Baarlamaanka oo ansixiyay Xeerka Ururrada iyo Xisbiyada Siyaasadda JFS

Guddoomiyaha Guddiga Ku meel gaarka ah ee u xilsaaran diyaarinta xeerarka doorashooyinka, Ururada iyo Xisbiyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo Baarlamaanka ayaa labada aqal ka hor aKhriyey wax ka badal lagu sameeyey hindise sharciyeedka ururada iyo xisbiyada siyaasadda ee Dalka.

Intaas kadib Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay Xeerka Ururrada iyo Xisbiyada Siyaasadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa ku dhawaaqay natiijada, isagoo sheegay inay Xeerka ogolaatay 177 Xildhibaan, ma jirin Xildhibaan diiday ama aamusay.

Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa tan iyo horaantii bishan toos u guda galay dhameystirka Xeerka doorashooyinka Qaranka si shacabka Soomaaliyeed u heleen xuquuq dhameystiran oo ku aadan qof iyo cod, si meesha looga saaro doorasho dadban oo uu dalka ku sii jiro.

Safiirka Soomaaliya u fadhin doona Shiinaha oo laga guddoomiyey nuqullo ka mid ah warqadaha Aqoosniga

Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhin doonta dalka Shiinaha Ambassador Hodan Cusmaan Cabdi ayaa maanta oo Arbaco ah nuqullo kamid ah Warqadaha aqoonsiga Danjirenimmo waxaa ka guddoomay ku-xigeenka agaasimaha hab-maamuuska ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Shiinaha Mudane Li Jinjin.

Ambassador Hodan Cusmaan Cabdi oo maalin ka hor halkaas gaartay ayaa sheegtay inay door muuqda ka qaadan doonto xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Shiinaha iyo kor u qaadista iskaashiga caalamiga ah ee labada dhinac wadaagaan.

XOG:Soomaaliya oo ka mid noqon karta 10-ka Dal ee ugu keydka Shidaalka badan Adduunka

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga dalka Turkiga Dr. Alparslan Baytaktar iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho, si uu markaasi uga qeyb galo munaasabadda soo dhaweynta Markabla shidaalka sahminaya Oruc Reis, kaasi oo ku soo xirtay Dekedda Muqdisho, balse haatan sahmin ka wada 3 Xermo oo ku teedsan Xeebaha magaalooyinka Mareeg ilaa Hobyo ee Maamul Goboleedka Galmudug ayaa sheegay in tani ay muujineyso walaaltinimada labada Dal iyo labada Shacbi. “Imaatinka Mudane Baytaktar iyo wufuudda kale ee dalka soo gaaray ayaa caddeyn u ah  daahfurka marxalad cusub oo horumar ku soo kordhinaya xiriirka iskaashiga dhaqaale ee labada dal” ayuu yiri Wasiirka Batroolka iyo Keyraadka Dabiiciga ee XFS Cabdirisaaq Cumar.

“Anigoo ku hadlaya magaca Umadda Soomaalyeed waxaan u mahadcelinayaa shacabka, Dowladda Turkiga iyo hoggaankeeda Mudane Rajab Dayib Ordogan oo markasta oo aad istiraahdid Soomaaliya waa laga sii jeestay dib u xasuusiya caalamka. Maanta mar kale ayaad qaadateen go’aan ku saabsan xoojinta horumarka, dhaqaalaha iyo awoodda Soomaaliya”, sidaasi waxaa yiri:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, “Soomaliya waa cusub ayaa u baryey Shidaalka dalkeena ku jiro ayaan la soo baxeena”, ayuu sii raaciyay.

Haddaba Warar hordhac ah ayaa laga helayaa sahanka baariseed ee laga bilaabay Soomaaliya, taasi ee uu bilaabay Markabka laga leeyaha dalka Turkiye, islamarkaana ay wehlinayaan maraakiib kale oo isugu jira kuwa caawinaya isaga iyo kuwa ay saara yihiin ciidamada badda ee Turkiye oo u ah ilaalo gaar ah, bal aan eegno warbixin dhawaan la helay, sida uu ku waramayo Wargeys laga leeyahay dalka aannu Walaalaha nahay ee Turkiye, kaasi oo lagu magacaaboTurkish Century ayaa Boggiisa lagu shaaciyay in sahminta hordhaca ah ee uu sameeyay Markabka Oruc Reis inay Soonaaliya ay qarka u saran tahay inay noqoto dalkii ugu dambeeyey ee ku soo biira dalalka Tamarta iyo Shidaalka Adduunka.

Warbixinta ayaa sheegaysa in sahmintan oo socota wax ka yar bil, sidoo kalena laba Xirmo (block) kaliya oo la fiiriyay lagu ogaaday in keyd  Gaaska dabiiciga ah u ceegaago goobaha kala ah Xirmooyinka ama  block-yada 152 iyo 153, waxaana la qiyaasayaa inay Soomaaliya dhawaan ka mid noqon doonto 10ka dal ee ugu keydka badan Shidaalka iyo Gaaska Caalamka, taasi oo u ah  bishaaro weyn haddii bil ka yar intaasi oo keyd ah lagu ogaaday, waxaana la filaaya in baarista iyo sahminta sii socoto ilaa bisha May 2025-ka, si loo sii ogaado Kheraadka uu Eebbe ku maneystay Dhulka iyo Badda Soomaaliya.

Wargeysa Turkish Century ee ka soo baxa dalka Turkiga ee walaalaha aan nahay ayaa qoray warbixin hordhac ah oo ku saabsan arimaha sahminta shidaalka Soomaaliya, waxa uuna yiri:- “Soomaaliya waxay u muuqataa inay noqon doonto meesha laga bilaabo is-bahaysiga cusub ee Tamarta Adduunka, ka dib markii Markabka sahaminta ee loo yaqaano seismic survey oo ah kii waday baarista gunta hoose ee dhulka ee  Markabka Turkida OrucReis  uu sameeyay baaritaanno hordhac ah oo ku saabsan dhulka hoostiisa ee badda dhacda Deegaanka Mareeg ee Degmada Ceeldheer ee Goboka Galguduud ee Baloogyada 152 iyo 153 oo ay Shati ka haysato TPAO, kuwaasi oo la sheegay inay muujinayaan keyd aad u weyn oo Gaaska dabiiciga ah iyo Shidaalka Ceyriin”, waxuuna Wargeysku isticmaalay ereyga ‘MASSIVE’ oo ah ‘aad u weyn ama aad u badan’ islamarkaana uu Far waaweyn ku qoray, taasi oo ula jeedo in xaddi badan oo shidaal ah ku jiro badda gunteeda hoose.

Inkastoo baaritaanku socdo ilaa iyo hadda waxaa la  ogaaday ‘waa in uu jiro keyd Gaas dabiici ah oo aad u faro badan, haddii baaristaasi lagu baahiyo Aagga dhaqaalaha gaarka ah ee Soomaaliya (EEZ), waxaa la rumeysan yahay in aan faqri dambe laga soo sheegi doonin Soomaaliya, “Haddii uu keydkaan ku sii fido inta kale ee Aagga dhaqaale ee gaarka ah ee badda Soomaaliya (EEZ), waxa ay dalka Walaalaha ah ee Geeska Afrika ee Soomaaliya ka dhigi kartaa mid ka mid ah tobanka dal ee ugu kaydka badan shidaalka iyo Gaaska Aduunka”, sidaasina waxaa qoray  Wargeysa Turkish Century ee ka soo baxa dalka Turkiga.

Markabka Turkida OrucReis  ayaa 24-kii saacba macluumaadka la wadaaga Wasaaradda Batroolka iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Xukuumadda Soomaaliya, waxaana la filaayaa in maalmaha soo socda ay Dadweynaha Soomaaliyeed la wadaagi doonaa wararka sahan baariseedka shidaalka Soomaalida ee hordhaca ah, iyagoo aad u faahfaahin doona ilaa iyo hadda waxa ka soo baxay sahankaasi, iyadoo la filaayo in uu Markabku u sii gudbi doono magaalo xeebeedka Hobyo oo iyana lag filaayo in laga helo mid kaa ka sii baaxad iyo mug weyn kii laga helay Magaalada Xebeedka Mareeg.

Madaxda wasaaradda warfaafinta oo ka tacsiyeeysay geerida faanadda Faadumo Duur

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daauud Aweys Jaamac, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar Al-Cadaala, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cabdullaahi Xayir Ducaale, Agaasimeyaasha Waaxyaha iyo Howlwadeennada Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska waxa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyskii iyo eheladii ay ka geeriyootay Marxuumad Faadumo Maxamed Xasan (Faadumo Duur) oo ka mid ahaan jirtay Fanaaniinta Hobalada Qaranka.

Allaha u naxariistee Faadumo Duur waxay ka tirsanayd kooxda Heegan ee ciidanka booliska Soomaaliya, Waxaan Allah uga baryeynaa inuu u naxariisto Marxuumada, kana waraabiyo Jannatul Fardowsa, qoyskii iyo ehelkii ay ka geeriyootayna uu samir iyo iimaan ka siiyo.

INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN

Kulanka Wadatashiga Madasha Siyaasadda Dhaqaalaha oo lagu qabtay Muqdisho

Waaxda Horumarinta Dhaqaalaha ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabatay kulan Wadatash ah oo ku saabsanaa  Shirweynaha Siyaasadda Dhaqaalaha ee qorsheysan sanadka soo socda. Kulankan uu si rasmi ah u furay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Maxamed Shire, ayaa diiradda lagu saaray sidii loo qiimeyn lahaa siyaasadaha dhaqaalaha iyo sidii talooyin wax ku ool ah looga soo saari lahaa horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya.

Shirka ayaa xoogga lagu saaray saddex qodob oo waaweyn. Ugu horreyn, waxaa si qoto dheer loo falanqeeyay tusmooyinka dhaqaalaha dalka, iyadoo la is dhaafsaday talooyin ku saleysan xaqiiqooyin iyo cilmi-baaris.

Sidoo kale, shirkan ayaa ahaa gogoldhig muhiim ah oo diyaarinaya shirweynaha Siyaasadda Dhaqaalaha ee qorsheysan sanadka soo socda, kaas oo diiradda lagu saari doono siyaasadaha dhaqaale ee dalka. Intaa waxaa dheer, waxaa lagu adkeeyay wada shaqeynta iyo isku xirnaanta hay’adaha dowladda, si loo xoojiyo waxtarka dhinacyada wax-soo-saarka iyo adeegyada muhiimka ah.

Shirka waxaa ka soo qaybgalay wakiillo ka socda hay’adaha dowladda, khubaro dhaqaalaha ku xeeldheer, iyo marti sharaf muhiim ah. Intii uu socday, waxaa la is dhaafsaday aragtiyo iyo talooyin waxtar leh oo horseed u noqon doona horumar joogto ah oo laga dareemo dhaqaalaha dalka.

Agaasimaha Guud, Mudane Maxamed Shire, ayaa uga mahadceliyay dhammaan ka qaybgalayaasha sida ay uga go’an tahay horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya. Waxa uu si gaar ah u bogaadiyay Waaxda Horumarinta Dhaqaalaha ee Wasaaradda dadaalka ay gelisay qabanqaabada iyo hirgelinta shirkan.

Duqa Muqdisho oo la kulmay Guddiga Kumeel gaar ah ee doorashooyinka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kulan la qaatay Guddiga Kumeel gaar ah ee labada Aqal Baarlamaanka JFS ee u xilsaaran diyaarinta xeerarka doorashooyinka, Ururada, Xisbiyadda JFS, Sharciga dhismaha guddiga doorashooyinka iyo soohdimaha dalka.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa guddiga Labada Aqal ee Baarlamaanka la wadaagay talooyin la xiriira Hindise Sharciyeedyada Xeerka Doorashooyinka dalka ee horyaala Baarlamaanka Jamhuuroyadda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Guddiga Xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed iyo xubnaha kale ee Guddiga ayaa ugu mahadceliyay Maamulka Gobolka Banaadir soo jeedinta talooyinka ku aadan xeerka doorashooyinka, iyagoona balan qaaday in ay tixgalin doonaan.

Wejiga labaad ee shirka Maareynta Maaliyadda Guud oo ka furmay Dhuusamareeb

)-Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdirahman Mohamed Anas ayaa maanta si rasmi ah u furay wejiga labaad ee shirka Maareynta Maaliyadda Guud (PFM), oo ah tababar ku saabsan “IPSAS Cash Basis”, kaas oo socon doona muddo laba maalmood ah (19-20ka November 2024) magaalada Dhuusamareeb.

Tababarkan ayaa diiradda lagu saarayaa mideynta habraacyada diyaarinta xisaabaadka sanadlaha ah, iyadoo la raacayo heerarka caalamiga ah ee IPSAS.

Ujeeddadu waa in la xoojiyo hufnaanta, saxnaanta iyo kalsoonida dadweynaha ee maamulka dhaqaalaha dalka.

Tababarku wuxuu ka qaybgalayaasha siinayaa fursad ay ku cusbooneysiiyaan aqoontooda, taasoo sare u qaadaysa wada shaqeynta iyo isku-xirnaanta heerarka maaliyadeed ee dowladda.

Golaha Aqalka sare oo anisxiyay Hindise-sharciyeedka Hay’adda Sharciyeynta Adeegyada iyo Baaritaanka Beeraha

-Golaha Aqalka Sare ee BJFS ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku anisxiyay Hindise-sharciyeedka Hay’adda Sharciyeynta Adeegyada iyo Baaritaanka Beeraha Soomaaliyeed iyo sharciga Xakamaynta Kiimikooyinka Beeraha.

Wasiirka Waaaaradda Beeraha iyo Waraabka XFS Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa mudanayaasha Golaha Aqalka uga mahadceliyay ansixinta hindise sharciyeedka hay’adda sharciyeynta Adeegyada iyo Baaritaanka Beeraha iyo sharciga Xakameynta Kiimikooyinka Beeraha.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo hambalyo u diray madaxweynaha la doortay ee Somaliland

-Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo si dhow ula socday doorashada dadweynaha Maamulka Soomaaliland ay codkooda ku dhiibanayeen ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha la doortay Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) iyo ku xigeenkiisa Mudane Maxamed Aw-Cali Cabdi

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ugu hambalyeeyey xisbiyada kala ah; Waddani, Kaah iyo Kulmiye natiijada ay ka gaareen doorashada, waxa uuna bogaadiyey bisaylka iyo fahanka dowladnimada ee ay muujiyeen bulshada Somaliland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u xaqiijiyey Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cirro in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay dhammaystirka wada-xaajoodyada dib u heshiisiinta labo geesoodka ah, taas oo muhiim u ah horumarka iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u rajeeyey Madaxweynaha, Madaxweyne Kuxigeenka iyo Xisbiyada la doortay in Alle uu u fududeeyo qorsheyaasha horumarinta nolasha iyo kobcinta dhaqaalaha ee bulshada deegaannada Soomaaliland ay u doorteen.

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗮 𝗼𝗼 𝘂 𝗵𝗮𝗺𝗯𝗮𝗹𝘆𝗲𝗲𝘆𝗮𝘆 𝗠𝗮𝗱𝗮𝘅𝘄𝗲𝘆𝗻𝗮𝗵𝗮 𝗰𝘂𝘀𝘂𝗯 𝗲𝗲 𝗺𝗮𝗮𝗺𝘂𝗹𝗸𝗮 𝗦𝗼𝗺𝗮𝗹𝗶𝗹𝗮𝗻𝗱

-Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa dhambaal hambalyo ah u diray Madaxweynaha la doortay ee Maamulka Somaliland oo ku guulaystay doorashadii Madaxtinimada.

“Waxaan u hambalyeynaa Walaalkay Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro oo loo doortay Madaxweynaha Maamulka Somaliland, Waxaan u rajeynayaa Madaxweynaha  inuu Alle u fududeeyo gudashada waajibaadka culus ee loo doortay. ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Mudane Xamse ayaa sheegay in Madaxweynaha cusub laga rajaynayo inuu dardargeliyo himillada shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan midnimada iyo wadajirka dalkeenna iyo dib usoo celinta wada hadaladii lagu mideynayey dowladnimada Soomaaliyeed.