Wasaaradda Arrimaha dibadda XFS oo yeertay safiirka Danmark u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in wasaaradda u yeertay Safiirka dowladda Danmark ee Soomaaliya Steen Sonne Andersen, kaas oo ku xadgudbay midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

“Runtii waxaa ayaan daro ah in safiirro halkaas hadallo ka jeediyeen oo qarinayo dalka uu Safiirka ka yahay uuna leeyahay Ambassador hebel ayaan ahay, qaarkoodna ayba ku tilmaameen dal, waxana u yeernay Safiirka Danish-ka markuu arintaasi ku dhawaaqay, wuuna noo balansanyahay” ayuu yiri wasiir Fiqi.

Mudane Axmed Macallin Fiqi oo shalay ka hadlayay munaasabad tababar loogu xiray safiirrada cusub ee dhowaan Golaha Wasiirrada ansixiyee ayaa sheegay in safiirrada dalalka caalamka u jooga Soomaaliya qaarkood dhawaan tageen Hargeysa, halkaas oo ay ka socotay doorashada maamulka Somaliland,kuwaas oo qariyay halka ay safiir ka yihiin.

“Safiirrada ajanabiga ah ee dalkan ku sugan qaarkood waxay tageen Hargeysa oo doorasho ka socotay, dowladda Soomaaliya mowqifkeeda way cadeysay oo ku saabsan doorashada, Soomaaliya waa hal dal, waxii dhaxdeenna aan isku haysaneyno aan isku heysano, laakiin nin safiir ah oo dowlad u soo xilsaaratay inuu safiir ka noqdo halkan,kama yeeleyno inuu dal ku tilmaamol, kama yeeleyno inuu qariyo dalka Safiirka uu ka yahay” ayuu yiri Mudane Axmed Macallin Fiqi.

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa uga digay safiirrada qaarkood ee ajanabiga ah ee Soomaaliya jooga inay soo saaraan qoraallo ka dhan ah midnimada dhuleed ee JFS marka ay soo baxdo natiijada doorashada maamulka Waqooyiga Soomaaliya (Soomaalind), isagoo tilmaamay waxii dhaxdeena ah inay Soomaali u taalo.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay inay rajeyneynaan in wadahadalladii dib u bilowdaan hadii meesha isbadal ka dhaco, dowladdana go’antahay xal u helidda Arrimaha Gudaha Soomaaliya, isagoo sheegay in hadda xooga saarayaan sidii dalka guud ahaan uga dhici laheyd doorasho qof iyo cod ah, taas oo hadda uu u fadhiya Baarlamaanka JFS.

Wasiirrada Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa digniin adag udirtay qofkii ku xadgudba midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo soo gabagabeeyay tababar Diblomaasiyadeed oo loogu talagalay Safiirrada cusub

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Amb: Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta soo gabagabeeyay tababar Diblomaasiyadeed iyo Hab-maamuus oo loogu talagalay safiirrada cusub ee dhowaan la magacaabay, kaasi oo lagu qabtay Machadka Diblomaasiyadda iyo Tababarka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda. Tababarkan, oo socday intii u dhexeysay 2-da ilaa 14-ka Nofeembar 2024, ayaa u diyaariyay safiirrada xirfadaha ay ugu baahan yihiin si ay Soomaaliya si hufan ugu metelaan fagaarayaasha caalamka.

Wasiirku, waxa uu carrabka ku adkeeyay doorka safiirrada ee horumarinta sumcadda Soomaaliya iyo ku dhawaaqista siyaasad aan loo dulqaadan doonin fal kasta oo wax u dhimaya madax-bannaanida dalka. Waxa uu sidoo kale si adag u cambaareeyay faragelinta shisheeye, isaga oo ku adkeeyay in madax-bannaanida Soomaaliya aan la waxyeelayn karin.

Tababarka waxaa bixiyay khubaro iyo diblomaasiyiin waayo-arag ah, waxaana lagu baray safiirrada aasaaska diblomaasiyadda iyo hab-maamuuska. Shahaadooyin sharaf ayaa la guddoonsiiyay macallimiintii tababarka ka qayb qaatay si loo aqoonsado doorkooda muhiimka ah.

Wasiirku, wuxuu mar kale xaqiijiyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay horumarinta dimuqraadiyadda iyada oo loo marayo doorashooyinka gobollada iyo nidaamka “qof iyo cod,” oo ah tiir muhiim ah oo horumarinta dalka.

Hindisahan waxa uu muujinayaa sida ay Wasaaradda uga go’an tahay xoojinta awoodaha diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo kor u qaadidda sumcadda caalamka.

Wasiir Fiqi” Waxaa jira mas’uuliyiin magac dilka dalka, Dowlado shisheeye lacago uga soo qaatay”,

Wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda federaalka Soomaaliya Amb: Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in ay jiraan mas’uuliyiin Dowlado shisheeye lacago uga soo qaatay in ay magac dilaan dalka, wuxuuna hoosta ka xariiqay in ay tallaabo ka qaadi doonaan mas’uuliyiintaas oo uu sheegay in ay garanayaan, haddii ay ka tanaasuli waayaan waddadaas qaldan oo ay ku socdaan.
” Dalkan, waxaan oganahay rag mas’uuliyiin ah oo lacag lagu soo siiyay oo dowlado kale ay lacag soo siiyeen oo aan haynaa xaqiiqdood, magac dil sameeyaan biilna ku qaata, waan oganahay dadkaas, weyna is ogyihiin, dadkaas in ay daka soo hor istaagaan ma ahayn oo waliba Soomaali in ay wax u sheegaan,”.
Sidoo kale, Wasiir Fiqi. ayaa tilmaamay in maalin maalmaha ka mid ah kashifi doonaan mas’uuliyiintaas haddii ay ka joogi waayaan arrimaha gurracan ee magac dilka ku ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
”Waa kashifeynaa maalinkeeeda haddii ay xishoon waayaan oo ka joogi waayaan bannaanka ayaa la soo dhigayaa, mucaarad waa ahaan jirnay waxna waa sheegi jirnay, haddii ay wax wanaagsan sameysanaha waa taageeri jirnay,”.
Ugu dambeyn, Amb: Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in ay muhiim tahay in mucaaradka siyaasadda u kala socnaadaan waxyaabaha xukunka lagu kala ridanayo iyo dalka sumcad dilkiisa.

NISA oo qabatay laba xubnood oo ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka haya’adda Nabad Sugida iyo sirdoonka qaranka ee NISA ayaa gacanku soo dhigay laba dhagar qabe oo u qaabilsanaa dhanka Isbitaalada iyo daryeelka bukaanada Khawaarijta.

Dhagarqabaha koowaad ayaa lagu magacaabaa Kooshin Maxamuud Axmed waxa uuna khawaarijta u qaabilsan yahay isbitaalada iyo bukaanadooda la keeno magaalada Muqdisho,halka dhagarqabaha labaad oo lagu magacaabo Keyse Faarax Xasan(Axmed yare) uu yahay dhakhtarka khawaarijta u qaabilsan daaweynta bukaanadooda jooga degmada jilib,waxaana Adeer u ah horjoogaha khawaarijta u qaabilsan arrimaha Siyaasadda Xuseen Fiidow.

Haya’adda NISA waxa ka go’an ciribtirka cadowga khawaarijta ah ee beegsanaya dadka Shacabka soomaaliyeed iyo cid walba oo kaalin ku leh la shaqayntooda.

  

NISA oo qabatay laba xubnood oo ka tirsan Khawaarijta

– Ciidanka haya’adda Nabad Sugida iyo sirdoonka qaranka ee NISA ayaa gacanku soo dhigay laba dhagar qabe oo u qaabilsanaa dhanka Isbitaalada iyo daryeelka bukaanada Khawaarijta.

Dhagarqabaha koowaad ayaa lagu magacaabaa Kooshin Maxamuud Axmed waxa uuna khawaarijta u qaabilsan yahay isbitaalada iyo bukaanadooda la keeno magaalada Muqdisho,halka dhagarqabaha labaad oo lagu magacaabo Keyse Faarax Xasan(Axmed yare) uu yahay dhakhtarka khawaarijta u qaabilsan daaweynta bukaanadooda jooga degmada jilib,waxaana Adeer u ah horjoogaha khawaarijta u qaabilsan arrimaha Siyaasadda Xuseen Fiidow.

Haya’adda NISA waxa ka go’an ciribtirka cadowga khawaarijta ah ee beegsanaya dadka Shacabka soomaaliyeed iyo cid walba oo kaalin ku leh la shaqayntooda.

  

Baarlamaanka oo ansixiyay Hindisaha Xeerka Dhismaha Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka

Xildhibaannada labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta kulan wadajir ah ku leh xarunta Villa Hargeysa ayaa ansixiyay Xeerka Dhismaha Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka iyo soohdimaha Soomaaliya.

Xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed ayaa xubnaha Baarlamaanka Federaalka ka hor akhriyay Xeerka Dhismaha Guddiga Madaxabannaan iyo soohdimaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaas oo ay soo gudbisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, waxaana dib u eegis ku sameeyay guddiga KMG ah ee labada Aqal ee Baarlamaanka u qaabilsan diyaarinta xeerarka doorashooyinka Qaranka.

Xildhibaannada labada Gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa goor-dhow ansixiyay Hindise xeereedka dhisidda Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka iyo soohdimaha, waxaana ogolaatay 173 Mudane, wax diiday ama ka aamusay majirto.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa ku dhawaaqay natiijada codbixinta, isagoo sheegay in toos loo gada-galay dhameystirka howlaha haray ee ansixinta xubnaha iyo xeerarka xisbiyadda Jamhuuriyadda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bishan horaanteedii labada gole ee Baarlamaanka ka codsaday inay bil ku darsadaan kalfadhigan si loo meelmariyo xeerarka muhiimka u ah doorashooyinka Qaranka si shacabka Soomaaliyeed u soo doortaan madaxdooda.

Ciidanka Danab ee XDS oo daawooyin gaarsiiyey shacabka ku nool Balidoogle

:-Ciidanka kumaandooska Danab XDS gaar ahaan ururka 161’aad ayaa daawooyin gaarsiiyey qaar ka mida dadka shacabka ah ee ku nool Deegaano Hoos Taga Degmada Walaweyn ee gobalka Shabeellaha Hoose.

Dawooyinka dadka shacabka ee la gaarsiyey ayaa wax ay isugu jiraan haween iyo caruur ku dhaqan tuulada Balidoogle iyaga oo Sidoo kale ka mahad celiyey daawooyinkan ay soo gaarsiiyeen ciidanka sida gaarka u tababbaran ee  Xoogga Dalka Soomaaliyeed .

Ciidanka kumaandooska danab ee XDS ayaa ah kuwa u taagan hiilka dadka shacabka Soomaliyeed iyo dabar gooynta khawaarijta arxanka daran .

Ciidanka Xoogga oo hawlgal ka fuliyey deegano ka tirsan Shabeellaha Hoose

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururada 175-aad, guutada 17-aad ee Gorgor iyo 146-aad ee guutada 14-ka October ayaa howlgal qorsheysan oo ay fuliyeen ku khaarijiyay Maleeshiyaad katirsan Khawaarijta oo ku dhuumaaleysanayay deegaano hoostaga degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalka ayay Geesiyaasha Qarankeenna si gaar ah ugu beegsadeen deegaanka Jowhar-awdheegle iyo tuulooyin ku xeeran, waxayna Ciidanka ku guuleysteen khaarijinta dhagar-qabayaal Khawaarijta katirsan oo si dhuumaaleysi ah baad uga qaadan jiray Shacabka iyo gaadiidka isticmaala inta udhaxeysa degmada Awdheegle iyo deegaanka Janaale.

Taliyaha Guutada 14-ka October ee Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed G/sare Nuur Maxamed Gaabow “Nur Farey” ayaa Xaqiijiyay in howlgalka uu si guul ah ku soo dhamaaday, Shacabkana laga horleexiyay Khawaarijtii ku dhibaateyn jirtay goobihii ay Libaaxyada Xoogga Cagta mariyeen.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ka tacsiyadeeyay geerida Madaxweyne Siilaanyo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Madaxweynihii hore ee Somaliland Allaha ha u naxriistee Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ku geeriyooday Magaaladda Hargeysa.

“ Innaa lillaah wa innaa ileehi raajicuun rabi SWT naxriistiisa jano haka waraabiyo marxuum Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo ahaa madaxweynihii hore ee Somaliland,waxaana xanuunka geerida marxuumka la qeybsanayaa qoyskiisa, eheladiisa iyo dhamaan umadda Soomaaliyeed,rabi naxriistiisa jano ha siiyo dhamaan umadda Soomaaliyeedna samir iyo iimaan haka siiyo “ ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa sidoo kale sheegay in Allaha ha u naxriistee marxuumka uu ahaa oday Soomaaliyeed Sidoo kalena uu ahaa Astaan ummaddeed, indheer garad bulsho oo tariikh ku leh dowlad dhiska.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka tacsiyeeyay geerida Madaxweyne Siilaanyo

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa ka tacsiyeeyay geerida naxdinta leh ee Allaha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, oo caawa ku geeriyooday magaalada Hargeysa.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku tilmaamay Marxuum Siilaanyo inuu ahaa siyaasi kaalin weyn ka soo qaatay nidaamka dowladnimada Soomaaliyeed, isagoo soo qabtay xilal kala duwan sida Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Wasaaradda Ganacsiga, iyo Guddoomiyaha Guddiga Dhaqaalaha Qaranka ee Soomaaliyeed.
“Madaxweyne Siilaanyo wuxuu door muhiim ah ka qaatay maamul dhiska, nabadeynta, iyo dimuquraadiyeynta Gobollada Waqooyi ee Somaliland, burburkii kadib, isaga oo kaalin hormuud ah ku lahaa billowgii wada xaajoodkii Dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.
Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu Alle uga baryay marxuumka inuu Janatul Fardowsa ka waraabiyo qoyskiisa, qaraabadiisa, iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan ka siiyo.