Wasiirka Amniga Gudaha oo tababar ugu soo xiray Serbia Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska

Belgrade– Wasiirka Amniga Gudaha ee Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Serbia, ayaa tababar xirfadeed ugu soo xiray saraakiil ka tirsan Ciidanka Boliiska  Soomaaliyeed oo la barey Baarista Dambiyada

Saraakiishan oo laga soo xulay dhammaan maamul-goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir, ayaa muddo tababar sare ku qaadanayay kuliyadaha Booliska Serbia ee Goć.

Tababarka ayaa diiradda lagu saaray farsamooyinka casriga ah ee baarista dambiyada, falanqaynta caddeymaha, maaraynta dambiyada abaabulan, iyo adeegsiga teknolojiyadda sare ee baarista. Wasiirka ayaa saraakiisha ku bogaadiyay dadaalkooda iyo guulaha ay ka soo hooyeen tababarka, isagoo uga mahadceliyay Serbia taageerada ay siisay Soomaaliya.

Mudane Fartaag, ayaa uga mahadceliyey dowladda Serbia tababarka iyo taageerada kala duwan ee ay la garab taagan yihiin ciidanka Boliiska Soomaaliyeed iyo hey’adaha dalka, taas oo gacan wayn ka geysanaysa sidii looga adkaan lahaa kooxaha argagaxisada ah ee khatarta ku ah amniga guud ee caalamka.

 

     

Wasiiru-dowlaha Cadaaladda oo kulan doceed la qaatay Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta

Cairo -Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS, Ambassador Ilyaas oo Qaahira uga qaybgalay Shirka 40-aad ee Wasiirrada Cadaaladda Carabta ayaa kulan doceed la qaatay Xoghayaha guud ee Ururka Jaamacadda Carabta, mudane Axmed Aboul Gheit.

Ambassador Ilyaas ayaa Xoghayaha guud uga warbixiyay horumarka Soomaaliya ay ku tilaabsaneyso gaar ahaan xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka, si gaar ah in baarlamaanku uu meel mariyay shuruucdii lagama maarmaanka u aheyd qabashada doorashada dadweynaha iyo guddiga doorashooyinka.

Wasiir Ilyaas ayaa bogaadiyay taageerada joogtada ah ee Jaamacadda Carabtu ay la garabtaagantahay Soomaaliya, gaar ahaan xilliyada adag, waxuuna ka codsaday in ururka jaamacadda Carabtu sii wado taageerada, Soomaaliyana gacana laga siiyo dagaalka lagula jiro khawaarijta.

Wasiiru-dowlaha Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS ayaa carabka ku adkeeyay in Soomaliya ay ka go’antahay xoojinta xiriirka iyo wadashaqeynta Jaamacadda Carabta, ayna ka faa’ideysto khubarada iyo kaadiriinta Carabta si loo horumariyo nidaamka bahda cadaaladda Soomaaliya, sidoo kalana lagu guuleysto dhameystirka dastuurka qabyada ah si waafaqsan halbeegyada caalamiga ah.

Xoghayaha guud ee Ururka Jaamacadda Carabta Mudane Axmed Aboul Gheit ayaa bogaadiyay kobaca iyo horumarka ay Soomaaliya ku tilaabsaneyso, waxuuna adkeeyay iney ka go’antahay joogteynta dadaallada ay dadka iyo dowladda Soomaaliyeed ku gaarayaan hadafyadooda mustaqbalka.

Ambassador Ilyaas ayaa horay kulamo ula qaatay Wasiirka Cadaaladda Masar, Mudane Adnaan Fanjari iyo Wasiirka arrimaha baaralmaanka dowladda Masar, Mahmoud Fawzi.

   

Danjire Jabril oo Nairobi heshiis kula saxiixdeen Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka iyo Hay’adda Maaliyadda Adduunka

Nairobi – Waxaa maanta heshiis iskaashi ku kala saxiixday magaalada Nairobi ee dalka Kenya Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (NCA) iyo Hay’adda Maaliyadda Adduunka ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan IFC, taas oo hoostimaada Bangiga Aduunka.

Heshiiska iskaashiga kaabayaasha Broadband ee u dhexeeya labada hey’addood ayaa ah mid lagu hormarinayo isgaarsiinta Soomaaliya, iyada oo hay’adda IFC ay Soomaaliya ka taageeri doonto dhanka dhaqaalaha iyo farsamadda.

Danjire Jabril Ibrahim Cabdulle oo kulankaas ka hadlay, ayaa sheegay in Iskaashigaani uu calaamad u yahay tallaabo muhim ah oo loo qaadayo dhanka horumarinta isku xirnaanta iyo isgaarsiinta Soomaaliya.

Waxa uu intaa ku daray, “kobcinta hal-abuurka, iyo horumarinta dhaqaalaha dalka Soomaaliya ayaa ah mid u baahan in loo helo isgaarsiin casri ah oo la jaanqaadi karta caalamka”.

Internet xawaarihiisu sarreeyo oo dhawaan laga hergaliyay gudahada dalka Soomaaliya ayaa durbadiiba waxa uu ka beddelay noloshada dadka iyo tan ganacsiga, korna u qaaday qeybo kamida ganacsiga, kaas oo abuuray fursado shaqo oo cusub. Heshiiskani waa wax ka badan hal-abuur — waa himiladii Soomaaliya oo horseedka u ahaan lahaa barwaaqo iyo horumar ay Soomaaaliya gaarto.

Waxaa iska kulankaan ka hadlay Mustafa Yuusuf Sheekh oo ah Maamulaha Guud ee hay’addda Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, waxa uuna uga mahadceliyay hay’adda IFC taageerada ay la garab taagan tahay horumarka isgaarsiinta Soomaalida

     

Safiirka cusub ee Soomaaliya oo waraaqaha aqoonsiga u gudbisay Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda ee dalka Uganda

Kampala:- Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u magcaawday dalka Uganda Amb Fardowso Maxamed Qanyare ayaa maanta nuqul ka mid ah waraaqadaha danjirinimo u gudbisay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Uganda Hon. Okello Henry Oryem.

Kulan kooban oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda dowladda Uganda ayaa waxaa looga hadlay xariirka labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa, waxaana Danjire Fardowso Maxamed Qanyare ay sheegtay inay ka shaqeyn doonto xoojinta xariirka soo jireynka ah, sidoo kale waxaa ay ka mahad-naqday sida wanaagsan ee dowladda Uganda mar walba u garab taagantahay dowladda federaalka Soomaaliya.

  

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo kulan la qaatay Xubnaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa kulan la qaatay Xubnaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.

Wasiirka ayaa ugu horreyn ka warbixiyey ahmiyadda iyo shaqada adag ee hortaalla, waxaa uuna kula dardaarmay Xubnaha Guddiga Madaxa-bannan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha dardargelinta howlaha iyo gudashada Waajibkooda Qaran ee ku aaddan hirgalinta doorashooyin Qaran iyo Arrimaha Sohdimaha sida ku xusan Datsuurka dalka iyo Xeerka Dhisidda Guddiga.

Dowladda Soomaaliya oo saxiixday heshiiska MAKA ee La-dagaallanka Musuqmaasuqa

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS, mudane Xasan Macalin Maxamuud ayaa magaalada Dooxa ee dalka Qatar ku saxiixay Heshiiska MAKA ee La-dagaallanka Musuqmaasuqa oo ay wada saxiixdeen dalalka xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka.

Heshiiskaan muhiimka ah ayaa lagu xoojinayaa iskaashiga caalamiga ah ee lagula dagaalamayo musuqmaasuqa, iyadoo sidoo kale lagu dhiirrigelinayo isla xisaabtanka, hufnaanta, iyo maamulka wanaagsan.

Wasiir Xasan Macalin ayaa sheegay in heshiiskaan uu caddeyn u yahay sida dowladda Soomaaliya ay uga go’an tahay la-dagaallanka musuqmaasuqa iyo horumarinta cadaaladda iyo hufnaanta hay’adaha dowliga ah.

Soomaaliya iyo Serbia oo kala saxiixday heshiis dhinaca amniga ah

Serbia:-Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), oo kulan la yeeshay dhiggiisa dalka Serbia Mudane Ivica Dačić, ayaa kala saxiixday heshiis iskaashi oo kor loogu qaadayo xiriirka labada dal, gaar ahaan ahaan dhinacyada amniga iyo tababarrada ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Wasiirka Amniga Soomaaliya, ayaa sheegay in heshiiskani uu wax weyn ka beddelayo iskaashiga labada dal iyo sidii kor loogu qaadi lahaa tababarrada iyo tayeynta ciidanka amniga Soomaaliya.

“Xiriirka iskaashi ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Serbia, waa mid qoto dheer oo soo jiray sanado badan, tallaabada maanta aan ku saxiixnay heshiiskanina waxa ay sii xoojin doontaa taageerada iyo iskaashiga saaxiibtinimo ee ay wadaaggaan labada waddan”.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Serbia, ayaa tallaabo taariikhi ah ku tilmaamay heshiiska ay gaareen labada dal, waxa uuna hoosta ka xarriiqay sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka labada dal.

Serbia waxa ay door muhiim ah ka qaadata dadaallada dib-u-dhiska dowladnimo ee Soomaaliya, gaar ahaan tababarka Ciidammada iyo horumarinta hey’adaha amniga Qaranka.

    

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo bogaadiyey ansixinta Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in dalku u jiheystay wadadii Dimuqraadiyadda, isagoo u mahadceliyay Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka ee maanta ansixiyay Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha.

Fariinta Wasiirka Arrimaha Dibadda ee uu dhigay bartiisa Facebook halka hoose ka Akhriso:-

“Dalku wadadii Dimuqraadiyadda ayuu qaaday waxaana maantay albaabada Loo laabay iska daba-wareeggii, is addoonsigii, afduubkii, wax isdaba-marintii iyo hogaamiyaashii shisheeyuhu soo jiscimi jireen.

Barlamaanka Soomaaliya waa ku mahadsan yihiin talaabooyinkii isda-joogga ahaa ee ay ku ansixiyeen saddexdii sharci iyo guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka iyo soohdimaha oo ay maantay ansixiyeen.

Culesysyo iyo xanuun ayay leedahay marka marxalad la soo caadaystey Laga gudbiyo oo Loo tallaabsanayo mid cusub, laakin wanaageeda waxaa la dareemi doonaa marka dadweynuhu si toos ah ay u soo doortaan madaxdooda iyo kuwa ku matalaya golayaasha barlamaanka heerarkoodu kala duwan”.

Wasiirka Maaliyadda XFS oo Muqdisho ka furay Shir looga hadlayo kobcinta Dakhliga

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa maanta magaalada Muqdishu si rasmi ah uga furay shir heerkiisu sareeyo oo lagaga hadlayo 𝐆𝐚𝐚𝐫𝐢𝐭𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐨𝐨 𝐤𝐮 𝐝𝐡𝐢𝐬𝐚𝐧 𝐊𝐨𝐛𝐜𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐃𝐚𝐤𝐡𝐥𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐚𝐡𝐚.

Shirkan ayaa waxaa ka soo qayb galay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, qaar ka mid ah xubnaha Maaliyadda Dowlad-Goboleedyada, masuuliyiin kale oo ka socda Bangiga Adduunka iyo Saaxiibada Caalamiga ah ee Soomaaliya kala shaqeeya arrimaha Maaliyadda iyo horumarinta Dhaqaalaha.

Mudane Biixi Imaan Cige, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda oo furitaan khudbad ka jeediyay ayaa xaqiijiyay in Dowlada Federaalka ay wado dadaalo lagu xoojinayo hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda, sare u qaadidda dakhliga gudaha iyo dhameystirka wada-xaajoodka Deyn Cafinta Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda ayaa sidoo kale xusay sida ay muhiim u tahay in dakhliga gudaha ay Dowladda kor u qaado si loo gaaro horumar dhaqaale iyo adeeg bulsho.

Shirkaan oo socon doona ilaa iyo galinka dambe ee maanta ayaa waxaa la filayaa in laga soo saaro qodobo muhiim u ah horumarinta dakhliga Dowladda iyo Heshiiska Bulshada ee horumarinta dhaqaala.

Baarlamaanka oo ansixiyay guddiga doorashooyinka iyo soohdimaha

Xildhibaannada labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo kulan ku yeeshay xarunta Vila Hargeysa ayaa goor-dhow ansixiyay Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa ku dhawaaqay natiijada, isagoo sheegay inay  169-Xildhibaan ogolaadeen , waxaana diiday 6 Mudane, sidoo kale wax ka aamusay majirto sida uu sheegay Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe.

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha, waa guddi Qaran oo dastuuri ah wuxuuna mas’uul ka yahay maamulidda doorashooyinka heerarka kala duwan ee dalka iyo in ay hirgaliyaan doorashooyin qof iyo cod ah oo hufan.