Israel iyo Hezbollah oo bilaabay Xabbad-joojin lagu dhameynayo dagaalada u dhaxeeya

Xabbad joojin u dhaxaysa Israa’iil iyo Xisbullah ayaa saaka dhaqangashay, iyada oo rajo laga qabo in xabbad joojintu ay soo afjarto werarada Israel ay ku hayso Dalka Lubnan  iyo sidoo kale weerarada xisbullah ay ku fuliso waqooyiga Israa’iil.

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa sheegay in heshiiska dhexmaray Israa’iil iyo Xisbullah uu ku lug leeyahay in ciidamada Israa’iil ay ka baxaan Lubnaan muddo 60 maalmood ah, iyadoo milateriga Lubnaan ay la wareegayaan dhul ku yaalla koonfurta dalkaas .

Illaa hadda waxaa socata indho-indheyn ku aadan qaabka loo fulinaayo ama loo wajahayo xabbad-joojinta iyo in laga dhabeynayo soo afjaridda dagaalka.

Dhanka kale, Israa’iil ayaa tobanaan qof ku dilay Qaza oo ay ku jiraan 13 qof oo gabbaad ka dhiganaayay iskuul ku yaalla xaafadda Zeitoun ee magaalada Gaza.

Xasuuqa Israa’iil ee Gaza ayaa lagu dilay ugu yaraan 44,249 ,halka uu dhaawac soo gaaray104,746,waxaana sidoo kale dadka reer Lubnansoo gaaray dhimashada3,823 iyo dhaawaca

15,859.

Wasiirka Arrimaha Guddaha XFS oo kulan la qaatay odayaasha dhaqanka ee saxeexayaashii 135-ka

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Cali Yuusuf Cali(Xoosh) ayaa ku martigeliyey xarunta Wasaaradda odeyaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee 135-ta.

Kulankan oo sidoo kale qeyb ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda mudane Caydaruus Macallin ayaa ugu horeeyn Wasiir mudane Cali Xoosh waxaa uu odeyaasha dhaqanka warbixin ka siiyey 3-da xeer ee doorashada ee Baarlamaanka anisiyey sida;

(1). Xeerka Dhisidda Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.

(2). Xeerka Ururrada Iyo Xisbiyada Siyaasadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

(3.) Xeerka Doorashooyinka Qaranka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya isaga oo ku dheeraaday heerarka ay soo mareen, waxaa uuna carabka ku adkeeyey in dhaqanka ay weliba hormuud ka yihiin hagidda bulshada.

Dhankooda, Odeyaasha dhaqanka Soomaaliyeed ayaa si weyn u taageeray xeerarkaas doorashada ee Baarlamaanku ansixiyey, iyaga oo intaa raaciyey in isbadalkaasi uu yahay horusocod wanaagsan, taasina ay ku garab taagan yihiin.

Odeyaasha ayaa tallaabo muhiim ah oo taageero mudan ku tilmaamay in shacabka loo celiyo codkooga, iyaga oo ka dalbaday umadda in ay u diyaargaroobaan in ay toos u doortaan dadkii matali lahaa, doorashada qof iyo cod ahna ay tahay cadaalad la iska dhex arkayo.

Dhaqanka Soomaaliyeed ayaa ku bogaadiyey Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS dadaallada ay mar weliba sameyso ee la xiriira dowlad dhiska oo ay shuruucdani ka mid yihiin.

Aqalka Sare oo ansixiyay Hindise-sharciyeedka Tacliinta Sare

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa goor-dhow ansixiyay Hindise-sharciyeedka Tacliinta Sare ee dalka oo ay golaha horkeentay Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo shir guddoominayay ayaa ku dhawaaqay natiijada codbixinta, waxuuna sheegay inay Hindise Sharciyeedkan ogolaadeen 29 Senator, wax diiday ama ka aamusay ma jirin.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo intaas kadib la hadlay Xildhibaannada Aqalka Sare ayaa ugu mahad-celiyay ansixinta Hindise Sharciyeedka, kaas oo uu sheegay inuu muhiim u yahay bahda Waxbarashada dalka.

Wasiir Fiqi:Haddii sharciyada UN iyo AU la iska indho tiro, waxa sii kordhaya isku dhacyada iyo khilaafaadka gobolka

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi oo ka qeyb-galay Shirkii 8ᵃᵃᵈ ee Madasha Aragti-Wadaagga Machadka Daraasaadka Siyaasadda ee Heritage ee shalay ka furmay Jabuuti ayaa ka hadlay muhiimadda maalgashiga uu u leeyahay qaaradda Afrika, gaar ahaan Soomaaliya.

“Haddii sharciyada UN, AU, iyo kuwa kale la iska indho tiro, waxa sii kordhaya isku dhacyada iyo khilaafaadka gobolka. Laakiin haddii la dhaqangeliyo iskaashi ku dhisan ilaalinta shuruucdaas, waxa si wadajir ah looga faa’iideysan karaa kheyraadka dabiiciga ah ee kala duwan, sida badda, wabiyada, iyo beeraha, oo dal kastaa leeyahay qeyb u gaar ah” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa soo hadal qaaday dhacdii la xiriirtay xadgudubkii Itoobiya ee shir madaxeedkii ka dhacay Xarunta AU Addis-Abbaba ee dowladda Ethiopia kula kacday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, taas oo keentay in saacado uu qalqal ku jiro ka dibna uu ku khasbanaado inuu raaco gaariga Madaxweyne Ismail Omar Guelleh

“Mar uu Madaxweynaheena H.E. Hassan Sheikh ka qeybgalayay shir ka dhacay Xarunta AU, waxaa lagu sameeyay xadgudub hab-maamuus ah, taas oo keentay in saacado uu qalqal ku jiro ka dibna uu ku khasbanaado inuu raaco gaariga Madaxweyne Ismail Omar Guelleh. Tani waxay muujinaysaa in aan la ixtiraameyn shuruucda iyo hab-dhaqanka caalamiga ah” ayuu yiri Mudane Axmed Macallin Fiqi.

Shirkii 8ᵃᵃᵈ ee Madasha Aragti-Wadaagga Machadka Daraasaadka Siyaasadda ee Heritage ayaa maalintiisa labaad galay, kaas oo sanadkaan diiradda lagu saarayaa ‘Xoojinta Xasilloonida Gobolka: Muhiimadda u Hoggaansanaanta Iskaashi Ku Salaysan Shuruucda, Ganacsiga, iyo Nabadda Geeska Afrika.’

Madashan ayaa inta ay socota Waxaa lagu soo bandhigi doonaa cilmibaarisyo, dood cilmiyeysan, iyo hadal-jeedinno lagu lafagurayo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga, xiriirka, xasilloonida, iyo dhaqaalaha Geeska Afrika, xal waarana loogu heli lahaa xiisadaha ka aloolsan gobolka.

Shirkan oo soconaya muddo saddex maalmood ah ayaa martigelinaya hoggaamiyayaal, aqoonyahanno, cilmibaarayaal, iyo khubaro ku xeeldheer arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha, sharciga, iyo nabadda Gobolka, kuwaas oo ka kala yimid deegaannada Soomaalida ee Geeska Afrika iyo daafaha dunida, si ay khibraddooda iyo aqoontooda ugu biiriyaan doodaha iyo aqoon-iswaydaarsiga ka dhacaya madasha.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare & Safiirka Shiinaha oo yeeshay kulan miro dhal ah

Guddomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe Yuusuf Axmed iyo Safiirka Dowladda Shacbiga ee Jamhuuriyadda Shiinaha, Mudane Wang Yu ayaa yeeshay kulan miro dhal ah.

Gudoomiyaha Maxkamada Sare iyo Safiirka aya ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dhinac ee ku aadan dhanka garsoorka.

Danjire Wang aya yidhi, “Waxaan kulan miro dhal ah la yeeshay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Mudane Baashe Yusuf Axmed oo aan ka wada hadalnay xoojinta xiriirka garsoorka ee labada dal”.

 

 

Xisbullah oo Israel la beegsatay tiro aad u badan oo gantaallo ah

Khasaarooyin isugu jira dhimasho , dhaawac iyo burbur ayaa la sheegayaa in ay soo gaareen caasimadda Tel Aviv iyo deegaanno kale, kadib markii Xisbullah ay Israel ku tuurtay 340 gantaal.

Hezbollah ayaa sheegtay in 340 gantaal iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay la beegsatay gudaha Israa’iil oo ay ku jirto caasimadda, sida laga soo xigtay wararka laga helayo ciidamada Israel.

khasaarooyin  ba’an ayaa lagu waramayaa in ay soo gaartay  Magaalada Tel Aviv,waxaana la soo gudbiyay dhaawacal 11 qof ,halka illaa hadda aan la ogeyn tirada dhimashada rasmiga ah.

Weerarrada cirka Israa’iil ee caasimadda Lubnaan ayaa sii socda, iyadoo Wasaaradda Waxbarashada Lubnaan ay joojisay dugsiyada Beirut ilaa laga gaarayo bisha Janaayo ee soo socota.

Ciidamada Israa’iil ayaa sidoo kale weerarro cusub ku qaaday cisbitaalka Kamaal Adwan ee waqooyiga Gaza, maalin kaddib weerar ay ku dhinteen laba qof ayna ku dhaawacmeen in ka badan 12 shaqaale caafimaad oo uu ku jiray agaasimaha xarunta la go’doomiyay.

Illaa hadda  dadka Gaza waxaa soo gaaray dhimashada 44,211 iyo dhaawaca 104,567,halka Israel ay  Lubnaan ka geysteen dhimashada 3,754 iyo dhaawaca 15,626.

Guddomiyaha Maxkamadda Sare & Safiirka Shiinaha oo kawada hadlay xiriirka labada dhinac ee ku aadan dhanka garsoorka.

Guddomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe Yuusuf Axmed iyo Safiirka Dowladda Shacbiga ee Jamhuuriyadda Shiinaha, Mudane Wang Yu ayaa yeeshay kulan miro dhal ah.

Gudoomiyaha Maxkamada Sare iyo Safiirka aya ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dhinac ee ku aadan dhanka garsoorka.

Danjire Wang aya yidhi, “Waxaan kulan miro dhal ah la yeeshay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Mudane Baashe Yusuf Axmed oo aan ka wada hadalnay xoojinta xiriirka garsoorka ee labada dal”.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Kulan Duco ah u Qabatay Wasiirkii Hore ee Arrimaha Dibadda Marxuum Danjire(Yuusuf Dheeg)

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa maanta, oo Axad ah, kulan duco ah u qabatay Allaha u naxariistee Marxuum Danjire Yuusuf Xassan Ibraahim (Yuusuf Dheeg), Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda. Kulanka oo ka dhacay xarunta Wasaaradda waxaa ka qaybgalay Wasiirka Arrimaha Dibadda, Danjire Axmed Macallin Fiqi, Wasiirka Maaliyadda, Mudane Biixi Imaan Ciige, Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda, Mudane Xamse Aadan Xaadow, iyo Agaasimayaasha Waaxyaha Wasaaradda.

Munaasabadda waxaa lagu soo bandhigay sooyaalka Marxuumka, oo muddo 47 sano ah u adeegayay dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa tacsi u diray ehellada, qaraabada, iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed, isagoo Marxuumka ku tilmaamay mid ka mid ah saraakiishii ugu xil-dheeraa ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda. Wasiirku wuxuu Alle uga baryay inuu Marxuumka u naxariisto oo hoygiisa ka dhigo Jannada Fardowsa.

Intaas kadib, Wasiir Fiqi ayaa si gaar ah ula kulmay qoyska iyo ehellada Marxuumka ee ka soo qaybgalay munaasabadda, isagoo tacsida iyo ducada la wadaagay qoyska. Wasiirku wuxuu xusay in Wasaaradda Arrimaha Dibadda ay leedahay sooyaal ay ku maamuusto mas’uuliyiinta muddada dheer u adeegay ee geeriyooda.

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka tacsiyeey geerida Saxafi Cabdirisaaq Xaaji Maxamed Siraad

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar Al-Cadaala, Wasiirkii hore Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cabdullaahi Xayir Ducaale, Agaasimeyaasha Waaxyaha iyo Hawlwadeennada Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska waxa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Marxuum Cabdirisaaq Xaaji Maxamed Siraad oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

Allaha u naxariistee Marxuum Cabdirisaaq Xaaji Maxamed Siraad oo ah saxafi rug cadaa ah waxa uu kasoo hawlgalay Idaacadaha Radio Muqdisho iyo Radio Hargeysa, sidoo kalena waxa uu mudo fog ka tirsanaa Idaacadda BBC laanteeda afka Soomaaliga.

Waxaan Allah uga baryeynaa inuu u naxariisto Marxuumka, kana waraabiyo Jannatul Fardowsa, qoyskii iyo ehelkii ay ka geeriyoodayna uu samir iyo iimaan ka siiyo. …Aamiin

INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN

Shir looga hadlayo Tiknolojiyadda caafimaadka oo Muqdisho ka furmay

Ra’iisal wasaare ku xigeenka 2-aad ee  dowladda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdisalaam Cabdi Cali Dhaay ayaa maanta ka furay magaalada Muqdisho shirka Caafimaadka ee Tiknoolajiyada casriga ah ee Soomaaliya.

Shirkani ayaa diiradda saaraya horumarinta iyo isku xirka adeegyada caafimaadka iyadoo la adeegsanayo tiknoolajiyada casriga ah, si loo helo nidaam caafimaad oo ka jawaaba baahiyaha bulshada Soomaaliyeed.

Furitaanka shirkan ayaa muujinaya muhiimadda ay leedahay isbeddelka dhanka tiknoolajiyada iyo caafimaadka, iyadoo laga duulayo sidii loo hagaajin lahaa adeegyada caafimaad ee dalka iyo kor u qaadista tayada daryeelka caafimaad ee shacabka Soomaaliyeed.

Mudane Cabdisalaam Cabdi Cai Dhaay oo ka hadlay munaasabadda ayaa adkeeyay in horumarinta tiknoolajiyada iyo adeegyada caafimaad ay muhiim u tahay mustaqbalka caafimaadka bulshada, loona baahan yahay wada shaqeyn dheeraad ah oo ka dhaxaysa dowladda, hay’adaha caafimaadka iyo shirkadaha Tiknoolooyiada gaarka loo leeyahay iyo shacabka Soomaaliyeed.

Shirkan ayaa looga arrinsanayaa isticmaalka teknoolojiyada casriga ah si loo xoojiyo nidaamyada caafimaad ee Soomaaliya.