Madaxweynaha JFS oo maanta soo gabagabeyn doono socdaalkiisa rasmiga ah ee Ethiopia

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalintii labaad ku sugan Itoobiya kadib casuumaaddii uu u fidiyay Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed si ay wadahadallo dheeri ah uga yeeshaan iskaashiga iyo wadashaqeynta labada dowladood si wafaqsan hirgalinta Heshiiskii Ankara.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta soo gaba gabeynayo socdaalkiisa ayaa lagu wadaa in uu booqdo goobaha tariikhiga ah ee ay leedahay dowladda Itoobiya

Hoggaamiyeyaasha labada dal oo shalay ku kulmay Addis-Abbaba ayaa isku raacay in lasoo celiyo, korna loo qaado xiriirka u dhexeeya iyada oo loo marayo dib u hawlgalinta matalaadda dublamaasiyadeed ee labada caasimadood, sidoo kale Madaxda ayaa adkeeyay baahida loo qabo in la iska kaashado arrimaha gobolka, si dhawna looga wada shaqeeyo danta guud.

Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa sidoo kale adkeeyay in xasilloonida gobolka ay aasaas u tahay in labada dal ay yeeshaan wadashaqayn xooggan oo ku dhisan kalsooni iyo is qadarin, iyadoo labada hogaamiye ay isku raaceen in la horumariyo dadaallada kor loogu qaadayo xoojinta xiriirka gobolka iyo is fahamka guud.

 

Ciidanka xoogga oo bilaabay furista waddooyin u xirnaa shaqaaqooyin ka dhacay B.weyne

Ciidanka xoogga Dalka oo fulinaya balan qaadka madaxda dowladda Soomaaliya ee ku sugan magaalada Beledweyne ayaa maanta waxa ay bilaabeen in ay furaan waddooyinka dhexmara xaafadaha magaalada oo muddooyinkii dambe u xirnaa shaqaaqooyin ka dhacay magaalada.

Taliyaha Guutada 5-aad qeybta 27-aad ee CXD Col. Maxamuud Xasan Ibraahim (Baakaay) ayaa hoggaaminayay ciidamada howlgalka waddo furista iyo sugidda amniga ee ka bilowday magaalada Beledweyne.

Dowladda Soomaaliya oo shaacisay waqtiga lasoo gabagabeynayo sahminta shidaalka Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Batroolka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Aadan oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in lasoo gabagabeynayo sahminta shidaalka Soomaaliya ee uu haatan wado dalka Turkiga kama dambeys April ee sanadkaan 2025, si loo ogaado goobta rasmiga ah ee shidaalka laga qodayo.

Cabdulqaadir Maxamed ayaa sidoo kale tilmaamay in hadda ay soconayaan dadaalo badan, loona baahan yahay in la sameeyo taxadar si aan loo qodin goob aan aheyn goobta shidaalka laga helay. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in maraakiibta howlgalka wada ay abaari doonaan aagga degmada Hobyo ee gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.

“Sida aan isku afgaranay Turkida sahminta wada, hadii uusan caqabado imaanin, waxaan dejinay qorshaha ah inaan April soo gaba gabeyno, waxaana qorshuhu yahay in maraakiibta ay u jiheeystaan dhinaca xeebaha Hobyo, waa inaan ogaanaa in dabayaaqada bisha inaan ogaano meesha saxda ah ee laga qodaayo shidaalka” ayuu yiri Guddoomiye Hay’adda Batroolka Soomaaliya

Sidoo kale marka ay soo dhammaato howsha sahminta, waxaa lagu dhaqaaqi doonaan qodista shidaalka, sida ay qorsheyneyso dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Badda Soomaaliya ayaa waxaa ku yaalla in ka badan 200 xirmo oo la rumeysan yahay inuu shidaal ka buuxo, balse aan illaa hadda lagu sameyn sahmin sababo la xiriira walaaca dhanka ammaanka iyo khilaafaadka ka jira dalka.

Howlgal ka dhacay Mudug oo lagu khaarajiyay 4 khawaarij ah

Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya ciidanka deegaanka ayaa weerar ku qaaday magaalada Camaara ee gobolka Mudug howlgalkaasi oo ay ku dileen maleeshiyaad ka tirsanaa khawaarija.

Howlgalka oo u dhacay sidii loogu tala galay ayey saraakiisha waxeey warbaahinta dowladda u sheegeen in howlgalka lagu qaaday guri uu Camaara ka deganaa horjooge Ismaaciil Beerdile, oo Khawaarijta ugu magacaawnaa Maxkamad beenaadka Galgaduud.

Howlgalka inta uu socday ayaa lagu dilay afar dhagarqabe oo kamid ah maleeshiyaadkii Khawaarijta ee guriga ku sugnaa. Sidoo kale afar qori iyo rasaastii ay wateen ayaa laga soo furtay waxaana jira khasaaro kale oo soo gaaray maleeshiyaadkii guriga ku sugnaa.

Warsaxaafadeed Wadajir ah oo ay soo saareen Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladda Federaalka Itoobiya

Addis-Abbaba:- Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed ayaa si diirran usoo dhaweeyay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho shaqo ku yimid itoobiya.

Labada hoggaamiye waxa ay yeesheen wada hadallo ballaaran oo ku qotoma danaha labada dal iyo guud ahaan sidii la isaga kaashan lahaa xaaladaha gobalka iyo xoojinta xiriirka labada shacab iyo labada dal.

Hoggaamiyeyaasha ayaa isku raacay in lasoo celiyo, korna loo qaado xiriirka u dhexeeya iyada oo loo marayo dib u hawlgalinta matalaadda dublamaasiyadeed ee labada caasimadood, sidoo kale Madaxda ayaa adkeeyay baahida loo qabo in la iska kaashado arrimaha gobalka, si dhawna looga wada shaqeeyo danta guud.

Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa adkeeyay in xasilloonida gobalka ay aasaas u tahay in labada dal ay yeeshaan wadashaqayn xooggan oo ku dhisan kalsooni iyo is qadarin, iyadoo labada hogaamiye ay isku raaceen in la horumariyo dadaallada kor loogu qaadayo xoojinta xiriirka gobalka iyo is fahamka guud.

Wadahadallada waxaa kale oo xoogga lagu saaray baahida loo qabo in la sii wado iskaashiga dhanka amniga ah ee ka dhaxeeya labada dowladood. Iyadoo laga maanka lagu hayo halista kooxaha argagixisada ah ay ku hayaan gobalka, ayaa waxay labada hoggaamiye fareen hay’adaha amni ee labada dhinac in ay kor u qaadaan wadashaqayntooda si loo horumariyo xasiloonida guud ee gobalka.

Dhinaca kale, Madaxda labada dal ayaa xusay ahmiyadda ay leedahay iskaashiga dhanka dhaqaalaha, ganacsiga iyo maalgashiga, iyaga oo isku raacay in la ballaariyo kaabayaasha fududaynaya arrimaha ganacsiga iyo guud ahaan baraaraha dhaqaalaha labada dal.

Ugu danbayn, waxa ay madaxdu adkeeyeen sida ay uga go’an tahay hirgalinta Heshiiskii Ankara iyada oo loo marayo jawi saaxiibtinimo iyo niyad-wanaag, waxaana la isla qaatay dardar-gelinta guddiyada farsamo ee hiragalinta heshiiskaas.

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka qaybgalay Shirarka Guddiga Saddex-geesoodka ah ee Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Masar iyo Eritrea

Qaahira, 11-ka Janaayo 2025:- Mudane Axmed Macallim Fiqi, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyo wafdigiisa ayaa ka qaybgalay shirkii labaad ee Guddiga Saddex-geesoodka ah ee Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Masar, iyo Eritrea, oo ka dhacay magaalada Qaahira, kadib martiqaad uu ka helay Mudane Dr. Badr Cabdilcaati, Wasiirka Arrimaha Dibadda, Socdaalka iyo Arrimaha Dibadda ee Masar.

Intii lagu guda jiray shirka, waxaa si qoto dheer looga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga wadajirka ah iyo heerka wada-shaqeynta iyo isuduwidda ee u dhexeeya saddexda dal, iyadoo la fulinayo go’aamadii kasoo baxay shirkii Asmara ee dhacay 10-kii Oktoobar 2024. Waxaa sidoo kale laga arrinsaday hababka lagu hirgelinayo go’aamadii hore ee laga gaaray shirarkii hore, iyo sidii loo furi lahaa fursado cusub oo ka tarjumaya rajada iyo himilooyinka shucuubta saddexda dal.

Kulanku wuxuu diiradda saaray muhiimadda iskaashiga istiraatiijiga ah ee lagu gaarayo nabadda iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika iyo Badda Cas, oo ay ku jirto iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Masar si loo taageero dadaallada nabad ilaalinta iyo dhismaha nabadda ee Soomaaliya, gaar ahaan kaalinta Masar ee ku aaddan hawlgalka Midowga Afrika ee taageeraya Soomaaliya (AUSSOM). Sidoo kale, waxaa kulanka lagu falanqeeyey xaaladda Sudan iyo saameynta gobolkeeda, iyadoo lala garab istaagayo shacabka reer Sudan si loo ilaaliyo hay’adahooda qaran iyo hantidooda qaranka.

Dhanka kale, Soomaaliya iyo Eritrea ayaa si buuxda u taageeray Dr. Khaled El-Anani, oo ah musharraxa Jamhuuriyadda Masar ee jagada Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO.

Ugu dambayntii, waxaa shirka lagu adkeeyey baahida loo qabo in la ixtiraamo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo in aan lagu faragelin arrimaheeda gudaha. Sidoo kale, waxaa lagu heshiiyey in la sii wado wada-shaqeynta saddex-geesoodka ah, iyadoo kulanka xiga ee guddiga saddex-geesoodka ah lagu qaban doono caasimadda Soomaaliya, Muqdisho.

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaran oo kormeeray Xafiisyada Hay’adda

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka Mudane Axmed Xuseen Cilmi ayaa manta kormeer ku sameeyay xafiisyada Hay’adda oo ay ka socota howlaha u qidmaynta shacabka Soomaaliyeed.

Inta uu socday kormeerka Gudoomiyaha oo ay ku wehliyeen gudoomiye ku xigeenada Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka ayaa kulamo lagu dardar galinaayo shaqada hay’adda waxaa ay la qaateen, agaasimayaasha, maamulada waaxyaha iyo qaar ka ah shaqaalaha hay’adda.

Guddoomiyaha cusub eeHay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka Mudane Axmed Xuseen Cilmi ayaa maamulka iyo shaqaalaha faray in dardar loogu adeego muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo Qaxootiga sharciga ku jooga dalkeena, wuxuu intaa ku daray inay kormeero ku sameen doonaan nolasha dadkeena danyarta si had iyo jeer ay u helaan garab siinta dowladda.

    

Madaxweyne JFS oo gaaray dalka Itoobiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray dalka Itoobiya, halkaas oo si weyn loogu soo dhoweeyay.

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo xubno ka tirsan Golihiisa wasiirada ayaa madaxweynaha iyo wafdigiisa si weyn ugu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Adis-ababa. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa safarkan Itoobiya ku tegay ka dib martiqaad rasmi ah uu ka helay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Mudane Abiy Axmed.

Ujeedka safarka madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Itoobiya ayaa wuxuu yahay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo horumarinta danaha wadajirka ah ee labada dal.

     

Duqa Muqdisho oo qaabbilay Safiirka Imaaraat-ka u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna duqa Magaaladda Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa maanta xafiiska ku qaabbilay Safiirka Dowladda Imaaraadka u fadhiya Soomaaliya, Danjire Axmed Juma Al-Rumaithi.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo sidii loo ballaarin lahaa mashaariicda horumarineed oo ay Dowladda Imaaraadka ka fuliso Magaalada Muqdisho.

Safiirka Dowladda Imaaraadka u fadhiya Soomaaliya, Danjire Axmed Juma Al-Rumaithi ayaa ugu horeyn ugu hambalyeeyay Guddoomiye Amiir xilka culus ee loo igmaday, wuxuuna safiirku sheegay in Dowladda Imaaraadka ay diyaar u tahay sidii loo amba qaadi lahaa mashaariicda horumarineed ee ay ugu talagashay dib udhiska Caasimadda iyo bilicda Magaalada.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna duqa Magaaladda Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa kaga mahadceliyay Dowladda Imaaraadka garab istaaga shacabka Soomaaliyeed iyo doorkooda ku aadan ka qeyb qaadashada dib usoo kabashada Caasimadda, asigoona sidoo kale xoojiyay sii amba qaadida heshiisyada iskaashi ee horey u horey loo galay.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KAMPALA KAGA QEYB-GALAY SHIRKA CAALAMIGA AH EE HORUMARINTA BEERAHA EE AFRIKA (CAADP)

Kampala- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Kampala ee dalka Uganda, halkaas oo uu kaga qeyb galay Shirka Sare ee Barnaamijka Horumarinta Beeraha Afrika (CAADP).

Madashan oo maalmahan ay fadhiyeen Wasiirrada Beeraha dalalka Afrika ayaa haatan Madaxdu waxay ka wada hadleen fulinta qorsheyaasha iyo talooyinka la soo saaray ee ku aaddan horumarinta wax soo saarka beeraha, kor u qaadista dhaqaalaha iyo xaqiijinta amniga cunno ee Qaaradda Afrika.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad muhiim ah ka jeediyay shirka ayaa soo bandhigay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay in la horumariyo wax soo saarka beeraha iyo in laga faa’iideysto kheyraadka dabiiciga ah ee dalka.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo wafdigiisa ayaa kulan-doceedyo la qaatay dhiggooda dalalka ka soo qeyb-galaya shirkan, si loo xoojiya doorka diblumaasiyadeed ee dalkeennu uu ka qaadanayo Qaaradda.