‘Waxaa si dhab ah u billownay sahankii iyo geeddigii lagu carraabinayay Gaajada iyo Faqriga’ (WARBIXIN)

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga dalka Turkiga Dr. Alparslan Baytaktar iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa dhawaan soo gaaray magaalada Muqdisho, si uu uga qeyb galo munaasabadda soo dhaweynta Markabla shidaalka sahminaya Oruc Reis, kaasi oo ku soo xirtay Dekedda Muqdisho, balse waxa uu Saakay u ambabaxay Deegaamaddii uu sahanka baariseedka ka bilaabi lahaa, taasi oo ah 3 Xermo oo ku teedsan Xeebaha magaalooyinka Mareeg ilaa Hobyo ee maamul Goboleedka Galmudug.

Wasiirka Batroolka XFS C/risaaq Cumar iyo Mas’uuliyiin kale ayaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde. “Imaatinka Mudane Baytaktar iyo wufuudda kale ee dalka soo gaaray ayaa caddeyn u ah sida ay dhacdada maanta loo taagan yahay u noqonayso daahfurka marxalad cusub oo horumar ku soo kordhinaya xiriirka iskaashiga dhaqaale ee labada dal” ayuu yiri Wasiirka Batroolka iyo Keyraadka Dabiiciga ee XFS Cabdirisaaq Cumar.

“Anigoo ku hadlaya magaca Umadda Soomaalyeed waxaan u mahadcelinayaa shacabka, Dowladda Turkiga iyo hoggaankeeda Mudane Rajab Dayib Ordogan oo markasta oo aad istiraahdid Soomaaliya waa laga sii jeestay dib u xasuusiya caalamka. Maanta mar kale ayaad qaadateen go’aan ku saabsan xoojinta horumarka, dhaqaalaha iyo awoodda Soomaaliya”, sidaasi waxaa yiri:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, “Soomaliya waa cusub ayaa u baryey Shidaalka dalkeena ku jiro ayaan la soo baxeena”, ayuu sii raaciyay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kaga qeybgalay Dekedda Muqdisho munaasabad lagu soo dhaweynayey Markabka ORUC REIS oo baaris ku sameynaya Shidaalka dalkeenna ayaa xusay rajada ay leedahay Soomaaliya oo ka faa’iidaysta khayraadkeeda, wuxuuna intaasi raaciyay in tallaabadani ay tahay mid taariikhi ah oo horseedi doonta horumar dhaqaale iyo shaqo abuur ballaaran, isagoo soo bandhigay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay in ay si wanaagsan uga faa’iideysato kheyraadka dabiiciga ah ee dalku leeyahay, iyada oo ilaalinaysa danta guud iyo maslaxadda Shacabka.

Munaasabaddan oo ay ka soo qeybgaleen masuuliyiin ka tirsan dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu u mahadceliyey Madaweynaha Turkiga Mudan Rajab Dayib Ordogan iyo Shacabka dalkaasi oo si Walaalnimo ah u garab istaagay dowlad-dhiska iyo horumarinta Soomaaliya. “Anigoo ku hadlaya magaca Umadda Soomaalyeed waxaan u mahadcelinayaa shacabka, Dowladda Turkiga iyo hoggaankeeda Mudane Rajab Dayib Ordogan oo markasta oo aad istiraahdid Soomaaliya waa laga sii jeestay dib u xasuusiya caalamka. Maanta mar kale ayaad qaadateen go’aan ku saabsan xoojinta horumarka, dhaqaalaha iyo awoodda Soomaaliya”.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka  Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa isna ku dhawaaqay ‘in aan si dhab ah u billownay sahankii iyo geeddigii looga bixi lahaa gaajada iyo faqriga’, isagoo  ka hadlayay munaasabad galabtaasi lagu soo dhaweynayay Markabka Oruc Reis oo baaris ku sameynaya shidaalka Soomaaliya ayaa sheegay in Alle idankii Soomaaliya ay ka gudbi doonto saboolnomada, isla markaana ay maanta billaabatay howshii aan uga faa’iideysan lahayn kheyraadka dabiiciga ah ee Illaahey dalkeenna dhex dhigay.”

Mudane Xamsa ayaa isna sidoo kale u mahadceliyay shacabka iyo dowladda Turkiye, isagoo intaa raaciyay in shacabka Soomaaliyeed ay maanta ku faraxsan yihiin in aan u taagan nahay dhaqan-gelinta heshiisyadii aan la galnay walaalaheenna Turkige, kuwaasi oo ku saabsanaa amniga, dhaqaalaha, iyo soo saarista shidaalka, kuwaasi oo uu sheegay inay ay horseed u noqon doonaan kobcinta dhaqaalaha dalka, sugidda amniga iyo dalkeenu gaaro isku filnaansho dhan walba ah.

Bayaanka DFS ee Imaatinka Oruc Reis, Markabka Cilmi-baarista ee Badda Turkiga ee Ururinta Xogta Seismic ee 3D ee Biyaha Soomaaliya.

“Maanta, waxaan u dabaaldageynaa guul muhiim ah anagoo Soomaaliya ku soo dhaweynayna Oruc Reis, oo ah markab cilmi baaris ah oo laga leeyahay dalka Turkiga. Markabkani waxa uu qaban doonaa howsha ugu muhiimsan ee sameynta xog-ururinta seismic-ka 3D-ga ee dhulkeena ee Badda ah. Dhacdadani waxay muujinaysaa rajo iyo horumar, taasoo ka dhigan tallaabo muhim ah oo loo qaaday ka faa’iidaysiga awoodda dhaqaale ee ballaaran ee Soomaaliya”.

“Sahaminta Shidaal-biyoodka ee badda Soomaaliya waxay u heleysaa fursado wax-ka-beddel ah oo Ummaddeena ah, iyadoo awood loo leeyahay in aan daaha ka qaadno kheyraadka horseedi kara horumar iyo barwaaqo waara. Waxaan rajo wanaagsan ka qabnaa in cilmi-baarista la sameynayo 5-ta illaa 7-da bilood ee soo socda ay xaqiijin doonto awoodda Soomaaliya ay u leedahay in ay abuurto Warshado shidaal oo ganacsi ahaan wax ku ool ah. Daah-furka noocan oo kale ah wuxuu aas-aas ahaan u beddeli karaa muuqaalkeenna dhaqaale, soo jiidashada maalgashi cusub, abuurista shaqo, iyo kobcinta korriinka muddada dheer”.

Bayaan ayaa lagu yiri:- “Guushan ayaa ka tarjumeysa sida joogtada ah ee ay uga go’an tahay maamulka hadda jira ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya, kor u qaadista amniga iyo horumarinta qiyamka dimoqraadiyadda. Aragtida Madaxweynaha ee Soomaaliya barwaaqo iyo xasillooni waxay sii wadaa inay dhiirigeliso hindisayaal geesinimo leh oo kan oo kale ah, oo Ummaddeenna ku hagaya mustaqbal ifaya”.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si kal iyo laab ah ugu mahadcelineysaa saaxiibada Turkige iyo cid kasta oo ka qeyb qaadatay mashruucan muhiim ka ah. Waxaan weli rajo ka qabnaa saameynta wanaagsan ee sahamintani ku yeelan doonto mustaqbalka Soomaaliya.

By. C/lahi Ruush

Wasiirka Amniga Gudaha iyo Saraakiisha ciidanka oo kormeer shaqo ku tagay qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee XFS Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxyidiin, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Asad Cusmaan Cabdullaahi, Taliye ku xigeenka Booliska, Kaaliyaha dhanka amniga ee hay’adda NISA iyo Taliyaha qeybta guud ee booliska Gobolka Banaadir ayaa kormeer wadajir ah ku tagay degmooyinka Dharkenley iyo Kaxda ee gobolka Benaadir.

Kormeerkan waxaa sidoo kale ka qayb galay Guddoomiyaha degmada Dharkenley Yuusuf Xundubay, iyagoo socod dheer oo amni xaqiijin ah kusoo maray dhammaan waaxyaha labada degmo, waxayna wasiirka iyo saraakiishu u kuur galeen hannaanka shaqo ee Ciidamada Ammaanku ay waajibaadkooda u gudanayaan.

Dadka shacabka ee intii kormeerku socday ay la kulmeen ayey madaxda amnigu kala hadleen sidii ay u gudan lahaayeen doorkooda arrimaha amniga iyo caqabadaha ay la kulmaan, si loo wanaajiyo xiriirka bulshada iyo Hay’adaha Amniga ee dowladda.

 

  

Taliyaha ciidamada xoogga dalka oo xafiiskiisa kula kulmay wafdi ka socda Turkiga

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi sare oo ka socday Dowladda Turkiga dhawaana soo gaaray Muqdisho.

Wafdigaan waxaa Hogaaminayay ku-xigeenka agaasimaha Guud ee Wasaaradda Difaaca Qaranka Turkiga, Sarreeye Guuto Soner Oruçoğlu, waxaana ku wahlinayay masuuliyiin sar sare oo Turkiga u qaabilsan dhanka dhismaha Ciidamada.

Waxaa kulankaan diiradda lagu saaray dhismaha Ciidamada XDS, maadaama Dowladda Turkiga ay kaalin-weyn ku leedahay, dhismaha Ciidamada, Diyaarinta iyo Qalabeynta Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Taliyaha Ciidanka XDS S/gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa Dowladda Turkiga ku amaanay garab istaaga joogtada ah oo ay la garab-taagantahay Dalkeena, waxuuna balan-qaaday in si dhab ah looga faa’iidaysan doono fursadaha Ciidan ee Dalkeenu ka helaayo Dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga.

     

Shir ku Saabsan Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP) oo lagu qabtay xarunta wasaaradda arrimaha dibadda

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Mudane Cali Cumar (Cali Balcad), ayaa shir guddoomiyay kulan lagu jaangoynayo yoolalka Wasaaradda iyo Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee Soomaaliya (NTP 2025-2029).

Kulanka waxaa ka qaybgalay Xoghayaha Joogtada ah Mudane Hamza Aadan Haadow iyo Agaasimeyaasha Wasaaradda, iyagoo diiradda saaray arrimaha mudnaanta leh ee diblomaasiyadda iyo xoojinta iskaashiga caalamiga ah.

Qorshaha Isbeddelka Qaran (NTP 2025-2029) waa khariidad lagu gaaraayo koritaanka dhaqaalaha iyo dib-u-habaynta maamulka, kaas oo xoojindoono xasilloonida gobolka, isku xirka dhaqaalaha, iyo saameynta caalamiga ah ee dalka. Kulanku wuxuu xoogga saaray horumarinta yoolalka diblomaasiyadda iyadoo loo marayo iskaashiga goboleed, ka qaybgalka qurba-joogta, iyo soo jiidashada maalgashiga.

Agaasimaha Waaxda Iskaashiga Caalamiga ah ee Wasaaradda, Mudane Jibriil Afyare, ayaa soo bandhigay hindisayaal la jaanqaadaya Qorshaha, halka Agaasimaha Arrimaha Sharciga, Mudane Mahad Maxamed, uu ka hadlay arrimo la xiriira xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed.

Wasaaraddu waxay ballan qaaday inay taageerto horumarinta qaranka iyo isku xirka caalamka.

  

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta XFS “Waxaan mar kasta u taaganahay fulinta qorshayaasha, siyaasadaha guud iyo midnimada qaranka”

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane H.E. Abdirizak Omar Mohamed oo shir jiraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa ka hadlay dhacdadii hadal haynta badan dhalisay ee sawirka MAPKA qaldanaa oo lagu soo bandhigay xafladdii soo-dhawaynta Markabka Oruc Reis ee shalay ka dhacday Muqdisho.

Wasiirka oo ka cudur-daartay cilladdaas farsamo ee sida qaldan ku dhacday ayaa sheegay in ay markasta u taagan yihiin fulinta qorshayaasha iyo siyaasadaha guud ee qaran, kuwaas oo ku salaysan ilaalinta midnimada iyo wadajirka dadka iyo dalka Soomaaliyeed”.

Sidoo kale, warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Badroolka iyo Macdanta xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu faah faahiyay sababta keentay cilladda farsamo, cidda ka dambeysay iyo waliba iyo qaladkaas dhacay in aan looga dan lahayn kala qeybin siyaasadeed, gobol iyo deegaan gaar ah midna.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Batroolka iyo Macdanta XFS Maxamed Xaashi ayaa akhriyay warsaxaafadeedka oo sida u dhignaa:-

”Bismilaahi Raxmaani Raxmiin, waxaana shacabka Soomaaliyeed ooga mahad naqayaa sida niyadda samida iyo wanaagga lahayd ee ay ugu dabaaldegeen dhacdadii taariikhiga ahayd ee imaatinka markabka sahminta shidaalka ee ORUC REIS ee qeyb ka ahaa dadaallada loogu jiro ka faa’ideysiga kheyraadka dabiiciga ah ee dalkeenna si loo gaaro horumar dhaqaale iyo isku filnaasho nololeed, waxaa hubaal ah in dhacdadii shalay ay ahayd mira dhal ka dhashay shaqo qaran oo aad u baaxad weyn taas oo ah qabashadeeda uu mashquul iyo waqti dheerka  galay howlwadeennadii u xilsaarnaa howshani taariikhiga ah, sida la wada filan karana shaqo kasta oo culeyskeeda intaa la egyahay natiijada laga rabaa guul qaran oo ummadda oo dhan ka wada farxiso tahay, waxaa suurta gal ah in ay dhacaan qaladaad farsamo oo aan ku talagal ahayn”,.

”Annagoo taa ka duuleyno waxaa ka cudur-daaraneynaa ciladihii farsamo ee soo baxay intii howshu socotay, taas oo ay ka mid tahay sawirka qariiradda ama Mapka lagu soo bandhigay munaasabaddii soo dhoweynta ee markabka, kaas oo ahaa mid ka yimid shirkaddii qaabilsaneyd naqshadeynta iyo hagaajinta muuqaalka munsaabadda, waxay shirkaddu isticmaashay Map aan ahayn midkii saxda ahaa, markii la wadaagnay falcelinta dadweynaha ka timid waxay noogu cudurdaareen in qaladkaas si aan ku talagal ahayn uga dhacay, maadaama ay adeegsadeen Map ay horay dad kale u sameeyeen oo internetka ku jiray, kaas oo wax xiriir ah la lahayn shaqadii wasaaradda Badroolka uga wakiilka ahayd guud ahaan xukuumadda iyo qaranka Soomaaliyeed”.

”Wasaaraddu waxay u taagan tahay fulinta iyo ku shaqeynta siyaasadaha guud ee qaranka, kuwaas oo jiheyn iyo jaangoyn ku sameeya wax kasta oo la qabanaayo, sida ku cad bogga rasmiga ah ee wasaaraddu macluumaadkeedu kula wadaagto bulshada, mana jiro meel aan ku isticmaalnay Map la mid ah kan hadda sida qaladka ah ugu yimid dhinaca shirkaddii nagala shaqeyneysay munaasabadda, sidaas darteed, waxaan bulshada Soomaaliyeed ka raali gelineynaa cilad kasta oo farsamo oo saameyn ku yeelatay yiddidiiladii iyo farxaddii ay qabeen, waxaan xaqiijineynaa in hoggaanka iyo howlwadeennadu wasaaraddu ay markasta u taagan yihiin in dadka iyo dalka ugu adeegaan si waafaqsan shuruucda iyo mabaadi’da guud ee Dowladnimadeenu ku dhisan tahay, kuwaas oo aan meelna ka soo gelin kala qoqob, kala qeybin siyaasadeed, gobol iyo deegaan gaar ah ka dhan ah. Waad Mahadsantihiin,”.

Mas’uuliyiinta hay’adaha ammaanka oo ka qeyb galay howlgallo lagu xaqiijinayay amniga caasimadda

Wasiirka Amniga Gudaha mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, Taliyeyaasha Ciidamada Booliska, Sirdoonka Qaranka iyo Saraakiil kale ayaa xalay Ciidamada ammaanka kala qayb galay, howgallo saf ballaaran ah oo lagu xaqiijinayay ammaanka caasimadda Magaalada Muqdisho.

Mas’uuliyiinta ayaa ciidamada kala qayb galay socod dheer oo amni xaqiijin ah oo lagu soo maray dhammaan degmooyinka gobolka Benaadir iyo deegaanNada dhaca duleedka caasimadda, iyaga oo u kuur galay hannaanka shaqo ee ciidamadu u gudanayaan waajibaadkooda isla markaana shacabka ka xog wareystay caqabadaha amni ee ay la kulmaan.

Wasiirka iyo Taliyeyaasha ayaa wadajir u faray Saraakiisha ciidamada in ay dardar galiyaan howgalada lagu sugayo amniga magaalada, iyaga oo xusay in ay joogteyndoonaan kormeerada loogu kuur galayo shaqada ciidamada ammaanka, si looga hortago falalka argagixisadu ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka Warfaafinta oo kormeer ku tagay xarunta diyaarinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo kormeer ku tagay xarunta diyaarinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka ayaa booqday qeyabaha kala duwan ee sheybaarada lagu diyaarinayo qorshaha isaga oo ku dhiiragaliyay hawlwadeenada kala duwan shaqada muhiimka ah ay u haayaan Qaranka.

Mudane Daa’uud Aweys Jaamac Wasiirka Wasiirka Warfaafinta ayaa si gaar ah kulan ula yeeshay masuuliyiinta iyo howlwadeennada kala duwan ee ka shaqaynayay Qorshaha Warbaahinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, isagoo wasiirku uu ka dhagaystay warbixinta shaqada ay haayaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaalia Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 16-kii Bishaan October si rasmi ah u daah furay Qorista Qorshaha Isbadalka Qaranka, kaasi oo hadda diyaarintiisa ay ku howlanyihiin masuuliyiin iyo howlwadeenno kala duwan oo ka socda Wasaaradaha iyo Hay’adaha kala duwan ee dowladda.

Taliyaha Ciidanka Boliiska oo sagootiyay saraakiil tababar ku soo qaadan doono dalka Masar

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa sagootin rasmi ah u sameeyay leyli saraakiil oo muddo sanad ah tababar ugu maqnaa dalka Masar.

Saraakiishan oo dalka dib ugu soo laabtay si ay daraasado la xiriira waxbarashadooda u sameeyaan, ayaa hadda mar kale dib ugu laabanaya Masar si ay u sii wataan tababarkooda.

Taliyaha ayaa kula dardaarmay in ay si hufan uga faa’iideystaan tababarka mudada u harsan.

Wuxuu sidoo kale u rajeeyay in ay si guul leh ku dhammaystaan tababarkooda, si ay ugu adeegaan Qaranka Soomaaliyeed iyagoo xirfad iyo aqoon sare leh.

   

 

Xildhibaanada labada Aqal oo ansixiyay xiisaabxirka miisaaniyadda sanadkii 2023

Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay xiisaabxirka miisaaniyadda sanadkii 2023, waxaana ogolaatay 167-Xildhibaan ,sedax xildhibaan ayaa diiday wax ka aamusay ma jirin.

Israa’iil oo weerartay bartilmaameedyo ku yaalla Dalka Iran

Ciidamada Israa’iil ayaa weerarro ku qaaday bartilmaameedyo militari oo ku yaalla dalka Iran, iyagoo ka jawaabaya waxa ay ku sheegeen weerarro bilo ah oo Iran iyo xulufo raacsan ay ka geysteen gudaha dalkaasi.

Milateriga Iran ayaa xaqiijiyay in duqeymaha Israa’iil ay la beegsatay saldhigyo ciidan oo ku yaalla gobollada Ilam, Khuzestan iyo Tehran, kuwaas oo  geystay khasaare xaddidan.

Israa’iil waxay ka digtay in haddii Iran ay fuliso weerarro aargoosi ah ay waajib ku tahay inay ku jawaabaan ficil mileteri.

Qaramada Midoobay ayaa ka walaacsan in dambiyo fool xun lagu fuliyo waqooyiga Gaza iyada oo go’doominta Israel iyo ,duqeymaha aan joogsiga lahayn ee dhulka ay galayaan usbuucii afaraad.

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa sheegtay in 41 qof lagu dilay 133 kalena lagu dhaawacay weerarrada Israa’iil ee dalka oo dhan Jimcihii.

Qaza tirada dhimashada ayaa mareysa  ugu yaraan 42,847 qof ,halka dhaawacana lagu sheegay 100,544,iyadoo dhinaca Lubnaan ay dhimashadu ku dhowdahay 3 kun.