Hay’adda Duulista Rayidka JFS iyo ICAO oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dhinac

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada Md. Cabdikariim Cabdow Xeydar oo uu wehliyo Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed Md. Ahmed Moallin Hassan ayaa kulan la yeeshay wafdi ka socda Hay’adda Duulista Caalamka ee ICAO.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS Cabdikariin Cabdow ayaa faahfaahiyey qorshaha safarka isgoo sheegay in dhinacyado ay kawada hadleen sidii garoonka Aadan Cadde loo hormarin lahaa si uu ula jaan qaado garoomada caalamiga ah.

Kulanka ayaa looga wada hadlay sidii lagu horumarin lahaa iskaashiga farsamo ee labada Hay’adood iyo qiimeeynta sida Soomaaliya ay diyaar ugu tahay baarista farsamo (Audit) ee dhawaan Hay’adda ICAO ku sameeyn rabto Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed.

Waxaa sidoo kale Kulanka lagu faaqiday siyaabaha lagu xoojin karo awooda farsamo ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed iyo hubinta waafaqsanaanta Howlaha Hay’adda ee shuruucda iyo heerarka Duulista Caalamiga. Wafdiga ayaa booqasho qiimeeyn ah ku tagay xafiisyada iyo kaabayaasha tijnoolojiyeed ee Hay’addu ku howlgasho.

Maareeyaha Hay’adda ayaa rajo fiican ka muujiyay natiijada shirka isagoo tilmaayay muhiimada ay leedahay iskaashiyadda caalamiga si loo hormariyo majaalka Duulista Rayidka Soomaaliyeed.

Booqashada wafdigan ayaa ka dhigan tilaabo horumar leh oo loo qaaday dhanka xoojinta khibradda farsamo iyo heerarka howlgelinta shaqooyinka Hay’adda, waxay jidka u xaareeysaa in Duulista Rayidka Soomaaliya ay bixiso addeeeg leh badqab la hubo isla markaana heerkiisu sareeyo.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Ahmed Moalim Fiqi Ayaa la Kulmay Wafdiga Norway si loo Xoojiyo Iskaashiga Labada Dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Danjire Ahmed Moalim Fiqi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday Norway, oo uu hoggaaminayey Safiirka Norway ee Soomaaliya, Mr. Einar Rystad. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray adkeynta xiriirka labada dal iyo ka wada-hadlidda arrimaha muhiimka ah ee gobolka iyo caalamka.

Wasiir Fiqi ayaa carabka ku adkeeyay sida Soomaaliya ay uga go’an tahay xoojinta nabadda, xasilloonida, iyo horumarka Geeska Afrika. Wuxuu sheegay guulaha laga gaaray dib-u-habaynta dastuurka iyo geeddi-socodka dimuqraadiyeynta, oo ay ka mid tahay ansixinta Guddiga Doorashooyinka iyo Xuduudaha Qaranka, taasoo ah tallaabo muhiim ah oo lagu xaqiijinayo maamul wanaagga dimuqraadiga ah. Wafdiga Norway ayaa bogaadiyey guulahan, iyagoo ammaanay sida Soomaaliya uga go’an tahay dhismaha dowladnimo inkastoo ay jiraan caqabado.

Doodda ayaa sidoo kale diiradda saartay qorshaha istiraatiijiyadeed ee Soomaaliya ee xilliga kadib ATMIS, iyadoo dalka uu u diyaargaroobayo inuu si buuxda ula wareego masuuliyadda amniga qaranka. Wasiir Fiqi ayaa faahfaahiyey dadaallada lagu tayeynayo ciidamada amniga iyo la dagaallanka argagixisada, isagoo ku booriyay iskaashiga caalamiga ah ee taageeraya yoolalkan.

Waxaa sidoo kale laga hadlay mowqifka Soomaaliya ee ka dhanka ah heshiiska sharci-darrada ah (MoU) ee Itoobiya ay ku doonayso dhul Soomaaliyeed. Wasiir Fiqi ayaa ku adkeeyay sida Soomaaliya uga go’an tahay ilaalinta madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee dalka, isagoo ugu baaqay beesha caalamka inay taageerto sharciga caalamiga ah iyo madaxbannaanida Soomaaliya.

Kulanka ayaa muujinaya iskaashiga sii kobcaya ee Soomaaliya iyo Norway, oo ku saleysan danaha wadaagga ah iyo qiyamka wadajirka ah, iyagoo ka shaqeynaya xalinta caqabadaha gobolka iyo horumarinta nabadda waarta.

Arday Soomaaliyeed oo Bandhig dhaqameed uga qeyb galay Jaamacad ku taalo dalka Shiinaha

Changsha:- Waxaa Todobaadkan magaalada Changsha ee dalka Shiinaha lagu qabtay Bandhig dhaqameed, kaas oo ay ka qeyb galeen arday badan oo Ajaaniib ah oo ay ku jiraan ardayda Soomaaliya ee wax ka barta dalka Shiinaha.

Bandhig dhaqameedkan ay soo qaban qaabisay Jaamacadda Central South University (CSU) ayaa waxaa ka soo qeyb galay mas’uuliyiinta jaamacadda, marti sharaf iyo arday badan oo ka kala socda 40-Dowladood oo Soomaaliya ay ku jirto.

Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta  dalka Shiinaha ayaa madasha ku soo bandhigay cunto dhaqameedkeenna noocyadooda kala duwan iyo ciyaaraha Hiddaha iyo dhaqanka, taas oo si weyn u soo jiidatay dhammaan dadkii munaasabadda ka soo qeyb galay.

Dhallinyaro ku lebbisan dharka hiddaha iyo dhaqanka, isla markaan lulaya Calankeenna Soomaaliyeed ayaa goobta wacdaro ka muujiyay, iyadoo qiimeeyn la sameeyayna ay Soomaalidu ka gashay kaalimaha ugu ho bandhig dhaqameedka ka dhacay magaalada Changsha ee caasimadda gobolka Hunan ee dalka Shiinaha.

Guddoomiyaha ardayda Soomaaliya ee wax kabarata magaalada Changsha ee dalka Shiinaha Axmed Cabdirahmaan Ibraahim ayaa aad u bogaadiyay hannaanka hagaagsan ee ardayda Soomaaliyeed ay u soo bandhigeen hiddaha iyo dhaqankooda hodanka ah, wuxuuna si gaar ah ammaan ugu jeediyay gabdhaha Soomaaliyeed doorka wanaagsan ay ka qaateen bandhiga.

Madaxdii bandhig dhaqameedka ka soo qeyb galay iyo ardaydii kale ee ajaaniibta ayaa u riyaaqay bandhiga cajiibka ah ee ardayda Soomaaliyeed ay uu muujiyeen, iyagoo ku tilmaamay mid kaalin muhiim ah kaga jiray habsami u socodka munaasabadka,waxaana ay ku bogaadiyeen inay xoojiyaan dhaqanka Soomaaliyeed.Bandhig dhaqameedkan oo ah mid sanadkii, mar la qabto ayaa sanadkan hal ku dhig looga dhigay isku xirka dhaqamada iyo isku-duubnimada adduunka.

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka Guddoomay Warqadaha Aqoonsiga Madaxa Cusub ee IOM Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Danjire Axmed Macallin Fiqi Ayaa ka Guddoomay Warqadaha Aqoonsiga Madaxa Cusub ee IOM ee Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa si rasmi ah uga guddoomay warqadaha aqoonsiga Madaxa Cusub ee Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM) ee Soomaaliya, Mudane Manuel Marques Pereira. Kulankan ayaa lagu lafa guray xoojinta iskaashiga ku aaddan horumarinta Soomaaliya.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxay hormuud u tahay dadaallada lagu aasaasayo Xarunta Qurbajoogta si ay uga faa’iidaysato in ka badan 4 milyan oo Soomaali ah oo ku nool qurbaha. Xaruntu waxay muhiim u tahay kobcinta doorka qurbajoogta ee horumarka dalka.

Wasiirka ayaa sidoo kale soo dhaweeyay mashaariicda xasilinta ee IOM, kuwaas oo si dhow ula jaanqaadaya qorshaha xukuumadda ee dib-u-soo celinta adeegyada dowladda ee deegaanada laga xoreeyay Al-Shabaab. Wasaaradda waxay sii wadaysaa iskaashiga dhow ee IOM si loo xaqiijiyo yoolalka wadajirka ah.

Taliyaha Ciidanka Booliiska oo la kulmay Safiirka Dawladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Safiirka Dawladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mudane Alper Aktaş, waxayna ka wadahadleen xoojinta xiriirka Booliska iyo Safaaradda oo Dawladda Turkiga masuul uga ah taageerada ciidamada Booliska Soomaaliyeed, sida dhinacyada tababarrada, taakulada iyo kor u qaadista aqoontooda.

Taliye Asad Cismaan oo dowladda Turkiga uga mahadceliyey taageerada iyo tababar siinta ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa safiirka kala hadlay dib u habeynta, kordhinta tirada, agabka iyo dhismaha xarun u gaar ah ciidamada Haramcad oo qayb ka ah Booliska Soomaaliya.

Dowlada Soomaaliya oo si rasmi ah ugu biirtay Ururka Caalamiga ah ee 𝐆𝐥𝐨𝐛𝐚𝐥 𝐆𝐫𝐞𝐞𝐧 𝐆𝐫𝐨𝐰𝐭𝐡 𝐈𝐧𝐬𝐭𝐢𝐭𝐮𝐭𝐞 (𝐆𝐆𝐆𝐈)

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu biirtay Ururka Caalamiga ah ee 𝐆𝐥𝐨𝐛𝐚𝐥 𝐆𝐫𝐞𝐞𝐧 𝐆𝐫𝐨𝐰𝐭𝐡 𝐈𝐧𝐬𝐭𝐢𝐭𝐮𝐭𝐞 (𝐆𝐆𝐆𝐈) oo ay noqoto dal xubin buuxa ka ah! Iskaashigan muhiimka ah wuxuu gacan ka geysan doonaa xoojinta qorshayaasheena waara ee ku saabsan horumarinta dhaqaalaha cagaaran, ilaalinta deegaanka, iyo la qabsiga saameynta isbeddelka cimilada.

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, Amb. Khadija Mohamed Al-makhzoumi, oo ku matalaysay Soomaaliya heshiiskan, ayaa tilmaantay muhiimadda iskaashigan iyo inuu yahay tallaabo waxtar leh oo lagu xaqiijinayo himilooyinkeenna ku aaddan mustaqbal cagaaran.

 

  

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay oo Ku-xigeenka Xisaabiyaha Guud ee Qaranka.

;-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa u magacaabay, Axmed Maxamuud Muxumed, Ku-xigeenka Xisaabiyaha Guud ee Qaranka.

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo dalka dib ugu soo laabtay kadib ka qeybgalkii shirkii Baarlamaannada (𝐄𝐀𝐂)

-Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, ka dib markii uu magaalada Nayroobi uga qeyb galay shirka 18aad ee Guddomiyeyaasha Baarlamaannada Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (𝐄𝐀𝐂)

Guddoomiyaha oo khudbad ka jeediyay shirka ayaa sheegay in ku biirista Soomaaliya ee Ururka Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika ay muhiimad wayn u leedahay Ururka iyo dalkeenna, maadaama Soomaaliya ay leedahay Khayraad fara badan oo dabiici ah, dhul qani ah iyo bulsho firfirkoon oo leh hal-abuur ganacsi, karti iyo u adkaysiga xaaladaha kala duwan ee ganacsiga.

Sidoo kale, Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa sheegay in midowgan uu tusaale wanaagsan u yahay dhammaan dowladaha qaaradda Afrika inay midoobaan ayna ka wada faa’iidaystaan khayraadka dhulalkooda, iskana kaashadaan arrimaha nabadgelyada iyo horumarinta dhaqaalaha iyo bulsho ee dadyowga qaaradda Afrika.

 

 

Wasiirka Dastuurka XFS oo ka hadlay muhiimadda ay leedahay dhameystirka dastuurka KMG ah

Wasiirka Wasaaradda Caddaalada iyo Arrimaha DastuurkJFS Mudane Xasan Macalin oo wareysi siiyay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Dastuurku oo dhameystirmo micnihiisu yahay dadweynaha Soomaaliyeed oo hela xaqoodooda oo ah doorsha qof iyo cod ah.

Mudane Xasan maclin ayaa tilmaamay in madaama dastuurka ay ku jiraan qodobo u baahnaa wadaxajood siyaasadeed uu madaxweynahu shir guddoomiyay shirka Golaha wadatashiga Qaranka si looga heshiiyo loona dhameystiro dastuurka,haddana lagu guda jiro la tashiyada dadweynaha ee cutubyada 5-aad ilaa 9-ee dastuurka dalka.

Wasiirka Cadaallada iyo Arrimaha dastuurka Xasan Maclin ayaa intaa hadalkiisa ku daray in ay muhiim tahay in dalka la gaarsiiyo doorasho qof iyo cod ah shacabkana loo celiyo awoodda, si cidda hoggaamineyso ay iyaga u soo doortaan, isagoo sheegay in Hindise Sharciyeedka doorashada ee saddexda ah ay hadda horyaalaan Baarlamaanka si ay u meel mariyaan kadibna dalka uu aadi doono doorasho toos ah(Qof iyo cod),taa oo looga gudbayo doorasho dadban.

Wasiirka degaanka iyo isbaddelka Cimilada XFS oo kulan la qaadatay Madaxa COP29

Wasiirk wasaaradda degaanka iyo isbaddelka cimilada JFS Amb. Khadija Mohamed Al-makhzoumi, ayaa  kulan muhiim ah la yeelatay  Madaxa COP29 Danjire Iskandanov, labada dhinac ayaa si qoto dheer uga wada hadlay waddooyinka lagu gaari karo guusha hannaanka socda iyagoo mar kale adkeeyey ballanqaadkooda ah in la xoojiyo wada shaqeynta si loo gaaro heshiisyo macno leh oo dhammaan bulshada saameeya.

Kulankan waxa uu qeyb ka yahay ajandayaasha muhiimka ah sida Hadafka Cusub ee Isku dhafan (NCQG) isbeddelka caddaaladda ku saleysan iyo arrimaha kale ee mudnaanta leh. Wasiirka ayaa uga mahadcelisay martigalinta #COP29 ka Dowladd ahaan Azerbaijan soo dhoweyntooda diirran iyo qabanqaabada heerka sare ee #COP29.