Danjiraha Soomaaliya ee Uganda oo Magaalada Kampala lagu soo dhaweeyay

Kampala: Danjiraha Dowladda Soomaaliya ee wadanka Uganda Amb. Fardowsa Maxamed Qanyare ayaa lagu soo dhaweeyay magaalada Kampala ee caasimadda dalkaas.

Masuuliyiin ka tirsan Safaaradda Soomaaliya ee Kampala iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas ayaa ka qaybgalay soo dhawaynta Danjire Fardowsa Maxamed Qanyare.

Amb. Fardowsa Qanyare ayaa ka mahadcelisay soo dhawaynta loo sameeyay, iyadoo sheegtay in ay ku shaqayn doonto aragtida Madaxwaynaha JFS ee ku aaddan u adeegidda umadda Soomaaliyeed, gaar ahaan Soomaalida ku nool dalka Uganda.

Sidoo kale Amb. Fardowsa ayaa bulshada u gudbisay salaan diirran oo ay ka waday Madaxwayanah JFS, Ra’suul Wasaaraha XFS iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

  

Guddoomiye Madaale oo soo xiray Madasha Wadahadalka Siyaasadda ee Doonista Maqaamka Caasimadda

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa soo xiray Madasha Wadahadalka Siyaasadda ee Doonista Maqaamka Caasimadda iyo Matalaada Gobolka Banaadir iyo Doorka Muwaadinka ee Doorasho toos ah oo muddo labo maalmood ka socday Magaalada Muqdisho.

Madashaan oo ay kasoo qeybgaleen Guddiga Kumeel gaarka ah ee labada Aqal ee Baarlamaanka JFS u xilsaaran diyaarinta xeerarka doorashooyinka, Ururada, Xisbiyadda, iyo Sharciga dhismaha guddiga doorashooyinka iyo soohdimaha dalka oo uu hogaaminaayay Xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed ayaa waxa ay dhageysteen talooyinka iyo fikradaha qeybaha kala gedisan ee Bulshada Gobolka Banaadir.

Xildhibaanada, Odayaasha dhaqanka, Bulshada Rayidka, Culumada, Aqoonyahanka, Haweenka, Dhalinyarada iyo Dadka baahiyaha gaarka qaba ee ka hadlay madasha ayaa taageeray hanaanka uu dalka ujiheystay ee doorasho qof iyo cod ah, iyagoona dhinaca kale hoosta ka xariiqay in la xaqiijiyo Maqaamka Caasimadda iyo Matalaada Gobolka Banaadir.

  

Madaxweynaha JFS oo hambalyo u diray Macalimiinta Soomaaliyeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta dhammaan macalimiinta Soomaaliyeed uga hambalyeeyay xuska Maalinta Macalinka ee 21ka Nofeembar.

Mudane Xasan Sheekh ayaa macalimiinta ku bogaadiyay kaalinta muhiimka ah ay ku leeyihiin horumarinta aqoonta, xirfadaha, iyo akhlaaqda bulshada Soomaaliyeed.

Wuxuu sidoo kale sheegay in macalinku yahay tiir-dhexaadka bulshada, isagoo carabka ku adkeeyay muhiimadda ay shaqadiisu leedahay.

“Macallinka waxa uu qaabeeyaa bulshada sida ay u ekaaneyso mustaqbalka fog, halka askarigu uu maanta Soomaaliya ka siibayo qodxaha ku taagan, waana labada shaqo ee ugu muhiimsan dalka” ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay inay muhiim tahay in la xoojiyo taageerada macalimiinta, isagoo xusay in Dowladda Federaalka ay qorsheysay qorista 10,000 oo macallimiin ah, xilligaana la howlgeliyay 6 kun oo ka mid ah.

Wuxuuna intaa raaciyay in tiradan ay weli ka yartahay baahida bulshada, balse ay tahay bilow wanaagsan oo lagu horumarinayo tayada waxbarashada dalka.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay dhammaan bulshada Soomaaliyeed inay qadariyaan kaalinta muhiimka ah ee macalimiinta, maadaama ay yihiin kuwa hagaya jiilka cusub iyo mustaqbalka dalka.

Madaxweynaha JFS oo hambalyo u diray Macalimiinta Soomaaliyeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta dhammaan macalimiinta Soomaaliyeed uga hambalyeeyay xuska Maalinta Macalinka ee 21ka Nofeembar.

Mudane Xasan Sheekh ayaa macalimiinta ku bogaadiyay kaalinta muhiimka ah ay ku leeyihiin horumarinta aqoonta, xirfadaha, iyo akhlaaqda bulshada Soomaaliyeed.

Wuxuu sidoo kale sheegay in macalinku yahay tiir-dhexaadka bulshada, isagoo carabka ku adkeeyay muhiimadda ay shaqadiisu leedahay.

“Macallinka waxa uu qaabeeyaa bulshada sida ay u ekaaneyso mustaqbalka fog, halka askarigu uu maanta Soomaaliya ka siibayo qodxaha ku taagan, waana labada shaqo ee ugu muhiimsan dalka” ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay inay muhiim tahay in la xoojiyo taageerada macalimiinta, isagoo xusay in Dowladda Federaalka ay qorsheysay qorista 10,000 oo macallimiin ah, xilligaana la howlgeliyay 6 kun oo ka mid ah.

Wuxuuna intaa raaciyay in tiradan ay weli ka yartahay baahida bulshada, balse ay tahay bilow wanaagsan oo lagu horumarinayo tayada waxbarashada dalka.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay dhammaan bulshada Soomaaliyeed inay qadariyaan kaalinta muhiimka ah ee macalimiinta, maadaama ay yihiin kuwa hagaya jiilka cusub iyo mustaqbalka dalka.

Golaha Wasiiradda oo ansixiyey magacaabista Agaasimaha Guud ee Hey’adda Istaatistikada Qaranka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee magacaabista Agaasimaha Guud ee Hey’adda Istaatistikada Qaranka, Dr.Cabdisalaan Cabdiraxmaan Maxamed

Shirka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay Warbixinno kala duwan oo ku saabsan amniga dalka, keydinta Bacrimiyayaasha Beeraha iyo horumarinta adeegyada caafimaadka dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay qorshaha dowladda ee hirgelinta doorashooyinka tooska ah

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku celiyay sida ay uga go’an tahay dowladda Federaalka Soomaaliya horumarinta hannaanka dimuqraadiyadda dalka iyo in fursad loo siiyo shacabka Soomaaliyeed in ay doortaan madaxda hoggaaminaysa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo khudbad ka jeediyay munaasabadda Boqorka Dalka Ingiriiska Charles III oo ka dhacday xarunta Safaaradda Boqortooyada Ingiriiska ee magaalada Muqdisho ayaa bogaadiyey xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo boqortooyada Ingiriiska. Madaxweynaha ayaa sidoo kale soo bandhigay ahmiyadda ay u leedahay xoojinta dowladnimada iyo horumarinta dalka hirgalinta doorashooyin dimuquraaddi ah iyo in dib awoodda loogu celiyo dadweynaha.

“Doorashadu waa tiirka ugu muhiimsan dimuqraadiyad ku saleysan rabitaanka shacabka Soomaaliyeed, dowladdu waxay ka shaqeynaysaa in shacabka Soomaaliyeed ay si buuxda uga qeyb qaataan hagidda mustaqbalkooda iyo in ay helaan xaqa Dastuuriga ah ee doorashada cidda hoggaaminaysa masiirkooda”.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Saaxiibada caalamiga ah ka dalbaday in dowladda Soomaaliyeed ay ku garab istaagaan marxaladdan taariikhiga ah, si loo helo daganaansho siyaasadeed, amni iyo horumar waara oo ka hanaqaada dalka.

   

Hay’adda socdaalka oo Muqdisho ku qabatay kulan ku saabsan hubinta Dukumintiyada socdaalka

Kulankan oo uu goobjoog ahaa agaasime ku xigeenka hay’adda mudane Xuseen Cabdullaahi Sheekh, isla markaana ay ka qayb galeen Agaasinka waaxyaha xuduuddaha iyo socdaalka, madaxda qaybaha socdaalka iyo xuduuddaha iyo saraakiisha ka howlgasha Socdaalka ayaa waxaa diirada lagu saaray sidii xoogga la saari lahaa hubinta dokumintiyada dadka kasoo dega iyo kuwa ka baxa garoonka Aadan Cabdulle.

Sidoo kale waxaa kulankaas maanta looga hadlay sidii loo dardargelin lahaa howlaha adeegga socdaalka, iyadoo dadka loogu adeegayo si hufan.

Adeegga socdaalka ayaa ka mid ah adeegyada ugu muhiimsan oo ay hay’addu u qabato dadwaynaha, waxaana uu laf-dhabar u yahay ilaalinta amniga xuduuddaha dalka, taas qayb ka qaadanaysa sugidda amniga Qaranka.

  1.     

Maxkamadda gobolka Banaadir oo la horgeeyey kiiska Xaaji Kaash oo Khawaarijta ka tirsanaa

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa Maxkamadda gobolka Banaadir horgeeyey eedeysane Cabdifitaax Cabdullahi Maxamed Geeseey ( Xaaji Kaash ) oo Khawaarijta u qaabilsanaa dhanka Maaliyadda.

Safiirka Danmark oo raali galin ka bixiyay hadal uu ugu gafay Wadajir dhuleed ee JFS

Danjiraha Dowladda Denmark u fadhiya Soomaaliya Steen Sonne Andersen ayaa raali galin iyo cudur daar ka bixiyay hadal uu ugu gafay Madax-banaanida iyo Wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Safiirka ayaa la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Axmed Macalin Fiqi, isagoo ka jawaabay, una hoggaamsamay u yeeristii Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

“Denmark waxay ixtiraamaysaa midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo ay ku jirto Somaliland,” ayuu ku yiri qoraal uu ku baahiyey bartiisa X Danjire Steen Sonne Andersen.

“Denmark iyo Soomaaliya waa labo dal oo uu ka dhexeeyo xiriir wanaagsan, kana wada shaqeeya arrimo badan oo ay ku jiraan dhismaha dowladnimada, isbedelka cimillada iyo nabadda iyo amniga,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay safiiirka.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa horay digniin ugu dirtay diblomaasiyiinta qaar, iyadoo uga digtay inay ku xadgudbaan madax-banaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda XFS oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi ka socda UNDP

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Aadan Macalin (𝐒𝐎𝐎𝐌𝐀𝐀𝐋𝐈) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi uu hogaaminayey madaxa ugu sareeya hay’adda UNDP ee Soomaaliya Mr. Leonel iyo xubno kale oo la socday.

Kulanka dhex maray Wasiirka Isgaarsiinta XFS iyo madaxa ugu sareeya hay’adda UNDP Soomaaliya waxaa diiradda lagu saaray xoojinta horumarinta iyo sara uqaadista Digital-ka Dalka.

Madaxa hay’adda UNDP ee Soomaaliya mr.Leonel ayaa balan qaaday inay wasaaradda kala shaqeyn doonaan sara uqaadista Degitaalka maadaama ay wasaaradu ka shaqeyso Howlaha ugu muhiimsan ee dhanka Isgaaraiinta iyo Teknolojiyadda.

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Soomaaliya mudane Maxamed Aadan Macalin ayaa dadaal adag ugu jira sidii loo tayeyn lahaa Teknolojiyada loogana faa’ideysan lahaa khuburada ka gacansiin karta howlaha la xiriirta Degitalka iyo guud ahaan Teknolojiyadda Dalka.