Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyey geerida madaxweynihii hore ee Somaliland

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehellada iyo guud shacabka Soomaaliyeed, geerida naxdinta leh ee ku timid Alle ha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Somaliland, Marxuum Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo caawa ku geeriyooday magaalada Hargaysa.

Madaxweyne Jamhuuriyadda ayaa xusay doorkii taariikhiga ahaa ee Marxuumku kasoo qaatay u adeeggidda iyo horumarinta dalkiisa, gaar ahaan meertadiisii hoggaaminta Wasaaradaha Qorsheynta iyo Ganacsiga ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, isaga oo sidoo kale ku suntanaa kaalintiisii lama ilaawaan ee furitaanka albaabka wada hadallada Somaliland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

“Innaa lillaahi wa innaa ileyhi Raajicuun, Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Somaliland, Marxuum Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo caawa ku geeriyooday magaalada Hargaysa. Madaxweyne Siilaanyo, waxa uu door weyn ka soo qaatay dowladnimada dalka, innaga oo ku xasuusanayna sida ay uga go’nayd dib usoo celinta midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed oo uu door lama ilaawaan ah kulahaa furitaanka wadahadallada Somaliland iyo DFS”.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa marxuumka Alle u weydiiyay in uu hoygiisa ka yeelo Janatul Firdowso, sabar iyo iimaanna uu ka siiyo ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay.

AUN Axmed Maxamed Siilaanyo oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa

Madaxweynihii hore ee Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa caawa ku geeriyooday magaalada Hargeysa, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiinta maamulka Somaliland ee waqooyga Soomaaliya.

Siilaanyo, oo hoggaamiyey Somaliland intii u dhaxaysay 2010 ilaa 2017, ayaa ka mid ahaa siyaasiyiinta ugu waaweyn ee deegaanka, isagoo door weyn ku lahaa siyaasadda iyo horumarinta maamulka.

Maamulka Somaliland ayaa shaaciyay in marxuumka lagu aasi doono maalinta Isniinta magaalada Hargeysa.

Wasiirka Deegaanka oo ka hadashay doorka Soomaaliya ee dhisadda Shabakadda Dalalka u Nugul Isbeddelka Cimilada

Bako: Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada JFS, Amb. Khadija Mohamed Al-makhzoumi, ayaa khudbad muhiim ah ka jeedisay Madasha Sare ee “𝐃𝐡𝐢𝐬𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐱𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨 𝐢𝐲𝐨 𝐢𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐬𝐢 𝐰𝐚𝐱 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐪𝐚𝐛𝐭𝐨 𝐜𝐚𝐪𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐬𝐤𝐮 𝐬𝐢𝐝𝐤𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝 𝐝𝐡𝐢𝐬𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐚𝐝𝐤𝐚𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐢𝐬𝐛𝐞𝐝𝐝𝐞𝐥𝐤𝐚 𝐜𝐢𝐦𝐢𝐥𝐚𝐝𝐚.” oo lagu qabtay HIRKAN Room ee #COP29.

Wasiirka ayaa muujisay sida Soomaaliya ay u hoggaaminayso dadaallada lagu dhisayo Shabakadda Cusub ee Dalalka u Nugul Isbeddelka Cimilada iyo Dagaallada, iyadoo tilmaantay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga caalamiga ah si loo gaaro maalgashi waxtar leh oo la jaanqaadaya xaaladaha dalalka nugul.

Amb. Khadija ayaa ku baaqday in la kordhiyo maalgelinta cimilada iyo ficillada la xiriira la-qabsiga isbeddelka cimilada, iyadoo xustay in Soomaaliya oo aan wax badan ku biirin wasakheynta hawada ay haddana si ba’an ula kulanto saameynta isbeddelka cimilada. Wasiirka waxay ku adkeysatay in shabakaddan cusub ay kor u qaadi doonto codka dalalka nugul, iyadoo si gaar ah diiradda loo saarayo wada-hawlgalka, is-dhaafsiga aqoonta, iyo cod mideysan oo lagu dalbado isbeddelka maalgashiga cimilada.

Madashan waxaa sidoo kale ka qeyb galay mas’uuliyiin sar sare oo ka kala socday dalal iyo hay’ado caalami ah, kuwaas oo ka wadahadlay xal u helidda caqabadaha cimilada iyo nabadda.

Wasiirka ayaa ballan qaaday in Soomaaliya ay si buuxda uga go’an tahay inay hoggaamiso dadaallada ku aaddan nabadda iyo horumar waara. #COP29

Dowladda Federaalka oo hambalyo u dirtay maamulka Somaliland kadib doorashooyinkii madaxtinimada iyo xisbiyada

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo dhoweysay doorashooyinkii madaxtinimada iyo xisbiyada ee ka dhacay Somaliland, iyadoo ugu hambalyeysay shacabka iyo maamulka Somaliland hirgelinta hannaanka dimoqoraadiga ah.

Qoraal warsaxaafadeed ah oo kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu bogaadiyey maamulka Somaliland, xisbiyada, hay’adaha amniga, iyo musharaxiintii tartamay sida ay u ilaaliyeen xasilloonida iyo nabadda inta lagu guda jiray doorashooyinka.

Wasaaradda ayaa sheegtay in hannaanka doorashooyinka, laga bilaabo diiwaangelinta codbixiyeyaasha, ololaha doorashada, codbixinta, iyo kalsoonida uu muujiyay guddiga doorashooyinka Somaliland (Komishanka), ay dhammaantood ka turjumayeen waayo-aragnimo, biseyl siyaasadeed, iyo isu dulqaadasho dhinacyada kala duwan.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale adkeysay inay ka go’an tahay in la baahiyo dimoqraadiyadda dalka, la xoojiyo isla xisaabtanka shacabka, iyo in doorasho qof iyo cod ah la qabto si loo gaaro horumar iyo barwaaqo guud ahaan dalka.

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

1-   Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka dib ugu soo laabtey kadib markii uu magaalada Riyad ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya kaga soo qeyb galey Shir Madaxeed aan caadi ahayn oo waddamada Carabta iyo Islaamka uga arinsanayeen xasaradda bani’aadamnimo ee haysta shacabka reer Falastiin iyo Lubnaan.

2-   Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay Shir Madaxeedka Carabta iyo waddamada Islaamka ee ka dhacaya Sacuudiga, loogana arinsanayay arrimaha Lubnaan iyo Falastiin.

3-   Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo magaalada Muqdisho ku qaabilay wafdi ka socday Kenya.

4-   Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa Cabdimaalik Cabdullaahi Cabdi u magacaabey inuu noqdo Agaasimaha Guud ee Xafiiska Amniga Qaranka.

5-   Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyay magacaabista Taliyaha Cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/Gaas Odowaa Yuusuf Raage.

6-   Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheikh Aadan Maxamed Nuur ayaa socdaal shaqo ku tagey dalka Britain.

7-   Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta oo yeelaneysa magaca cusub oo ah Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka.

8-   Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa khudbad ka jeediyay Shirweynaha Caalamiga ah ee Isbeddelka Cimilada, ee COP29, kaas oo ka socda magaalada Baku ee dalka Azerbaijan.

9-   Ra’iisul wasaare ku xigeenka Labaad ee XFS Mudane Cabdisalaan Cali Dhaay ayaa kormeeray xarunta diyaarinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka kaas oo lagu soo bandhigay macluumaad ku saabsan diyaarinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee 2025 ilaa 2029.

10- Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay habraaca uu ku shaqeyn doono Guddiga KMG ee u xilsaaran diyaarinta xeerarka doorashooyinka.

11- Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa labada Gole ka hor akhriyay Hindise Sharciyeedyada Ururrada iyo Xisbiyada Siyaasadda, Doorashooyinka iyo Guddiga Madaxabanaan ee doorashooyinka iyo soohdimaha.

12- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa sheegay in maamulkiisu diyaar u yahay qabashada doorasho toos ah oo qof iyo cod ah una dhacdo qaab hufan si waafaqsan heshiiska Golaha Wadatashiga Qaranka.

13- Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Soomaaliya ayaa sheegtay in Guddiga doorashada dadban ee uu magacaabay Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Jubbaland in uu yahay sharci darro, kana soo horjeeda xeerarka dalka iyo heshiisyadii Golaha wadatashiga Qaranka.

14- Kulan wadatashi ah oo dadweynaha looga talo galinayay dib u eegista Dastuurka Ku Meel Gaarka ah ee Soomaaliya oo lagu qabtay magaalada Laas Caanood ee xarunta maamulka Ku Meel Gaarka ah ee SSC-Khaatuma.

.15- Wasiirka  Caafimaadka Mudane Dr Cali Xaaji ayaa xariga ka jaray qayb cusub oo ah casri ah (CT Scan) oo lagu kordhiyey Isbitaalka Banaadir ee magaalada Muqdisho.

16- Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Khadija Mohamed Al-makhzoumi, ayaa khudbad ka jeedisay kulan muhiim ah oo looga hadlayay dib u qaabeynta nidaamka maaliyadda adduunka iyo doorka Sanduuqa Maalgalinta Cimiladda (Green Climate Fund)

17- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa guddoomiyay shir muhiim ah oo looga hadlaayey istaraatiijiyadda wasaaradda ee Qorshaha Isbeddelka Qaran ee sanadka 2025-2029.

18- Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa u xaqiijiyey in Itoobiya si rasmi ah looga reebay dalalka ka qayb qaadanaya hawlgalka taageerada xasilinta Soomaaliya ee Midowga Afrika ee bilaabanaya 2025,.

19- Wasiirrada Arrimaha Dibadda, Arrimaha Gudaha, Warfaafinta, iyo Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, ayaa ka qeyb galay munaasabadda daahfurka hawlgalka cusub ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS).

20- Kulanka la xiriira la-tashiga dadweynaha ee dib u eegista Dastuurka ayaa lagu qabtay deegaanka Ari Caddeeye ee maamulka SSC-Khaatumo.

21- Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa bogaadisay doorashooyinka maamulka gobollada woqooyi ee Somaliland.

22- Wasaaradda Waxbarashada ayaa daahfurtay deeq waxbarasho oo la siinayo 3,000 oo gabdhood.

23- Wasiirka Caafimaadka Dr. Cali Xaaji, Xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale oo magaalada Muqdisho uga qeyb galay munaasabadda xuska 11-sano guuradii ka soo wareegtay markii dib loo hawlgeliyay isbitaalka Recep Dayib Erdogan Ex Digfeer.

24- Wasiirka Arrimaha Dibadda, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa kulan laba-geesood ah kula yeeshay Riyadh Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Suudaan, Mudaner Cali Yuusuf Al Shariif, si ay u adkeeyaan xiriirka iyo iskaashiga walaaltinimo ee labada dal.

25- Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa dilay 23 xubnood oo ka tirsaan Khawaarijta Al Shabab, hawlgal ka dhacay deegaanka Dharaarweyn ee hoos taga magaalada Galcad ee gobolka Galgaduud.

26- Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed S/Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa kulan la yeeshay Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed, isagoo kala hadley kaalinta haweenka ee nabadda iyo amniga.

27- Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta Dowlad Goboleedka Koonfuur Galbeed ayaa dilay 6 xubnood ka tirsan argagixisada Al Shabab, hawlgal ka dhacay tuulada Weel-manaas ee degmada Qansaxdheere.

28- Ugu yaraan 19 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta ayaa lagu dilay hawlgal ay Ciidanka Nabadsugidda (NISA) ka fuliyeen meel deegaanka Yaaqle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

29- Dowlada Soomaaliya ayaa dalka dib ugu soo celisay 24 dhalinyaro oo laga soo badbaadiyey kooxaha dhibaateeya dadka muhaajiriinta ah ee ka hawlgala xeebaha DalkaTunisia.

30- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa dilay 8 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta Al Shabab oo isku dayday in ay weerar ka geysato Masagawaay ee Galmudug.

31- Ciidanka Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa gacanta kusoo dhigay dhagarqabe ku eedeysan in uu ka qeyb qaatay dil dhowaan labo muwaadin loogu geystay degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir.

Madaxweynaha Angola oo waraaqihii aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dalka Angola João Manuel Gonçalves Lourenço ayaa warqadaha Aqoonsiga ka gudoomay Safiirka cusub ee Soomaaliya Maxamed Sheekh Isaaq,kaas oo fadhigiisu noqon doono caasimadda Luanda ee dalkaasi.

Kulankii qaabilaadda kadib waxaa labada dhinac ay ka wadahadleen xoojinta xiriirka labada dal,gaar ahaan arrimaha  siyaasadda,dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.

Safiirka cusub ee Soomaaliya waxaa mudadii ay socotay xafladda gudbinta waraaqaha aqoonsiga uu sallaan uu ka sidday madaxweyne Xasan Sheekh uu gaarsiiyay madaxweynaha Angola João Lourenço.

Safiika Soomaaliya Maxamed Sheekh Isaa ayaa lafilayaa in saacadaha soo socda uu la kulmo jaaliyadda Soomalida ee ku dhaqan dalkaasi si uu ugu gudbiyo waxqabadka dowladda iyo horumaradii ugu dambeeyay ee ka dhacay dalka.

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Gudaha XFS “dadkeennu waxay u baahan yihiin doorasho qof iyo cod ah”

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Saadaad Maxamed Nuur oo ka qeybgalay kulanka todobaadka warbaahinta qaranka ayaa sheegay in dadkeennu ay xilligaan u baahan yihiin doorasho qof iyo cod ah oo looga dareero gudaha dalka Soomaaliya.

Wasiiru-dowlaha ayaa xusay in laga gudbay doorashooyin dadban,sidaa daraadeedna loo baahan yahay qabashada doorasho ay awodda leeyihiin shacabka Soomaaliyeed.

“Adduunka waqtigaan casriga nagama aqbalaayo in aan iska dhexdooranno qof,balse waxaa ay daneynayaan in loo dareero doorasho qof iyo cod ah oo ay ku soo baxaan madax ay rabbaan shacabka Soomaaliyeed “ayuu yiri wasiirku.

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Saadaad Maxamed Nuur waxa uu ku taliyay in la joojiyo cabsida siyaasiyiintu ay ka qabaan foorashada qof iyo codka ah,isla markaana ay dalkooda u horseedaan nabad iyo horumar.

Israa’iil oo Lubnaan iyo Gaza ku dishay shaqaale caafimaad iyo dad kale oo rayid ah

Afar ka mid ah shaqaalaha caafimaadka ee Lubnaan ayaa ka mid ahaa lix qof oo lagu dilay weerar ay Israa’iil ku qaadday xarun difaaca madaniga ah oo ku taal koonfurta dalkaas ee Nabatieh, halka 12 shaqaalaha samatabbixinta la sheegay in lagu dilay weerar labaad oo lagu qaaday xarun difaaca madaniga ah oo u dhow magaalada Baalbek, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka.

Ugu yaraan 24 falastiiniyiin ah ayaa la dilay, 112 kalana waa la dhaawacay 24-kii saac ee ugu dambeeyay sida ay  ku warameen Wasaaradda Caafimaadka ee Gaza.

Haweeney Falastiini ah oo ka tirsan Congress-ka Mareykanka Rashida Tlaib ayaa ugu baaqday Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Antony Blinken inuu iscasilo ka dib markii uu dhamaaday waqtigii loogu talagalay mas’uuliyiinta Israel inay sare u qaadaan gargaarka bini’aadanimo ee Gaza .

Xasuuqa Israa’iil ee Qaza waxa uu dilay ugu yaraan 43,736 falastiiniyiin ah iyo dhaawaca 103,370 ,halka gudaha Lubnaan, ugu yaraan 3,386 qof la dilay, 14,417 kalena la dhaawacay .

Kulan la tashi ah oo la xiriiray hindisaha xeerarka ururada iyo xisbiyadda oo Muqdisho lagu qabtay

Qaar kamiid ah ururada bulshada rayidka, siyaasiyiinta xisbiyada   iyo khuburo cilmi baarayaal ah ayaa kaqeybgalay kulan ku saabsanaa nidaamka xisbiyada iyo sida dalka ay uga suurtagali karto doorasho qof iyo cod ah.

Kulankaan oo ahaa mid latashi ah waxaa xubnihii kaqeybgalay ay si saraaxad leh uga doodeen ahmiyadda doorasho qof iyo cod ah oo ka dhacda dalka iyo sida looheli karo tirakoob sax ah,amni iyo dastuur madaxbannaan.

Guddoomiyaha guddigga kmg ah ee labada aqal u xilsaaran diyaarinta xerarka doorashiiyinka, kan ururada siyaasadda iyo dhismaha guddigga doorashooyinka Xildhibaan Mahad Naxaned Guuleed oo ka hadlay kulankaasi ayaa sheegay in doodaha wax ku oolka ah ee ay soo jeediyeen ka qeybgalayaasha ay muujinayaan baahida loo qabo dooraho qof iyo cod ah oo ka dhacda dalka.

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta Xarunta Wasaaradda Maaliyadda kulan miro-dhal ah kula yeeshay Safiirka u jooga Soomaaliya Dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga Mr. Alper Aktas.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimo badan oo ay ka mid yihiin qorshayaasha dib-u-habeynta Maaliyadda iyo taageerada joogtada ah ee Dowladda Turkiga ay la garab taagan tahay Dowladda Soomaaliya.

Dowladda Turkigu waxa ay qeyb weyn ku leedahay dadaalka dib-u-dhiska dhaqaalaha guud iyo taageerada qeybo badan oo horumarka Soomaaliya ah.