Taliska Booliska oo faahfaahin ka bixiyay naftii halige isku qarxiyay goob lagu harsado

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa qoraal ka soo saaray qarax galabta qof naftii halige ah oo ka tirsanaa Khawaarijta uu ka geystay goob dadka ku harsadaan oo ka soo horjeedda barxada Iskool Buluusiya, degmada Xamarjajab ee magaalada Muqdisho.

Sida uu shaaciyey Taliska Booliska Soomaaliyeed 7 qof oo askar iyo shacab isugu jirta ayaa ku geeriyootay qaraxa, halka 6 qof oo kale ay ku dhaawacmeen.

Ciidamada ayaa goobta ka wado baaritaanno dheeraad ah.

Wasiir Fiqi oo Muqdisho ku soo dhaweeyay Wakiilka Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Arrimaha Siyaasadda iyo Nabadda

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS, Danjire Axmed Macalin Fiqi, iyo Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan, ayaa si diirran u soo dhaweeyay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Siyaasadda iyo Nabadda, Rosemary A. DiCarlo, intii ay ku guda jirtay booqashadeedii Muqdisho.

Danjire Fiqi ayaa H.E. DiCarlo uga warbixiyay horumarka dhinaca amniga ee Soomaaliya ku tallaabsatay, shirka Golaha Wadatashiga Qaran, iyo soo jeedinta DF ee ku aadan howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM.

Sidoo kale, H.E. DiCarlo ayaa xaqiijisay taageerada ay Qaramada Midoobay u fidinayso Soomaaliya, gaar ahaan kooxda Soomaaliya ee Golaha Ammaanka, taasoo uu Danjire Fiqi si weyn u soo dhaweeyay, isagoo sheegay in kooxdaasi ay ka shaqeyn doonto New York iyo gudaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo daahfuray Bandhigga Guuleystayaasha Soomaaliyeed

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Soomaaliya, Xildhibaan Maxamed Aadan Macallin Cali (Soomaali) ayaa si rasmi ah u furay Bandhigga Guuleystayaasha Soomaaliyeed oo lagu lafagurayo Teknoolojiyadda Maaliyadeed ee Soomaaliya.

Ujeedka Bandhiggan sannadlaha ah ayaa ah in la dhiirrigeliyo, lana abaalmariyo shirkadaha Soomaaliyeed ee u taagan horumarinta ganacsiyada iyo dhaqaalaha Soomaaliya.

Ciidanka Xoogga Dalka oo kala wareegay ATMIS Saldhigga Kudhaa ee Jubbada Hoose

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa kala wareegay howlgalka ATMIS saldhigga Kudhaa ee gobolka Jubbada Hoose, taas oo ka dhigan guul wayn oo laga gaaray wajiga saddexaad ee dhimista ciidamada.

Injineerka Guud ee Milatariga ATMIS, Gaashaanle Sare Suleiman Ibrahim, oo hadal ka jeediyay munaasabada ayaa ku ammaanay ciidanka Kenya Defence Forces (KDF) kaalinta ay ka qaateen daciifinta awoodda Al-Shabaab iyo horumarinta nabadda gobolka.

Sidoo kale, Gaashaanle Sakariye Maxamed Cumar oo ka socday Waaxda Qorshaynta Ciidanka Qaranka Soomaaliya ayaa ammaanay dadaalka ciidanka, wuxuuna carrabka ku adkeeyey sida guutada ciidanka Qaranka Soomaaliyeed ee la wareegi doonto saldhigga ay ugu dadaali doonto ilaalinta shacabka.

Waxaa xafladda ka soo qaybgalay mas’uuliyiin sare oo ay ka mid ahaayeen Wakiilka UNSOS u qaabbilsan Qorshaha Kala-guurka, Santosh Koka, Taliyaha Qaybta 2-aad, Sarreeye Guuto Seif Salim Rashid, iyo masuuliyiin kale oo ka socday ATMIS iyo Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Xamsa “Gobolka Banaadir ayaa ugu horreyn doona doorashooyinka”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo xalay  ka qayb galay bandhigga wax-qabadka maamulka Gobolka Banaadir ee 2023-2024, ayaa sheegay in maamulku uu xaqiijiyey labadii sano ee la soo dhaafay guulo waaweyn oo dhinacyada amniga, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay sidii bulshada caasimadda ku dhaqan u heli lahaayeen maamul ay iyagu soo doorteen, isla markaana ay horseed u noqonayaan sidii maamullada kale ee dalkuna hoggaankooda u soo dooran lahaayeen.

Waxa uu xusay Ra’iisul Wasaaruhu in caasimaddu ay lafdhabar u tahay dhaqaalaha ummadda Soomaaliyeed, sidaa awgeedna ay lagama maarmaan tahay in masuuliyadda gaara ah la iska saaro sidii ay ula tartami lahayd caasimadaha kale ee dhiggeeda ah, isaga oo ku bogaadiyey maamulka Gobalka Banaadir horumarka ay ka sameeyeen dib u dhiska, bilicda iyo kaabayaasha muhiimka ah ee caasimadda.

Xafiiska Ra’iisul wasaaraha oo ka hadlay shirka golaha wadatashiga Qaran

War saxaafadeed goor dhow ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha dalka ayaa lagu sheegay in madaxda golaha wadatashiga Qaran oo ka kooban dowladda FS iyo dowlad goboleedyada dalka ay ka doodeen marxaladda dalka, la iskuna soo laaban doono dhammaadka bishan.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay ahmiyadda qorshaha isbadalka Qaran

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey Daahfurka Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee 2025-2029 ayaa tilmaamay marxaladaha kala duwan ee uu dalkeenu u soo maray in uu helo hannaan qaran oo sal adag leh, cabadaha ku gedaaman iyo fursadaha aan haysanno si aan uga miro dhaliyo aragtiyaha ummadda ku jiheyneysa hiigsi iyo himiloyin fog.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa xusay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ka duuleyso xaqiijinta hadafyada horumarineed ee uu dalkeennu u baahan yahay ayaa diiradda saartay sameynta Qorshaha Isbeddelka Qaranka oo ku qotomo la falgelidda xaaladaha taagan, soo saaridda khayraadka dalkeenna, ka faa’iideysiga fursadaha iyo khibradda aan u leenahay in aan ku saleyno baahiyaha ay dadkeenna u qabaan hirgelinta ujeedooyin waxtar leh ee guuleysta.

“Soomaaliyada cusub ee aan rabno 2060-ka, waa ka duwan tahay tan aan maanta joogno, dhabbaha iyo qorshaha aan dejinay haddan ka run sheegno waa xaqiijin karnaa aragtideedna, waxaana sameyn karnaa in aan qaadno tallaabooyin waaweyn iyo mucjusooyin aan adduunyada hore uga dhicin haddan iska kaashanno ka shaqeysiinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee 2025-2029, taas waxay abuureysa kalsooni iyo maalgashiyo waaweyn oo ay ku dhiiradaan ganacsatadeenna iyo kuwa caalamkaba in ay mashaariic ka hirgeliyaan dalka gudahisa, waana bilaabatay hadda howshaas, kuwa badanna inta uusan dhamman sannadka ayaa dhagax dhigi doonna”

Madaxweyne Xasan sheekh ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay in ay isbedel dhab ah ka sameyso,xoojinta amniga, siyaasadda, horumarinta dhaqaalaha, tayeynta garsoorka iyo adeegyada bulshada oo ay ugu horreyaan tacliinta, caafimaadka iyo shaqo abuurka dhallinyarada, isaga oo tilmaamay ahmiyadda ay leedahay in la kobciyo hay’adaha gaarka loo leeyahay si kor loogu qaado hal abuurka iyo wax soosaarka dalka, iyada oo ay dowladdu ku hoggaamineyso sameynta xeerarka, shuruucda iyo dhaqangelintooda, ilaalinta xasillonida iyo daahfurnaanta si loo helo deegaan nabdoon oo u sahlaya ganacsatada in ay ku soo bandhigaan maalgashigooda.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Soomaaliya halkii ay joogtay muddo dheer aysan marnaba suuragal ahayn in ay sii joogta, si cabsida looga gudbaana ay tahay in si daahfuran loo wajaho caqbadaha waaweyn, laga dabaasho xaaladaha adag, iyada oo markasta xoogga la saarayo waddada guusha, lana yareynayo guul darrada si loo xaqiijiyo hadafyada fog ee ay dadka Soomaaliyeed filayaan, loona gaaro horumar waara, isaga oo xusay in kala aragti duwanaanta dadkeenna ay tahay mid muujineyso ilbaxnimo, buseyl, qadarin iyo dhiiragelin ay Mas’uuliyiinta dowladda ay helayaan si loo hormariyo dowladnimadeenna iyo isbedelka togan, waxa uuna dadka Soomaaliyeed ku adkeeyey in Xukuumadda lagu garabsiiyo meelmarinta qorsheyasha qaran ee ay ugu muhiimsan yihiin in shacabka codkooda ku soo doortan hoggaanka dalka iyo in argagixisada laga sifeeyo dalka.

  

Wasiirka cadaaladda iyo arrimaha Dastuurka oo xariga ka jaray xarunta wasaaradda oo dib u dhis iyo qalabeyn lagu sameeyay

Wasiirka wasaaradda cadaaladda iyo arrimaha Dastuurka dowladda FS mudane  Xasan Macalin oo ay wehliyaan wasiiru-dowlaha iyo wasiir ku xigeenka wasaaradda ayaa maanta xariga ka jaray xarunta wasaaradda oo dib-u-dhis iyo qalabeyn lagu sameeyay, isagoo uga mahadceliyey hawlwadeenada wasaaradda shaqada wanaagsan ee ay dalka u hayaan.

Wasiirka ayaa xusay in muuqaalka iyo xafiisyada wasaaradda oo la hagaajiyey ay wax badan ku soo kordhinayso tayada shaqada iyo wax soo saarka wasaaradda, islamarkaana wasaaraddu ay ku hawlantahay in laga shaqeeyo casriyeynta dhismaha iyo qalabaynta xafiisyada shaqada.

    

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo kulan la qaatay Culimaa’uddiinka

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa kulan la qaatay maanta qaar ka mid ah Culumaa’uddiinka Soomaaliyeed.

Taliyaha ayaa Culimada kala hadlay in ay ka qayb qaataan dedaallada lagu xoojinayo Nabadda, dib u heshiisiinta, wadajirka bulshada iyo dabar goynta fikirka xagjirka ah ee Khawaarijta.

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabbilay qaar ka mid ah madaxda hay’adaha samafalka ee Turkiga

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda SoDMA ku soo dhaweeyay wafdi sare oo ka socday hay’adaha  dowladda Turkiga u qaabilsan arrimaha bini’aadannimada iyo gurmadka deg-deg ah kuwaas oo kala ah AFAD, KIZILAY, TIKA, IHH iyo DIYANET .

Guddoomiyaha ayaa wafdigaan ku soo wareejiyay xafiisyada xarunta iyo qaar ka mid ah bakhaarrada lagu keydiyo raashinka, ka hor inta aan wafdiga loo galbin Xarunta Howl-gallada ee NEOC, halkaasoo uu ka dhacay kulan diiradda lagu saaray warbixinta guud ee Hay’adda, xoojinta ka jawaabidda xaaladda deg-degga ah, taageerada lama-huraanka ah iyo sare u qaadista tayada,iyo aqoonta howl-wadeennada SoDMA.