Soomaaliya oo ku guuleysatay abaalmarinta caalamiga ah ee Glotel Awards

Munaasabad heerkeedu sareeyo oo ka dhacday dalka Ingiriiska ayaa Soomaaliya waxa ay ku guuleystay abaalmarinta caalamiga ah ee Glotel Awards, iyadoo tartanka ugu guuleysatay Mareykanka, Ingiriiska, India iyo Kuuriyada Koonfureed

“Waxaan ku faraxsannahay in aan Soomaaliya guul uga soo hooynay abaalmarinta caalamiga ah ee 𝗖𝗼𝗻𝗻𝗲𝗰𝘁𝗶𝗻𝗴 𝘁𝗵𝗲 𝗨𝗻𝗰𝗼𝗻𝗻𝗲𝗰𝘁𝗲𝗱 𝗔𝘄𝗮𝗿𝗱 oo ay bixiso madasha 𝗚𝗹𝗼𝘁𝗲𝗹 𝗔𝘄𝗮𝗿𝗱𝘀 ee Warbaahinta 𝐓𝐞𝐥𝐞𝐜𝐨𝐦 ee dalka Ingiriiska” ayuu lagu yiri qoraal ka soo baxay Shirkadda Hormuud Telecom.

Xafladdan oo ka dhacday magaalada London ayaa Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom lagu guddoonsiiyay abaalmarintan caalamiga ah, taas oo ay muteeysatay kaalinta Shirkadda ee isku xirka ummadda Soomaaliyeed iyo guud ahaan dunida inteeda kale.

Abaalmarinta waxaa ku tartamayay Shirkado badan oo ay kamid yihiin Wifinity ee dalka Ingiriiska, Zayo Group ee Mareykanka, HFCL ee India, iyo Shirkadda SK Telecom ee Kuuriyada Koonfureed. Waxaa sidoo kale madasha abaalmarinno lagu guddoonsiiyay 24 shirkad oo hoggaamiya isgaarsiinta iyo teknoolojiyadda adduunka sida Intel, Huawei, Vodafone, Saudi Telecom, Ericsson, ZTE, iyo China Mobile.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku bogaadisay Shirkadaha iyo hay’adaha kale ee guulaha ka soo hooyay caalamka oo ay ugu horeyso Shirkadda Hormuud Telecom, iyadoo tani qeyb ka tahay guulo taariikhi ah oo ay Soomaaliya ka gaareyso fagaarayaasha caalamka.

Soomaaliya ku guuleysatay abaalmarinta caalamiga ah ee glotel awards

Munaasabad heerkeedu sareeyo oo ka dhacday dalka Ingiriiska ayaa Soomaaliya waxa ay ku guuleystay abaalmarinta caalamiga ah ee Glotel Awards, iyadoo tartanka ugu guuleysatay Mareykanka, Ingiriiska, India iyo Kuuriyada Koonfureed

“Waxaan ku faraxsannahay in aan Soomaaliya guul uga soo hooynay abaalmarinta caalamiga ah ee 𝗖𝗼𝗻𝗻𝗲𝗰𝘁𝗶𝗻𝗴 𝘁𝗵𝗲 𝗨𝗻𝗰𝗼𝗻𝗻𝗲𝗰𝘁𝗲𝗱 𝗔𝘄𝗮𝗿𝗱 oo ay bixiso madasha 𝗚𝗹𝗼𝘁𝗲𝗹 𝗔𝘄𝗮𝗿𝗱𝘀 ee Warbaahinta 𝐓𝐞𝐥𝐞𝐜𝐨𝐦 ee dalka Ingiriiska” ayuu lagu yiri qoraal ka soo baxay Shirkadda Hormuud Telecom.

Xafladdan oo ka dhacday magaalada London ayaa Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom lagu guddoonsiiyay abaalmarintan caalamiga ah, taas oo ay muteeysatay kaalinta Shirkadda ee isku xirka ummadda Soomaaliyeed iyo guud ahaan dunida inteeda kale.

Abaalmarinta waxaa ku tartamayay Shirkado badan oo ay kamid yihiin Wifinity ee dalka Ingiriiska, Zayo Group ee Mareykanka, HFCL ee India, iyo Shirkadda SK Telecom ee Kuuriyada Koonfureed. Waxaa sidoo kale madasha abaalmarinno lagu guddoonsiiyay 24 shirkad oo hoggaamiya isgaarsiinta iyo teknoolojiyadda adduunka sida Intel, Huawei, Vodafone, Saudi Telecom, Ericsson, ZTE, iyo China Mobile.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku bogaadisay Shirkadaha iyo hay’adaha kale ee guulaha ka soo hooyay caalamka oo ay ugu horeyso Shirkadda Hormuud Telecom, iyadoo tani qeyb ka tahay guulo taariikhi ah oo ay Soomaaliya ka gaareyso fagaarayaasha caalamka.

  

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay madaxda Turkiye

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur  iyo Madaxweyne ku xigeenka dalka aan walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Türkiye Mudane Cevdet Yılmaz ayaa magaalada Ankara ee dalka Turkiga ku yeeshay kulan xasaasi ah oo ku  saabsanaa sii ambaqaadidda xiriirka so jireenka ah ee labada dal.

Kulankaasi oo ahaa mid miro dhal ah,waxaa looga hadlayay iskaashiga labada dal ee dhinacyada difaaca, la-dagaallaanka argagixisada, horumarka xiriirka ganacsi iyo sidoo kale dadaalada wadajirka ah ee dhanka tamarta ah.

Wasiir Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa Dowlada iyo shacabka aan Walaalaha nahay ee Turkiga kaga mahadceliyey taageerada hagar la’aanta ah ee ay la garab taaganyihiin Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed.

Wasaradda Beeraha XFS oo soo bandhigtay Cagaf-cagafyo loogu talagalay Beeralayda Soomaaliyeed

Wasiirka Wasaradda Beeraha iyo waraabka XFS Maxamed Cabdi Xayir maareeye oo ka hadlay soo bandhigidda gawaaridaasi cagaf-cagafta ah ayaa sheegay in qalabkaan uu qeyb ka yahay dadaal ay waddo dowladda federaalka ah ee lagu taageerayo beeraleyda Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa qiray in ka wasaarad ahaan ay ka go’an tahay in dib loo soo nooleeyoo wax soo saarka beeraha si ayuu yiri loo gaaro isku filnaan xagga cuntada ah.

Wasiirka Wasaradda Beeraha iyo waraabka XFS Maxamed Cabdi Xayir maareeye waxa uu xusay in gawaaridaan cagaf-cagafta ah lagu wareejin doono Heyadda Onod oo qaabilsan taageeridda beeraleyda,gaar ahaan qodidda iyo  habeynta dhulka logu talagalay wax beeridda.

Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka XFS waxay xoogga saareysaa sidii sare loogu qaadi lahaa dhiirigalinta beeraleyda, iyadoo lala  kaashanaayo hey’adaha caalamiga ah ee qaramada midooobay iyo dowladaha daneeya arrimaha Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta Dowladda oo boogaadiyay daaweyn iyo qalliin xagga indhaha ah oo ka socda Muqdisho

Mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda iyo baarlamaanka ayaa maanta booqasho howled ku tagay Cisbitaalka Banaadir oo ay ka socdaan olole looga talagalay  daaweynta iyo qalliinka indhaha.

Ololahaan oo maalintii 2 aad ka socda cisbitaalka hooyada iyo dhalaanka ee Banadir,waxaa kormeerkaasi fuliyay Wasiir Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Marwo Drs Maryan Maxamed Husseen, Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arimaha Caafimaadka & Nafaqada Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Nuur.

Booqashadaan howled oo ay sidoo kale ka qeybgaleen Guddoomiyaha arrimaha bulshada Xildhibaan Nadra Salah Abdi, Xildhibaan Qaladla Ali Awaale iyo masuuliyin ka socotay xafiiska Raiisul wasaaraha ,waxaa kormeer lagu sameeyay qaybaha ay shaqadu ka socotay sida xarumaha bukaan socodka ,saalada qalliinka iyo bukaan jiifka .

Dr, Maryama Maxamed Husseen Waaiir Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada XFS iyo mas’uuliyiintii kale ee la socotay waxa ay ammaaneen howsha samafalka ah ee ay sida wadajirka ah ay isaga kaashanayaan xarunta Samafalka ee Boqor Salmaan, Hay’adda Albasar iyo Wasaaradda Caafimaadka XF Soomaaliya.

Dhammaan madaxdaasi waxa ay u duceeyeen bukaanada Soomaaliyeed ee ka faa’iideystay adeeggan muhiimka ah ee khuseeya indhaha.

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

1-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa macalimiinta Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay maalinta Macallinka oo ku began 21-ka November.

2-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale ku celiyay sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay horumarinta hannaanka dimuqraadiyadda dalka iyo in fursad loo siiyo shacabka Soomaaliyeed in ay doortaan madaxda hoggaaminaysa.

3-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha cusub ee maamulka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) iyo ku xigeenkiisa Mudane Maxamed Aw-Cali Cabdi.

4-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa tacsi u diray qoyska, ehelka iyo shacabka Soomaaliyeed geeridii ku timid Madaxweynihii hore ee Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

5-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ka qeybgaley xaflad uu xilka kula wareegayey Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Odowaa Yusuf Raage.

6-Ra’iisul Wasaare   Xamsa Cabdi Barre, ayaa u magacaabay  Axmed Maxamuud Muxumed  inuu noqdo Ku-Xigeenka Xisaabiyaha Guud ee Qaranka.

7-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa mar kale ku celiyay muhimadda in siyaasiyiinta ay aqbalaan doorshado qof iyo cod ah si  shacabka Soomaaliyeed dib loogu celiyo xuquuqdooda iyo awoodda dastuuriga ah ee ay leeyihiin.

8-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam uu saxiixay dhammaan heshiisyada dalka loogu jihaynayo doorashada qof iyo codka, ayna wax laga xumaado tahay inuu ka baxo heshiisyadaasi uu hore u aqbaley.

9-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa hambalyo ah u diray Madaxweynaha la doortay ee Maamulka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi.

10-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ka qeybgaley munaasabad ballaaran oo lagu xusayey Maalinta Macallinka Soomaaliyeed oo ku began 21-ka November.

11-Golaha Wasiirrada oo ansixiyay magacaabista Agaasimaha cusub ee Hay’adda Istaastiikada Qaranka Dr. Cabdisalaan Cabdiraxmaan Maxamed.

12-Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaah ayaa magaadala Nairobi kaga qeybgaley shirka madaxda Baarlamnaka Ururka Bariga Afrika oo ka dhacay magaalada Nairobi.

13-Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay sharciyada dhismaha Guddiga Doorashooyinka iyo Xisbiyada iyo Ururrada Siyaasadda ee dalka.

4-Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya Col. Yuusuf Xasan Faarax (Yuusuf Dheeg) ayaa ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

15-Wasiirka Arrimaha Dibedda Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa ka guddoomay warqadaha aqoonsiga Madaxa Cusub ee Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM) ee Soomaaliya, Mudane Manuel Marques Pereira.

16-Wasiirka Arrimaha Dibadda Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa u soo xiray tababar diblomaasiyadeed iyo mid dhanka hab maamuuska oo loogu talagalay safiirrada cusub ee dhowaan la magacaabay.

17-Wasiirka Maaliyadda Mudane Biixi Imaan Cige iyo Safiirka Denmark u fadhiya Soomaaliya Steen Sonne Andersen ayaa kala saxiixday heshiis Denmark ay deymaha uga cafineyso Soomaaliya.

18-Wasiiru Dowlaha Gaadiidka & Duulista Hawada Md. Cabdikariim Cabdow Xeydar ayaa kulan la yeeshay wafdi ka socdya Hay’adda Duulista Caalamka ee ICAO.

19-Wasiirka Hawlaha Guud Dr Cilmi Maxamuud Nuur iyo Hay’adda Qaramada Midoobay ee UNOPS ayaa kala saxiixday heshiis la xiriira horumarinta biyo-mareenada magaaladda Baydhabo.

20-Wasiirka Arrimaha Dibadda Danjire Ahmed Moalim Fiqi ayaa magaalada Muqdisho ku qaabilay Safiirka Norway ee Soomaaliya, Mr. Einar Rystad.

21-Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in wasaaradda u yeertay Safiirka Danmark u fadhiya Soomaaliya Steen Sonne Andersen kadib markii uu Hargeysa ka jeeidyay hadalo wax u dhimaya midnimada iyo qaranimada Soomaaliya.

22-Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Xasan Macalin ayaa sheegay haddii uu   dhameystirmo dastuurka ka dhigan tahay in shacabka Soomaaliyeed doorasho qof iyo cod xaq u yeelan doonaan.

23-Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa kulan l qaatay Safiirka Dawladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mudane Alper Aktaş.

24-Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa gacanta ku soo dhigay dhagar-qabe ka tirsan Khawaariijta oo u qaabilsanaa hubinta badqabka gaadiidka ay Khawaariijta u adeegsadaan qaraxyada.

25-Safiirka cusub ee Soomaaliya u magacowday dalka Shiinaha Danjire Hodan Cusmaan Cabdi ayaa nuqulka warqadaha aqoonsiga guddoonsiisay Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Shiinaha.

Danjire Ilyaas Cali Xasan oo waraaqihii aqoonsiga ku wareejiyay madaxda Tanzania

Safiirka cusub ee Soomaaliya Ilyaas Cali Xasan ayaa nuqul kamid ah waraaqaha aqoonsiga danjirenimo ku wareejiyey Agaasimaha Hab-maamuuska Qaran ee wasaaradda arrimaha dibadda dalka Tanzania Amb. Yusuph Mndolwa.

Kulankii soo dhoweynta kadib dhinacyadaasi waxa ay ka wadahadleen xoojinta xiriirka soo jireenka ah e labada dal iyo sida loo sii ambaqaadi lahaa iskaashiga labada dowladood ee Soomaaliya iyo Tansania.

Safiirka cusub ee Soomaaliya ayaa Agaasimaha uga mahadnaqey soo dhoweyntii diiraneyd ee loo sameeyey, isagoo lawadaagay in uu xoogga saari doono adkeynta xiriirka wanaagsan ee taariikhiga ah ee ka dhaxeeya labada dal iyo la shaqeynta jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Tansania.

Guddiga Adeegga Bulshada ee Baarlamaanka oo qabtay kulan la xiriiray arrimaha gargaarka

Guddiga Horumarinta Adeega Bulshada ee Golaha Shacabka BFS ayaa Muqdisho ku qabtay kulan aqoon isweydaarsi ah oo ku saabsanaa ka warqabka iyo habsami ula socodka arrimaha ku aadan gargaarka Soomaaliya.

Kulakaan oo ay Iska kaashadeen golaha shacabka iyo hey’adda UNICEF,waxaa ka qeybgalay Howlwadeenno ka socday golaha shacabka

Kulankaan waxaa mudadii uu socday la istusaaleeyay sidii loo heli lahaa  ballanqaad ku aadan habsasmi u fulinta howlaha gargaarka ee ay u baahan yihiin shacabka Soomaaliyeed iyo sidii looga miro dhallin lahaa hadafka dowladda ee ku saabsan wax u qabashada umadda.

Guddiga Horumarinta Adeega Bulshada ee Golaha Shacabka BFS Nadra Saalax Cabdi oo kulankaasi ka hadashay ayaa madaxda Hey’adda Maareynta Masiibooyinka ku ammaantay dadaalka ay ugu jiraan gaarsiinta shacabka ee arrimaha gargaarka bini’aadanimo.

Falastiin oo soo dhoweysay baaqa Maxkamadda ICC ee soo qabashada madaxda Israel

Dowladda Falastiin ayaa soo dhaweysay amarka maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee ay ka soo saartay soo qabashada ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu iyo wasiirkii hore ee gaashaandhigga Yoav Gallant ,kuaas oo lagu tuhmay dambiyo dagaal oo ka dhacay Gaza.

ICC ayaa sidoo kale soo saartay amar lagu soo xirayo madaxa militariga Hamas Mohammed Deif oo lagu eedeeyay dambiyo ka dhan ah bini’aadanimada  iyo dambiyo dagaal,inkastoo  Israa’iil ay bishii Agoosto sheegtay in Deif lagu dilay weerar dhanka cirka ah oo ka dhacay koonfurta Qaza.

Maxkamadda ICC ayaa warqadda lagu qabanayo madaxda Israel iyo Xamaas ku sheegtay in ay tahay tallaabo soo celinaysa rajada” sharciga caalamiga ah.

Daraasiin ayaa lagu dilay duqeymo ay militariga Israa’iil ka fuliyeen waqooyiga Gaza ee Beit Lahiya iyo magaalada Gaza, halka diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Israa’iil ay gantaallo ku dhufteen teendhooyin ay ku hoydaan dad barakacayaal ah oo ku sugnaa bartamaha dhulka Falastiin.

Wasaaradda Caafimaadka Dadweynaha ee Lubnaan ayaa sheegtay in weerarrada Israel ee Baalbek ay ku dhinteen ugu yaraan 40 qof ayna ku dhaawacmeen 52 kale.

Weeraradan ayaa daba socday ka dib markii wasaaraddu ay sheegtay in 25 qof lagu dilay 121 kalena lagu dhaawacay weerarrada Israel 24-kii saac ee la soo dhaafay.

Xasuuqa Israel ee Gaza waxa ku dhintay ugu yaraan 44,056 falastiiniyiin ah iyo dhaawaca 104,286,halka udaha Lubnaan, ugu yaraan 3,583 qof la dilay 15,244 kalena la dhaawacay.

Share this Article

Taliyaha Ciidanka Booliska oo Japan uga mahadceliyay qalabka ka hortagga Walxaha Qarxa

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa uga mahadceliyay Dowladda Japan agab ay ugu deeqday Ciidanka Booliiska, gaar ahaan qeybta Miino Baarista, qalabkaas oo ka hortaggaya walxaha qarxa ee dhibaatada ku haya shacabkeenna.

Talaabadan ayaa qeyb ka ah qorshaha horumarinta iyo sare u qaadista awoodda ka hortagga walxaha qarxa, iyadoo qeybtaan ay tababaraan Hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan Miino Baarista ee (UNMAS)