Madaxweyne Xasan Sheekh oo daah-furay barnaamijka Daah-furka Qoraalka qorshaha Isbeddalka Qaranka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daah-furay barnaamijka Daah-furka Qoraalka qorshaha Isbeddalka Qaranka (NTP) 2024-2025.

Munaasabadda Daah furka Qoraalka qorshaha Isbeddalka Qaranka ayaa waxaa ka qayb galay Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda DanQaran, ku xigeenkiisa, qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada, Xildhibaanno, mas’uuliyiin ka socota Beesha Caalamka iyo Marti sharaf kale.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in Qorshaha Isbadalka Qaranka uu caddeynayo halkii aan shalay joognay, halka hadda aan ku sugannahay iyo meesha aan u soconno.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka XFS Saalax Axmed Jaamac ayaa sheegay in shaqo la’aanta Soomaaliya ka jirta ay ka badan tahay 70%, wuxuuna xusay inta ay xukuumadda DAN-QARAN samaysay dedaallo lagu yaraynayo arrintaas.

Wasiirka Dekedaha dalka Masar iyo maalgashadayaal uu hoggaaminayo oo kusoo wajahan Muqdisho

Image processed by CodeCarvings Piczard ### FREE Community Edition ### on 2020-05-19 15:42:14Z | |

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga, iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS Mudane Maxmuud Cabdiraxman Faarax Beenebeene ayaa sheegay in dalka ay kusoo wajahan yihiin Wasiirka wasaaradda Dekedaha dalka Masar, H.E. Kamel El Wazir iyo ganacsato u dhashay dalka Masar.

Ujeeddada safarkooda ayuu ku sheegay in ay dalka Soomaaliya ka hirgeliyaan mashaariic waaweyn, iyagoo maalgashiyo ku samaysan doona dekedaha dalkeenna.

Wasiirka ayaa sheegay in Soomaaliya ay u aragto xiisaha sii kordhaya ee maalgashadayaasha gobolka iyo kuwa caalamiga ah fursado wanaagsan oo wax weyn ka badali doono , isagoo xaqiijiyay booqashooyinka wafdiga Masar ee dhawaan imaanaya dalka taasoo ku sheegay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday sahaminta fursadaha maalgashi ee dalka.

Shirka dib u eegidda habraacyada isku dubaridka dhaqaalaha buluugga ayaa ka furmay Muqdisho

Shirka ansixinta habraacyada isku xirka iyo isku dubaridka Dhaqaalaha Buluugga, (Interministerial Coordination and Resource Mobilization Meeting on Blue Economy), oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee Soomaaliya ayaa ka furmay magaalada Muqdisho.

Shirkaan ayaa diiradda saaraya Ansixinta habraacyada lagu xoojinayo isku-xirka iyo maareynta Dhaqaalaha Buluugga, Dib u eegista iyo ansixinta warbixinta Dhaqaalaha Buluugga ee Soomaaliya iyo Horumarinta Istaraatiijiyadaha isku-dubaridka kheyraadka si loo taageero fulinta Istaraatiijiyadda Dhaqaalaha Buluugga ee Qaranka.

Agaasimaha Waaxda Dhaqaalaha Buluugga ee Wasaaradda Marwo Ra’isa Mohamed ayaa furitaanka shirkan ka sheegtay in wasaaraddu ay mudnaan gaar ah siineyso hirgalinta habraacyo dhammeystiran kuwaas oo si wada jir ah loogu maareyn karo Qorsheyaasha horutabinta u leh dhaqaalaha Buluugga ee dalka.

Wasiirada wasaaradaha ku bahoobay dhaqaalaha Buluugga ayaa si rasmi ah u meelmarin doona habraacyada lagu soo bandhigay, habraacyadaan ayaa la jaanqaadaya Istiraatiijiyadda Qaran ee Dhaqalaha Buluugga iyo Sharciga Maareynta iyo Horumarinta Kalluumeysiga Qaranka.

Shirweyne looga hadlayo qorshaha isbadalka Qaranka oo Muqdisho ka furmaya

Wasiirka wasaaradda qorsheynta iyo horumarinta dhaqaalaha dowladda FS mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Beenebeene ayaa sheegay in maalinta barri ah uu Muqdisho ka furmayo shirweyne looga hadlayo qorshaha isbadalka Qaranka.

Shirka oo uu furi doono madaxweynaha Jamhuuriyadda FS Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si qoto dheer looga hadlayaa arrimaha dhaqaalaha, adeegyada bulshada iyo arrimo kale oo dalka muhiim u ah.

Wasiir Beenebeene ayaa xusay in aqoonyahano, mas’uuliyiin dowladeed iyo mari sharafta kale ee shirkaas ka qaybgalaysaa ay muddo asbuucyo ah lafaguri doonaan arrimaha ahmiyadda u leh Qaranka, sida waxbarashada, amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo yareynta saboolnimada.

 

Taliye ku xigeenka ciidanka Booliska oo tababar u soo xiray saraakiil loo tababaray xiriirka Bulshada

Taliye xigeenka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/guuto Cusmaan Cabdullaahi Maxamed( Kaniif ) oo uu wehliyo Aggaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Mundane Yuusuf Cali Maxmed ayaa galabta Tababar usoo xirey 64 kamid ah dhalinyarada Booliska la shaqaysa (Communty team) ka dhisan 4 degmo oo ka mid ah Gobolka Banaadir iyo ku dhawaad 20 Sarkaal oo kamid ah Boliiska Soomaliyeed kuwaas oo si wadajir ah Tababar kusaabsan xiriirka Bulshada iyo Boliiska ku qaatay Akadeemiyada Boliiska Soomaaliyeed ee Sarreeye Guuto Kaahiye muda todobaad ah.

Musuuliyiinta ayaa ku amaanney Taliyaha Hoggaanka Xiriirka Bulshada iyo Boliiska Soomaaliyeed Gaashaanle Qaali Axmad Cadaaan sida wanaagsan ee ay u dhiseyso xiriirka Boliiska iyo Bulshada Gobolka Banaadir. Sidoo kale waxay u mahadceliyeen hay’adda UNDP oo taabagilisay tababarkaan.

Taliye xigeenka ayaa kula dardaarmay Dhallinyarada in ay la shaqeeyaan Boliiska Soomaliyeed gacanna kusiiyaan sidii loogu adkaan lahaa khawaariijta ku dhuumanaysa Bulshada dhexdeeda.

     

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhagax dhigay xaafad casri ah oo laga hirgalinayo Muqdisho

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dhagax dhigay dhismaha xaafadda casriga ah ee Xeebta Luulka, taasi oo ay magaalada Muqdisho ka hirgalinayaan ganacsato Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in hirgalinta mashruucani uu tusaale u yahay soo kabashada dalka, isla markaana uu weji cusub u yeelayo dowladnimada Soomaaliyeed, isaga oo faray dhammaan hay’adaha dowladda in ay ku garab istaagaan ganacsatada Soomaaliyeed sidii uu u guuleysan lahaa mashruucani.

“Dhismaha xaafaddan waa billowga Soomaaliyada cusub ee dib u qaabaysa dowladnimadeeda, isla markaana la tartamaysa adduunyada. Ganacsatada Soomaaliyeed ha aaminaan dalkooda, hana garab istaagaan dowladda iyaga oo bixinaya canshuuraha ku waajibay, si aan uga soo kabano dhibaatooyinkii na gaaray.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa u mahadceliyay ganacsatada Soomaaliyeed ee hantidooda ku aaminay dalka, kuwaasi oo ka qayb qaadanaya maalgashiga mashaariicda waxtarka badan u leh bulshada Soomaaliyeed, waxa uuna ku booriyay in ay xoogga saaraan garab istaagga dowladnimada Soomaaliyeed, si loo gaaro isku filnaansho Qaran.

     

Xoghayaha guud ee golaha shacabka oo ka qaybgalay shirka xoghayaasha Baarlamaanka adduunka

Geneva:  Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle Jaabiri oo uu wehliyo xoghaye kuxigeenka Golaha Aqalka Sare ayaa ka qeyb galay kulanka guud ee Xoghayaasha Baarlamaanka Aduunka kulankiisa 149-aad oo lagu qabtay Magaaladda Geneva ee wadanka Switzerland.

Shirka ayaa warbixin looga dhageystay Golaha urur ay ku mideysanyihiin xoghayaasha Baarlamaanka Aduunka,waxaana sidoo kale shirka looga dooday Barnaamijyada horumarineed ee ay Baarlamaanadda sameeyaan.

Ka qeyb galayaasha kulanka ayaa aad uga dooday horumarinta iyo isku dubaridka howlaha golaha ay ku mideysanyihiin Xoghayaasha Baarlamaanka Aduunka.

Shirka ayaa  lagu soo bandhigay sida looga faa’ideysan karo Garaadka Macmalka ah ( Artificiall intelligence ) AI.

    

Wasiir Fiqi oo la kulmay guddiga arrimaha dibadda aqalka sare

Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee dowladda FS Danjire Axmed Macalin Fiqi ayaa la kulmay guddiga arrimaha dibadda ee Golaha Aqalka Sare, oo ay guddoominaysay Senator Maryan Farah Kahiye. Wasiirka ayaa xuqu in ay ku dhaqmayso wasaaraddu mabda’a hufnaanta iyo isla xisaabtanka, isagoo xoogga saaraya arrimaha muhiimka ah sida wada-hadallada Soomaaliya iyo Itoobiya, heshiisyada caalamiga ah, xiriirka iskaashiga caalamiga ah, dhaqangelinta shuruucda shaqada dibedda, miisaaniyadda safaaradaha, iyo dhowrista siyaasadda arrimaha dibadda.

Wasiirku wuxuu ballanqaaday in isla xisaabtan dhab ah uu noqon doono udub dhexaadka hawlaha Wasaaradda si loo hubiyo in howllaha muhiimka ah ee qaranka loo fuliyo si waafaqsan caddaaladda iyo sharciga.

Kulankan wuxuu buuxiyey waajibaadka dastuuriga ah ee Wasaaradda iyo Guddiga Aqalka Sare.

Mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda ayaa sidoo kale ka qaybgalay wadahadallada, taas oo abuurtey wada shaqeyn lagu horumarinayo siyaasadda arrimaha dibadda iyo wax ka qabashada baahiyaha shacabka Soomaaliyeed.

    

Guddoomiyaha golaha shacabka oo kormeeray shirarka qaar ka mid ah guddiyada golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ku guda jira gudashada waajibaadkiisa shaqo iyo dardargelinta howlaha Golaha ayaa kormeer ku tagay xafiisyada qaar ka mid ah guddiyadda Golaha Shacabka oo xiliga Guddoomiyaha uu kormeerayay ku guda jiray howlmaalmeedkooda shaqo, waxaana Guddoomiyaha oo guddoomiyay shirarka guddiyadda ku bogaadiyay shaqooyinka ay Qaranka u hayaan, isaga oo kula dardaarmay in ay dardargeliyaan ka shaqeynta shuruucda hortaala maadaamaa uu dhowaan xirmayo kalfadhiga shanaad ee Golaha Shacabka.

Guddoomiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa guddiyadda uu maanta kormeeray waxaa ka mid ah Guddiga Arrimaha Gudaha, Amniga, Federaalka iyo Maamuladda ee Golaha Shacabka, Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha Shacabka iyo sidoo kale Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga iyo la Xisaabtanka Hay’addaha Dowladda ee Baarlamaanka labadiisa Aqal waxaana dhamaan guddiyada uu kormeeray uu kula dardaarmay gudashada waajibaadka ka saaran ka shaqeynta shuruucda hortaala.

  

Shirka 19-aad ee Shabakadda Bixinta Adeegga Isgaarsiinta iyo Duulista Hawada ee NAFISAT oo ka furmay Muqdisho

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daahfurtay shirka 19-aad ee Shabakadda Bixinta Adeegga Isgaarsiinta iyo Duulista Hawada ee NAFISAT.

Hay’adaha duulista rayidka ee 11 dal iyo labo ka mid ah ururrada caalamiga ah oo ka shaqeeya arrimaha duulista hawada ayaa ku mideysan Shabakaddaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa sanadkaan martigelineysa shirkaan oo sanadkiiba mar la qabto, waxaana looga hadlayaa xal u helidda caqabadaha jira, ka faa’iideysiga fursadaha, casriyeynta iyo bixinta adeegyada isgaarsiinta Duulista, wuxuuna socon doonaa muddo labo maalmood ah.

Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed Mudane Axmed Macallin Xasan oo Shirka furay ayaa faahfaahin ka bixiyey ajendaha shirka iyo muhiimadda uu u leeyahay dalalka ku bahoobay, iyadoo sanadkaan ay Soomaaliya qaadatay doorkeeda martiginta.

“In Soomaaliya marti geliso oo ay  guddoomiso shirka sanadlaha ah ee Nafisat waxaa ay adduunka tuseysaa horumarka laga gaaray dhinaca duulista hawada,” ayuu yiri Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed Mudane Axmed Macalin Xasan.