Ciidanka deegaanka oo 10 khawaarij ah ku dilay Galgaduud

Dhuusamareeb- Ciidanka deegaanka ayaa ku dhawaad 10 ka tirsan Khawaarijta ku dilay deegaannada Bood iyo Budbud ee Gobolka Galgaduud.

Guddoomiyaha deegaanka Cali Axmed , Axmed Cabdulle Aadan oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ay ku raad joogaan firxadka cadowga, wuxuuna shacabka ugu baaqay in ay u istaagaan ciribtirka khawaarijta.

Wasiir Fiqi oo qaabbilay wafdi ka kooban safiirro matalaya dalal Carbeed

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabbilay wafdi ka kooban safiirro matalaya dalal dhowr ah oo aan walaalo nahay.

Wafdigan ayaa waxaa ka mid ah Mudane Fadhl Cali Axmed Al-Hanak, Safiirka Jamhuuriyadda Yemen; Mudane Axmed Jumca Al-Rumaithi, Safiirka Isutagga Imaaraadka Carabta; Mudane Dr. Cabdullaahi bin Saalim Al-Nuaymi, Safiirka Dowladda Qatar; Mudane Axmed Maxamed Saalax Al-Mawliid, Safiirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya iyo Mudane Cammar Axmed Babiker, Ku-simaha Safiirka Jamhuuriyadda Suudaan.

Diblomaasiyiintu waxay booqdeen Wasiirka si ay ugu gudbiyaan tacsi tiiraanyo leh kadib geeridii kutimid Hooyadiis Marxuumad Fatima Shirdoon Ducaale, hooyada Wasiirka oo ku geeriyootay Muqdisho Sabtidii, Oktoobar 19, 2024.

Booqashadooda ayaa muujisay midnimo xooggan iyo taageero aad u weyn xilligan murugada leh.

Wasiir Fiqi ayaa uga mahadceliyey Danjirayaasha dareenkooda naxariista leh iyo ficilladooda sharafta leh wakhtigan adag.

Wasiirka Maaliyadda XFS oo ka qayb galay shirka Bangiga Adduunka iyo IMF

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS ๐๐ข๐ข๐ฑ๐ข ๐ˆ๐ฆ๐š๐š๐ง ๐‚๐ข๐ ๐ž oo hoggaaminaya wafdiga dowladda Soomaaliya ku matalaya shirka sanadlaha ah ee Bangiga Adduun iyo IMF oo ay ka soo qayb galayaan in ka badan Boqol dal ayaa kulamo hordhac ah la qaatay Madaxweyne ku-xigeenka Bangiga Adduunka ee dalalka Koofurta iyo Bariga Afrika Marwo Victoria Kwakwa.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimaha muhiimka ah ee iskaashiga oo ay ku jirto qorshaha dib-u-cusbooneysiinta Barnaamijka Horumarinta Caalamiga ah (IDA), dib-u-habaynta koboca dhaqaalaha iyo abuurista shaqooyin muhiim u ah bulshada Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa sidoo kale la kulmay Jihad Azour oo ah Agaasimaha Waaxda Bariga dhexe iyo Dalalka Bartamaha Asia ee IMF, kaas oo si gaar ah loogu lafa guray hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda Soomaaliya oo hadda meel wanaagsan maraya kadib deyn cafintii iyo qorshaha Istaraatiijiga ah ee kobcinta dhaqaalaha Soomaaliya oo IMF ay door weyn ku leedahay, kulanka labada dhinac ayaa kusoo dhamaaday guul iyo is-afgarad.

Shirka sanadlaha ah ee IMF iyo Bangiga Adduunka ee 2024 oo sanadkan lagu qabanayo magaalada Washington DC, oo socon doona muddo toddobaad ah ayaa la filayaa marka laga tago kulamada guud ee loo dhanyahay in Wafdiga dowladda Soomaaliya ay yeelan doonaan kulamo doceedyo lagu hormarinayo xiriirada dalalka iyo heyโ€™adaha dhaqaalaha caalamiga ah, kuwaas saldhig u noqon doona horumarinta tiirka Dhaqaalaha Soomaaliya.

๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š l๐š-๐ญ๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š w๐š๐ฑ-๐ค๐š-๐›๐ž๐๐๐ž๐ฅ๐ค๐š d๐š๐ฌ๐ญ๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ค๐š ๐จ๐จ k๐š f๐ฎ๐ซ๐ฆ๐š๐ฒ ๐๐š๐ฒ๐๐ก๐š๐›๐จ

Hayโ€™adaha u xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka KMG ah, oo ay ka mid yihiin Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka, Guddiga La-socodka Dastuurka ee Baarlamaanka iyo Wasaaradda Cadaaladda XFS ayaa si wadajir ah u daah-furay Shirka La-tashiga Cutubka 5aad illaa 9-aad.

Shirkaan ayaa diiradda lagu saaray wax-ka-beddelka Cutubyada 5aad ilaa 9aad ee Dastuurka, iyadoo laga falanqeeyay talooyin iyo aragtiyo muhiim ah oo ay soo bandhigeen Maamulka iyo shacabka Dowladda Koonfur-Galbeed.

Maamulka, Haweenka iyo Dhalinyarada Koonfur Galbeed ayaa door muhiim ah ka qaatay wada-tashigaan, iyagoo soo jeediyay fikrado iyo talooyin wax ku ool ah oo ku saabsan dib-u-habaynta cutubyada muhiimka ah.

Aragtidooda firfircoon waxay muhiim u tahay geeddi-socodka wax-ka-beddelka Dastuurka, taas oo qayb ka ah dedaallada lagu xoojinayo dowladnimada iyo isku-dubbaridka baahiyaha bulshada Soomaaliyeed.

labada aqal ee Baarlamaanka oo ka dooday xisaab xirka sanad miisaaniyadeedka 2023

Mudanayaasha labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta golaha shacabka ku yeeshay kalfadhiga shanaad kulankiisa wadajirka ah ee sedaxaad,waxaana shir Guddoominayey Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha aqalka sare mudane Cali Shacbaan Ibraahim oo uu wehliyo Guddoomiye kuxigeenka labaad ee golaha aqalka sare.
Ajendaha kulanka ayaa waxa uu ahaa Akhrinta labaad ee warbixinta xisaabxirka sanad maaliyadeedkii 2023,waxaanna Guddiga Miisaaniyadda iyo Maaliyadda ee Baarlamaanka uu xubnaha labada Aqal u faahfaahiyay warbixinta xisaabxirka miisaaniyaddii 2023.
Intaasi ka dib Xildhibaanadda labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka dooday xisaabxirka sanad maaliyadeedkii 2023,waxaana Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Aqalka sare oo kulanka soo xiray uu sheegay in maanta lasoo gaba gabeeyay ka doodista xisaabxirka sanad maaliyadeedkii 2023 islamarkaana guddiga maaliyadda ee labada Aqal dib loogu celiyay si uu usoo diyaariyo Akhrinta sedaxaad dibna Golaha uu ugu soo celiyo.

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti oo kulan muhiim ah ku yeeshay Jibuuti

Madaxweynaha JFS Dr, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdiga uu hogaaminaayo waxaa Qasriga Madaxtooyada Jabuuti ku soo dhaweeyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Kulan gaar ah oo dhexmaray Labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa diirada lagu saaray xoojinta iskaashiga walaalnimo ee labada dal iyo qodobo kale oo muhiim ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka ah ee Soomaaliya Dr, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa socdaal shaqo ku marayo qaar ka mid ah dalalka gobalka.

Shir sanadeedka labaad ee Furdooyinka Urur Goboleedka EAC oo lagu soo gabagabeeyay Dalka Tanzania

Shir sanadeedka labaad ee Furdooyinka Urur Goboleedka Dhaqaalaha Bariga Afrika ayaa lagu soo gabagabeeyay Magaalada Arusha ee Dalka Tanzania.

Kulankani waxa isugu yimid agaasimayaasha Furdooyinka ee EAC iyo khubarro ka socday Furdooyinka dowladaha ku mideysan Ururkan, sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa Xoghayaha Guud ee EAC Marwa. H.E Veronica M. Nduva.

Ujeedadda kulanka ayaa aheyd dhaqan gelinta heshiisyada muddaysan ee la xiriira howlaha Furdooyinka iyo kobcinta wadashaqeynta dowladaha xubnaha Ururkan.

Dhinaca Soomaaliya waxaa ku matalayay agaasimaha Furdooyinka Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane Abukar Sheekh Ahmed Mursal iyo Khubaro kale.

 

ย ย ย ย 

Hantidhowraha Guud oo ka qeyb galay Shirka Qorsheynta Baarista Hantidhowr ee Urur goboleedka (EAC}

Hantidhowraha Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Ciise Guutaele, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qeybgalay kulanka heerka sare ee Shirka Qorsheynta Baarista Hantidhowr ee Urur goboleedka iskaashiga dhaqaalaha Bariga Afrika {EAC}. oo lagu qabtay magaalada Mwanza, Tanzania. Kulankan oo soconayay intii u dhaxaysay 15-18ka October, 2024, ayaa ujeedkiisu ahaa diyaarinta qorshe hufan oo loogu talagalay baarista qayb kamid ah hayโ€™adaha EAC, iyada oo la xaqiijinayo in ay si buuxda u daboolaan hayโ€™adaha mashaariicda Urur goboleedka iskaashiga dhaqaalaha Bariga Afrika {EAC} . .

Intii uu kulanku socday, waxa ay Hantidhowrrayaasha Urur goboleedka iskaashiga dhaqaalaha Bariga Afrika {EAC} si qoto dheer uga doodeen dejinta qorshaha baarista, yoolalka muhiimka ah, iyo kala soocidda masโ€™uuliyadaha, si loo hubiyo in dhammaan hawlaha muhiimka ah loo qabto sida ku cad qorshaha la isku afgartay. Kulanku waxa uu iftiimiyay muhiimadda ay leedahay in la helo istiraatiijiyad mideysan oo ay iska kaashadaan hayโ€™adaha kala duwan ee ka shaqeeya baarista Urur goboleedka iskaashiga dhaqaalaha Bariga Afrika {EAC} .

๐—๐š๐Ÿ๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐‡๐š๐ง๐ญ๐ข๐๐ก๐จ๐ฐ๐ซ๐ค๐š ๐†๐ฎ๐ฎ๐ ๐ž๐ž ๐‰๐…๐’ waxa uu aaminsan yahay in wada-shaqaynta iyo isfahamka dhex mari doona hayโ€™adaha kala duwan ay fududeyn doonto hirgelinta istiraatiijiyad hufan oo wax-ku-ool ah, taas oo ku salaysan isku xirnaan iyo wada-shaqayn dhow, si loo dhameystiro baarista sanadlaha ah ee mashaariicda Bulshada Bariga Afrika.

Madaxweynaha JFS iyo Wafdigiisa oo gaaray Burundi

Bujumbura;- Wafdi uu hoggaaminaayo Madaxweynaha JFS Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si diirran loogu soo dhoweeyey magaalada Bujumbura ee dalka Burundi, ka dib casuumaad rasmi oo uu ka helay Madaxweynaha Burundi mudane ร‰variste Ndayishimiye.

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Burundi oo kulan gaar ah ku yeeshay Mataxtooyada Burundi ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Burundi iyo dowladiisa taageerada iyo nafhurnimada ay Soomaaliya u sameeyeen taas oo ah mid aan la ilaawi karin.

Dhinaca kale Madaxweynaha Burundi ร‰variste Ndayishimiye ayaa amaanay guulaha ay dowladda Soomaaliya ka gaartay dagaalka Khawaarijta, ku biirista Bulshada Bariga Afrika, Qaadista Cunaqabateynta iyo qodobo kale, isaga oo hoosta ka xariiqay in Soomaaliya ay garab siisay Burund xili adag.

 

ย ย ย ย ย 

Taliyaha Qeybta 60-aad Ciidanka xoogga Dalka iyo Sarakiil uu hoggaaminayo oo gaaray degmada Xudur

Taliyaha Qeybta 60-aad Ciidanka xoogga Dalka Generaal Xassan Baydhabo oo uu wehliyo Taliyaha guutada 9-aad G/le dhexe Yoonis Aadan Xasan ayaa manta waxay booqasho kutageen Xerada ciidanka Ururka 93-aad guutada 9-aad oo ku sugan Bariga Magaalada Xuddur.

Taliyaha Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga dalkaย  Generaal Xassan Baydhabo ayaa ujeedka guud ee kormeerkiisa waxa uu ku saabsanaa dar-dargalinta howlagalada ka dhanka khawaarijta iyo dhiirigalinta ciidanka xoogga dalka ee ku sugan Magaalada Xudur ee xarunta Golka Bakool.

Taliyaha ayaa sarkiisha uu la kulmay kula dardaarmay in la xoojiyo howlgallada lagu baacsanayo firxadaka khawaarijta,si looga sifeeyo degaanada fara ku tirsaka ah ay ku dhuumaleysana argagixisada.

 

ย ย