Dowaladda oo dalka dib ugu soo celineyso muwaadiniin Soomaaliyeed oo laga soo badbaadiyay biyaha Jasiiradda Madagascar

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay socdaan dadaalo dalka dib loogu soo celinayo muwaadiniin Soomaaliyeed oo laga soo badbaadiyay biyaha dalka Jasiiradda Madagascar.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daud Aweis ayaa tacsi u diray qoysaska ay ka geeriyoodeen 22-ka ruux ee masiibadan ku dhintey, isagoo dhanka kalena xusay in 48-ka qof ee la soo badbaadiyay ay gacanta ku hayso Dowladda Madagascar.

Wasiirka ayaa shir jaraa’iid oo uu ku qabtey Muqdisho ku faahfaahinaya arintaas.

Xoogga Dalka oo shacbaka ku garab siinaya siidii looga hortagi la haa fatahaadaha wabiga Shabeelle

Ururka 294 aad guutada 29 aad daljir qeybta 27 aad ee ciidanka xoogga dalka ee ku sugan magalada Beladweyn ayaa iyagoo kashanaya maamulka gobalka Hiiraan waxa ay shacbaka ku garab siinayaan siidii looga hortagi la,haa fatahaad uu wabiga Shabelle ka geeysto magaalada Baladweyn.

Askar iyo saraakiil intuba waxa ay si iskumid ah ugu qeeyb qaadanayaan kahortagida fatahaada wabiga waxana ay caratuur dhigayaan goobaha laga cabsi qabo inuu karkaarada jabsado wabiga shabelle.

Taliye xigeenka Ururka 294 aad guutada daljir ee qeybta 27 aad ee ciidanka XDS
Laba xidiglle muuse maxamed cadow (shaarib) ayaa hoggaaminayo askarta iyo saraakiisha shacabkooda ka caawinayo in laga hortago fatahaada wabiga Shabeele.

 

   

Wasiir Fiqi oo dib u furay Xarunta Kaydka Wasaaradda Arrimaha Dibadda

Wasiirka Arrimaha Dibadda, Danjire Axmed Macallim Fiqi, ayaa shalay si rasmi ah dib ugu furay Xarunta Kaydka Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo xirneed in ka badan 30 sano kaddib dagaalkii sokeeye. Talaabadan muhiimka ah waxay caddeyneysaa sida Wasaaraddu uga go’an tahay ilaalinta dhaxalka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo horumarinta nidaamyada casriga ah ee maamulka xogaha taariikhiga ah.

Kusimaha Xoghayaha Joogtada ah, ahna Agaasimaha Waaxda Asia iyo Australia, Saciid Jaamac Mire, ayaa uga mahadceliyay Wasiirka hoggaaminta uu ku soo nooleeyay kaydkan casriga ah, kaas oo hadda loogu talagalay in si ammaan ah loogu kaydiyo dukumentiyada muhiimka ah ee dowladeed. Danjire Dr. Maxamed Ibraahim Cawaale (Charles), Agaasimaha Waaxda Xasuus-dhowrka, ayaa xusay in xaruntan ay tahay tiir muhiim ah oo lagu ilaalinayo taariikhda Soomaaliya loona adeegsan karo cilmi-baaris iyo horumarinta diblomaasiyadda.

Dib-u-furitaanka Xarunta Kaydka Wasaaradda waa tallaabo muhiim ah oo lagu casriyeynayo howlaha arrimaha dibadda, iyadoo xoogga la saarayo ilaalinta xogaha taariikhiga ah iyo abuurista jawi ku saleysan cilmi-baaris iyo xog-ogaalnimo. Hindisahan wuxuu ka tarjumayaa aragtida Wasaaradda ee ku saleysan horumarinta diblomaasiyadda iyo ilaalinta dhaxalka qaranka si loo gaaro mustaqbal waara.

In kabadan 28 Soomaali ah oo ku geeriyooday xeebaha Madakaskar

-Safiirka Midowga Afrika u fadhiya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullahi Warfaa oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa faah-faahin ka bixiyay doonyo siday in kabadan 70 qof oo muhaajiriin Soomaali oo ku qalibmay wadanka Madakaskar.

Mudane Cabdullaahi Xaaji Warfaa ayaa sheegay in doomahan oo ahaa labo ay saarnayeen dad gaarayo 70-qof, waxaa ku dhintay in kabadan 28 Soomaali ah, halka 48 ay ku dhaawacmeyn,Kuwaas oo ay soo bad-baadiyeen kaluumeysato u dhashay wadanka Madakaskar.

Safiir Warfaa ayaa intaas hadalkiisa ku daray in safaardda ay waddo qorsha ah in dadkaa inta bad baaday sidii dalka loogu soo celin lahaa,isagoo sheegay in si dhaw loola socon doono dadka qaba dhaawacayda ee hadda gacanta ku heyso dowladda Madakaskar

Ugu dambeynta Safiirka ayaa waxa uu tacsi u diray dhammaan eheladii ay ka geeriyoodeen dadkaasi soomaaliyeed, isagoona sheegay in safaaradda waddo dadaalo lagu ogaanayo halka laga soo kaxeeyay dadkan iyo goobta ay u socdeen.

Soomaaliya oo Ku Biirtay Heshiiska Qaramada Midoobay ee Ka Dhanka ah Dambiyada Abaabulan ee Caalamiga ah

Wasiirka Arrimaha Dibedda, Danjire Axmed Macallim Fiqi, ayaa si rasmi ah u saxiixay heshiiska ay Soomaaliya ku biireyso Qaramada Midoobay ee ka dhanka ah Dambiyada Abaabulan ee Caalamiga ah (UNTOC) iyo heshiisyadiisa kale.

Talaabadan taariikhiga ah waxay xoojineysaa dadaalka Soomaaliya ee la dagaallanka dambiyada abaabulan ee caalamiga ah iyo kobcinta iskaashiga caalamiga ah si loo adkeeyo ammaanka caalamiga ah.

Munaasabadda saxiixa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Caddaaladda iyo Dastuurka Xasan Macallin , iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Soomaaliya, Mudane Baashi Yuusuf Axmed, iyo sidoo kale mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda.

Talaabadan muhiimka ah waxay muujineysa horumarka weyn oo ee laga gaaray dadaalka Soomaaliya ee ku aaddan u hoggaansanaanta heerarka caalamiga ah iyo ka qaybqaadashada nabadda iyo xasilloonida adduunka.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda waxay sii wadaysaa dadaalka lagu xoojinayo doorka Soomaaliya ee maamulka caalamiga ah iyo kobcinta iskaashiga xooggan ee ay la leedahay beesha caalamka.

   

Wasiirka amniga oo la kulmay Guddiga arrimaha gudaha iyo amniga ee golaha shacabka

Guddiga Arrimaha Gudaha, Maamul Goboledyada Iyo amniga ee Golaha shacabka BJFS ayaa kulan la qaatay Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag uu wehliyay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha Mudane Yuusuf Cali.

Kulanka waxaa shir guddoomiyay kusimaha guddoomiyaha ahna guddoomiye kuxigeenka Guddiga Xildhibaan Nuur Axmed Diiriye (Nuur Afey )iyo Xoghayaha Guddiga Xildhibaan Maxamed Ibrahim Xasan (Diyeeshe ).

Anjandaha kulanka ayaa ahaa wadashaqeynta hay’adaha amniga iyo qorshaha amniga Dalka.Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Cabdullaahi Sheekh ayaa guddiga warbixin guud ka siiyay amniga guud ee Dalka iyo sidii looga hortagi lahaa khataraha ka imaan kara Khawaarijta.

    

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay Weerarkii saaka ka dhacay Hotel Agan

-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si xooggan u cambaareysay weerarkii saakay ka dhacay Hotelka Agan ee magaalada Kismayo ee ay geysteen ciidamo ka amar qaata maamulka Jubbaland.

Wasiirka Amniga Qaranka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo goor-dhow shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa falkaasi ku tilmaamey mid la doonayo in lagu huriyo dagaal sokeeye oo dhex mara shacabka walaalaha ah ee deegaanada Jubaland.

Wasiirka Amniga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya ayaa uga tacsiyeeyey dadkii ku geeriyooday Weerarka uu geystay Madaxweynaha Wakhtigiisa dhamaaday ee Axmed Madoobe,wasiirka ayaa sidoo kale Weerarkan ku tilmaamay mid Argagixiso” marka koowaad waxaan u tacsiyeynayaa dadkii ku naf waayay falkii Argagixisada ahaa ee uu saaka Weerarka ku qaaday Madaxweynaha wakhtigiisa dhamaaday Axmed Madoobe dadkii deganaa Hotel Agan ee magaalada Kismaanyo,weerarkaas wuxuu ahaa mid arxan darro ah” ayuu yiri Wasiirka Amniga.

Baarlamaanka oo ansixiyay Hindisaha Xeerka Doorashooyinka Qaranka

Mudanayaasha labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa yeeshay kulankooda 10-aad ee wadajirka ah waxaana shir Guddoomiyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo kuxigeennada labada aqal.

Ajendaha kulanka ayaa waxa uu ahaa akhrinta saddexaad iyo u codeynta Hindisaha sharciyeedka Xeerka Doorashooyinka Qaranka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Guddiga Kumeel gaarka ah ee labada aqal ee Baarlamaanka dalka ugu xilsaaran diyaarinta xeerarka doorashooyinka, ururrada iyo xisbiyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo sharciga dhismaha Guddiga Doorashooyinka iyo Soohdimaha Xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed ayaa Xildhibaanadda la wadaagay warbixinta akhrinta sedaxaad Hindisaha Xeerka Doorashooyinka Qaranka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Intaasi kadib Xildhibaanadda labada aqal ee Baarlamaanka Dalka oo cod u qaaday xeerkan ayaa waxaa ogolaatay 169 Xildhibaan, labo Xildhibaan ayaa diiday, waxaana ka aamusay hal Xildhibaan, sida uu sheegay Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo natiijada codeynta ku dhowaaqay.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uga mahadceliyey ansixinta Hindisaha Xeerka Doorashooyinka Qaranka, kaas oo muhiim u ah doorashooyinka Qaranka.

Xildhibaanadda labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya aya dhawaanahan waday ka doodista Xeerarka doorashooyinka Qaranka iyo xisbiyadda Jamhuuriyadda, taas oo muhiim u ah in dalka ay ka dhacdco doorsho qof iyo cod ah.

Fatahaada Webiga Shabeelle oo sababay khasaare

Webiga Shabeelle ayaa sameeyey fatahaad deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan,webiga ayaa ku fatahay dhul beereed balaadhan waxa sidoo kale biyuhu galeen qaybo ka mid ah guryaba shacabka deganaayeen.

Deegaanada Qooqane,Deefow iyo Lafoole ayaa ka mid ah deegaanada sida weyn fatahaadu u saamaysay.

Nuur Maxamed Cabdi oo ka mid ah Beeralayda deegaanka Qooqane ayaa Warbaahinta Qaranka uga waramay khasaaraha sida Biyuhu waxyeelo u gaadhsiiyeen beeralayda” Biyuhu waxay galeen Beero badan wax ay u reebteen na ma lahan oo dallagii way tirtireen,tuulada lafoole Biyaha way go’adoomiyeen oo cid u gasha ma lahan” ayuu yiri Nuur oo ka mid ah Beeralayda Deegaanka Qooqane.

           

Denmarka oo $17 Malyan ka cafisay Soomaaliya (WARBIXIN)

Hey’adda Lacagta Adduunka IMF iyo Baanka Adduunka ayaa ku dhawaaqay in Soomaaliya laga cafiyay deyn dhan 4.5 bilyan oo doolarka Mareykanka ah, waxaana isa soo taraya boogaadinta saaxiibada caalamka ay u dirayaan dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed oo gaaray guul taariiqi ah, waxaa kaloo jirta in Kristalina Georgieva oo ah Madaxa IMF ay Soomaaliya ugu hambalyeeysay guushan.

Kristalina waxay kaloo tilmaantay in IMF ay sii wadeyso xoojinta wada shaqeynta iyo xiriirka ay Soomaaliya la leedahay, waxaa kaloo isna soo hambalyeeyay Xoghayaha guud ee Urur Goboleedka IGAD Workneh Gebeyehu oo isna ammaanay dadaalka dheeriga ah ee dowladda Soomaaliya ay ku bixineyso dib u habeynta dhaqaalaha iyo arimaha bulshada, waxaa kaloo uu bogaadiyay doorka hogaamineed ee gaarka ah ee horseeday isbedallo muhiim ah, iyadoo dhinaca Midowga Yurub-na ay iyaguna sheegeen in ay ka go’an tahay taageerida Soomaaliya guushaan weyn ka dib, iyaga oo sare u qaadaya isbedalka dhaqaalaha.

Mareykanka oo laalay $1.1bn oo deyn ah oo Soomaaliya lagu leeyahay oo ah heshiis maaliyadeed oo taariikhi ah, taasi oo aheyd Ballan-qaadka deyn-bixiyaha ugu weyn ayaa ah kii ugu dambeeyay heshiisyo taxane ah oo lagu cafiyay deyn dhan $4.5bn.

Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in inka badan $1.1bn (£860m) oo deymo ah oo baaqi ahaa uu Mareykanku baabi’in doono, taasoo ka dhigan qiyaastii rubuc ka mid ah deynta harsan ee dalka Soomaaliya lagu lahaa, sida uu qoray Wargeyska the Guardian ee Dalka Ingiriiska.

Ku dhawaaqista ayaa ah heshiisyadii ugu dambeeyay ee ay Soomaaliya deymaha lagu leeyahay ay ku balameen in ay ka cafiyaan. Inta badan deymaha Soomaaliya lagu leeyahay waxa ay aheyd xilligii kaligii Taliskii Millatari ee Siyaad Barre, kaasi oo burburay dabayaaqadii 1990-aadkii oo dhaliyay dagaal sokeeye oo burburiyay Seddex iyo Toban sano. Madaxweynaha Soomaaliya, mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in dalka “uu ku caburoobay culeys weyn oo deyn ah oo aan la aqbali karin” taasoo ah lacago dulsaar ah oo aan la bixin karin “intii lagu jiray muddada dheer ee burburka dowladeed”.

Dhawaantaan, Mareykanka iyo Soomaaliya ayaa kala saxiixday heshiis rasmi ah oo deyn cafinta oo ku kacaya $1.14bn. Qoraal uu soo dhigay Bartiisa X, Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Cige, ayaa mahad-celin u jeediyay, isagoo uga mahad-celiyay “Dowladda Mareykanka iyo shacabka sida hagar la’aanta ah ee ay u garab taagan yihiin dib u habeynta dhaqaalaha iyo kobacayada ka socda Soomaaliya”. Safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya, Richard Riley, iyo Wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya, mudane Biixi Cige, ayaa ku kala saxiixday heshiiska, kaasi oo ka dhacay Safaaradda Mareykanka, ee magaalada Muqdisho Maxamed Shire, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya, ayaa bogaadiyay heshiiska “taariikhiga ah”, isaga oo intaa ku daray in uu “war aad u wanaagsan u yahay dadaalka dib u soo kabashada Soomaaliya ee socda”. Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Tweeter-ka ee X, Maxamed Dubo, oo ah Madaxa Xafiiska dhiirrigelinta maalgashiga ee dowladda Soomaaliya, ayaa soo dhigay: “Soomaaliya hadda waxa ay wajihi kartaa mustaqbalkeeda, iyada oo aan loo kala harin”.

Dhinaca kale Dowladaha Soomaaliya iyo Denmarka ayaa kala saxiixsday heshiis deynta looga cafinayay Soomaaliya sida ay qortay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA, iyadoo laga cafiyay lacag gaareysa 17 Milyan oo Doolar, iyadoo heshiiskaani uu daba socdo wada-xaajoodyo gaar gaar ah oo Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya uu la lahaa dhammaan xubnaha dalalka Paris Club oo horay u go’aamiyay Bishii Maarso 2024-ka, in ay cafiyeen deymihii Soomaaliya ay ku lahaayeen, go’aankaasi oo sidoo kale waajibinayay in Dowladda Soomaaliya ay si gaar ah ula macaamisho dalalka deymaha ku lahaa.

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige iyo Safiirka Dowladda Denmark u jooga Soomaaliya Mr. Steen Sonne Andersen ayaa si wadajir ah ugu saxiixay magaalada Muqdisho heshiis Dowaldda Soomaaliya looga cafinayo lacagihii deynta ahaa ee Dowaldda Denmark ay ku laheyd Dowladda Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa qoraal kooban oo uu soo saaray heshiiska kadib wuxuu ku yiri “Waxaa dhaboobay miraha ka dhashay barnaamijka dib-u-habeynta Maaliyadda iyo guulihii laga gaaray hannaankii deyn cafinta, waxa aan u mahadcelineynaa Dowladda Denmark oo ah saaxiib qiimo leh oo qeyb ka ah horumarka maaliyadeed ee Soomaaliya”.