Ciidanka Xoogga oo hawlgal qorshaysan ku dilay in ka badan 30 Khawaarij ah

Ilaa 30 ka tirsan Khawaarijta ayaa lagu dilay tiro intaasi ka badana waa ku dhaawacmeen howlgal Ciidanka Xoogga Dalka iyo Geesiyaasha dadka deegaanka ay ka fuliyeen deegaanka Qaycad ee Koofurta Gobalka Mudug.

Howlgalkaan oo ahaa mid aad loo qorsheeyay ayaa lagu bartilmaameedsaday Horjoogayaal dhiigyo-cab ah iyo maleeshiyaad badan oo ay wateen, kadib markii la helay xogtooda, waxaana ka mid ah horjoogayaasha nafta la dhaafiyay:-

1-Horjooge Maxamed Bashiir Muuse oo Khawaarijtu ugu yeeri jireen Mukhtaar, kaasi oo ahaa horjoogaha waxa ay ugu yeeraan Jabhadaha, una qaabilsanaa koofurta gobalka Mudug.

2-Horjooge Maadey Foodey oo isna ahaa horjoogaha maleeshiyaad Khawaarijtu u diyaarinayeen inay ku dhibaateeyaan shacabka Gobalka Mudug.

In ka badan 40 Khawaarij ah oo dhaawacyo ay ka soo gaareen howlgalkaan aadka loo qorsheeyay ayaa la geeyey deegaanno ku dhow-dhow magaalada Ceelbuur ee gobalka Galgaduud, kuwaas oo ay hadda u la’yihiin meel ay kula tacaalaan xaaladooda.

Howlgalladii ugu dambeeyay ee Ciidanka Xogga Dalka iyo Geesiyaasha dadka deegaanka ay ka sameeyeen Koofurta Gobalka Mudug ayaa gabi ahaanba waxaa lagu bur-buriyay Godad iyo Fariisimo muddo dheer Khawaarijtu isku qarinayeen.

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

1-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo si rasmi ah magaalada Muqdisho uga daahfuray Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee 2025-2029, isagoo tilmaamey in Soomaaliya ay cagta saartey waddadii horumarka.

2-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Villa Somalia ku qaabilay Kaaliyaha Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan siyaasadda, Rosemary DiCarla,iyagoo ka wadahadley horumarka ay Soomaaliya ku tallaabsatey iyo doorka Qaramada Midoobay ee taageerada Soomaaliya.

3-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhagax dhigay dhismaha xaafadda casriga ah ee Xeebta Luulka, taasi oo ay magaalada Muqdisho ka hirgalinayaan ganacsato Soomaaliyeed.

4-Madaxweyne Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerk, iyo Madaxweynaha Masar ayaa kulan lagu xoojinayo iskaashiga saddexda dal ku yeeshay magaalada Asmara ee dalka Eritrea.

5-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kormeeray xerada ay ku tababaranayaan Ciidamada Cirka Soomaaliyeed ee magaalada Asmara.

6-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyey shacabka Soomaaliyeed munaasabadda 12-ka Oktoobar oo ku asteysan Maalinta Calanka Soomaaliyeed.

7-Ra’iisul Wasaare Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa furay Shirka 7-aad ee Madasha Siyaasadda Dhaqaalaha Qaranka oo diiradda lagu saaray horumarinta siyaasadaha lagu xoojinayo kobaca dhaqaale ee dalka.

8-Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo dib la isugu soo laaban doono 26-ka bishan October.

9-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa dhagax dhigay mashruuca dib-u-dhiska Tuulada Cayaaraha ee Stadium Muqdisho.

10-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa Marwo Fowsiya Bashiir Maxamed u magacaabay La-taliyaha Sare ee Arrimaha Iskaashiga Caalamiga iyo Horumarinta ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

11-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa qaabilay Sii-Hayaha Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.

12-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa hambalyo ku aadden xuska Maalinta Calanka oo ku beegay 12-ka October u diray dhamaan Shacabka Soomaaliyeed.

13-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa xarigga ka jaray saddex waddo oo laami ah oo laga hirgeliyey caasimadda, isagoo sheegay in dhismaha waddooyinka ay kaalin wayn ka qaadanayaan, isku socodka dadka, gaadiidka, bilicda, amniga iyo dhaqaalaha.

14-Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa qaabbilay Marina Walter oo ah Ku-xigeenka Agaasin Goboleedka Dalalka Carabta ee Laanta Qaramada Midoobay u qaabilsan Horumarinta (UNDP).

15-Guddoomiye Ku-Xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa magaalada Geneva uga qeybgalay furitaanka kalfadhiga 149-aad Ee Shirka Baarlamaanka Aduunka IPU.

16-Wasiirka Arrimaha Dibedda Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa kulan la yeeshay Safiirka dowladda Sweden u fadhiya Soomaaliya, Joachim Waern, iyagoo ka wadahadley xoojinta iskaashiga labada dal.

17-Wasiirka Arrimaha Dibedda Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa kulan la yeeshay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya Danjire Wang Yu, iyagoo ka wadahadley xoojinta, xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

18-Dowladda Soomaaliya oo deeq waxbarasho u fidineysa qaxootiga reer Sudan ee ku nool Soomaaliya.

19-Wasiirka Beeraha Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa daah furay Barnaamijka U adkeysiga Nolosha Miyiga oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Soomaaliya.

20-Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa kulan la yeeshay Mudane Ammar Axmed Babiker, Ku-simaha Safiirka Jamhuuriyadda Suudaan ee Soomaaliya.

21-Wasiirka Caafimaadka ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Shirweynaha 70-aad ee Hey’adda Caafimaadka Aduunka WHO Dr.Cali Xaaji Aadam Ayaa Doha ka furay kulanka 71-aad ee (RC71) oo looga hadlay Hormarinta caafimaadka adduunka.

22-Wasiirka Waxbarashada, Mudane faarax Sheekh Cabdulqaadir oo booqasho ku tagey dalka Norway ayaa kulan la yeeshey Wasiiru-Dowlaha Hormarintu caalamiga ah ee Norway, Marwo Bjork Sandkjaer.

23-Ha`adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa qoraal ay soo saarta ku sheegtey in diyaaradaha aan duuliyaha laheyn (Drones) laga mamnuucey u isticmaalka agagaarka Garoonka Aadan cadde ee Magaalada Muqdisho.

24-Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka ayaa kulan la yeeshay Midowga Jaamacadaha dalka, iyagoo ka wadahadley Hindise Sharciyeedka Tacliinta Sare ee Qaranka oo guddigu ku guda jiro diyaarinta warbixinta akhrintiisa labaad.

25-Wasiirka Awqaafta & Arrimaha Diinta Mudane Sheekh Mukhtaar Roobow Cali ayaa tababar aqoon kororsi ah oo la xiriira sare u qaadista awooda shaqa gudasha shaqaaalaha u soo xiray qaar ka tirsan shaqaalaha wasaaradda.

26-Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si rasmi ah u ansixiyay qaraar ay si wadajir ah u soo gudbiyeen Soomaaliya iyo UK, kaas oo diiradda saaraya caawinta Soomaaliya ee dhinaca xuquuqul insaanka.

27-Bayaan ka soo baxey Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka ayaa lagu mamnuucey soo dejinta bacda.

28-Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka S/Guuto Dayax Cabdi Cabdulle ayaa deegaanka Waniile ee gobalka Galgaduud kulan kula qaatay saraakiisha ciidanka xoogga Dalka ee Hawlgalka sifeynta Khawaariijta ka wada deegaanadda Galmudug iyo Hirshabeele

29-Taliyaha Ciidaanka Booliiska Soomaaliyeed S/Guuto Asad Cusmaan Cabdullahi ayaa qaabiley Madaxda Howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya Kestitis lancinkas.

30-Guutada 14-ka October ee Xoogga dalka ayaa gacanta ku soo dhigay labo horjooge oo ka tirsan Khawaarijta oo ka hawlgalayey degaanadda Janaale iyo Shalambood ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Guddoomiye Madaale oo Xulka Kaaraan guddoonsiiyay Koobka Tartanka Kubadda Cagta Degmooyinka Gobolka Banaadir

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa guddoonsiiyay Koobka Tartanka Kubadda Cagta Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo degmada Balcad Xulalka Kubadda Cagta Degmada Kaaraan kadib markii ay 2-0 ugu badiyeen dhigooda degmada Gubadleey.

Cayaartaan oo aad u xiiso badneed waxaa usoo daawasho tagay kumanaan taageerayaal ah oo xiiseeya cayaaraha, iyo madax kala gedisan oo ay ka mid ahaayeen Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Banaadir & Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed.

Duqa Muqdisho ayaa Hambalyo u diray dhamaan Kooxaha ka qeyb galay Tartanka ee degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Degmada Balcad, Guddiga Kubadda Cagta Gobolka Banaadir, Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, Laamaha Amniga iyo guud ahaan inta ka qeyb qaadatay habsami u socodka Tartanka inta uu soo socday.

Kaaraan oo Ku Guuleystay Koobka Tartanka Kubadda Cagta ee Degmooyinka Gobolka Banaadir

Xulka kubadda cagta ee degmada Kaaraan ayaa galabta ku guuleystay koobka tartanka kubadda cagta ee degmooyinka Gobolka Banaadir iyo degmada Balcad, kadib markii ay ciyaarta kama dambaysta 2-0 kaga adkaadeen xulka degmada Gubadleey.

Ciyaartan adag oo ka dhacday garoonka Stadium Koonis, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa taageerayaal fara badan iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka. Kaaraan ayaa qeybta hore ee ciyaarta ku hogaamisay labo gool, taasoo ay ugu dambeyn ku xaqiijisteen guusha.

Xulka Gubadleey oo difaac adag ku caan baxay sanadkan, ayaa u adkeysan waayay weerarka xooggan ee Kaaraan, oo sanadka si gaar ah uga muuqatay awooddeeda ciyaareed.

Kulankan ayaa soo gebogeboobay iyadoo xulka Kaaraan uu si rasmi ah ugu dabaaldegayo hanashada koobka.

Mas’uuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta oo ka Tacsiyeeyay Geerida Ku Timid Abwaan Sugaal Cabdulle

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, Wasiir Ku-Xigeenka Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar Al-Cadaala, Agaasimaha Guud Cabdullaahi Xayir Ducaale, iyo madaxda kale ee wasaaradda, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday Abwaan Sugaal Cabdulle, oo ka tirsanaa Kooxda Heegan ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Abwaan Sugaal Cabdulle, oo muddo dheer ka tirsanaa kooxda Heegan, ayaa door muuqda ka qaatay wacyigelinta iyo horumarinta fanka Soomaaliya. Marxuumka ayaa maanta lagu aasay deegaanka Gelinsoor ee gobolka Galgaduud.

Mas’uuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta ayaa Alle uga baryay in uu u naxariisto marxuumka, kana waraabiyo Jannatul Firdowsa, qoyskii iyo eheladii uu ka tagayna uu samir iyo iimaan ka siiyo. .

Wasiirka Qorsheynta XFS oo sheegay in lagu guuleystay kordhinta dhaqaalaha iyo yareynta faqriga

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS Maxamuud C/raxmaan Faarax oo ka hadlay kulanka todobaadka warbaahinta ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ku guuleysatay yareynta faqriga ,isla markaana ay u howlgashay kordhinta dhaqaalaha dalka.

Wasiirka ayaa xusay in hoos loo dhigay 15 % Faqriga,isla markaana lala yimid koboc dhaqaale oo gaaraya 4.7 marka loo eego halbeegga lagu cabiro heerka wax soo saarka.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS ayaa qiray in Dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay ama ay mudnaanta siineyso hagaajinta amniga dalka la dagaalanka faqriga iyo kobcinta dhaqaalaha dalka .

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo daahfuray madal loogu talagalay isku xirka ganacsiga

Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Mudane Danjire Jibriil Ibraahim C/lle ayaa daahfuray madal loogu talagalay isku xirka qeybaha ganacsatada Soomaaliyeed ee ka xoogsada Dalka Kenya .

Madashaan oo lagu qabtay deegaanka South Seas  ee Magaalada Nirobi waxaa ka qeybgalay boqolaal ganacsato ah oo ay ku jiraan madaxda shirkadaha ganacsiga Soomaalida eek u sugan dalkaasi.

Madashaasi waxaa looga hadlay qodobbo ay kamid ahaayeen ka shaqeyta iyo soo bandhigista fursadaha ganacsi ee u bannaan maalgashatada Soomaaliyeed iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay isku xirka ganacsatada iyo dadweynaha.

“Xaafadda South C waxa ay noqotay xarun ganacsi oo soo jiidatay indhaha dadka maalgashatada ah ee doonaya in ay ku soo biiraan ganasiga halkaasi ayuu yiri Safiirka Soomaalida ee Kenya.

Deegaanka South C oo dhaca caasimadda Nirobi waxaa ku soo badanaya ganacsiga Soomaalida ,iyadoo sidoo kale ay kordhayaan dhismooyinka maguurtada ah ee ay leeyihiin ganacsatada Soomaaliyeed iyo dadka kale ee caadiga ah.

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐞𝐞𝐠𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐉𝐅𝐒 : t𝐨𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 h𝐨𝐫𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 w𝐚𝐚𝐫𝐚 𝐞𝐞 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

Madaxda Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada JFS, ayaa xarunta wasaaradda ku qabtay kulan ay ka qeybgaleen shirkadaha ganacdiga oo loogu magac daray todobaadka hormarka waara ee Soomaaliya (Somalia Sustainability Week).

Kulankaasi waxaa lagu soo bandhigay sida ay lagama maarmaanka u tahay in bacaha la isticmaalo lagu badallo adeegyo kale oo aan wax u dhimeyn caafimaadka dadka iyo xoolaha.

Wasaaradda ayaa ku dhiirri gelisay ganacsatada in ay si wadajir ah uga shaqeeyaan sidii loo horumarin lahaa suuqa alaabaha deegaanka si bulshada looga badbaadiyo dhibaatooyinka caafimaad ee bacahu ay ku hayaan deegaanka.

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Soomaaliya Amb Khadija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa ku boorisay shirkadaha ganacsiga in ay kaalin mug leh ka qaataan badbaadinta deegaanka iyo caafimaadka bulshada iyo xoolaha.

 

Israel oo sheegtay in la dilay hoggaamiyihii Xamaas Yahya Sinwar

Israel ayaa sheegtay in ciidamadeedu ay Marinka Qaza ku dileen hogaamiyihii Xamaas Yahya Sinwar oo dhowaan beddelay hoggamiyihii hore Ismaaciil Haniyah.

Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay Xamaas oo ku saabsan dilka Sinwar oo xilka la wareegay bishii Luulyo ee la soo dhaafay.

Ugu yaraan 10 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay weerar ay Israa’iil ku qaadday xerada qaxootiga ee Maghazi ee bartamaha Gaza ka dib markii weerar kale oo ay ku qaadday hoyga Qaramada Midoobay ee waqooyiga Gaza ee Jabalia. ay ku dhinteen ugu yaraan 28 qof oo ay ku jiraan carruur.

Millatariga Isrel ayaa sheegay in dagaalka ay ka wadaan Lubnaa iyo Marinka Gaza looga dilay shan askari,isla markaana looga dhaawacay sagaal kale.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa yiri “dilka Sinwar ma ahan dhammaadka dagaalka Gaza,balse waa uu sii socon doonaa”.

Qaza, ugu yaraan 42,438 qof ayaa lagu dilay,halka la dhaawacay 99,246,waxaana sidoo kale tirada dhimashada Lubnaan ay ku dhowdahay laba kun oo ruux.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo sheegay in tiknoolajiyaddu ay qayb ka qaadato yareynta musuq-maasuqa

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in Teknoolojiyaddu yaraysay musuq-maasuqa, sidoo kalena ay qeyb wayn ka qaadatay fududaynta bixinta mushaharaadka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in hadda adduunku u wareegay adeegsiga Teknolojiyadda, sidaa awgeed waxa ka go’an Xukuumadda diyaarinta shuruucdii lagu ilaalin lahaa ganacsatada Soomaaliyeed ee maalgelinta xooggan galisay horumarinta teknoolojiyadda maaliyadeed ee Soomaaliya.

Mudane Xamsa ayaa tilmaamay dowladdu dhiiri galinayso ganacsiyada gaarka loo leeyahay, isagoo ku bogaadiyey Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud doorka wayn ee ay ka ciyaarayso horumarinta dhaqaalaha dalka.

Ra’iisul Wasaaraha oo hadalkan ka jeediyey xiritaanka shirwaynaha Bandhigga Teknoolojiyadda Maaliyadeed ee Soomaaliya, ayaa tilmaamay in hadda dowladdu ay xoogga saareyso isticmaalka adeegsiga teknoolajiyada.