Boqorka Cumaan oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka Cusub ee Soomaaliya ee dalkaas

-Boqorka Saldanada Dalka Cumaan Suldaan Haitham bin Tariq Al Said ayaa maanta waraaqaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Safiirka Cusub ee Soomaaliya u fadhin doona dalkaas mudane Bashiir Xasan Xaaji.

Danjiraha cusub ayaa ugu horeeyn Boqorka wadankaas gaarsiiyay salaan uu uga siday Madaxweynaha JFS mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo boqorka wadankaas la wadaagay in uu sii xoojin doono xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dowladood iyo sidii la isaga iskaashan lahaa horumarinta dhaqaalaha iyo maalgashiga labada dal.

Taliyaha Booliska oo kulan looga hadlay dardar galinta Amniga la qaatay Taliyaasha saldhigyada

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa shir degdeg ah la yeeshay dhammaan taliyeyaasha saldhigyada iyo qeybaha gobolka Banaadir, kaas oo looga hadlay xaalada amni ee Muqdisho, waxaana kulankaan goobjoog ka ahaa Taliyaha Qeybta Guud ee Booliiska Gobolka Banaadir Macalin Mahdi.

Taliye Asad ayaa saraakishan ku adkeeyay in ay si wanaagsan ula dhaqmaan maxaabiista, iyagoo ilaalinaya xuquuqda muwaadinimo, islamarkaana aysan ku xadgudbin, in ay ka duwanaadaan ciidammada kale, iyagoo xoogga saaraya habdhaqan wanaagsan oo bulshada lagu kasban karo, iyo sugidda amniga maadaama ay yihiin saaxiibka bulshada.

Guddoomiyaha SoDMA oo Shir-weynaha COP29 kaga Hadlay Saameynta La Niña

Bako:- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA), Maxamuud Macallin Cabdulle, oo ka mid ah wafdiga Soomaaliya uga qaybgalaya shir-weynaha caalamiga ah ee COP29 ee ka socda magaalada Baku, Azerbaijan, ayaa ka mid noqday madaxdii ka hadashay kulan muhiim ah oo looga doodayay saameynta La Niña ee la filayo in ay ku yeelato gobolka Bariga Afrika iyo abaarta ka dhalan karta.

Guddoomiyuhu, oo hadal muhiim ah ka jeediyay shirka, ayaa ku adkeeyay in hadda ay tahay waqtigii saxda ahaa ee la qaadi lahaa tallaabooyin lagaga hortagayo abaarta la saadaalinayo, iyadoo la xoojinayo nidaamka digniinaha degdegga ah iyo hubinta in fariimaha digniinta ay gaaraan dhammaan shacabka ay abaartu saameyn karto.

Shirka waxaa sidoo kale ka qeybgalay madaxa urur-goboleedka IGAD iyo wasiirro ka socda dalalka Jabuuti iyo Itoobiya.

   

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo kulan la yeeshay wafdi uu horkacayrey Denjiraha Finland ee Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane xildhibaan Hon Ali Yusuf Ali – Xoosh ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula yeeshay wafdi Finland ah oo uu horkacayrey mudane Pirkka Tapiola Denjiraha Finland ee Soomaaliya oo ay wehliyaan mudane Jussi Tanner Agaasimaha Guud ee adeegyada Qunsuliyadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Finland iyo Nelli Mikkola, Kuxigeenka madaxa howlgalka ee xafiiska Soomaaliya Safaaradda Finland  ee Nairobi.

Inta uu kulanku socday arrimaha looga hadlay waxaa ka mid ah; Doorashooyinka, dagaalka Khawaarijta iyo Xasillinta.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhigiisa dalka Ingiriiska

London:-  Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaaladda London ee Dalka Ingiriiska ayaa kulan la qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka ee wadanka Ingiriiska Lindsay Hoyle.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo dhigiisa Ingiriiska ayaa kulankooda diiradda ku saaray iskaashiga xoojinta xiriirka Baarlamaanadda labada wadan,khibrad isweydaarsiga Xildhibaanadda labada Baarlamaan iyo sidoo kale sidii Baarlamaanka wadanka Ingiriiska uu gacan uga geysan labaa kor u qaadista aqoonta howlwadeenadda Baarlamaanka Soomaaliya.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa booqday xarunta Baarlamaanka ee wadanka Ingiriiska,wuxuuna warbixin ku saabsan habka  uu u shaqeeyo baarlamaanka wadankaasi ka dhageystay dhigiisa Guddoomiyaha Baarlamaanka ee Dalkaasi.

   

Saraakiil Sare oo loo soo gabagabeeyay tababar ay qaban qaabisay Safaaradda Mareykanka

Saraakiil sar sare oo ka tirsan Wasaaradda Difaaca iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa Muqdisho loogu soo gabagabeeyay tababar aqoon-kororsi oo ku saabsan hufnaanta hawlgalada, tayeynta saadka, maareynta iyo hagaajinta xiriirka ciidamada iyo rayidka, iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha.

Tababarkan oo uu soo qabanqaabiyay xafiiska iskaashiga amniga ee Safaaradda Mareykanka, ayna fulinayeen khuburo ka tirsan Machadka Maamulka Amniga (ISG) oo kaashanaya Kulliyadda Dagaalka ee Ciidanka Mareykanka, ayaa diiradda lagu saaray sidii sare loogu qaadi lahaa hufnaanta hawlgalada iyo maareynta tayeynta ciidamada difaaca Soomaaliyeed.

Dowladda Soomaaliya oo dadaal ugu jirta horumarinta iyo tayeynta ciidamada difaaca oo waafaqsan heerarka caalamiga ah, si dalku u noqdo goob ammaan iyo xasilloon, ayaa uga mahad-celisay dowladda Mareykanka taageerada muhiimka ah ee ay ku bixiso dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo gacan-siinta arrimaha bini’aadantinimada.

Wasiirka Deegaanka oo Saxiixday Heshiis Iskaashi oo lagu taageerayo bulshooyinka u nugul deegaanka

Bako-: Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Amb Khadija Al-Makhzoumi, ayaa heshiis la saxiixatay hay’adda Global Center for Climate Mobility.

Heshiiskan ayaa ah tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhinaca horumar waara oo adkaysi leh oo Soomaaliya ku habboon.

Iskaashigan cusub wuxuu si gaar ah diiradda u saarayaa awood siinta bulshooyinka u nugul deegaanka, iyadoo la hubinayo badbaadada iyo wax ku oolnimada istaraatiijiyadda la qabsiga isbeddelka cimilada ee dalka.

Ujeedada heshiiska ayaa ah in la maalgelin doono mashaariic gaar ah oo ka turjumaya baahiyaha dadka, isla markaana lagu xoojinayo maamulka maxalliga ah si loo dhiso kalsooni iyo iskaashi bulsho oo xooggan.

Wasiir Fiqi oo kulan la yeeshay safiirka Malaysia ee Soomaaliya

Wasiirka arrimaha dibidda iyo iskaashiga caalamiga ah ee dowladda Federaalka Soomaaliya Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa Muqdisho kulan kula yeeshay safiirka Malaysia ee dalalka Soomaaliya iyo Kenya Ruzaimi Bin Mohamad intii lagu jiray bandhigga Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP).

Kulankan ayaa ku saabsanaa xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Malaysia, iyadoo diiradda lagu saaray danaha guud sida ganacsiga, waxbarashada, iyo horumarinta labada dal.

  

Labada masuul ayaa isla gartay in la sii xoojiyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee kor u qaadaya koboca iyo faa’iidooyinka labada Wadan.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka 2-aad oo kormeeray xarunta lagu diyaarinayo qorshaha isbadalka Qaranka

Ra’iisul wasaare ku xigeenka 2-aad ee xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cali Dhaay ayaa kormeeray xarunta diyaarinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka kaas oo lagu soo bandhigay macluumaad ku saabsan diyaarinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee 2025 ilaa 2029.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka ayaa dhageystay warbixinnada laga soo saaray Sheybaarada kala duwan ee xarunta diyaarinta Qorshaha Qaranka, isagoo sheegay in tani ay tahay rajada ugu weyn ee shacabka Soomaaliyeed ay qabaan isla markaana xukuumaddu ay xoogga saari doonto fulinta Qorshaha halkaan ka soo baxa.

Waxyaabaha maanta lasoo bandhigay waxaa kamid ah dib u eegidda iyo falanqeynta lagu sameeyey Caqabadaha ragaadiyey Qarankeenna, fursadaha jira ee u baahan in si maangal ah loo wajaho ka faa’iideysigooda iyo sida qorshaha Isbeddelka Qaranku u wajahayo qaabeynta mustaqbalka dalka.

Qorshaha Isbeddelka Qaranka oo ah Hindise ay hoggaaminayaan madaxda Qaranka ayaa ujeedkiisu yahay uruurinta iyo meel isugu geynta muruqa iyo maskaxda Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed taas oo horseedeysa in si wadajir ah dib u habeyn dhab ah loogu sameeyo qarankeenna, lana helo macluumaadka asaasiga ah ee dhinacyada wax soosaarka, Kaabayaasha Dhaqaalaha, Maalgashiga iyo xoojinta dowladnimo loo dhan yahay.

       

Wasiirka deegaanka oo Azerbaijan kula kulantay xoghayaha guud ee hay’adda caalamiga ah ee saadaasha hawada

Baku: Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, Marwo Khadija Mohamed Almakhzoumi, ayaa kulan muhiim ah la qaadatay Xoghayaha Guud ee Hay’adda Caalamiga ah ee Saadaasha Hawada (World Meteorological Organization WMO) si loo xoojiyo adkeysiga cimilada ee Soomaaliya.

Ajendaha kulankan ayaa diiradda saaraya horumarinta sharciyeynta Hay’adda Qaranka Saadaasha Hawada ee Soomaaliya (SNMA), taageerada farsamo iyo howlgalka WMO, iyo nidaamyada digniinta degdega ah ee saadasha si looga caawiyo bulshada inay ka foojignaadaan saameynta cimilo xumada.

Waxaan u heelanahay dhisidda nidaam qaran oo la jaanqaadaya heerarka caalamiga ah, kaas oo u noqonaya lafdahabar horumar waara uu dalka gaaro.