Wasiirro ka tirsan XFS oo Muqdisho ku soo dhaweeyay Wafdi ka socda dowladda Turkiga

Wasiirro ka tirsan XFS ayaa garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde ku soo dhoweeyay wafdi uu horkacayo Wasiir ku xigeenka wasaaradda Gaashaandhigga ee Dalka Turkiga oo soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana qeyb ka ah wafdigaan ka socda dalka Turkiga masuuliyiin ka socota Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Dalka Turkiga.

Imaatinka wafdigaan ayaa la xiriirta qorshaha Markabka Turkiga ee dalkeenna u imaanaya sahminta shidaalka Soomaaliya.

Masuuliyiinta Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya oo Wasiir Cabdirisaaq Cumar Maxamed uu hoggaaminayo, Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya iyo masuuliyiin kale ayaa wafdigaan ka socda dalka Turkiga ku soo dhaweeyey magaalada Muqdisho.

   

Dowladda Federaalka oo Bilowday Hirgelinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee 2025-2029

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa bilowday hirgelinta qorshe ballaaran oo loogu talagalay in la dardargeliyo horumarinta dhaqaalaha iyo kor u qaadista fursadaha shaqo abuurka ee dhallinyarada Soomaaliyeed.

Qorshahan oo lagu magacaabo Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee 2025-2029, ayaa ah mid lagu doonayo in Soomaaliya laga hirgeliyo isbeddel muuqda oo la taaban karo oo dhinaca wax soo saarka, shaqo abuurka, iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ah.

Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP) oo dhawaan ay daah-fureen madaxda sare ee Qaranka, ayaa waxaa dooddo adag laga yeeshay dhinacyada kala duwan ee uu saameynayo qorshaha, iyada oo khubaradu ay soo bandhigeen qaabka ugu habboon ee dalkeennu ku gaari lahaa isku-filnaansho dhan walba ah.

Qorshahan waxa aasaas looga dhigay guulaha laga  soo hooyay Qorshaha Houmarinta Qaranka 9-aad oo kaalin wayn kasoo cayaaray geedi-socodkii deyn cafinta dalka, waxa uuna jeexayaa khariidad istiraatijiyadeed oo ku saleysan isbeddelka dhaqan-dhaqaale ee ay Soomaaliya hiigsaneyso.

QIQ wuxuu hagi doonaa dadaallada horumarineed ee shanta sano ee soo socota, iyadoo la waafajinayo Hiigsiga Qaran ee Soomaaliya 2060 iyo ajandayaasha horumarineed ee caalamiga ah sida Yoolalka Horumarka Waara (SDGs) iyo Ajendaha Midowga Afrika ee 2063.

Hanti-dhowraha Guud ee JFS oo Shir Guddoomiyay kulan looga hadlay horumarka Xafiiska iyo Hiigsiga 2025

Hantidhowraha Guud ee JFS, Axmed Ciise Guutaale, ayaa shir-guddoomiyey maanta kulan fogaan-arag ahaa oo uu Xafiiska Hantidhowrka Guud la yeeshay Bahwadaagtiisa Caalamiga ah. Kulankan ayuu Abuukaate Guutaale ku xusay horumarka iyo kobaca uu XHG sameeyey 6-dii bil ee ugu dambeeyey, guulihii uu gaaray, caqabadaha jira iyo hiigsiyada sanadka 2025. Hantidhowraha Guud waxa uu saaxiibbada caalamiga ah uga mahadceliyey garab-istaagooda.

Madaxda Waaxyaha Xafiiska ayaa si kooban ugu soo bandhigay kulanka waxqabadka Xafiiska ee sanadkan 2024, wada-shaqaynta XHG iyo kuwa Dowlad Goboleedyada, iyo siyaasadda taageerada Xafiiska oo ay ka mid yihiin hortabinnada istiraatiijiyadeed iyo buuxinta firaaqyada jira.

Wariye Soomaaliyeed oo ku guuleystay abaalmarinta Wariyaha Ugu Wanaagsan Dalalka IGAD

Nairobi: Safiirka Soomaaliya ee Kenya, Danjire Jibriil Ibraahim Cabdulle, iyo madax ka socotay dalka Kenya iyo dalalka ku bahoobay Urur Goboleedka IGAD ayaa ka qaybgalay xaflada abaalmarinta warbaahinta ee 2024, taas oo ay soo qabanqaabisay IGAD.

In ka badan 4,000 oo wariyeyaal iyo shaqsiyaad ka shaqeeya warbaahinta ayaa ku tartamay abaalmarinta, iyada oo wariyeyaal badan oo Soomaaliyeed la guddoonsiiyay abaalmarino kala duwan.

Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Warbaahinta, Maxamed Shiil Xasan, oo muddo dheer ka soo shaqeeyay warbaahinta Soomaaliya, ayaa ku guuleystay abaalmarinta ugu sarreysa ee “Lifetime Achievement Award,” taas oo lagu abaalmariyo shaqsiyaad dadaal dheer u soo galay horumarinta warbaahinta.

Shiil ayaa sheegay in guushan ay tahay mid Soomaaliya oo dhan qiimo weyn u leh, isagoo xusay awoodda sii kordheysa ee warbaahinta dalka.

Sidoo kale, Cabdirashiid Nuur Ibraahim ayaa helay abaalmarin lagu siiyay tabinta warar saameyn yeeshay oo uu ku soo tebinayay luuqadda Soomaaliga.

Danjire Jibriil Ibraahim Cabdulle ayaa u hambalyeeyay wariyeyaasha ku guuleystay biladaha, isaga oo ku booriyay inay sii xoojiyaan doorka warbaahinta ee nabadda iyo isku soo dhawaynta ummadda Soomaaliyeed.

   

Madaxweynaha JFS oo qadka telefoonka kula hadlay dhiggiisa dalka Türkiye

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo qadka telefoonka kula hadlay dhiggiisa dalka Türkiye Recep Tayyip Erdoğan ayaa uga tacsiyeeyay weerarkii argagaxiso ee galabta ka dhacay magaalada Ankara ee dalkaas.

“Soomaaliya waxa ay garab taagan tahay shacabka aan walaalaha nahay yo dowladda Türkiye ee dagaalka kula jira argagaxisada.” Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Heshiis is-afgarad ah oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Tanzania

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo caawa yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa ansixiyey Heshiis is-afgarad ah oo u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Tanzania, kaas oo ku saabsan iskaashiga difaaca labada dal.

Shirka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jahmuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo la xiriira amniga, halka uu marayo Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP), Jihaynta warbaahinta iyo canshuurta gadista ee dalka laga dhaqan geliyay.

Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay weerarka argagixisanimo ee Turkiga ka dhacay

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si cad u canbaaraynaysaa weerarka argagixiso ee foosha xun ee lagu qaaday Turkish Aerospace Industries (TUSAS) ee Kahramankazan, Ankara, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac badan. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u direynaa qoysaska dhibbanayaasha, annagoo garab taagan shacabka iyo dowladda Turkiga xilligan adag.

Weerarkan arxandarrada ah ma ahan oo kaliya mid ka dhan ah Turkiga, Balse wuxuu dharbaaxo ku yahay nabadda iyo amniga caalamka. Argagixisada, nooc kasta oo ay tahay, waxay khatar ku tahay xasilloonida dalalka iyo badqabka dadka oo dhan. Soomaaliya, oo muddo dheer dagaal kula jirtay argagixisada, si qoto dheer ayay ula damqanaysaa walaalaheeda Turkiga waxayna la wadaageysaa murugadooda.

Waxaan bogaadinaynaa jawaabta degdegga ah ee ciidamada amniga Turkiga, waxaana ku kalsoonahay in kuwa mas’uulka ah lala xisaabtami doono. Soomaaliya waxay xaqiijineysaa go’aankeeda ah inay sii waddo wada shaqeynta ay la leedahay Turkiga iyo beesha caalamka ee la dagaalanka argagixisada. Iskaashigeenu wuu ka xoog badan yahay intii hore , waxaana uu ku dhisan yahay qiyamka aan wadaagno, kalsoonida, iyo u heellanaanta nabadda.

Xilliyadan adag, Soomaaliya waxay ugu baaqeysaa beesha caalamka inay mideeyaan dadaallada iyo iskaashiga si looga hortago dhibaatada argagixisada ee caalamka oo dhan. Wadajir, waxaan xaqiijin karnaa in ficillada noocan oo kale ah aysan wiiqi doonin go’aankeena ah inaan ilaalino dadkeenna iyo nabadda caalamka.

Wasiirka difaaca Soomaaliya oo Turkiga uga qayb galay bandhig qalabka Militariga

Istanbul: Wasiirka Wasaaradda Difaaca Soomaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaaamac iyo Kaaliyaha Taliska Guud ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed Gen Maadeey Nuurey Sheikh Ufurow ayaa ka qeyb galay Bandhig heer caalami ah Kaas oo ka dhacay magaalada Istanbul ee Dalka Turkigag.

Bandhig ayaa waxaa lagu soo bandhigay wax soo saarka warshadaha melateriga turkida.

Bandhigaan ayaa waxaa ku wehliyey saraakiil ka tirsan Taliska ciidanka xoogga dalka.

Bandhigga ayaa ah kii 4aad ee lagu soo bandhigay warshadaha soo saara qalabka difaaca hawada ah ee SAHA EXPO 2024

  

Warsaxaafadeed: Mowqifka Soomaaliya ee doorka Itoobiya ee Howlgalka AUSSOM

Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in wixii hadda ka dambeeya ay hoggaamin doonto jihada howlgalka xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya, iyadoo si cad diiradda u saareysa ilaalinta gobanimada JFS.

“Marka aan ka gudubno ATMIS oo aan u wareegno Howlgalka Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), Soomaaliya waxay hoggaamin doontaa jihada howlgalka iyadoo si cad diiradda u saareysa gobanimada,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee XFS.

“Inta aan isu diyaarinayno wejiga xiga ee nabad ilaalinta oo hoos imaanaya Howlgalka Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ee soo socda, waxaa lama huraan ah in aan mar kale ku celinno in Soomaaliya ay tahay dal madax-bannaan, awoodda go’aan ka gaarista dalalka ciidamada ku biirinaya howlgalknana iyadu leedahay.

Go’aanka ciidamada ka qeyb qaadanaya howlgalka waa inuu waafaqsanyahay danaha qaranka Soomaaliya iyo ilaalinta qaranimadeeda.

Tallaabooyinka halka dhinac ah ee Itoobiya dhawaan qaaday, kuna ku jiraan heshiisyo sharci darro ah oo lala galay gobollada waqooyi ee Soomaaliya, waxay ku xad-gudbayaan madax-bannaanideena waxayna meesha ka saarayaan kalsoonida lagama maarmaanka u ah nabad ilaalinta.

“Soo gelitaanka ciidamada Ethiopia ee Soomaaliya waxaa uu sara u qaaday kororka kooxda Khawaarijta, iyadoo horumada dhinaca guulaha ee laga gaarayna aanu gaarsiisaneyn heerkii loo baahnaa, Iyadoo la eegayo arintaas dowladda Soomaaliya waxay dalbanaysaa xulashada istaraatiijiyadeed ee dheeraadka ah ee la-hawlgalayaasha ciidamada si loo hubiyo in AUSSOM ay la jaanqaado hadafyada amniga iyo horumarka Soomaaliya”.

Waxaana naga go’an inaan kala shaqeyno Midowga Afrika, Qaramada Midoobay, iyo Midowga Yurub AUSSOM, iyadoo Soomaaliya ay hormuud u tahay xulashada saaxiibada ixtiraamaya madax-bannaanidayada”. ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka.

Golaha shacabka oo ansixiyey heshiiska QM ee ka hortagga dembiyada abaabulan

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan Guddoomiye kuxigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa shir guddoomiyay kulanka guud ee Golaha Shacabka.

Ugu horeyn Habdhowraha Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan Nuux ayaa dhaariyay Ra’isulwasaare Kuxigeenka Labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo xubnaha cusub ee Golaha Wasiiradda.

Intaasi ka dib mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa u codeeyay heshiiska Qaramada Midoobay ee la dagaalanka dambiyada abaabulan ee isaga kala gudba qaramada iyo baratakooladiisa, waxaana ogolaatay 138-Xildhibaan, laba Xildhibaan ayaa diiday sedax Xildhibaanna waa ay ka aamustay.

Sidoo kale Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa u codeeyay Hindise Sharciyeedka Dhisidda Hay’adda Maalgashiga Soomaaliyeed, waxaana ogolaatay 140-Xildhibaan hal Xildhibaan ayaa diiday laba Xildhibaanna waa ay ka aamustay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo kulanka soo xiray ayaa Xildhibaanadda uga mahadceliyay ansixinta heshiiska Qaramada Midoobay ee la dagaalanka dambiyada abaabulan ee isaga kala gudba qaramada iyo baratakooladiisa iyo sidoo kale Hindise Sharciyeedka Dhisidda Hay’adda Maalgashiga Soomaaliyeed.