Ra’iisul Wasaaraha XFS oo la kulmay Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jahmuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Taageerada Hawlgallada, Mudane Atul Khare, waxana ay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ayaa kulankooda uga wada hadlay xoojinta taageerada xagga amniga iyo farsamo ee Q.M. u fidiso dowladda Soomaaliya iyo sidii loo xoojin lahaa, gaar ahaan qorshaha ciidanka amniga Soomaaliya kula wareegayaan goobaha ay banneeyaan ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS iyo u diyaargarowga hawlgalka cusub ee AUSSOM.

Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Waaxda Taageerada Hawlgallada, ayaa dhankiisa ka mahadceliyey soo dhowaynta Ra’iisul Wasaaraha, isaga oo ugu hambalyeeyay Soomaaliya kursiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, una rajeeyay in Soomaaliya ay gacan ka geysan karto nabadda iyo horumarka gobolka iyo guud ahaan caalamka.

Soomaaliya iyo Kenya oo kala saxeexday heshiisyo ku saabsan Amniga iyo dhaqaalaha

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo gaba gabeeyay safar shaqo oo uu ku joogay dalka Kenya, halkaas oo uu kulan kula yeeshay dhiggiisa dalka Kenya, Mudane William Ruto.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba-geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Kenya, arrimaha amniga gobolka Geeska Afrika iyo iskaashiga dhinacyada amniga iyo horumarinta ganacsiga.

Kulanka Labada Madaxweyne ayaa waxaa ka soo baxay qodobbada soo socda:

1. Xoojinta iskaashiga amniga iyo howlgalka taageerada iyo xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), kaas oo bilaabanaya Janaayo 2025.

2. Kor u qaadista xiriirka ganacsi iyo maalgashi ee labada dal, iyagoo hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay fududeynta dhaq-dhaqaaqa badeecadaha iyo adeegyada.

3. Iskaashiga iyo wada-shaqeynta labada dal ee arrimaha gobolka, iyagoo ka faa’iideysanaya madalaha ururrada gobolka sida EAC, IGAD iyo COMESA.

4. Adkeynta taageerada beesha caalamka ee dhismaha awoodda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliyeed, si ay ugu diyaar garoobaan kala-guurka ATMIS iyo AUSSOM iyo in Soomaaliya lagu taageero matalaaddeeda Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, sanadaha 2025-2026.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyay Madaxweyne William Ruto iyo shacabka Kenya soo dhaweynta diirran ee ay u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa.

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐗𝐅𝐒 𝐨𝐨 ka 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐡𝐢rar caalami oo ku saabsan arrimaha maaliyadda

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐈𝐌𝐅: Shirka koowaad oo ay shir guddoominaysay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF 𝐊𝐫𝐢𝐬𝐭𝐚𝐥𝐢𝐧𝐚 𝐆𝐞𝐨𝐫𝐠𝐢𝐞𝐯𝐚 ayaa waxaa khudbad kooban ka jeediyay Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige isaga oo ku hadlayay afka dhammaan Wasiiradii shirka ka soo qabgalay.

Hadal jiidinta Wasiirka Maaliyadda ayaa nuxurkeeda diiradda uu ku saaray sidii Dalalka Afrika ay u heli lahaayeen Maalgalin Horumarineed oo ku qotonta meelaha mudnaanta gaarka ah leh, ka sukoow u hadlidda dhammaan dalalka Afrika, Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan ayaa sidoo kale ka hadlay arrimaha Soomaaliya u gaarka ah, isagoona IMF ku amaanay doorka muuqda ee ay ku leedahay dib-u-habeynta hannaanka Maaliyadda Soomaaliya.

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐧𝐠𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐝𝐝𝐮𝐮𝐧𝐤𝐚: Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa sidoo kale ka qayb galay shirka gaar ah ee Wasiirada Maaliyadda Afrika ay la yeesheen Madaxweynaha Bangiga Adduunka 𝐀𝐣𝐚𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐠𝐚 iyo Xubnaha sare ee Bangiga Adduunka, shirkaas oo diiradda lagu saaray qorshayaasha horumarineed ee Bangigu uu ka fuliyo qaaradda Afrika iyo sidii loo balaarin lahaa maalgalinta Bangiga ee dalalka Afrika.

Waxaa kale oo la isla gartay Mashaariicda horumarineed ee ay bixiso hay’adda hirumarinta caalamiga ah ee IDA-21 in ay noqdaan kuwo baaxad iyo miisaan leh si wax looga qabto dhibaatooyinka caalamiga ah sida sicir-bararka iyo saameynta isbaddalka cimilada.

Golaha Shacabka oo ansixiyey heshiiska QM ee ka hor tagga dambiyadda Abaabulan

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulankoodii maanta ku ansixiyay Heshiiska Qaramada Midoobay ee la dagaalanka dembiyada abaabulan ee isaga kala gudba Qaramada iyo baratakooladiisa,waxaana ogolaatay 138-Xildhibaan, laba Xildhibaan ayaa diiday saddax Xildhibaanna waa ay ka aamustay.

Dhinaca kale Xildhibaanada ayaa sidoo kale Ansixiyey Hindise Sharciyeedka dhisidda Hay’adda Maalgashiga Soomaaliyeed,waxaana ogolaatay 140-Xildhibaan hal Xildhibaan ayaa diiday laba Xildhibaanna waa ay ka aamustay.

Haya’adda duulista: Ma jiro shil diyaaradeed oo dalka ka dhacay

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa qoraal ay soo saartay shacabka Soomaaliyeed kula wadaagtay in uusan jirin shil diyaaradeed oo ka dhacay dalka, Hay’adda ayaa been abuur ku tilmaantay warar baraha bulshada lagu faafiyey.

“Hay’adda Duulista oo mas’uul ka ah kor joogtaynta diyaaradaha uu wadanku leeyahay waxay u cadaynaysaa shacabka inay wararkaasi yihiin kuwo been abuur ah oo uu soo maleegay cadowga Soomaaliya,’ ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
Qoraalka Hay’adda ayaa intaas ku sii daray, “Dhamaan Helicopteradii iyo diyaaradii kale ee ay dowlada Soomaaliya lasoo degtay labdii sano ee lasoo dhaafay waa bad-qabaan shaqadii qaran ee loogu talo galay ayeyna ku guda jiraan.”

Khuburada sheybaarrada Beeraha iyo Xoolaha ee NTP oo ka doodaya horumarinta wax-soo-saarka

Khubarrada ku sugan sheybaarrada Beeraha iyo Xoolaha ee Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP), ayaa ka doodaya horumarinta wax-soo-saarka dalka, gaar ahaan beeraha iyo xoolaha.

Doodaha Khuburada ayaa lagu soo bandhigay warbixinno ka hadlaya marxaladda ay hadda ku sugan yihiin xoolaha, Beeraha iyo qorshaha horumarinta mustaqbalka dhow.

Sheybaarka Kaabayaasha Dhaqaalaha waa furaha koboca iyo isku filnaanshaha Soomaaliya. Waxaa lagu dhiirigelinayaa horumarinta kaabayaasha muhiimka ah sida waddooyinka, tamarta, iyo biyaha, Beeraha iyo xoolaha si dadka Soomaaliyeed ay ugu noolaan karaan nolol dhaqaale oo xoogan oo barwaaqo ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo 16-kii bishan khudbad ka jeediyey Daahfurka Qorshahan Isbeddelka Qaranka (NTP) ee 2025-2029 ayaa tilmaamay marxaladaha kala duwan ee uu dalkeenu u soo maray in uu helo hannaan qaran oo sal adag leh, cabadaha ku gedaaman iyo fursadaha aan haysanno si aan uga miro dhaliyo aragtiyaha ummadda ku jiheyneysa hiigsi iyo himiloyin fog.

Deegaannada Puntland oo laga mamnuucay isticmaalka Bacaha halka mar la isticmaalo

Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadelka Cimilada dowlad gobolleedka Puntland ayaa deegaannada maamulkaas ka mamnuucday isticmaalka Bacaha halka mar la isticmaalo.

Horay sidan oo kale waxaa mamnuucay isticmaalka Bacaha halka mar la isticmaalo wasaaradaha deegaanka Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo Maamulka gobolka Banaadir oo Xoojinaya go’aanka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Soomaaliya ee Dalka looga mamnuucay ka ganacsiga iyo isticmaalka Bacda.

Soomaaliya oo loo ansixiyey Mashruuca maalgalinta Adkeysiga Cimilada

Soomaaliya ayaa loo ansixiyey Mashruucii ugu horeeyey oo gaar u ah maalgelinta sare u qaadidda Adkeysiga Cimilada Soomaaliyeed.

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimillada Soomaaliya Amb Khadija Mohamed Al-makhzoumi iyo wafdi ay hogaamineyso ayaa ka qeybgalay Kalfadhiga 40aad ee Guddiga Sare ee Sanduuqa Green Climate Fund.

Kalfadhigan oo lagu qabtay magaalada incheon songdo ee dalka Kuuriyada Koonfureed ayaa maanta lagu ansixiyey $100 Malyuun oo Doollar taasi oo lagu fulinayo Mashruuc kor loogu qaadayo Adkeysiga Cimillada ee Bulshada Soomaaliyeed.

“Taariikh ayey aheyd maanta kadib markii uu mashruucani noqday kii ugu horeeyey ee gaar loogu ansixiyo dalka Soomaaliya iyo sidoo kale waa mashruucii ugu deg degta badnaa ee abid lagu ansixiyo kulanka Guddiga Sare ee GCF! , waxaana tani ay ku timid dadaalka Xukuumadda Dan-Qaran oo kaashaneysa bahwadaagta Caalamiga ah ” ayey tiri Wasiir Amb Khadija Mohamed Al-makhzoumi.

“Soomaaliya waxa ay la timid ka go”naan wax loogu qabanayo dhibaatooyinka doorsoonka Cimilada, waxaana naga go’an inaan xoojinno iskaashiga gudaha iyo kan dibadda si loo fuliyo mashaariic waxtar u leh dadka iyo deegaanka Soomaaliyeed “

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhigiisa Kenya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Aqalka Madaxtooyada dalka Kenya, kulan kula qaatay dhiggiisa dalkaasi, Mudane William Ruto oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa todobaadkan socdaal ku maray dalalka ay ciidamadoodu qaybta ka yihiin hawlgalka midowga Afrika ee ATMIS oo haatan gaban gabo ah.

Kulan looga hadlayey qorshaha Qoyska oo Muqdisho lagu soo gabangabeeyey

Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Qoyska ee Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Mustafa Cawil Jaamac ayaa soo xirey Kulan socdey muddo labo cisho ah oo ku saabsanaa kala dheeraynta dhalmada iyo sidii loo heli lahaa dawooyinka Caafimaadka taranka.

Kulanka waxaa ka soo qayb galay dhammaan Wasaraddaha Caafimaadka ee Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, Hey’adaha Qaramada midoobey ee ka shaqeeya arrinaha Caafimaadka, Ururada Caalimga ah ee ka shaqeeya Caafimaadka, Ururka Dhakhaatiirta Soomaaliyeed iyo marti sharaf kale.

Kulanku wuxuu daarnaa sidii kor loogu qaadi lahaa ka faa’idaysiga adeegga kala dheeraynta dhalmada ama kala korrinta Carruurta iyo sidii loo heli lahaa dawooyinka Cafimaadka taranka, iyadoo loo marayo nidaamka wacyigelinta iyo howlwadeenada ka shaqeeya Cafimaadka Hooyada iyo Dhalanka si Carruurta iyo Hooyaduba u helaan Caafimaad xoogan.