Saraakiil ka tirsan SoDMA oo aqoon is weeydaarsi ugu soo gabagaboobay China

Khubarro iyo Saraakiil ka Socda Hey’adda SoDMA ayaa safar aqoon is weeydaarsi iyo tababar ugu soo gabagaboobay dalka Shiinaha.

Tababarka aya lagu baranayey maareynta qataraha musiibooyinka iyo ka jawaabida xaaladaha degdega ah, iyadoo sidoo kale hab baraatikaal ah loo tusay sida loo mareeye masiibooyinka.

Tababarkaan ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeyb galay dalalka kala ah, Masar, Tanzania, Sri Lanka iyo Bangladesh waxaa uuna socday muddo 15 maalin ah.

Danjiraha Soomaaliya ee Mareykanka oo si wayn loogu Minneapolis

Danjiraha Dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Mareykanka, Amb. Dahir Hassan Carab, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa soo gaaray magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota, halkaas oo jaaliyadda Soomaaliyeed si heer sare ah ugu soo dhaweeyeen.

Intaa kadib, Danjiraha ayaa la filayaa inuu kulamo gaar ah la qaato jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minnesota, isagoo diiradda saari doona sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhexeeya bulshada Soomaaliyeed ee Mareykanka iyo Dowladda Soomaaliya.

Kulamadan ayaa noqon doona fursad uu Danjiruhu jaaliyadda kala hadlo arrimo muhiim ah oo ku saabsan horumarinta bulshada iyo daryeelka jaaliyadda, isagoo sidoo kale u sheegi doona dadaalka safaaradda ee ku wajahan kobcinta danaha Soomaaliyeed ee Mareykanka.

Madaxweyne Xasan Sheekh: “Maanta waa maalin kale oo caalamku arkayo in la maal-gashan karo soomaaliya”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kaga qeybgalay Dekedda Muqdisho munaasabad lagu soo dhaweynayey Markabka ORUC REIS oo baaris ku sameynaya shidaalka dalkeenna ayaa xusay rajada ay leedahay Soomaaliya oo ka faa’iidaysta khayraadkeeda.

Madaxweynaha ayaa sheegay in tallaabadani ay tahay mid taariikhi ah oo horseedi doonta horumar dhaqaale iyo shaqo abuur ballaaran. Isagoo soo bandhigay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay in ay si wanaagsan uga faa’iideysato kheyraadka dabiiciga ah ee dalku leeyahay, iyada oo ilaalinaysa danta guud iyo maslaxadda shacabka.

Munaasabaddan oo ay ka soo qeybgaleen masuuliyiin ka tirsan dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu u mahadceliyey Madaweynaha Turkiga Mudan Rajab Dayib Ordogan iyo shacabka dalkaas oo si walaalnimo ah u garab istaagay dowlad-dhiska iyo horumarinta Soomaaliya.

“Anigoo ku hadlaya magaca Umadda Soomaalyeed waxaan u mahadcelinayaa shacabka, Dowladda Turkiga iyo hoggaankeeda Mudane Rajab Dayib Ordogan oo markasta oo aad istiraahdid Soomaaliya waa laga sii jeestay dib u xasuusiya caalamka. Maanta mar kale ayaad qaadateen go’aan ku saabsan xoojinta horumarka, dhaqaalaha iyo awoodda Soomaaliya”.

  

Ra’iisul Wasaare Xamsa: “Waxaan maanta si dhab ah u billownay sahankii iyo geedigii lagu carraabin lahaa gaajada iyo faqriga.”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka  Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta ku dhawaaqay in aan si dhab ah u billownay sahankii iyo geeddigii looga bixi lahaa gaajada iyo faqriga.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayay munaasabad galabta lagu soo dhaweynayay Markabka Oruc Reis oo baaris ku sameynaya shidaalka Soomaaliya, ayna ka qaybgaleen madaxda Qaranka oo uu ugu horreeyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in Alle idankii Soomaaliya ay ka gudbi doonto saboolnomada, isla markaana ay maanta billaabatay hawshii aan uga faa’iideysan lahayn kheyraadka dabiiciga ah ee Illaahey dalkeena dhex dhigay.

Mudane Xamsa ayaa u mahadceliyay shacabka iyo dowladda Turkiye, isagoo intaa raaciyay in shacabka Soomaaliyeed ay maanta ku faraxsan yihiin in aan u taaganahay dhaqan-gelinta heshiisyadii aan la galnay walaalaheenna Turkiga, kuwaas oo ku saabsanaa amniga, dhaqaalaha, iyo soo saarista shidaalka, kuwaasi oo uu sheegay inay ay horseed u noqon doonaan kobcinta dhaqaalaha dalka, sugidda amniga iyo dalkeenu gaaro isku filnaansho dhan walba ah.

  

Wasiirka Batroolka XFS oo ka hadlay marxaladihii kala duwan uu soo maray qorshaha sahminta shidaalka

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya, Cabdirasaaq Cumar Maxamed, ayaa maanta ka warbixiyay marxaladaha kala duwan ee uu soo maray qorshaha sahminta shidaalka, isaga oo hadal ka jeediyay munaasabad lagu qabtay dekedda Muqdisho si loogu soo dhaweeyo Markabka ORUC REIS oo ah markab u xil-saaran sahminta shidaalka Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in dadaalladan ay billowdeen sanadkii 2013, xilligaas oo uu madaxweyne dalka ka ahaa Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuuna xusay in barnaamijkan uu haatan marayo heerkii ugu dambeeyay ka hor inta aan la bilaabin qodista shidaalka.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu wasiirku sheegay in qodista shidaalka ay noqon doonto tallaabada xigta ee la sugayo, kaddib marka la soo saaro natiijada baarista ee 3D seismic, taas oo go’aamin doonta macluumaadka goobaha shidaalka laga heli karo.

Ugu dambeyn, WasiirCabdirasaaq Cumar Maxamed ayaa uga mahadceliyay dhammaan masuuliyiinta iyo madaxda kale ee ka qeyb qaatay hirgelinta barnaamijkan, kuwaas oo uu ugu horreeyo madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud, Wasiirka Gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur, iyo madaxda maamul goboleedyada dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay soo dhaweynta Markabka ORUC REIS oo baaris ku sameynaya shidaalka Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka qeybgalay munaasabad lagu qabtay Dekedda Muqdisho oo lagu soo dhaweynayay Markabka ORUC REIS, kaas oo baaris ku sameyn doona shidaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa uga mahadceliyay shacabka iyo dowladda Turkiga, gaar ahaan Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, doorka muhiimka ah ee ay ka qaateen taageerada Soomaaliya.

Waxa uu xusay safarkii Madaxweyne Erdogan uu ku yimid Muqdisho xilli abaar daran ay ka jirtay dalka, markaas oo uu keenay gargaar bani’aadantinimo oo lagu badbaadiyay kumanaan qof oo Soomaali ah.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay hadda marayso marxalad muhiim ah oo u baahan dhaqaale dib loogu dhiso,

“Iyada oo la is weydiinaayo Soomaaliya mala maalgeshan karaa; ayay walaalaheen Turkiga iyo madaxweyne Erdogan heshiis la galeen dowladda Soomaaliya, heshiiskani oo horseed u noqday in markabkan maanta ku soo xerto dekadda Muqdisho.” ayuu yiri Madaxweynaha.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa xusay in intii markabka uu usoo socday Muqdisho ay jireen dhinacyo badan oo doonaya in ay wax ka ogaadaan fursadaha maalgelin ee Soomaaliya.

Mudane Xasan Sheekh ayaa shacabka Soomaaliyeed ku booriyay in ay muujiyaan midnimo, ayna ka shaqeeyaan sidii looga faa’iideysan lahaa khayraadka dalka, oo uu ka mid yahay shidaalka.

Wuxuu sidoo kale bogaadiyay dadaalka ay Xukuumadda Dan Qaran iyo Baarlamaanka Federaalka ku bixiyeen ansixinta heshiiska dhexmaray Soomaaliya iyo Turkiga.

“Hadalkii ahaa ‘maalmaha wacnaa way soo socdaan’ bilowgiisii ayaan joognaa, kuwa aad u waaweynna way soo socdaan,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

   

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka hadlay Howlgalinta Markabka Sahminta Shidaalka Oruç Reis

Wasiirka Warfaafinta XFS, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa ka qeyb galay xaflad ballaaran oo lagu qabtay dekedda magaalada Muqdisho, taas oo loo sameeyay howlgalinta markabka sahminta shidaalka ee Oruç Reis.

Wasiirka ayaa munaasabadda ku tilmaamay mid taariikhi ah oo fursad weyn u ah dalka, si uu uga baxo xaalada adag ee uu ku jiray dhowr sano.

Mudane Daa’uud Aweys ayaa sheegay in mashruuca sahminta shidaalka uu wax badan ka bedeli doono mustaqbalka Soomaaliya iyo sawirka guud ee caalamka looga haysto dalka.

Wasiirka oo sharaxaad ka bixinayay marxaladaha uu mashruucu soo maray, ayaa xusay in heshiiska uu ku bilawday wada shaqeyn rasmi ah oo ay wada saxiixdeen dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga.

Isagoo hadalkiisa sii wata, Wasiirka ayaa sheegay in maalmihii la soo dhaafay ay socdeen diyaar garow xoogan, si qorshahan muhiimka ah loo fuliyo.

Markabka sahminta shidaalka ee Oruç Reis ayaa la filayaa inuu door weyn ka qaato sahaminta shidaalka badda Soomaaliya, taas oo ah tallaabo muhiim ah oo wax weyn ka tari karta culeysyada dhaqaale ee dalka muddo dheer la tacaalayay.

Madaxweynaha Hirshabeelle oo dhiirigelin ugu tagay ciidamada howgalka ka wada wadada isku-xirto Balcad iyo Jowhar

Jowhar: Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa tagay deegaanka Mukay-dheere oo ay ku sugan yihiin saraakiisha hoggaamineyso howgalka Ciidamada Dowladda Hirshabeelle iyo kuwa Xoogga Dalka ee lagu soo af-jarayo Khawaarijta.

Ugu horreyn Taliyaha Ciidamada Booliska Dowladda Hirshabeelle ayaa Madaxweynaha warbixin ka siiyay sida uu socdo howgalka.

Taliyaha ayaa warbixintiisa ku xusay inay sahaydii ka jareen Khawaarijta ku sugan deegaanka Yaaqle oo ay wajahayaan go’doon adag xilligan.

“Waxaan halkan idin kugu imid sidii aad u dardargelin laheyd dagaalka aan Hirshabeelle kaga cirib-tireyno Khawaarijta.”

Sidoo kale Guddoomiyaha Degmada Balcad Qaasim Maxamed Nuur ayaa geel ku wareejiyay ciidamada taas oo qeyb ka ah dhiirogelinta ciidamada nadtood-hurayaasha ah.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa xusay kaddib howgalka inuu bilaaban doono dhismaha laamiga isku-xirayo magaalooyinka Balcad iyo Jowhar.

Israa’iil oo duqeymo ku dishay 3 wariye iyo dad kale oo rayid ah

Weerar ay ciidamada Israa’iil ku qaadeen Khan Younis ayaa lagu dilay ugu yaraan 38 qof oo ka soo jeeda hal qoys, oo ay ku jiraan 14 carruur ah.

Difaaca madaniga ah ee Gaza ayaa ka digay khasaare ballaaran ka dib markii millatariga Israel ay diqeeyeen dhismooyin badan oo ku yaal waqooyiga Gaza ee xerada qaxootiga ee Jabalia,kaas oo lagu tilmaamay xasuuq bahalnimo ah oo aad u weyn.

Dhanka kale,saddex wariye oo ka warramayay dagaalka ay Israa’iil ku hayso Lubnaan ayaa lagu dilay weerar ay Israa’iil la beegsatay guri ay degganaayeen oo ku yaalla degaanka Hasbaiyya ee koonfurta Lubnaan.

Weerarrada Israa’iil waxay ku dileen ugu yaraan 19 qof guud ahaan Lubnaan 24-kii saac ee la soo dhaafay, taasoo tirada guud ee dhimashada tan iyo markii uu dagaalka billowday Oktoobar 2023 ka dhigaysa 2,593.

Wafdi ka socda Israel ayaa u safri doona Dooxa Axadda ka dib markii Qatar iyo Maraykanku ay ku dhawaaqeen in wada-xaajoodayaashu ay ku kulmi doonaan caasimadda Qatar si ay isugu dayaan dib u bilaabidda wadahadaladii xabad joojinta.

Tirada dhimashada dadka reer Qaza ayaa mareysa  ugu yaraan 42,847 ,halka dhaawaca lagu sheegay 100,544 .

Madaxweynaha Soomaaliya oo madaxtooyada ku qaabilay wafdi ka socday Turkiye

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay, Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Jamhuuriyadda Turkiga, Dr. Alparslan Bayraktar iyo wafdi uu hoggaasminaayey.

Wafdigaan ayaa  ka qeybgalaya Munaasabadda taariikhiga ah ee soo dhawaynta Markabka Oruc Reis ee howlo laxiriira sahminta shidaal  u yimid dalka.

Kulanka Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo mas’uuliyiinta dowladda Turkiga, waxaa ka qayb galay Ra’iisulwasaaraha XFS mudane Xamse Cabdi Barre iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.