Cabdiraxmaan Cirro oo ku guuleystay doorashada Soomaaliland

Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa  ku dhawaaqay in Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) uu ku guulaystay doorashadii madaxtinimada Xisbiga Waddani, isagoo helay codad gaarayo  63.92%.

Cabdiraxmaan Cirro ayaa noqonaya Madaxweyniha 6-aad ee maamulka Somaliland ee Waqooyiga Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Cirro ayaa ku dhashay magaalda Hargeysa 1955-kii, 1978 illaa 1981 wuxuu ka soo shaqeeyay hay’ad la oran jiray horumarinta danwadaagaha Soomaaliya, 1981 ilaa 1988 wuxuu ahaa dibloomaasi ka howlgala wasaaradda arrimaha dibedda ee Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Cirro ayaa May 1988 illaa iyo 1996 wuxuu ahaa ku-xigeenka danjiraha iyo sii hayaha safaaradii Soomaaliya ee dalka Ruusha ee Moosko.

Hoggaamiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro ayaa ka guuleystay Madaxweynaha hadda xilka kasii dagaya Muuse Biixi Cabdi iyo musharax Faysal Cali Waraabe.

Guddiga doorashooyinka oo kulan wada tashi ah la qaatay bulshada rayidka

Guddiga Kumeel gaarka ah ee labada Aqal ee Baarlamaanka Dalka u xilsaaran diyaarinta xeerarka doorashooyinka, Ururrada iyo Xisbiyadda JFS iyo sharciga dhismaha guddiga doorashooyinka iyo soohdimaha ayaa kulan wadatashi ah Magaaladda Muqdisho kula qaatay Ururrada Bulshada rayidka,

Kulanka oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Guddiga Xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed oo ay wehliyaan Guddoomiye kuxigeenka iyo Xoghayaha Guddiga ayaa waxaa wakiilada matalayay ururada Bulshada rayidka looga talo gelinayay Akhrinta labaad ee hindisaha xeerka doorashooyinka Qaranka oo uu Guddiga gacanta ku haayo dhowaanna la filayo in la horgeeyo Baarlamaanka labadiisa Aqal.

Xubnaha ka socday Bulshada rayidka qeybaheeda kala duwan ayaa talooyinkooda ku biiriyay xeerkan,waxaana Guddoomiyaha Guddiga Xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed uu sheegay in ujeedkoodu yahay si talooyinka iyo aragtida bulshada rayidka loogu daro xeerkan muhiimka u ah doorashooyinka qof iyo codka ah ee la rajeynayo in ay dalka ka qabsoomaan.

Hay’adda SoDMA oo gargaar u qaybisay barakacayaal ku nool Muqdisho

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA, ayaa gargaar ka kooban qeybaha kala duwan ee raashinka u qaybisay 500 oo qays oo ka kooban danyar, barakacyaal iyo dad naafo ah, kuwaas oo ku jira kaam ku yaalla degmada Deyniile ee gobolka Banaadir.

Deeqdan oo ay Soomaaliya ugu deeqaday dowladda Turkiga ayaa waxaa ka mahad celiyay qoysaskii ka faa’iideeystay, iyagoo sheegay in ay mucaawinadan heleen xilli ay baahi badan u qabeen.

Dhinaca kale, hay’adda SoDMA ayaa diyaarad sida shixnad gargaar mucaawino ah waxa ay isla u dirtay degmada Baardheere ee gobolka Gedo, halkaas oo ay ku nool yihiin barakacayaal iyo dad danyar ah oo ay waxyeello kasoo gaareen abaarihii iyo daadadkii halkaasi ka dhacay.

Wasaaradda hawlaha guud iyo UNOPS oo kala saxiixday heshiiska horumarinta biyo-mareenada Baydhabo

Heshiiskan oo ay kala saxiixdeen Wasiirka wasaaradda hawlaha guud dib-u-dhiska iyo guryaynta XFS Dr Cilmi Maxamuud Nuur iyo Hay’adda Qaramada Midoobay ee UNOPS ayaa waxa lagu qaabeyn doonaa biyo-mareennada magaalada Baydhabo, iyadoo lagu dhisi doonaa awoodda aqooneed ee Ijineerada Wasaaradda iyo kuwa dawlad goboleedyada si loo helo dhismoyaal tayo leh.

Ugu dambayn barnaamijkan oo socon doona muddo 15-bilood ah ayaa xoogga lagu saari doonaa sidii qiimayn iyo qaabayn loogu sameyn lahaa biyo-mareennada magaalada.

Saraakiil ka tirsan hay’adda socdaalka oo tababar loogu soo gabangabeeyey Masar

Qaahira: Tababarka oo ku saabsanaa xakameynta, ilaalinta xuduuddaha, baarista dukumintiyada iyo ka hortagga tahriibinta dadka, waxa si wadajir ah u soo qaban qaabiyay dowladaha Masar iyo Talyaaniga, kaasi oo ay qayb galay saraakiil kala kala socotay hay’adaha socdaalka 17-wadan oo Afrika ah.

Saraakiisha ka socotay hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa la baray habka loo ilaaliyo xuduudaha, baarista Dukumiintiyada been abuurka ah ee dalka ku galka, iyo sida looga hortago dembiyada tahriibinta dadka.

Hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa xoogga saaraysa kobcinta aqoonta iyo xirfadda saraakiisha ka shaqaysa xafiisyadda kala duwan ee hubinta dukumintiyada ee lagu soo dalbado adeegyada ay hay’addu bixiso.

       

Soomaaliya iyo Denmark oo kala saxiixday heshiis deyn looga cafiyey Soomaaliya

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige iyo Safiirka Dowladda Denmark u jooga Soomaaliya Mr. Steen Sonne Andersen ayaa maanta si wadajir ah ugu saxiixay magaalada Muqdisho heshiis Dowaldda Soomaaliya looga cafinayo lacagihii deynta ahaa ee Dowaldda Denmark ay ku laheyd Dowladda Soomaaliya.

Heshiiskaan ayaa daba socda wada-xaajoodyo gaar gaar ah oo Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya uu la lahaa dhammaan xubnaha dalalka Paris Club oo horay u go’aamiyay Bishii Maarso 2024, in ay cafiyeen daymihii Soomaaliya ay ku lahaayeen, go’aankaas oo sidoo kale waajibinayay in Dowladda Soomaaliya ay si gaar ah ula macaamisho dalalka deymaha kulahaa.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa qoraal kooban oo uu soo saaray heshiiska kadib wuxuu ku yiri “Waxaa dhaboobay miraha ka dhashay barnaamijka dib-u-habeynta Maaliyadda iyo guulihii laga gaaray hannaankii deyn cafinta, waxa aan u mahadcelineynaa Dowladda Denmark oo ah saaxiib qiimo leh oo qeyb ka ah horumarka maaliyadeed ee Soomaaliya”.

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐓𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐜𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐗𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐚𝐥𝐢𝐲𝐢𝐡𝐢𝐢 𝐡𝐨𝐫𝐞.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xilka u kala wareejiyey Taliyaha cusub ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Odowaa Yusuf Raage iyo Taliyihii hore Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxiyadiin.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in labadi sano ee lasoo dhaafay ciidanku xorreeyay deegaanno badan oo ay khawaarijtu haysteen, isla markaana ay Xukuumaddu gaarsiisay adeegyadii asaasiga ahaa ee bulshadu u baahnayd, wuxuunna sheegay in taliyaha cusub laga doonayo dardargelinta dagaalka dalka lagaga xorreynayo khawaarijta iyo kooxaha nabadda diiddan isagoo tilmaamay inay muhiim tahay xoojinta iyo tayeynta dhismaha qeybaha kala duwan ee ciidamada qalabka, la wareegidda amniga dalka iyo in ciidanka laga wacyigaliyo waxyaabaha maanka dooriya.

Mudan Xamsa ayaa xusay in dalka la gaarsiiyay horumar dhinacyo badan leh oo dowlada Soomaaliyeed ku tallaabsatay intii Xukuumaddan ay jirtay oo ay kamid yihiin qaadista cunaqabatayntii hubka, taas oo ku timid dedaal badan oo dowladu bixisay, ku biirista Bulshada Bariga Afrika iyo inaan xubin ka noqonay Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay, ayna markhaati ka yihiin shacabka Soomaaliyeed.

   

Ra’iisul Wasaare Xamse “Hanaanka doorasho ee Axmed ka wado Kismaayo waa sharci daro”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo ka hadlayay munaasabadda xil wareejinta Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka sareeyo-gaas Odawaa Yuusuf Raage ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee Jubbaland.

Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in Madaxweynaha sharciyadda aan heysan ee Axmed Maxamed Islaam Madoobe uu saxiixay dhammaan heshiisyada Dalka loogu jihaynayo doorashada qof iyo Codka ah, isagoo qeyb wayn ka ahaa kullmada Golaha Wadatashiga Qaranka.

“Hanaanka doorasho ee Ahmed Maxamed Islaam ka wada Kismaayo waa sharci daro, waxii ka soo baxana waa sharci daro, hal xaaraana ah nirig xalaal ah ma dhasho, mana la aqbali karo, waxaana ugu baaqayaa dadka reer Jubbaland inay tashadaan, kana tashadaan sidii ay u dhici laheyn firaaq siyaasi ah”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in Axmed Maxamed Islaam uu hor-isataag ka sameeyay horumarinta ciidanka ka howlgalo Jubbaland, una diiday inay maraan Hanaanka diiwaangelinta si ay u heleen xuquuq dhameystiran, loona dalacsiiyo saraakiisha halkaas ku sugan.

Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa ku bogaadiyey ciidanka Xoogga iyo kuwa Jubbaland howlgallada guuleystay ee ay ka wadaan halkaas, kuwaas oo Khawaarijta ka khaarajiyay horjoogayaal iyo maleeshiyaad tiro beel ah.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa horey u sheegtay in hanaanka doorasho ee Axmed Madoobe ka wada Kismaayo uusan sharciyad heysan, islamarkaana waxii ka soo baxo aysan sharci aheyn.

Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa Madaxweyne ka ahaa Jubbaland tan iyo aas-aaskii dowlad gobolleedka Jubbaland, waxuuna noqoday mas’uul-ka ugu waqti dheeree ee dowlad gobolleed Madaxweyne ka soo noqdo marka oo eego dhiggiisa kuwa kale ee dalka.

CIiidanka NISA oo gacanta kusoo dhigay dhagar qabe katirsanaa khawaarijta

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa gacanta kusoo dhigay dhagar-qabe ka tirsan Khawaariijta oo u qaabilsanaa hubinta badqadka gaadiidka ay Khawaariijta u adeegsadaan qaraxyada.

Dhagar-qabaha oo lagu magacaabo Cabdinaasir Maxamed Xasan (Xaaji) ayaa xubin ka ah Shabakadda Qaraxyada iyo Naftood-haligayaasha Khawaariijta, isaga oo u qaabilsanaa hubinta iyo sameynta gaadiidka kahor inta aan loo adeegsan Ismiidaaminta, maadaama uu yahay xirfadle Makaanikiiste ah.

Dhagar-qabahan waxa uu ku lug-lahaa cilad bixinta ilaa Sagaal gaari o0 loo adeegsadey gummaadka Shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan, kaas oo ugu dambeeyay gaarigii Harrier-ta ahayd ee lagu qarxiyey SYL Hotel, isaga oo deegaanka Ceelasha Biyaha uga soo dhiibay dhagar-qabe Cabdinaasir Daahir Nuur Jimcaale (Guri ma leedahay) oo xukunsane ah.

Hay’adda NISA waxaa ka go’an ciribtirka cadowga khawaariijta ah ee beegsanaya dadka Shacabka ah iyo cid walba oo kaalin ku leh la shaqeyntooda.

 

Wasiirkii hore Arrimaha Dibadda Yuusuf Dheeg oo Hargeysa ku geeriyooday

Allaha u naxariistee waxaa maanta Magaalada Hargeysa ku geeriyooday Danjire Yuusuf Xasan Faarax (Yuusuf Dheeg) Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya

Marxuumka ayaa tariikh dheer ku lahaa dowlad dhiska soomaaliya iyo samata bixinta ummadda Soomaaliyeed.

INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN