Wafdi Ka socda DFS iyo QM oo Booqday Mashaariicda Sanduuqa Wadajirka ee Ka Socda Baydhabo

Wafdi ka socda Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Soomaaliya iyo Xafiiska Qaramada Midoobay ee Muqdisho ayaa shalay booqday mashaariic muhiim ah oo laga maalgeliyo Sanduuqa Wadajirka ee Soomaaliya (SJF) kuwaas oo ka socda xarumo ku yaala magaalada Baydhabo. Mashaariicda la kormeeray waxaa ka mid ahaa Mashruuca Saameynta, Barnaamijka Caddaaladda iyo Hagaajinta, Barnaamijka Nabadda iyo Ilaalinta Haweenka.

Ujeedka kormeerka ayaa ahaa in la xoojiyo wada-shaqeynta iyo in si dhow loo ogaado guulaha iyo caqabadaha mashaariicdan, iyadoo sidoo kale la qiimeynayo saamaynta ay ku leeyihiin adeegyada muhiimka ah ee bulshada Baydhabo.

Wafdiga waxaa hoggaaminayay Wasiirka Qorsheynta ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Xuseen Maxamuud Shiikh Xuseen, oo ay wehliyeen Wasiirada Haweenka iyo Biyaha, Agaasimaha Waaxda Kormeerka iyo Qiimeynta ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka, Mudane Maxamuud Siciid Nuur, iyo Madaxa Sanduuqa Maalgelinta Mashaariicda Qaramada Midoobay, Peter Nordstrom.

Wasiirka Difaaca XFS oo qaabilay Ergeyga Gaarka ah ee dowladda Jarmalka u qaabilsan Geeska Afrika

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ku qaabilay Ergeyga Gaarka ah ee dowladda Jarmalka u qaabilsan Geeska Afrika Amb. Heiko Nitzschke.

Wasiirka iyo Ergayga ayaa kulankooda diiradda ku saaray howlgallada lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta, wareejinta Howlgalkii ATMIS, u guuridda howlgalka cusub ee AUSSOM iyo xaqiijinta amniga guud ee Soomaaliya.

Sidoo kale, kulanka ayaa waxaa looga hadlay walaaca gobolka ee la xiriira ku xad-gudubka Itoobiya ee madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya iyo xoojinta mowqifka Soomaaliya ee ilaalinta madax-bannaanida qaranka.

Golaha shacabka oo ka dooday hindise sharciyeedka tacliinta sare

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa shir guddoomiyay kulanka 34-aad ee Golaha Shacabka.

Ugu horeyn Habdhowraha Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux) ayaa dhaariyay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Maxamed Nuur Abuubakar iyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Mudane Maxamed Cusmaan Cumar (Naastro).

Intaas ka dib Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa akhrinta labaad marsiiyay Hindise Sharciyeedka Tacliinta Sare ee Qaranka oo ay soo gudbisay Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare, waxaana Guddoomiyaha Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka Xildhibaan Nadra Saalax Cabdi ay mudanayaasha Golaha Shacabka sharaxaad ka siisay warbixinta akhrinta labaad ee hindise sharciyeedkan.

Xildhibaanadda Golaha Shacabka ayaa aragtidooda ka dhiibtay warbixinta akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Tacliinta sare ee Qaranka iyo muhiimada uu u leeyahay horumarinta waxbarashada dalka iyagoo guddiga iyo wasaaradda su’aalo ka weydiiyay hindise sharciyeedkan.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo ay wehliso Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Nuura Mustaf Mukhtaar ayaa ka jawaabay su’aalaha ay Xildhibaanada weydiinayeen isagoo faah faahin ka bixiyay dhismaha Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa faray Guddiga Horumarinta Adeega Bulshada inuu soo diyaariyo akhrinta sedaxaad ee Hindise Sharciyeedkan islamarkaana uu kusoo daro doodaha iyo aragtiyada Xildhibaanadda dibna uu Golaha ugu soo celiyo.

Wasiir dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda oo qaabilay wakiilka Jarmalka ee geeska Afrika

Wasiir dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee dowladda FS mudane Cali Cumar (Cali Balcad) oo ay weheliyaan agaasimaha waaxda Yurub iyo Ameerika Danjire Yoonis, iyo Danjire ku-xigeenka Jarmalka u fadhiya Soomaaliya, mudane Martin Stein ayaa ku soo dhaweeyay wakiilka gaarka ah ee Jarmalka ee geeska Afrika danjire Heiko Nitzschke, xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Muqdisho. Kulanka wuxuu diiradda saaray xoojinta xasilloonida gobolka, amniga, iyo iskaashiga caalamiga ah, iyadoo la tixgelinayo doorashada Soomaaliya ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ee 2025.

Wadahadallada ayaa xoogga lagu saaray xiriirka Soomaaliya iyo Jarmalka, wax ka qabashada caqabadaha amniga ee gobolka, iyo doorka Soomaaliya ee maamul caalami ah, gaar ahaan arrimaha Sudan iyo Haiti. Labada dhinac waxay xaqiijiyeen go’aankooda ku aaddan horumarinta dadaallada wadajirka ah, kobcinta dhaqaalaha gobolka, iyo taageeridda howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya hogaamiso, iyadoo laga faa’iidaysanayo taageerada EU kadib dhammaadka ATMIS ee 2024.

Wasiiru Dowlaha ayaa sidoo kale xaqiijiyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay la dagaalanka argagixisada, oo ay ku jiraan Al-Shabaab iyo Daacish. Wuxuu adkeeyay muhiimada xoojinta dadaallada diblomaasiyadeed si loo gaaro nabad waarta oo gobolka ah, isagoo ballan qaaday inuu adeegsan doono dhammaan hababka suurtagalka ah si loo gaaro ujeedkan.

 

Ciidamka xoogga dalka oo hawlgal ka fuliyey gobollada Baay iyo Bakool

Baydhabo: Ciidanka xoogga dalka Spomaaliyed ayaa maanta hawlgal qorshaysan waxay ka fuliyeen deegaano ka tirsan gobollada Baay, Bokool iyo Gedo.

Hawlgalka oo la doonayey in lagu nadiifiyo jidadka muhiimka ah ee isku xira gobolladaas ayaa si gaarka ah looga fuliyey wadada dheer ee xiriirisa degmooyinka Luuq, Bardaalle iyo degmada Qasaxdheere ee gobalka Baay iyo wadada aadda degmada Waajid ee gobolka Bokool.

Hawlgalkan waxaa hogaaminayey tliyaha guutada 8-aad ee qaybta 60-aad XDS Dhamme Axmed Macalin Cabdiraxmaan (Axmed dheere ) isagoo sheegay in la sii wadi doono hawlgaladan gaar ka ah oo lagu naafeynayo maleeshiyada Khawaarijta.

     

Soomaaliya iyo Cumaan oo ka wada hadlay kobcinta dhoofka xoolaha Soomaaliyeed

Masqad: Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa XFS Mudane Xasan Xuseen Maxamed oo booqosho rasmi ah ku jooga saldanadda Cumaan ayaa maanta heshiis is-afagarad la saxiixday dhigiisa Cumaan Mudane Dr. Saud Bin Hamoud Al Habsi, Wasiirka Wasaaradda Beeraha, Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Biyaha.

Kulanka ayaa intii uu socday waxa ay labada dhinac ka wada hadleen sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga labada dal ee dhinacyada dhoofka Xoolaha, hilibka, kobcinta tayada caafimaadka Xoolaha iyo la dagaalanka cudurada faafa, khibradaha iyo xogaha la xiriira badqabka cuntada, kor u qaadida sugnaanta cuntada iyo sidii kor loogu qaadi lahaa maalgashiga.

Heshiiska is afgarad ee labada Dal ay kala sixiixdeen waxaa uu ku saabsanaa caqabadaha hortaagan ganacsiga Xoolaha, fududeynta maalgashiga labada dhinac ee sector xanaanada xoolaha iyo kheyraadka dabiiciga ah.

Heshiiskan waxaa looga golleeyahay in sare loogu qaado iskaashiga dhanka soo dejinta iyo dhoofinta Xoolaha nool ee u dhexeeya labada dal, kobcinta awoodda adeega caafimaadka xoolaha, adeegyada ogaanshaha, hababka karantiilka, hubinta u hoggaansanaanta ku dhaqanka shuruudaha caalamiga ah iyo heerarka dhoofinta xoolaha.

Ra’iisul wasaare Xamse oo qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Jarmalka u qaabilsan geeska Afrika

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Dowladda Jarmalka u qaabilsan Geeska Afrika, Mr. Heiko Nitzschke.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Ergayga Gaarka ah ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka soo jireenka ah iyo iskaashiga u dhaxeeya Soomaaliya iyo Jarmalka.

Ergayga Gaarka ah ayaa ugu hambalyeeyay Soomaaliya horumarka dhinacyada kala duwan ee ay gaartay labadii sano ee la soo dhaafay, oo ay ka mid ahaayeen deyn-cafinta, ku biirista East African Community, qaadista cunaqabateynta iyo in Soomaaliya ay ku guuleysatay kursiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay 2025 — 2026.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa isna uga mahadceliyay dowladda Jarmalka taageerada ay siiso dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, iyo dadaalkeeda ku aaddan xasilloonida gobolka.

   

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo kulan la qaatay Safiirka dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Hon Ali Yusuf Ali – Xoosh ayaa maanta kulan la qaatay Safiirka dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya mudane Ambassador Wang Yu.

Inta uu kulanku socday, arrimaha laga hadlay waxaa ugu muhiimsanaa; iskaashiga labada dhinac iyo taageeridda howlaha hortabinta u leh Wasaaradda.

  

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka oo furay shirka lagu dhisayo Guddiga Isku-xirka Hay’adaha u xilsaaran Maaraynta

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Mudane Ahmed Said Mohamed ayaa furay shir lagu dhisayo Guddiga Isku-xirka Hay’adaha u xilsaaran Maaraynta iyo wadashaqaynta bar xudduudeedyada Maamul Goboleedka Galmudug.

Agaasimaha Guud ayaa sheegay in muhiimadda uu leeyahay dhisidda Guddigan ay tahay in si wadajir uga wadashaqeyaan adkaynta amniga xudduudaha, fududaynta isku socodka dadka iyo Ganacsiga sharciga ah.

Sidoo kale, Agaasimaha ayaa ku booriyay Xubnaha Guddiga in la xoojiyo isdhaafsiga xogta iyo macluumaadka isla markaana la joogteeyo kulamada iyo kormeerka si sare loogu qaado wadasahqaynta hay’adaha ka dhaxaysa.

Ciidanka NISA oo fashiliyay weerar khawaarijtu kusoo qaaday duleedka degmada Buurhakaba ee gobolka Bay

Ciidamada Nabad Sugidda iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa fashiliyey weerar naf la caari ah oo maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta ay maanta ku soo qaadeen fariisin ciidan oo ku yaalla duleedka degmada Buurhakaba ee gobolka Bay .

Saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in jab culus ay Khawaarijta ku gaarsiiyeen dagaal kooban oo dhacay duleedka Buurhakaba, iyagoo soo bandhigay meydadka xubno Khawaarij ah oo goobta ay uga carareen.

Ciidamada ayaa sii baacsanaya firxadkii Khawaarijta, kuwaas oo goobta uga cararay meydadka dhagarqabayaal badan.