Ciidamo ka tirsan Jubbaland oo diyaarad lagu keenay magaalada Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta Muqdisho ka soo dejisay cutubyo ka tirsan ciidamada Jubbaland.

Ciidamadan ayaa loo sameyn doonaa diiwaan-gelin rasmi ah, waxaana la siin doonaa xuquuqdooda, oo ay ku jiraan mushaar iyo dalacsiin ay u qalmaan.

Maalmo kadib, ciidamadaan ayaa dib loogu celin doonaa deegaanadii ay ka howlgeli jireen ee Jubbaland, si ay u gutaan waajibaadka qaran ee ka saaran sugidda amniga iyo la dagaallanka argagixisada.

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta mideynta iyo tayeynta ciidamada si loo xoojiyo amniga dalka.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo u dabaal degtay Sannad-Guuradii 25aad ee EAC

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa u dabaal degtay Munaasabada sanadguurada 25-aad ee ka soo wareegtay aas aaska ururka Bulshada Bariga Afrika, munaasabada ayaa ka dhacday xarunta Wasaaradda ee magaalada Muqdisho.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin uu ugu horeeyo Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Mudane Xamse Aadan Xaadow, Agaasimaha Isdhexgalka Dhaqaalaha EAC, qaar kamid ah Agaasimayaasha Wasaaradda, Wakiilo ka socday Ganacsatada Soomaaliyeed, Madax ka socotay Ururada Bulshada Rayidka, iyo qaar kamid ah Ardaydayda Jaamacadaha Dalka, iyagoo dhamaantood hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay ku biiritaanka Bulshada Bariga Afrika iyo sida ugu haboon ee ay Soomaaliya uga faa’ideysan karto.

  

Guddoomiyaha Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed iyo Wafdi uu hoggaaminaayo oo gaaray magaalada Gaalkacyo

Gaalkacyo:- Wafdi uu hoggaaminaayo Guddoomiyaha Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed, mudane Cabdulqaadir Maxamuud Aadan, ayaa gaaray magaalada Gaalkacyo si ay u fuliyaan olole wacyigelin ah oo ku saabsan sahminta, soo saarista shidaalka iyo saameynta ay ku yeelan karto deegaanka.

Wafdiga waxaa si diiran ugu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Gaalkacyo mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Gobolka Mudug, Maamulka Degmada Gaalkacyo, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada deegaanka.

Safarkaan shaqo ee wafdiga waxay qayb ka tahay barnaamijka wacyigelinta bulshada ee Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed, kaas oo xooga saaraya in bulshada lala wadaago xog ku saabsan sahminta shidaalka ee 3D, faa’iidooyinka dhaqaale ee laga filan karo, iyo muhiimadda ilaalinta deegaanka.

  

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Arusha ee dalka Tanzania kaga qeybgaley Shir Madaxeedka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika ee EAC.

2-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo qaabilay Danjirah Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Wang You, iyagoo ka wadahadley xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

3-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo qaabilay Danjire Selma Malika Haddadi oo ah Safiirka Jamhuuriyada Algeria u fadhida Ethiopia iyo Midowga Afrika.

4-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgaley kulan ka dhacay Muqdisho oo loogu duceynayey Madaxweynihii hore ee Soomaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo dhowaan ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

5-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqday qaar ka mid ah Suuqyada ganacsiga Magaalada Muqdisho, isaga oo u kuur galay xaaladaha amniga iyo kobaca dhaqaale ee dalka.

6-Golaha Wasiirada ayaa sharci darro ku tilmaamey tallaabooyinkii uu qaaday hoggaamiyihii hore ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo doorasho ka baxsan dastuurka ku qabtey Kismaayo.

7-Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey magacyada xubnaha ka mid noqonaya Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka iyo Xudduudaha.

8-Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre oo ka tacsiyeeyay geerida weriye Cabdirisaaq Xaaji Maxamed Siraad.

9-Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka 2aad ee Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa Muqdisho ka furay Shirka Caafimaadka casriga ah ee Soomaaliya 2024.

10-Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay Xeerka Doorashooyinka Qaranka.

11-Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay magacaabista xubnaha Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka iyo Xudduudaha.

12-Golaha Aqalka Sare ayaa ansixiyay Hindise-sharciyeedka Tacliinta Sare ee dalka.

13-Guddoomiye Ku-Xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiya Yaasiin ayaa daahfurtay xuska maalmaha 16-ka ee ololaha la dagaalanka tacadiyada loo geysto haweenka iyo gabdhaha.

14-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si xooggan u cambaareysay weerarkii ka dhacay Hotelka Agan ee magaalada Kismayo oo   ay geysteen ciidamo ka amar qaata   maamulka   Jubbaland.

15-Hey’adda Lacagta Adduunka IMF iyo Bankiga Adduunka ayaa ku dhawaaqay in Soomaaliya laga cafiyay deyn dhan 4.5 bilyan oo doolarka Mareykanka ah.

16-Wasiirka Arrimaha Dibadda, Danjire Axmed Macallim Fiqi ayaa si rasmi ah u saxiixay heshiiska ay dowladda Soomaaliya ugu biireyso Qaramada Midoobay ee ka dhanka ah Dambiyada Abaabulan ee Caalamiga ah (UNTOC).

17-Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa soo saartey amar lagu soo xirayo hoggaamiyihii hore ee maamulka Jubbaland Eedeysane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

18-Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa kulan la yeeshay odeyaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee ka kooban 135-ta xubnood.

19-Xafiiska Amniga Qaranka ayaa magaalada Muqdisho ku qabtay Shirweynaha Qaran ee maareynta hubka iyo rasaasta, kaasoo qayb ka ah tiirarka Istaraatijiyadda Qaran ee maareynta hubka iyo rasaasta.

20-Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa Magaaladda Ankara ee dalka Turkiga kula kulmay Madaxweynaha Ku-Xigeenka dalkaasi Mudane Cevdet Yılmaz.

21-Wasiir Dowlaha Waxbarashada Marwo Nuura Mustaf Mukhtaar oo wehliyo Guddomiyaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed Xasan Cismaan Gacal iyo safiirka dowladda Shiinaha u jooga soomaaliya MR.Wang Yu ayaa si wadajir ah u daahfuray deeqda waxbarasho ee barnaamijka saaxibtinimada Soomaaliya iyo Shiinaha.

22-Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha dibadda Mudane Xamsa Xaadoow ayaa qaabilay Danjire Marwo Selma Malika Haddadi, Safiirka Algeria ee Midowga Afrika iyo Itoobiya.

23-Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya oo ka tacsiyaysey geerida weriye Cabdirisaaq Xaaji Maxamed Siraad oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

24-Wasiirka Arrimaha Dibadda, Danjire Axmed Macallim Fiqi, ayaa si rasmi ah dib u furay Xaruntii Kaydka Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo xirneed in ka badan 30 sano.

25-Ilaa iyo 80 askari oo ka tirsan Ciidamada Jubbaland ayaa ku biiray hawlaha Ciidamada Qalabka sida ay ka wadaan degaanka Raas Kaambooni ee Gobolka Jubbada Hoose.

26-Wasiiru Dowlaha Caafimaadka Drs Maryan Maxamed Xuseen yaa kormeertay Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir oo ay ka socdaan mashruuc indho-fiiqis oo bilaash ah.

27-Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa kulan duco ah u qabatay Allaha u naxariistee Marxuum Danjire Yuusuf Xassan Ibraahim (Yuusuf Dheeg), oo ahaa Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda.

28-Safiirka soomaaliya ee u fadhiyo dalka Tanzania Mudane Ilyaas Cali Xasan ayaa warqadihiisa aqoonsiga danjirenimo u gudbiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Tanzania Marwo Samia Suluhu Hassan.

29-Guddomiyaha Maxkamadda Sare Mudane Baashe Yuusuf Axmed iyo Safiirka Shiinaha ee u fadhiya soomaaliyaa, Mudane Wang Yu ayaa yeeshay kulan miro dhal ah.

30-Banaanbax lagu taageerayo nidaamka doorashada tooska ah ee qof iyo codka ah ayaa lagu qabtay magaaladda Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheekh & wafdi uu hoggaaminaayo oo lagu soo dhaweeyay dalka tanzania.

  1. Arusha- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa soo gaaray magaalada Arusha ee dalka Tanzania, si uu uga qeybgalo shir muhiim ah oo u dhexeeya Madaxda dalalka ku bahoobay Bulshada Bariga Afrika (EAC).

    Madaxweyne Xasan ayaa jeedin doona khudbad uu madaxda iyo martisharafta kale uga warbixinayo dadaallada dawlad-dhiska, kobcinta kaabayaasha dhaqaale iyo abaabulnaanta bulshada Soomaaliyeed ee ku wajahan la-falgalidda ganacsi, waxbarasho iyo horumarineed ee bahdooda Bariga Afrika.

    Shirkan taariikhiga ah ayaa waxa ay madaxdu dib ugu milicsan doonaan waxqabadkii ay madashu gaartay intii ay jirtay, sidoo kalena waxa ay falanqeyn doonaan caqabadaha iyo fursadaha isdhexgalka gobalka, gaar ahaan dhanka horumarinta xaaladaha dhaqan-dhaqaale iyo xaqiijinta amni iyo xasillooni waarta.

    Madaxweynaha ayaa inta uu ku suganyahay magaalada Arusha kulan doceedyo la yeelan doona madaxda dhigiisa ah ee dalalka Bariga Afrika (EAC).

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qeybgalay Xuska 25-guurada Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC)

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya iyo Iskaashiga Caalamiga Danjire Axmed Macallin Fiqi oo uu weheliyo Safiirka Soomaaliya ee Tanzania, Danjire Ilyas Ali Hassan ayaa hoggaamiyay ka-qaybgalka Soomaaliya ee xuska 25-guurada Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC).

Xuska waxaa lagu soo bandhigay bandhig farshaxan oo heersare ah oo ay diyaarisay Safaaradda Soomaaliya ee Tanzania, kaas oo soo jiitay ka-qaybgalayaasha kuna muujiyay dhaqanka hodanka ah ee Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya waxay xoogga saareeysaa dadaalkeeda ku aaddan isku xirka gobolka iyo xoojinta xiriirka dhaqan ee u dhexeeya Ururka Bulshada Bariga Afrika.

W/Dowlaha Arrimaha Gudaha XFS “Sharciga doorashooyinka iyo wax ka baddalka qodobada dastuurka waa kuwo iswaafaqaya”

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Saadaad Maxamed Nuur oo ka qeybgalay kulanka todobaadka warbaahinta qaranka ayaa xusay in Dowladda Federaalka ay dadaal badan ku soo bixisay meelmarita doorashooyin qof iyo cod ah oo ka dhacda Gudaha dalka Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in xilligaan  loo baahan yahay in loo dhaqaaqo horumarka dadka iyo dalka,isla markaana aan dib loo eegin marxaladihii kala duwanaa ee loo soo maray dhismaha dowladnimada Soomaaliya iyo hagaajinta dastuurka dalka.

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Saadaad Maxamed Nuur ayaa sheegay in meesha laga saaro casida laga qabo doorashooyinka qof iyo codka ah,isagoo Ku taliyay in cid kasta oo daneyneysa doorashadaasi ay galaangal ku yeelato siyaasadda dalka,gaar ahaan sidii loo kasban lahaa bulshada Soomaaliyeed.

Isra’el oo saacadihii u dambeeyay Gaza ku dishay 42 ruux

Ilaha caafimaadka ee Gaza ayaa soo sheegaya in ugu yaraan 42 qof lagu dilay weerarrada Israa’iil ee ka dhacay marinka Qaza iyadoo duqeymaha ay sii kordhayaan oo taangiyada ay ku sii socdaan aagagga waqooyiga iyo koonfurta.

Qaramada Midoobay ayaa mar kale ka sheegay in macluul ay ku soo wajahan tahay Gaza, halkaas oo in ka badan laba milyan oo qof ay ku xayiran yihiin,kuwaas oo aan heysan cunto iyo biyo nadiif ah oo la cabbo.

Dhanka kale, milateriga Lubnaan ayaa ku eedeeyay ciidamada Israa’iil inay jebiyeen heshiiska xabbad-joojinta oo galay maalintii sadexaad,

Tirada dhimashada Gaza ayaa mareysa 44,330 iyo dhaawaca 104,933,halka gdaha Lubnaan, lagu dilay 3,961 qof ,islamarkaana lagu dhaawacay 16,520 .

Inta badan Ciidanka Jubbaland oo ku biiray howlgallada dowladda ee ka socda Jubbooyinka

Ciidanka Maamulka Jubbaland ayaa intooda badan si rasmi ah ugu biiray hawlgallada Ciidamada Qalabka Sida ee lagula dagaalamayo kooxaha Khawaarijta ee ku sugan degaanada Jubbooyinka.

Shacabka iyo Ciidanka Maamulka Jubbaland ee Degaanka Kulbiyow ayaa soo dhoweeyay hawlgallada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ka wadaan deegaanada Jubbaland.

Sidoo kale shacabka ayaa dhanka kale taageero u muujiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya,iyagoo ku eedeeyey Eedeysane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) in uu dayacay xuquuqda ciidamada iyo baahiyaha shacabka.

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa dhowaan  howlgal rasmi ah oo lagu ciribtirayo kooxaha khawaarijta ka bilowday deegaanka Raas-Kaambooni,waxaana ujeedku yahay in dhammaan deegaanada Jubbaland laga xoreeyo cadowga nabad-diidka ah.

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo yeeshay Guddoomiye KMG ah

Xubnaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha oo ku kulmay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa yeeshay Guddoomiyaha ku meel-gaar ah ee Guddiga.

Marwo Aamina Sheekh Cismaan Maxamed oo ah qofka ugu da’da weyn xubnaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha ayaa noqotay Guddoomiyaha Ku Meel-gaarka ah ee Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha, sida uu qabo qodobka 12-aad faqradiisa 3-aad ee Xeerka Dhisidda Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.