Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo hambalyo u diray Guddoomiyaha cusub Baarlamaanka Carabta

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa hambalyo u diray Guddoomiyaha cusub ee Ururka Baarlamaanka Carabta Mudane Maxamed Alymaaxi.

Xubnaha Baarlamaanka Carabta oo kulan ku yeeshay magaaladda Qaahira ee Caasimadda Wadanka Masar ayaa Guddoomiyaha cusub ee Ururka u doortay Mudane Maxamed Alymaaxi.

Guddoomiyaha cusub ee la doortay oo kasoo jeeda wadanka Imaaraadka Carabta ayaa xilka hayn doona mudo laba sano ah,waxaana Soomaaliya uga qeyb galay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ururkaas ku matala.

๐๐š๐ง๐ค๐ข๐ ๐š ๐ƒ๐ก๐ž๐ฑ๐ž ๐ž๐ž JFS ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ ๐๐ข๐ข๐ซ๐š๐ฒ ๐๐š๐ซ๐ง๐š๐š๐ฆ๐ข๐ฃ๐ค๐š ๐Œ๐š๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ง๐ญ๐š ๐Š๐š๐ฒ๐๐ค๐š ๐๐š๐ง๐ ๐ข๐ ๐š ๐€๐๐๐ฎ๐ฎ๐ง๐ค๐š

Bankiga Dhexe ee Soomaaliya wuxuu ku guuleystay in uu ku biiro ๐๐š๐ซ๐ง๐š๐š๐ฆ๐ข๐ฃ๐ค๐š ๐๐š๐ง๐ ๐ข๐ ๐š ๐€๐๐๐ฎ๐ฎ๐ง๐ค๐š ๐ž๐ž ๐“๐š๐ฅ๐จ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ง๐ญ๐š ๐Š๐š๐ฒ๐๐ค๐š ee lagu magacaabo RAMP, isagoo noqday ๐ฑ๐ฎ๐›๐ข๐ง๐ญ๐š ๐Ÿ•๐Ÿ—-๐š๐š๐ ee ku biirta shabakaddan caalamiga ah oo ay ku mideysan yihiin bangiyada dhexe ee adduunka, hayโ€™ado maaliyadeed oo calami ah, iyo sanduuqyada maareeya maaliyadda howl-gabka.

Guddoomiyaha Bankiga Dhexe, ๐Œ๐ฎ๐๐š๐ง๐ž ๐‚๐š๐›๐๐ข๐ซ๐š๐ฑ๐ฆ๐š๐š๐ง ๐Œ๐š๐ฑ๐š๐ฆ๐ž๐ ๐‚๐š๐›๐๐ฎ๐ฅ๐ฅ๐š๐š๐ก๐ข, oo ka qeybgelay shir-sannadeedka Bangiga Adduunka (WB) iyo hayโ€™adda Lacagta Adduunka(IMF) 2024 uga socda magaalada Washington ee dalka Maraykanka, ayaa saxiisay heshiika uu Bankiga Dhexe ugu biiray Barnaamijka RAMP ee Bangiga Adduunka.

Guddoomiyaha oo tilmaamaya muhiimadda heshiiskani u leeyahay Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa yiri โ€œ๐ค๐ฎ ๐›๐ข๐ข๐ซ๐ข๐ฌ๐ญ๐š ๐๐š๐ซ๐ง๐š๐š๐ฆ๐ข๐ฃ๐ค๐š ๐“๐š๐ฅ๐จ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ง๐ญ๐š ๐Š๐š๐ฒ๐๐ค๐š (๐‘๐€๐Œ๐) ๐ž๐ž ๐๐š๐ง๐ ๐ข๐ ๐š ๐€๐๐๐ฎ๐ฎ๐ง๐ค๐š ๐ฐ๐š๐š ๐ญ๐š๐ฅ๐ฅ๐š๐š๐›๐จ ๐ฆ๐ฎ๐ก๐ข๐ข๐ฆ ๐š๐ก ๐จ๐จ ๐ฅ๐š๐ ๐ฎ ๐ฑ๐จ๐จ๐ฃ๐ข๐ง๐š๐ฒ๐จ๐ง ๐š๐ฐ๐จ๐จ๐๐๐š ๐ฆ๐š๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ง๐ญ๐š ๐Š๐ž๐ฒ๐๐ค๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง๐ค๐š ๐ž๐ž ๐๐š๐ง๐ค๐ข๐ ๐š ๐ƒ๐ก๐ž๐ฑ๐ž ๐ž๐ž ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š, ๐ญ๐š๐š๐ฌ ๐จ๐จ ๐ฆ๐ฎ๐ฎ๐ฃ๐ข๐ง๐ž๐ฒ๐ฌ๐š ๐ฌ๐ข๐๐š ๐š๐ฒ ๐ข๐ง๐ง๐จ๐จ๐ ๐š ๐ ๐จโ€™๐š๐ง ๐ญ๐š๐ก๐š๐ฒ ๐๐ข๐›-๐ฎ-๐๐ก๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐๐š๐ง๐ค๐ข๐ ๐š ๐ƒ๐ก๐ž๐ฑ๐ž ๐จ๐จ ๐ฅ๐š ๐ฃ๐š๐š๐ง๐ช๐š๐š๐๐ข ๐ค๐š๐ซ๐š ๐ก๐š๐ง๐ง๐š๐š๐ง๐ค๐š ๐œ๐š๐ฌ๐ซ๐ข๐ ๐š ๐š๐ก ๐ž๐ž ๐œ๐š๐š๐ฅ๐š๐ฆ๐ค๐ฎ ๐ฎ ๐ฆ๐š๐š๐ซ๐ž๐ž๐ฒ๐จ ๐ค๐š๐ฒ๐๐ค๐š ๐ช๐š๐ซ๐š๐ง๐ค๐š, ๐ฌ๐ข ๐ฅ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐จ ๐ก๐ข๐ฆ๐ข๐ฅ๐š๐๐ž๐ž๐ง๐ง๐š ๐ฅ๐š ๐ฑ๐ข๐ซ๐ข๐ข๐ซ๐ญ๐š ๐š๐›๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐ง๐ข๐๐š๐š๐ฆ ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ฑ๐š๐ฌ๐ข๐ฅ๐ฅ๐จ๐จ๐ง ๐ข๐ฌ๐ฅ๐š-๐ฆ๐š๐ซ๐ค๐š๐š๐ง๐š ๐œ๐š๐ฌ๐ซ๐ข ๐š๐ก.โ€

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay dhiggiisa Sucuudiga

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Danjire Axmed Macalin Fiqi, ayaa magaalada Riyaad ee Dalka Sacuudiga kula kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Amiir Faysal Bin Farxaan.

Kulanka labada Wasiir ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee labada dal, wasiirrada ayaa isla soo qaaday ballaarinta iskaashiga gaar ahaan dhinacyada horumarinta Dhaqaalaha, Amniga iyo Isdhaafsiga dhaqanka.

Labadaan mas’uul ayaa sidoo kale ka hadlay arrimaha Gobolka iyo kuwa caalamka ee muhiimka ah, iyagoo caddeeyay inay ka goโ€™an tahay horumarinta xasilloonida iyo barwaaqada Gobolka.

Wasiirka Waxbarashada XFS oo furay mashruuca Bile

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada XFS, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa maanta ka furay mashruuca Bile oo ay iska kaashanayaan shirkadda Tabaarak, Shabakadda Waxbarashada iyo Cilmibaarista Soomaaliyeed (SomaliREN), iyo hayโ€™adda Hormuud Salaam Fouundation, laguna tababarayo 150 arday oo jaamacadaha dalka ka dhigata cilmiga kumbuyuutarka.

Wasiir Faarax ayaa shirkadda Tabaarak, SomaliREN, iyo Hormuud Salaam Fouundation ku bogaadiyay iskaashigan lagu kobcinayo xirfadda iyo karaanka ardayda Soomaaliyeed. โ€œBulshadeennu waxay soo martay marxalad adag oo wax-wada-lahaanshuhu nagu yaraa. Waxaad bogaadinayaa shirkadda Tabaarak, SomaliREN, iyo Hormuud Salaam Foundation ee isu kaashaday hirgelinta mashruuca Bile. Waxaad tusaale fiican u tihiin macnaha ay iskaashigu iyo wax-wada-qabsigu leeyihiin.โ€ ayuu yiri Wasiir Faarax Sheekh Cabdulqaadir

Wasiirka ayaa u hambalyeeyay ardayda fursadda u heshay mashruuca Bile oo ay jaamacadaha dalku ku soo xuleen aqoontooda, dadaalkooda iyo kartidooda, waxa uuna kula dardaarmay in ay ka miradhaliyaan mashruucan oo lagu diyaarinayo xiddigaha teknoolojiyada mustaqbalka Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Wasiirka Xiriirka Dhaqaalaha iyo Horumarinta Jarmalka

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa Magaalada Washington DC ee Dalka Mareykanka kulan muhiim ah waxa uu kula yeeshay ๐๐ข๐ž๐ฅ๐ฌ ๐€๐ง๐ง๐ž๐ง oo ah Xoghaya Guud ee Wasiirka Xiriirka Dhaqaalaha iyo Horumarinta Dowladda Jarmalka, xili uu gaba gabo ku sii dhaw yahay shirka sanad laha IMF iyo Bangiga Adduunka ee 2024-ka.

Kukanka ayaa intii uu socday waxaa diiradda lagu saaray arrimaha horumarinta iyo dib-u-habeynta dhaqaalaha Soomaaliya oo ay koow ka tahay sidii labada Dal ay isaga kaashan lahaayeen kobaca maaliyadda Soomaaliya iyo Xiriirka labada dhinac ee ku qotoma Maalgalinta mashaariicda horumarineed.

Dhinaca kale Wasiirka Maaliyadda iyo Wafdiga uu hoggaaminayo waxa ay kulan miro-dhal ah la qaateen xubno sare oo ka socday Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Mareykanka oo kamid ah Dowladaha sida dhaw ugala shaqeeyay Dowladda Soomaaliya ka gun gaariddii barnaamijkii Dayn Cafinta.

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ku socoto dhabbihii ay ku muujin laheyd kaalinteeda Wadamada Gobolka ee horumarinta Hannaanka Maaliyadda oo dadaal xoogan la galiyay sanadihii la soo dhaafay

Xubno ka tirsan Guddiyada Aqalka sare oo yeeshay Aqoon iswaydaarsi

Xubnaha Guddiyada arrimaha Bulshada iyo khayraadka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta yeeshay Aqoon is-waydaarsi ku saabsan Gaaritaanka Yoolka Hormarka Waara ee Nafada, Yoolka Hormarka Waara ee Caafimaadka, Yoolka Hormarka Waara ee Waxbarashada iyo Yoolka Hormarka Waara ee Biyaha iyo Nadaafadda.

Kulanka ayaa si gaar ah loogu lafa guray arrimaha la xidhiidha horumarka Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada gaaritaanka yoolalka horumarka waara ee dhinacyada nafaqada, caafimaafka, waxbarashada, biyaha iyo nadaafadda, iyadoo xoghayaha guud ee Aqalka Sare Mudane Cabdinaasir Ibraahim Guuleed uu faahfaahiyay muhiimadda kulanka iyo waxyaabaha lagu falanqaynayo.

Guddoomiyaha Guddiga Khayraadka Sanatar Saynab Ismaaciil Maxamed iyo Guddoomiyaha Arrimaha Bulshada Sanatar Cismaan Maxamuud Dufle, oo wada jir furitaanka kulanka ka hadlay ayaa faahfaahiyay muhiimadda kulanka, iyagoo ku dheeraaday muhiimadda ay dalka u leedahay helitaanka bulsho nabdoon oo ka dheeli tiran caafimaadka, waxbarashada iyo xuquuqaadka kale ee muhiimka a dhanka kale Sanatarradda ayaa xusay faaโ€™iidada ay u leedahay in la helo bulsho dheelli tiran oo haysta asaasiyaadka nolosha.

๐—ฅ๐—ฎโ€™๐—ถ๐—ถ๐˜€๐˜‚๐—น ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐—ผ๐—ผ ๐˜…๐—ถ๐—น๐—ธ๐—ฎ ๐˜‚ ๐—ธ๐—ฎ๐—น๐—ฎ ๐˜„๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ๐—ฒ๐—ท๐—ถ๐˜†๐—ฎ๐˜† ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐ข๐ข ๐ก๐จ๐ซ๐ž ๐ž๐ž ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐‡๐š๐ฐ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐†๐ฎ๐ฎ๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐œ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐›.

Raโ€™iisul Wasaarah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xilka u kala wareejiyey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u Dhiska & Guriyeyta, Mudane Cilmi Maxamud Nuur iyo Wasiirkii hore Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali Dhaay.

Raโ€™iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in Wasaaradda Hawlaha Guud ay kamid tahay Wasaaradaha muhiimka u ah Qaranka isagoo u rajeeyay Wasiirka cusub inuu dhamaystiro qorshooyinka Xukuumadda DanQaran ee ku aaddan horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, oo ay ka hirgeliso guud ahaan dalka.

Mudane Xamsa ayaa u mahad celiyey Wasiirkii hore oo hadda noqday Raโ€™iisul Wasaare ku xigeenka labbaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, sidii xilkasnimada lahayd ee uu ugu adeegay qarankiisa muddadii uu xilka hayey, waxa uuna Alle uga baryey Wasiirka cusub in uu u fududeeyo masuuliyadda adag ee loo igmaday.

 

ย ย 

๐—ฆ๐—ต๐—ถ๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ ๐—š๐—ผ๐—น๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—ช๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐˜๐—ฎ๐˜€๐—ต๐—ถ๐—ด๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—ฑ๐—ถ๐—ฏ ๐˜‚ ๐—ณ๐˜‚๐—ฟ๐—บ๐—ฎ๐˜†

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa maanta dib uga furmay xarunta Madaxtooyada Qaranka Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo uu shir gudoominaayo Madaxweynaha JFS Dr, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wadatashiyo ka dib maanta dib la isugu soo laabtay, iyada oo diiradda lagu saaraayo Arimaha Amniga, Dowlad-dhiska iyo Doorashooyinka, iyo qodobo kale oo muhiim u ah horumarka Dalka.

Shirkan oo ah kii tobanaad Waxaa gudoominaayo Madaxweynaha JFS Dr, Xasan Sheekh Maxamuud waxaana qeyb ka ah R/Wasaaraha XFS mudane Xamse Cabdi Barre, R/wasaare xigeen mudane Saalax Jaamac Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo gudoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale.

ย ย ย 

Taliyaha Ciidanka Boliiska oo Shacabka Soomaaliyeed uga Mahadceliyay la Shaqeynta Ciidanka

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyay dadaallada joogtada ah ee ay ku bixinayaan gacansiinta Ciidanka Boliiska, si loo xaqiijiyo ilaalinta badqabka shacabka, xasilloonida iyo sugidda amniga dalkeenna.

Taliyaha ayaa xusay in dadweynuhu ay kaalin muhiim ah ka qaateen adkeynta amniga caasimadda muddadii lagu guda jiray munaasabaddii soo dhaweynta Markabka ORUร‡ REIS ee ka qabsoontay Dekedda Muqdisho, isaga oo sheegay in taas ay muujineyso sida ay laamaha boliiska Soomaaliyeed uga goโ€™an tahay xoojinta isku xirnaanta iyo iskaashiga shacabka iyo Ciidamada.

Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa qeybaha kala duwan ee Ciidamada Boliiska faray in ay sii labo laaban dadaaladooda nafhurnimada leh si ay uga feejignaadan dhagarta Cadowga, isaga oo adkeeyey ahmiyadda ay leedahay in shacabku ay si dhow ula shaqeeyaan Ciidamada Boliiska Soomaaliyeed.

GUDDIGA SHAQAALAHA RAYIDKA OO BILAABAY DIIWAANGELINTA MACALLIMIINTA QARANKA

ayadoo laga duulaayo siyaasadda Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xukuumadda Danqaran, oo aheyd sare u qaadida tayada waxbarashada iyo tirada caruurta soomaaliyeed ee aadeysa iskuulada , ayuu Guddiga Qaranka Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda Soomaaliya bilaaway diiwaangelinta dufcadii kowaad ee macallimiinta qaranka ee kasoo gudbay imtixaankii Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare ee JFS , kuwaa oo ka howlgalaayo Dugsiyada Gobolka Banaadir.

Kusimaha Guddomiyaha ahna Guddoomiye Ku Xigeenka Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda Mudane Cali Muumin Muudey oo kormeeray habsamni u socodka howlaha diiwaangelinta macallimiinta, ayaa boogaadiyaya howlwadeenada gacanta ku haaya diiwaangelinta macallimiinta.

Diwaanngelinta ayaa manta waxaa maray dhowr iskuul oo ay kamid ahaayeen , Dugsiga Sheekh Cumar Faaruuq ee Degmada Kaxda, Dugsiga Hoose iyo Dhaxe ee Kadare ee Degmada C/Casiis, Dugsiga Hoose, Dhaxe iyo Sare ee Maxamuud Mire ee Degmada Waabari , Dugsiga Maxamed Abshir , iyo Dugsiga Hoose, Dhaxe iyo Sare ee Gaashaanle ee Degmada Shibis.

Howshaan diiwnaagelinta macallimiinta, ayaa qeyb ka ah fulinta siyaasada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ay ku qaadaneyso Toban Kun oo macallin , ee ka howlgalaayo dhammaan degmooyinka iyo deegaanada dalka.

 

ย ย