Xildhibaannada Golaha Shacabka oo akhrinta labaad marsiiyay Hindise Sharciyeedka Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed

Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta akhrinta labaad marsiiyay Hindise Sharciyeedka Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed oo ay soo gudbisay Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee XFS.

Kulanka oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliso Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, waxaa ugu horeyn Habdhowraha Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux) uu dhaariyay wasiir kuxigeenka cusub ee Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS Marwo Xanaan Cabdicasiis Barre.

Intaasi ka dib Guddoomiyaha Guddiga Garsoorka, Diinta iyo Awqaafta ee Golaha Shacabka ayaa Golaha faahfaahin ka siiyay warbixinta akhrinta labaad ee Hindise-Sharciyeedka Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed.

Xildhibaanadda Golaha Shacabka ayaa aragtidooda ka dhiibtay warbixinta akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed, waxaana Xildhibaanadda ay guddiga su’aalo ka weydiiyeen hindise sharciyeedkan iyo muhiimada uu u leeyahay da’yarta Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in guddiga laga doonayo in ay warbixinta akhrinta sedaxaad ku soo daraan talooyinka Xildhibaanada inta waafaqsan dastuurka, kuna soo celiyaan Golaha Shacabka.

    

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Furay Shirka 7-aad ee Madasha Dhaqaalaha Qaranka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u furay Shirka 7-aad ee Madasha Siyaasadda Dhaqaalaha Qaranka. Shirka oo socon doona labo maalmood ayaa diiradda lagu saarayaa horumarinta dhaqaalaha iyo siyaasadaha lagu taageerayo kobaca dhaqaale ee dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku boorriyay in la xoojiyo iskaashiga dowladda iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay, si loo abuuro shaqo iyo maalgashi waara. Wuxuu sidoo kale sheegay in Xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay in la horumariyo kaabayaasha dhaqaalaha, loona abuuro dhallinyarada fursado shaqo, si loo yareeyo saboolnimada.

Shirkan wuxuu fursad siinayaa hoggaamiyeyaasha dhaqaalaha iyo ganacsatada, si ay uga wada hadlaan sidii loo xoojin lahaa iskaashiga caalamiga ah, iyadoo lagu dardargelinayo maalgashi iyo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya.

 

 

    

Kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka oo lagu dhaariyay Wasiir ku xigeenka cusub ee Wasaaradda Qoyska

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa Wasiir Kuxigeenka wasaaradda Qoyska iyo horumarinta xuquuqda aadanaha u magacaabay Marwo Xanaan Cabdicasiis Barre.

Kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka ee maanta ayaa lagu dhaariyey Wasiir ku xigeenka cusub ee Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha Marwo Xanaan Cabdicasiis Barre ee uu dhowaan magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre.

Habdhowraha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux) ayaa dhaariyay wasiir kuxigeenka cusub ee wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Xanaan Cabdicasiis Barre.

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐗𝐅𝐒 𝐚𝐡𝐧𝐚 𝐆𝐮𝐝d𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐖𝐚𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐂𝟕𝟎 ayaa 𝐌𝐚𝐠𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐡𝐚 𝐊𝐚 𝐅𝐮𝐫𝐚𝐲 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐑𝐂𝟕𝟏.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS Ahna Guddoomiyaha  Kulan waynaha 70-aad ee Hey’adda Caafimaadka Aduunka WHO/EMRO H.E Dr. Ali Haji Adam, ayaa Furay Kulan-waynaha 71aada (RC71) oo maanta ka Furmay Magaalada Doha ee Dalka Qatar.

Kulan Waynahan Sanadlaha ah ayaa Sanadkan waxaa diiradda lagu saarayaa Horumarinta Caafimaadka Dalalka Ku Mideysan WHO/EMRO, iyadoo Soomaaliya ay ka tahay Xubin muhiim ah oo Firfircoon.

Khudbada Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Ahna Guddoomiyaha Shirwaynaha RC70 ayuu kaga hadlay dadaalada ay Dowladda Soomaaliya ugu Jirto Horumarinta Caafimaadka iyo Caqabadaha Jira, isagoo Gobolka ku baraarujiyay in Gurmad Caafimaad la gaarsiiyo Dalalka ay Shaqaaqooyinku ka jiraan oo ay kamid yihiin Sudan, Lebanon, Gaza iyo Yemen.

Soomaaliya ayaa kaalin mihiim ah ka ciyaareysa dedaalada socda ee qeybta Caafimaadka aduunka iyo kan gobalka, iyadoo la jaanqaadeysa isbadalada xowliga ah ee socda taasoo hoga tusaaleynaysa kirriinshaha nidaamka Caafimaadka ee dalkeena, waxayna sidoo kale muujineysaa sida Dowladda Soomaaliya mihiimad gaar ah usii nayso arrimaha bulshada oo ah tiirka ugu wayn ee laga dhiso dal.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa diiradda u saaran xaqiijinta yoolka horumarineed ee Caafimaadka iyo ka dhabaynta hiigsiga Qorshaha isbadalka Qaranka NTP si loola jaan qaado geediga dunida ku wada baadi goobeyso Caafimaadka loo dhanyahay.

Ciidanka xoogga oo saakay la wareegay degaanno dhaca Koonfurta Gobolka Mudug

Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Deegaanka ayaa saaka Howgallo ka dhan ah khawaarijta ka billaabay Koonfurta Gobolka Mudug

Ciidamada ayaa  saaka ka ruqaansaday Degmada Xarardheere waxayna kaabiga ku haayaan Deegaanka Jowle waxayna dhulka howdka ku baacsanayaan Firxadka khawaarijta,waxayna ciidanku ay la waregeen  Deegaanka Tawar Mooge oo qiyaastii Jowle u jira 20 km

Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka ee howgalka hoggaaminayo ayaa sheegay inay billaabeen howgal qorshaysan oo Koonfurta gobolka Mudug looga saarayo khawaarijta.

Wasiir ku xigeenka warfaafinta oo soo dhoweyn diirran loogu sameeyay gobolka Ohio ee dalka Maraykanka

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo safar shaqo ku jooga dalka Mareykanka ayaa kulan is xog-wareysi iyo soo dhaweyn iskugu jiray la yeeshay jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Ohio, boqolaal ka mid ah Soomaalida ku nool Columbus Ohio ayaa si weyn u soo camiray goobta soo dhoweynta.

Wafdiga Wasiir Cabdiraxmaan Al-Cadaala ee Columbus lagu soo dhaweeyey waxaa qeyb ka ahaa Xoghayaha 1-aad ee safaaradda aan ku leenahay Washington DC Abuukar Xasan Goley iyo Wakiilka Warbaahinta Qaranka ee waqooyiga America Cabdixakiin Cabdi Ismaaciil.

Qaar kamid ah Jaaliyadda ayaa intii kulankaasi socday wasiirka su’aalo ka weydiiyey xaaladda dalka, sidoo kale waxaa jiray kulamo doceedyo ay bulshada qaar la yeesheen wasiir Cabdiraxmaan Al-Cadaala.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo jaaliyadda uga mahadceliyey soo dhaweynta ay wafdigiisa ugu sameeyeen Columbus Ohio ayaa uga war bixiyey xaaladda guud ee dalka iyo dadaallada soo kabashada dowladnimada ku saabsan ee Soomaaliya ka socda.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo la kulmay Safiirka Turkiga

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la qaatay Safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Danjire Alper Aktas iyo wafdi ka socota Hay’adda Maareynta Musiibooyinka u qaabilsan Turkiga ee AFAD iyo Hay’adda Bisa Cas ee Turkiga.

Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray qaban-qaabada soo dhaweynta iyo dajinta markab sida deeq gargaar ah oo ka imaanaya dalka Turkiga, kaas oo 18-ka bishaan ku soo xiran doona dekedda Muqdisho, in SoDMA iyo AFAD ka wada shaqeeyaan xoojinta ka jawaabidda xaaladda deg-degga ah iyo sare u qaadista tayada, kartida iyo aqoonta shaqaalaha SoDMA.

Kulanka waxaa sidoo kale looga hadlay, in si loo ilaaliyo caafimaadka iyo bad-qabka bulshada in Hay’adda AFAD ay SoDMA gacan ka siiso sidii gobollada dalka looga dhisi lahaa goobo si guud loogu keydiyo hilibka gaar ahaan xilliyada ay jiraan munaasabdaha, halka la isla eegay socdaal uu madaxa ugu sarreeya AFAD ku imaan doono dalka iyo booqasho uu ku imaan doono xarunta SoDMA.

Duqa Muqdisho oo sheegay in ay dhiirra gelin doonaan cid kasta oo door ka qaadata maalgashiga Caasimadda

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sheegay in maamulka Gobolka uu dhiiragelin doono cid kasta oo door ka qaadaneyso maalgashiga iyo horumarinta Caasimadda.

Guddoomiyaha oo ka qeyb galay madal lagu soo bandhigayay mashruuc ballaaran oo la xariira dhismaha casriga ah ee laga fulin doono xeebta Luulka (Ex Mariina Beach) ee Degmada Kaaraan, wuxuuna sheegay inuu aad u bogaadinayo Xaafadda cusub ee Xeebta Luulka (Ex Marina beach state).

Bandhiggan waxaa ka qeyb galay Xildhibaan Maxmed Axmed Beerreey, Guddoomiyaha Rugta Ganacsatada Soomaaliyeed Mudane Maxamud Cabdikariin Gabeyre, Maamulada shirkadaha Marina  beach state, Al-Asab Group, Bulsho Development bank iyo ganacsato ka socotay waddamada Caalamka.

Maamulka gobolka Banaadir, Ganacsatada iyo dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa sanadihii ugu dambeeyay ku howlanaa dib u dhiska dalka gaar ahaan Caasimadda Muqdisho, iyagoo sameeyay goobo badan oo lagu caweeyo iyo meherado casri ah.

Guddiga horumarinta adeegga bulshada ee golaha shacabka oo kulan la qaatay midowga Jaamacadaha dalka

Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan la yeeshay Midowg Jaamacadaha Dalka  iyo Ururka Cilmi baarista Soomaaliyeed ,waxaana kulanka shir guddoominaysay Guddoomiyaha Guddiga Xildhibaan Nadra Saalax Cabdi.

Ajendaha kulanka ayaa ahaa dhageysiga Midowg Jaamacadaha Dalka iyo Ururka Cilmi baarista Soomaaliyeed  sida ay u arkaan Hindise Sharciyeedka Tacliinta Sare ee Qaranka oo uu guddigu ku guda jiro Diyaarinta Warbixinta Akhrintiisa labaad, waxaana Guddiga uu Midowga Jaamacadaha Dalka  iyo Ururka Cilmi baarista Soomaaliyeed ka dhageystay talooyin la xiriira hindise sharciyeedkan

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka Xildhibaan Nadra Saalax Cabdi oo kulanka soo xirtay ayaa sheegtay inuu Sharcigan muhiimad weyn u leeyahay bahda waxbarashada Dalka ayna sii wadi doonaan la kulanka bulshada qeybaheeda kala duwan si gaar ah bahda waxbarashada Dalka si Akhrintiisa labaad loo horgeeyo Golaha Shacabka loogana doodo.

Isticmaalka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo laga mamnuucay agagaarka garoonka Aadan Cadde

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa qoraal ay soo saarta ku sheegatay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (Drones) laga mamnuucay isticmaalka agagaarka Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada muqdisho.

sticmaalka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (Drones) waa laga mamnuucay agagaarka garoonka Aadan Cabdulle ee Caalamiga ah masaafo dhan 5 Nautical Mile oo dhan walba, marka laga reebo kuwa ka haysta ogolaanshaha Hay’adda Duuulista Rayidka Soomaaliyeed (HDRS).