Howlgal lagu soo qabtay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay Gobalka Baay

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyed Gaar ahaan  Guutada 8-aad Qeybta 60aad Ciidanka Dhulka  ayaa Howlgal Qorshaysan oo ay kafuliyen Degaanno Dhaca Buuraleyda  Gobalka Baay waxay ku soo qabteen laba dhagar qabe oo ka tirsanaa khawaarijta oo halkaasi ku dhuumaalaysanayay .

Deegaanada Mooro Busto ,Ceel sharif iyo Degaanka Ceel Mareer Ee Gobalka Baay ayaa ah deegaanada sida gaarka ah ay geesiyaasha xoogga dalka soomaaliyeed ay hawlgalka sida gaarka ah uga fuliyeen waxaana maleeshiyaadka la soo qabtay hadda ku socdo baaritaan dheeraada ah .

 

  

Taliyaha Boliiska oo kulan la qaatay Taliyaasha Hoggaannada, Qeybaha iyo Fadhiyada Madaxbannaan. Ee Ciidanka

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, S/Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi, ayaa shir guddoomiyay kulan deg-deg ah oo ay kasoo qeyb galeen dhammaan Taliyaasha Hoggaannada, Qeybaha iyo Fadhiyada Madaxbannaan. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray adkeynta amniga gudaha dalka, gaar ahaan kan caasimadda.

Taliyaha ayaa faray saraakiisha kuna bixiyay amar in la dardargeliyo arrimaha lagu sugaayo amniga gudaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya isagoo si cad u sheegay in qof kasta mas’uuliyadda loo igmaday lagula xisaabtami doono, gaar ahaan sugidda amniga caasimadda iyo xasiloonida guud ee Dalka.

DOWLADAHA SOOMAALIYA IYO UGANDA OO KU HESHIIYEY XOOJINTA ISKAASHIGA AMNIGA

Kampala:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta booqasho rasmi ah ku tagay dalka Uganda ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay dhiggiisa dalkaas Mudane Yoweri Museveni.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal, arrimaha gobolka Geeska Afrika iyo xoojinta iskaashiga taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Uganda.

Kulanka Labada Madaxweyne ayaa waxaa ka soo baxay;

1. Xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga, ganacsiga, iyo horumarka, iyadoi la isla qaatay in la kordhiyo iskaashiga ganacsiga iyo maalgashiga.

2. Taageerada Ciidamada Amniga Soomaaliya iyo hawlgalka cusub ee AUSSOM.

3. Soo dhoweynta xubinnimada cusub ee Soomaaliya ee Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC) iyo matalaadda Soomaaliya ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay sannadaha 2025-2026.

5. Dowladda Uganda waxay soo dhaweysay qaadista cunaqabataynta hubka ee saarnayd Soomaaliya, taas oo ah tallaabo muhiim ah oo u ogolaaneysa Soomaaliya inay si buuxda ula wareegto mas’uuliyadda amniga qaranka.

DHAMMAAD

  

Ciidanka NISA oo howlgal qorsheysan ku dilay 40-Khawaarij ah

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA oo kaashanaya Saaxiibada Caalamka ayaa howlgallo ay sameeyeen oo ka kala dhacay deegaanka Yaaqle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo deegaanka Gariile ee Gobolka Galgaduud waxaa lagu dilay ilaa 40 Khawaarij ah halka 29 kalana lagu dhaawacay.

Horjooge Sare oo ka tirsanaa Khawaarijta oo lagu magacaabi jiray Macalin Aarow isla markaana ahaa horjoogaha maleeshiyada la beegsaday ayaa ka mid ah dhagar-qabayaasha lagu dilay howlgal qaatay in ka badan 24-saac oo ka dhacay Gobolka Galgaduud.

Sidoo kale, deegaanka Yaaqle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe Ciidamada Sirdoonka NISA iyo Saaxiibada Caalamka ayaa ka hortagay maleeshiyaad isku abaabulayay, waxaana halkaas lagu laayay dhammaan maleeshiyaadkii iyada oo la burburiyay Saanad Ciidan.

Dowladda oo kaashanaysa Shacabkeeda iyo Saaxiibada Caalamka ayaa laba jibaartay howlgallada bartilmaameedka ah ee lagu beegsanayo maleeshiyaadka khawaarijta iyo horjoogeyaasha dhiigyo-cabka ah.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO GAARAY DALKA UGANDA

Kampala- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda, halkaas oo ay uga billaabatay safar shaqo.

Madaxweynaha ayaa muddada uu joogo dalka Uganda, waxa uu kulan gaar ah la yeelan doonaa dhiggiisa dalkaas Mudane Yoweri Kaguta Museveni oo uu kala hadli doono xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Uganda, qorshaha kala guurka howgalka ATMIS, iskaashiga dhinacyada amniga iyo ilaalinta xasilloonida Gobolka.

Safarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee dalka Uganda ayaa qayb ka ah booqashooyin is xigxiga oo uu maalmaha soo socda ku kala bixin doono waddamada ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya, isaga oo madaxda dalalkaas kala hadli doona arrimo ku saabsan qorshaha kala guurka howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Ra’iisul wasaare xigeenka oo kormeeray Markab Sida Shixnad Gargaar

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta kormeeray, goobjoogna ka ahaa shixnad 3,000 oo tan oo gargaar ah oo dawladda Turkigu ugu deeqday dadka Soomaaliyeed, taas oo uu Guddoomiyaha Hey’adda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka (SODMA), Maxamuud Macallin, kala wareegay danjiraha Turkiga u fadhiya Soomaaliya Amb. Alper Aktaş.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka dalka ayaa dawladda Tukiga uga mahadceliyey iskaashiga iyo garab istaagga walaaltinimada iyo saaxiibnimada ku dhisan.

    

Galmudug oo laga furay tababbar ku saabsan la dagaalanka Maalgelinta khawaarijta

-Wasiiru dowlaha wasaarada maaliyadda ee dowlad goboleedka Galmudug, mudane Cabdirisaaq Maxamuud Jaamac ayaa maanta Caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb ka furey, barnaamijka wacyigelinta iyo ka hor tagga lacag dhaqidda ee la dagaalanka maal gelinta argagaxisada oo ay soo qaban qaabisay Xarunta Warbixinada Maaliyadda ee FRC.

Wakiilo ka kala socda wasaaradaha iyo hay’addaha maamulka Galmudug iyo bulshada rayidka ayaa ka qeybgalaya barnaamijkaan wacgelinta ah, kaas oo socon doona muddo isbuuc ah.

Barnaamujkan oo mid Barnaamuj ay fulinayso Dowladda federaalka ayey Galmudug noqonaysaa dowlad goboleedkii labaad nasiibka u heshay in laga fuliyo barnaamijkan.

Xarunta Warbixinadda Maaliyadda, ayaa ah xarun u xilsaaran ka-hortaga lacag dhaqidda iyo la-dagaalanka maalgelinta argagixisada dalka, xarunta ayaa barnaamijkan ugu talo gashay adkeynta xiriirka iyo sare u qaadista qorshayaasha lagula dagaalamyo maalgelinta argagaxisada dalka.

Ugu dambeynti, Wasiiru dowlaha ayaa ka qeybgalayasha barnaamijkan kula dar daaramaya in ay si wanaagsan ugu faa’iideystaan isla markaana u dhabar adeegaan howlaha, istiraatiijiyada iyo hababka looga hortago loolana dagaalamo maalgaalgelinta argagixisada.

    

Qorshaha Shanta Sanno ee Haya’adda Qaxoontiga Qaranka oo Muqdisho lagu soo bandhigay

-Wasiirro iyo Xildhibaano ka tirsan DFS ayaa ka qeyb galay Bandhigga Qorshaha Qaran ee istiraatiijiyadda 5-ta sano ee soo soo socota ee Qaxootiga, Barakacayaasha iyo dadka soo guryo noqday.

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga Qaranka Marwo Safiya Xasan Maxamed oo sharaxday sida uu muhiim u yahay qorshaha Qaran ee qaxootiga iyo dadka gudaha dalka ku barakacay ayaa xustay in haddii la xoojiyo doorka dowladda iyo bulshada ay garab dhab ah u noqonayso dadkeena danta yar.

Ururrada Bulshada Rayidka ah ee shirka ka qeyb galay ayaa boggaadiyay dadaalka Dowladdu ay ku bixinayso sidii loo garab istaagi lahaa Qaxootiga, Barakacayaasha iyo dadka soo guryo noqday.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Saadaad Caliyow ayaa sheegay in dowladdu dhan kasta diyaarisay qorshayaasha iyo sharciyada kaabaha garab istaagga Qaxootiga, Barakacayaasha iyo dadka soo guryo noqday, wuxuu sidoo kole xusay in Bulshada Soomaaliyeed ay door muhiim ah kaga jiraan Garab istaagga dadkeena danyarta ah.

Qorshaha Qaran ee istiraatiijiyadda Qaxootiga, Barakacayaasha iyo dadka soo guryo noqday oo socon doona ilaa 2029 ayaa ku dhisan xog uruurin laga sameeyay dadka Soomaaliyeed ee ku nool deegaannada dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka iyo Maamulka Gobolka Banaadir si loo sal fariisiyo xalka waara ee Qaxootiga, Barakacayaasha iyo dadka soo guryo noqday.

  

Xisbulah oo duqeymo la beegsaday hoyga R/wasaaraha Israel & xarumo ciidan

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil ayaa sheegay in guriga Netanyahu oo ku yaal waqooyiga Tel Aviv,gaar ahaan xaafadda Caesarea ay duqeysay diyaarad aan duuliye lahayn oo oo ka timid dhanka Lubnaan.

“Netanyahu iyo qoyskiisa ma joogin Caesarea markii uu weerarku dhacay” ayaa lagu yiri bayaan ama war cad oo ka soo baxay xafiiska R/wasaaraha, waxaana intaa lagu  daray in halkaasi uu ku dhintay hal ruux,isla markaana ay ku dhaawacmeed 13 kale.

Warbaaghinta oo so xiganeysay xukuumadda Israel ayaa sheegtay in Iran ay ka dambeyso duqeymahaasi,isla markaana ay doonayaan in ay khaarajitaan Netenyahu.

Dhanka kale  Ugu yaraan 44 falastiiniyiin ah ayaa la dilay in ka badan 80 kalena waxaa lagu dhaawacay weerar ay Israa’iil ku qaadday waqooyiga Qaza ee Jabalia iyo xeryaha qaxootiga ee Maghazi.

Dhimashada iyo dhaawaca dadkaasi oo ay ku jiraan carruur ayaa yimid xilli ciidamada Israa’iil ay beegsadeen cisbitaallada al-Awda iyo Kamaal Adwan ee waqooyiga Qaza.

Xamaas ayaa sheegtay in  maxaabiista Israa’iil aan la sii deyn doonin haddii aan la joojin xadgudubka Gaza,isla markaana aan la saarin ciidamada Israel ee ku soo duulay deegaanada Falastiin.

Dhimashada Gaza ayaa mareysa  42,500 oo qof ,halka dhaawaca lagu sheegay  99,546,iyadoo dhinaca kale tirada dadka reer Lubnaan yak u dhowdahay 2 kun.

 

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in lagu guuleysatay yareynta fakhriga iyo kororka Dhaqaalaha Dalka

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS, mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Faarax oo wareysi gaar ah siiyay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ku guuleysatay yareynta faqriga iyo kororka Dhaqaalaha Dalka.

“Warbixintii ugu dambeesay hadda oo ay dowladda soo saartay, waxaa ku xusan in 15 boqolkiiba faqriga hoos loo dhigay, guul aad u wayn oo dowladda Soomaaliya iyo shacabka ay qeyb ka ahaayeen oo lagu farxay yay noqotay, qorshahan marka la suubinayay waxay aheyd 69 boqolkiiba hadana waa 54.4 boqolkiiba oo ah in 15 boqolkiiba hoos u dhacay” ayuu yiri wasiir Beenebeene.

Sidoo kale wasiirka ayaa dhanka kale sheegay in dowladda Soomaaliya dhaqaalaheeda koror wayn sameeyay, isagoo tilmaamay halbeegga lagu cabiro dhaqaalaha ee GPD uu hadda noqday 4.2 boqolkiiba, kaasoo uu sheegay in waqtitadii ugu dambeeyay uu ahaa 2.7 boqolkiiba.

Wasiirka ayaa ku bogaadiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xukuumadda DanQaran ee uu hogaanka u haya Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre dadaallada ku aadan xaqiijinta qorshayaasha ugu muhiimsan dowladnimada Soomaaliya.