Wasiirro ka tirsan XFS oo soo dhoweeyay wafdi ka socda Turkiga oo soo gaaray Muqdisho.

Wasiiro ka tirsan XFS oo ay kamid ahaayeen Wasiirka Batroolka XFS Cabdirasaaq Cumar Maxamed  ,Wasiirka Gaashaandhigga C/Qaadir Maxamed Nuur iyo mas’uuliyiin kale ayaa maanta garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ku soo soo dhaweeyay Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Turkiga Al-Bashaan Beyraq iyo xubno kale oo la socday.

wafdiga uu hoggaaminaayo Wasiirka Tamarta ee Turkiga ayaa ka qeybgalaya xafladda loo sameynayo howlgalinta markabka sahminta shidaalka ee haatan ku xiran dekedda Magaalada Muqdisho.

Shalay waxaa dalka soo gaaray wafdi hordhac ah oo uu hoggaaminaayey wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga Turkiga Muusa Heylad iyo Maareeyaha Batroolka Turkiga Axmed Tuglo

Wasiirka Maaliyadda XFS oo la kulmay madaxda Yurub ee xaadiray shirka Hey’adda Lacagta iyo Bangiga Adduunka

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS oo ka qeybgalaya shirka sanadlaha ah ee hey’adda lacagta IMF iyo Bangiga Adduunka ayaa kulamo doceedyo miro-dhal ah la yeeshay masuuliyiin ka socotay Dalalka Qaaradda Yurub ee qeybta ka ah ama ka shaqeeya horumarinta dhaqaalaha ee  Soomaaliya.

Kulamadaasi oo ka dhacay Magaalada Washingyon waxaa looga hadlay ama uu salka ku hayaa horumarinta Dhaqaalaha guud iyo dib-u-habeynta Maaliyadda Soomaaliya.

Kulamadii uu Wasiirku la yeeshay madaxda Yurub waxaa kamid ahaa:-

𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐔𝐊

Wasiirka Maaliyadda XFS iyo Wafdigii uu hoggaaminayay ayaa wada-xaajiod midho-dhal ah Washington ku la yeeshay 𝐌𝐫. 𝐍𝐢𝐜𝐤 𝐃𝐲𝐞𝐫 oo ka socda Wasaaradda Arimaha Debedda iyo Horumarinta ee Dawladda UK.

Kukanka ayaa diiradda lagu saaray sidii ay Dowladda UK u kordhin lahaayeen taageerada ay siiyaan Dowladda Soomalaiya, taas oo qeyb ka qaadanaysa dar-dar galinta qorshayaasha horumarineed ee dib-u-habaynta hanaanka dhaqaalaha guud ee Soomaaliya.

𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐍𝐨𝐫𝐰𝐚𝐲

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa kulan muhiimad gaar ah lahaa la qaatay Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caalamiga ah ee Dowladda Norway haweenayda lagu magacaabo 𝐀𝐧𝐧𝐞 𝐁𝐞𝐚𝐭𝐡𝐞 iyo masuuliyiintii la scotay.

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay Dowladda Norway kaalintii ay ka qaadatay in Soomaaliya ay ka baxdo dalalka loo yaqaano ‘kuwa ay la dageen Qaamaha’ (𝐇𝐈𝐏𝐂) taas oo Dowladda Soomaaliya Masiib wanaag ay ka baxday dabayaaqadii 2023-kii.

𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐰𝐞𝐝𝐞𝐧

Kulankan oo ka mid ahaa kulamo doceedyada Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige aey la yeesheen Wafdigii ka socday Dowladda Sweden, gaar ahaan gabadha lagu magacaabo 𝐃𝐢𝐚𝐧𝐚 𝐉𝐚𝐧𝐬𝐞 oo ah madaxa xafiiska horumarinta Siyaasadda iyo Diblumaasiyadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dowladda Sweden, wadahadalka labada dhinac waxaa ugu muhiimsanaa maalgalinta arrimaha isbadalka cimilada oo saameyn ku yeeshay dhaqaalaha dunida oo Soomaaliya na ay qeyb ka tahay.

𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐩𝐚𝐢𝐧

Wasiirka Maaliyadda oo ka warbixinaya kulankii uu la qaatay Wafdiga Dowladda Spain ayaa yiri “Waxa fursad ii ahayd in aan la kulmo 𝐌𝐬. 𝐏𝐚𝐮𝐥𝐚 𝐂𝐨𝐧𝐭𝐡𝐞 oo ah Xoghayaha Guud ee Maamulka Lacagta iyo Maaliyadda Caalamiga ah ee Wasaaradda Maaliyadda Spain, iyada oo la gu jiro shirarka sanadlaha ah ee Bangiga iyo IMF.

Waxa aan falanqaynay geeddigii dayn-cafinta Soomaaliya iyo dadaalada aan haatan wadno ee dib-u-habaynta Maaliyadda oo Dowladda Spain ay door muuqdo ku laheyd.

𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐞𝐧𝐦𝐚𝐫𝐤

Wasiirka Maaliyadda ayaa kulan muhiim ah la qaatay wafdi ka socday Dowladda Denmark oo ay hoggaaminaysay 𝐌𝐬. 𝐋𝐨𝐭𝐭𝐞 𝐌𝐚𝐜𝐡𝐨𝐧 oo ah Xoghaya Horumarinta Siyaasadda Caalamiga ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dowladda Denmark, wadahalaka oo ku qotomay xiriirka labada dal ka sukoow waxaa la falanqeeyay doorkii Dowladda Denmark ay kulaheyd hannaankii deyn cafinta iyo wadamada ku bahoobay Naadiga Paris.

Dhammaam kulamadaas ay yeesheen Wafdiga Dowladda Soomaaliya ee Shirka Washington DC ayaa ku soo idlaaday natiijo horumar u ah Maaliyadda iyo dhaqaalaha guud ee Soomaaliya.

Madaxweynaha K/Galbeed oo kala diray garsoorayaasha Gobolka Sh/Hoose

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka  koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa kala diray Dhammaan Garsoorayaasha ka howlgala Gobolka Shabeelaha Hoose ee maamulka Dowlad Goboledkaasi.

Wareegtadaan oo maanta oo taariikhdu tahay 25 ka octobar ka soo baxday xafiiska madaxweynaha ayaa lagu kala diray garsoorayaasha maxkamadda facfaanka,kan gobolka Sh.Hoose iyo ku xigeenada garsoorayaasha.

Wareegtadaan ka soo baxday maamulka K/Galbeed waxa ay u qorneyd sidatan:-

Wasiirka Batroolka XFS “Bilowga sanadka soo socda waxaa la bilaabayaa qodista shidaalka ee dhanka Badda”

Wasiirka Batroolka XFS Cabdirasaaq Cumar Maxamed oo ka qeybgalay kulanka todobaadka warbaahinta qaranka ayaa sheegay in horraanta sanadka soo socda ee 2025 la bilaabayo qodista shidaalka dabiiciga ah ee ku jira badda Soomaaliya.

Wasiirka ayaa xusay in xilligaan dowladda Soomaaliya ay door bidday in lagu dhiirado soo saaridda kheyraadka shidaalka ee ku jira badda,isagoo intaa raaciyay in waqtiyada soo socda sidoo kale loo howlgali doono dhanka berrigga.

Wasiirka Batroolka XFS Cabdirasaaq Cumar Maxamed waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay in dadka shacabka ah looga faa’ideeyo Kheyraadka dabiiciga ah ee ku jita badda iyo berrigga

Dhanka kale,madax kala duwan oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa ka qeybgalaya munaasabada soo dhaweynta markabka sahminta shidaalka ee dalka Turkiga,kaas oo ku soo xirtay dekadda Magaalada Muqdisho.

Markabkaan oo lagu magacaabo Oruc Reis ayaa Horraantii bishan Xeebaha Turkiga waxaa ka soo sogootiyey Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan iyo Wasiirka Batroolka XFS Cabdirisaaq Cumar Maxamed.

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

1-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka dib ugu soo laabtey kadib markii uu booqday dalalka Uganda, Burundi, Djibiuti iyo Kenya, wadahadalana la soo yeeshay madaxda dalalkaasi oo ciidamo qeyb ka ah Hawlgalka Midowga Afrika ay ka joogaan Soomaaliya.

2-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khadka Taleefonka kula Xiriirey Madaxweynaha Turkiga Recep Tayip Erdogan isagoo uga tacsiiyey weerarkii argagixiso ee ka dhacey magaalada Ankara.

3-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, oo ka qayb galay bandhigga waxqabadka maamulka Gobolka Banaadir ee 2023-2024.

4-Ra’iisul Wasaare Mudane Xamse Cabdi Barre oo ka qeybgaley shirweyne looga hadlayey hanaanka isticmaalka tiknoloojiyadda ee nidaamka maaliyadda.

5-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa magacabay xubno cusub oo wasiiro ah  oo uu ka mid yahay Cabdisalaan Cabdi Cali oo loo  magacaabay Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka 2aad.

6-Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyay heshiis dhinaca difaaca oo dhexmaraya dalalka Soomaaliya iyo Tanzania.

7-Xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada ayaa magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay 195 dhalinyaro Soomaali ah oo ku xanibnaa dalka Libya.

8-Wasiirka Maaliyadda Biixi Iimaan Cige ayaa ka qeybgalay shirka sanadlaha ah ee Bankiga Addunka iyo IMF, isagoo soo bandhigay hormarka laga gaaray dib-u habeynta dhaqaalaha dalka.

9-Wasiirka Qorsheynta Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Faarax  ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ku guuleysatay yareynta faqriga iyo kororka dhaqaalaha Dalka.

10-Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Baluugga Mudane Axmed Xasan Aadan ayaa   magaalada Jowhar ka daahfuray shirka afaraad ee arrimaha kalluumeysiga dalka.

11-Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in Ciidanka Xoogga Dalka ay ilaa 30 ka tirsan Khawaarijta ku dileen hawlgalo laga fuliyay deegaanka Qaycad ee Koofurta Gobolka Mudug.

12-Boqorka dalka Malaysia Sultan Ibraahim ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee Soomaaliya u fadhin doona halkaasi Mudane Cali Maxamed Abuukar.

13-Wasiirka Caafimaadka Dr Cali Xaaji ayaa daahfuray mashruuc daryeel caafimaad oo ay ka faa’iideysanayaan in ka badan 50 kun oo ardey oo ka cabanaya dhibaatooyinka aragga.

14-Wasaaradda Warfaafinta oo ka tacsoyayesay geerida Abwaan Sugaal Cabdulle, oo ka tirsanaa Kooxda Heegan ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

15-Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in Ciidamada Qalabka Sida ay dileen ilaa 40 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta argagixisada hawlgalo ka dhacay  deegaanka Yaaqle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo deegaanka Gariile ee Gobolka Galgaduud.

16-Safaaradda Soomaaliya ee dalka Yemen ayaa ku guulaysatay in ay dalka dib loogu soo celiyo 157  muwaadiniin Soomaaliyeed oo muddo ku  xanibnaa dalkaas.

17-Hantidhowraha Guud ee Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Guutaale ayaa ka qeybgalay kulanka heerka sare ee Shirka Qorsheynta Baarista Hantidhowr ee Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika EAC. oo lagu qabtay magaalada Mwanza, ee dalka Tanzania.

18-Dowladda Soomaaliya oo Muqdisho kula wareegtay maekab sidaty shixnad gargaar oo Turkiga ugu deeqay Soomaaliya.

19-Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, S/Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi, ayaa shir guddoomiyay kulan deg-deg ah oo ay ka soo qeyb galeen dhammaan taliyeyaasha hoggaanda iyo qeybaha kala duwan ee booliska.

20-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa qaabilay Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Mr Wang Yu.

21-Taliye Ku-Xigeenka Ciidanka Dhulka Soomaaliya S/Guuto  Cabdullahi Aadan Xuseen (Cirro) ayaa kormeeray deegaannadii dhowaan laga xoreeyey kooxaha Khawaarijta ah ee gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose.

Safaaradaha Soomaaliya iyo DRC-Congo oo Kenya kula kulmay ganacsatada Soomaali ah

Madaxda Safaaradaha Soomaaliya iyo DRC-Congo ee fadhigoodu yahay Kenya ayaa la kulmay ganacsato Soomaaliyeed oo ku dhaqan dalkaasi iyo kuwo kale oo ka ka xoogsada gudaha alka Soomaaliya.

Kulankaan ayaa ahaa mid  ay codsatay dowlada DRC  kaas oo ay ku dooneyso in ay ganacsatada Soomaaliyeed ugu soo bandhigto fursadaha ganacsi ee ka jira dalkooda.

Danjire Jabril Ibrahim Abdulle  oo ka hadlay furitaanka kulunka ayaa sheegay in guulaha ganacsiga dadka Soomaalida uu keenay in lagu tartamo sidii loo soo jiidan lahaa maalgashiga iyo ganacsiga dadka Soomaalida.

Ku-simaha Danjiraha Dalka  DRC mudana David Tshibanju ayaa warbixin dheer ka jeediyay kulanka  isaga oo in dowlada DRC ay mudnaan gaar ah siinayso ganacsatada Soomaalida ee danaynaya in ay maalgashaadan dalkiisa,isagoo dhinaca kale tilmaamay in ganacsatada Soomaalida laga dhaafi doono canshuuraha, isla markaana la sii doono dhul iyo degaano ay maalgashaadan.

Dowlada DRC ayaa casuumaad u fidisay ganacsatada Soomaalida inay booqasho gaar ah ku tagaan dalkaas  si ay indhahooda ugu soo arkaan fursadaha ganacsi ee ka jira DRC.

Dhawaan ayaa la filayaa in ganacsato wakiil ka ah ganacsiga Soomaaliya ay booqosho ku tagaan dalka DRC Congo waxaana halkaas ku qaabili doono mas’uulyiin ka tirsan dowlada DRC.

Gudoomiyaha ururka ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Kenya, gaar ahaan xaafadda Eastleigh Mudane Axmad Cabdullahi Yare ayaa ka hadlay furitaanka kulanka isaga oo uga mahadceliyay dowlada DRC sida ay u dooneyso in ay u soo dhaweeyso maalgashiga iyo ganacsiga dadka Soomaalida.

Wasiirka Deegaanka XFS oo saxiixday Heshiiska Maalgalinta ee Mashruuca u adkaysiga Isbeddelka Cimilada beeraha

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xil. Danjire Khadiija Maxamed Al-makhzoumi ayaa qeyb ka saxiixday Heshiiska Maalgalinta ee Mashruuca u adkaysiga Isbeddelka Cimilada beeraha ee Soomaaliya, ‘𝐂𝐥𝐢𝐦𝐚𝐭𝐞 𝐑𝐞𝐬𝐢𝐥𝐢𝐞𝐧𝐭 𝐀𝐠𝐫𝐢𝐜𝐮𝐥𝐭𝐮𝐫𝐞 𝐢𝐧 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐚.’ kaas oo ay ansixisay Sanduuqa 𝐆𝐫𝐞𝐞𝐧 𝐂𝐥𝐢𝐦𝐚𝐭𝐞 𝐅𝐮𝐧𝐝 (𝐆𝐂𝐅).

Wasiir Khadiija ayaa uga mahad celisay cid walba oo gacan ka gaysatay in halkan la soo gaaro. mashruucan ayaa bilow u ah dedaalka ay Dowladda Soomaaliya xal-waara ugu heleyso xaaladaha daran ee isbeddelka cimilada, cunno yarida iyo saboolnimada.

Wasiirka Amniga XFS oo kulan la yeeshay Danjiraha Dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta kulan la yeeshay Danjiraha Dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Mudane Michael Nithavrianakis.

labada mas’uul ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dalka, gaar ahaan  taageeradooda ku aaddan hey’adaha amniga dalka.

Guddiga Garsoorka ee Aqalka Sare oo ka shiray Sharciga Ilaalinta Xuquuqda Naafada Soomaaliyeed

Guddiga Garsoorka, Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Awqaafta, Xaquuqul Insaanka, Haweenka iyo Caruurta Aqalka Sare, ayaa maanta gudagalay ka doodista iyo iswaafajinta aragtida Sanatarrada ay ka dhibteen sharciga Ilaalinta Xuquuqda Naafada Soomaaliyeed oo shalay Goluhu marsiiyay akhrinta labaad.

Xubnaha Guddiga oo ay shir guddoominayso Guddoomiyaha Guddiga Sanatar Naciima Xasan Gadhwayne waxay dul istaageen qodobada qaar oo turxaan bixin iyo falanqayn u baahnaa, iyagoo ka jawaabaya baaqii Guddoomiye Cabdi Xaashi ee ahaa in ay dedejiyaan sharciga.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Qaabilay Safiirka Sucuudiga u Fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Safiirka Boqortooyada Sucuudiga u fadhiya Soomaaliya Axmed Bin Maxamed Al-Mowallad.

Safiirka ayaa ugu horeyn bogaadiyay shaqada Golaha Shacabka iyo sidoo kale guud ahaan horumarada ay ku talaabsaneyso dowladda Soomaaliya, waxa uuna sheegay xiriirka ka dhaxeeya labada wadan uu meel wanaagsan marayo sidoo kalena dowladda Sucuudiga ay diyaar u tahay xoojinta taageerida Shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladooda.

Guddoomiye Madoobe oo dowladda Sucuudiga uga mahadceliyay taageeradeeda Soomaaliya ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dowladda ay horumaro la taaban karo ka sameysay dhinacyada siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha isaga oo dhanka kale sheegay in Soomaaliya iyo Sucuudiga uu ka dhaxeeyo xiriir soo jireen ah oo dhinacyo badan ku saleysan.