo ka tirsan Xukuumadda JFS, Xildhibaanno, Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, madax ka socota Ururrada Bulshada, Saraakiil matalaysa Ciidanka Boliiska, qaar ka mid ah ehellada dadkii uu saameeyay weerarkii Soobe 2 iyo marti kale oo kaalin weyn ku lahayd dhismaha xarunta iyo guud ahaan howlihii gurmad ee ka dhashay musiibooyinkii dalka ka dhacay.

Shir ku aadan Mashruuca kaydka biyaha ee Jowhar oo Muqdisho lagu qabtay

Shirka hordhaca qeybta farsamada si loogu diyaar-garoobo daahfurka Mashruuca kaydka biyaha ee Jowhar (Jowhar Offstream Storage Project) ayaa shalay lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Inta uu socday Shirka ayaa lagu soo bandhigay warbixinno hordhac u ah qorsha keydinta biyaha Jowhar, waxaan halkaas lagu bixiyey tilmaamo muhiim u ah qorshaha, iyadoo la soo bandhigay Cilmi Baaris lagu sameeyay hanaanka ugu sahlan ee lagu keydin karo loogana faa’ideysan karo biyaha wabiga Shabeelle ee isaga kal goosha 3 gobol ee ee Hiiraan, Shabeellaha Dhexe iyo mid Hoose.

Shirkaan oo ay soo qabanqaabiyeen Wasaaradda Beeraha Iyo Waraabka JFS iyo Hay’adda FAO, waxaa ka soo qaybgalay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradda Beeraha Iyo Waraabka JFS, Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha JFS, Wasaaradda Deegaanka Iyo Isbedelka Cimilada JFS, Agaasimaha Waaxda Xalka-waara ee Wasaaradda Qorsheynta Iyo Maalgashiga Caalamiga JFS, Hey’adda SODMA, Wakiilka FAO ee Soomaaliya iyo madax kale oo ka socotay dowlad gobolleedyada dalka.

Mashruucan ay dowladda Soomaaliya wado ayaa noqon doono mid muhiim wayn u leh dadka Soomaaliyeed hadii la her galiyo, taaso meesha ka saari doonto biyo yarida iyo fatahaadaha soo laab-laabto ee ka dhaca wabigaShabeelle, waxyu muhiim gaar ah u sii yahay beeraleyda oo iyagana wax-saar joogta sameyn doonp.