Madaxa AUSSOM oo soo dhaweeyay War-murtiyeedka wadajirka ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya

Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna Madaxa Hawlgalka AUSSOM, Ambassador Souef Mohamed El-Amine , ayaa soo dhaweeyay dib u soo laabashada xiriirkii diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Itoobiya oo dhawaan dib loo soo celiyay.

Danjire Souef ayaa heshiiskan ku tilmaamay mid muhiim ah oo hoosta ka xariiqaya dhaqan gelinta ballan qaadyadii Ankara. Wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay inuu dib u soo cusboonaada xiriirka diblomaasiyadeed, xoojinta iskaashiga amniga, iyo isdhexgalka dhaqaale ee kobcinta nabadda, xasilloonida iyo barwaaqada gobolka.

Arrintan ayaa lagu sheegay war-murtiyeed ay si wadajir ah u soo saareen 11-kii bishan, kaddib kulan ay wada qaateen madaxweynaha Soomaaliya mudane,Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Labada mas’uul ayaa ku heshiiyey inay dib u soo nooleeyaan metelaad diblomaasiyadeed oo buuxa si loo xoojiyo xiriirka labada dal,taa oo
loo arkaa tallaabo muhim ah oo loo qaaday dhanka dhisidda kalsoonida, kor u qaadista amniga, iyo horumarinta kobaca dhaqaalaha Geeska Afrika.

Hay’adda SoDMA oo shixnad gargaar ah gaariisay Guriceel

9 berri kadib waxaa xalay magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud safar dhanka dhulka ah ku gaaray 25 gaari oo dhawaan Hay’adda SoDMA ay ka soo ambabixisay magaalada Muqdisho, kuwaas oo sida shixnad gargaar raashin mucaawino ah looguna talagalay dadka ay saameysay abaarta LaNina iyo bulshada ku nool deegaannadii khawaarijta laga xoreeyey ee gobolka Galgaduud, waxaana hore dalkeenna ugu deeqay dowladaha Turkiga iyo Shiinaha.

Degaannada Galmudug, gaar ahaan Gobolka Galgaduud, wuxuu qeyb ka yahay goobaha ay abaaruhu sida ba’an u saameeyeen, halkaas oo kumannaan shacab nugul ah ay ku wajahayaan nolol adag, hay’adda Maareynta Musiibooyinka oo ka jawaabeysa baahida bulsho ee guud ahaan gobolka iyo goobaha laga xoreeyay argagixisada ayaa diyaarisay mucaawinadaan waxaana lagu wadaa in dadkii mudnaa la gaarsiiyo raashinkaan.

Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug, hay’adda SoDMA iyo maamulka degmada Guriceel ayaa gaadiidkaan ku soo dhaweyay duleedka magalada.

Agaasimaha waaxda gargaarka SoDMA Sahro Cali Yuusuf ayaa xustay in garagarkaan loogu talagalay dadka ay abaartu saameysay.

Guddoomiyaha degmada Guriceel Faarax Fataate ayaa u mahadnaqay hay’adda SoDMA, isagoo ballan-qaaday in dadkii mudnaa ay gaarsiinayaan mucaawinadaan.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Galmudug Maxamed khaliif Salad oo lagu wareejiyay gargarkaan, ayna wehliyaan Wasiirka Waxbarashada Galmudug Maxamed Dhoore ,Xildhibaan Mursal Xeefow, iyo guddoomiyihii hore ee degmada Mataan Maxamed Dhoobeey ayaa u mahadnaqay hay’adda SoDMA.

Wasiirka Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka oo kulan isbarasho ah la qaadatay haweenka Soomaaliyeed

Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa magaalada Muqdisho kulan isbarasho iyo soo dhaweyn ah kula qaadatay haweenka Soomaaliyeed. Kulankan, oo ahaa kii ugu horreeyay tan iyo markii ay xilka la wareegtay 5-tii bishan, ayaa diiradda lagu saaray isbarasho iyo kala warqaadasho.

Haweenkii kulanka ka qeyb galay ayaa si weyn usoo dhaweeyay magacaabidda Wasiirka, iyaga oo ballan qaaday iney garab taagnaan doonaan. Wasiir Khadiija ayaa uga mahadcelisay haweenka soo dhaweynta diirran, iyadoo xasuusisay muhiimadda ay haweenku bulshada ku leeyihiin, maadaama aysan nolol jiri karin la’aantood.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa ku boorisay haweenka iney qaataan doorkooda ku aaddan horumarka dalka, gaar ahaan inay si firfircoon uga qayb qaataan doorashooyinka qof iyo cod ee dalka laga filayo. Waxay ku dhiirrigelisay inay xilalka u tartamaan si ay ugu muujiyaan awooddooda qorshaha horumarineed ee dowladda.

 

     

Taliye Sanbaloolshe “Waxaan ka shaqeyn doonnaa si kasta oo ay suurtagal u tahay in aan idin qaranmeyno.”

Agaasimaha Hey’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, oo duleedka magaalada Beledweyne kula hadlay boqolaal  ka tirsan ciidanka deegaanka  ayaa sheegay in laga heshiiyay khilaafyadii ka dhex jiray dadka deegaanka ee magaalada Beledweyne, isaga oo tilmaamay in aan dib loogu laaban oo bulshada ay kawada shaqeyaan hormarka degaanka.

Taliyaha ayaa Sidoo kale ayaa carrabka ku adkeeyay in ay dowladdu qarameyn doonto, loona baahanyahay maanta wixii ka danbeeyo inay isku diyaariyaan in ay qeyb ka noqondaan dagaalka ka dhanka ah khawaarijta.

 

“Waxaan ka shaqeyn doonnaa si kasta oo ay suurtagal u tahay in aan idin qaranmeyno, dowladnimada aad horay u gashaan ee aad daraf ka taagnaanin.” ayuu yiri Taliyaha nabad sugidda NISA, Cabdullaahi Sanbaloolshe. 

Dhanka kale, waxa uu tilmaamay in si guud loogu wada shaqeeyo ammaanka deegaanka, isaga tilmaamay  in ay qeyb weyn ka qaadan doonaan raadinta xuquuqdooda mid nololeed iyo mid saanad hub la xiriirtaba

Sidoo kale Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Odowaa Yuusuf Raage oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in aysan suurta gal ahayan wixii ay khawaarijya lagala dagaalamayay in shacabka lagu sameeyo cid laga yelayana aysan jirin

“Wixii aan Khawaarijta kula dagaalanay suurta gal maaha in aan dadkeena ku sameyno, gobolka Hiiraan waa in aan lagu arkin Isbaaro”.ayuu yiri Taliye Odowaa Yuusuf Raage

Hadalkaan sarakiisha NiSA iyo xoogga dalka ayaa ku soo aadayo xilli xalwaara laga gaaray shaqaaqadii ka jirta Magaalada  Deledwene dowaladna si rasmi ah loogu wareejiyay ammaanka guud ee gobalka Hiiraan.

Shir looga hadlayay kor u qaadista tayada Barnaamijyada lagu dhisayo adkeysiga Bulshada oo lagu qabtay Muqdisho

Guddoomiyaha hay’adda maareynta musiibooyinka Maxamuud Macallin Cabdulle iyo ku-xigeenka ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Md. George Conway ayaa wadajir u shir guddoomiyay kulan dhex maray Hay’adda SoDMA iyo qaar ka mid ah Hay’adaha QM ee ka howlgala Soomaaliya, sida; WFP, FAO, UNICEF, IOM, UNFPA, UN Women, UNHCR, UNDP iyo UNOCHA.

Kulanka oo ka dhacay xafiiska Isu-duwaha Arrimaha Gargaarka Bani’aadannimo ee Soomaaliya ayaa looga hadlay is-waafajinta qorshayaasha hay’adaha kala duwan ee ka shaqeeya arrimaha bani’aadannimada iyo sidii kor loogu qaadi lahaa tayada barnaamijyada lagu dhisayo adkaysiga bulshada iyo awoodaha hay’adaha ka shaqeeya arrimaha maareynta musiibooyinka.

Dhinacyada, ayaa isku raacay xoojinta wada shaqeynta iyo in la dhiirrigaliyo dhaqan-galka qorshayaasha ku aaddan hormarinta karaanka iyo aqoonta Hay’adaha dowlaadda, si ay isku filnaansho iyo awood dhammeystiran u gaaraan.

Ugu dambeyn;  shirka waxaa lagu heshiiyay in uu noqdo mid la qabto afartii biloodba mar si loo xaqiijiyo isu-duwid dhammeystiran iyo wada shaqeyn ka dhaxaysa hay’adaha kala duwan ee ku lugta leh howl-gallada arrimaha bani’aadannimo ee dalka.

         

Hay’adda NISA oo baadi-goobeysa xogta horjooge Jeeri-Carab oo ka tirsan Xafiiska Qaraxyada Khawaarijta

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ee NISA ayaa si weyn ugu raad-joogto horjooge Yuusuf Maxamed Xuseen oo loo yaqaano ”Jeeri-Carab”, kaas oo ka tirsan xafiiska qaraxyada ee Khawaarijta,islamarkaana mas’uul uga ah qaraxyada, sahminta goobaha bartilmaameedka ah iyo weerarada ismiidaaminta ah ee ay Khawaarijtu ka fulin jireen gobolka Banaadir.

Jeeri Carab, wuxuu ka soo qeyb qaatay weeraro argagixiso oo ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaas oo ay ka mid yihiin qaraxyadii ka dhacay Villa Rose, Aqalka Dowladda Hoose, Pearl Beach, SYL Hotel, Beach View iyo weeraradii ka dhacay maqaayadaha Sayidka, Jawi Coffee, Blue Sky, Top coffee iyo school Polizio.

         Halkaan Hoose ka Akhriso warka NISA:- 

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka labaad ee dalka oo guddoomiyey kulanka Guddiga Fududeynta Arrimaha Ganacsiga Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa guddoomiyey kulankii ugu horreeyey ee ay yeeshaan Guddiga Fududeynta Arrimaha Ganacsiga Soomaaliya (NTFC) oo ka kooban 18 xubnood oo isugu jira Wasaarado iyo Hey’addo Dowladdeed.

Kulanka, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira sidii ay Soomaaliya ugu biiri lahayd Hey’adda Ganacsiga Adduunka ee (WTO), oo dhaqaalaha Soomaaliyeed u abuuri kara fursad weyn oo kobac dhaqaale ah.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka, Mudane Cabdisalaan Cali, ayaa xubnaha guddiga ee kulanka ka qeyb galay kula dardaarmay sidii ay u yeelan lahaayeen wada-shaqeyn dhow, si looga faa’iideysto fursadaha jira, maadaama ay Soomaaliya xubin ka tahay ururro waaweyn oo ganacsi iyo dhaqaale.

       

Duqa Muqdisho oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dawladda Talyaaniga ee Soomaaliya

 Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Danjiraha Dawladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Amb. Pier Mario Daccò Coppi.
Guddoomiye Amiir iyo Danjire Pier Mario Daccò Coppi, ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dhinac iyo skaashi ku dhisan wax wada qabsi oo dhex mara labada dhinac.
Duqa Muqdisho ayaa ka mahadceliyay doorka Dowladda Talyaaniga ee garab istaaga Soomaaliya, taasi oo ku dhisan xiriir soo jireen oo aad u fog, waxayna sidoo kale, kale labada dhinac si qoto dheer kaga wada hadleen isku xirka Dowladdaha Hoose ee Talyaaniga iyo Muqdisho, hirgelinta mashaariicyo horumarineed oo wax tar u leh dhalinyarada iyo in Dowladda Talyaaniga ay qeyb ka qaadato dib-u-dhiska dhismooyinka ay ku leeyihiin Magaalada Muqdisho, taasi oo qeyb ka ah qorshaha horumarka iyo bilicda Caasimadda.
     

Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Masar oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal

Qahira:- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa la kulmay H.E. Dr. Badr Abdel Atty, Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray horumarinta xasilloonida gobolka, oo ay ku jirto dardargelinta howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM iyo taageeridda Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ee dagaalka kula jira argagixisada.

Labada wasiir ayaa bogaadiyay socdaalka Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur uu ku joogo magaalada Qaahira oo ay ku tilmaameen tallaabo loo qaaday wadashaqeyn xooggan.

Dr. Badr Abdel Atty Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar waxa uu ku cel-celiyay in Masar ay si hagar la’aan ah u taageereyso midnimada, madaxbannaanida iyo xasilloonida Soomaaliya, isaga oo xoogga saaray dadaallada wadajirka ah ee lagu xoojinayo iskaashiga labada dhinac iyo bixinta kaalmo farsamo.

Wasiirrada ayaa isku raacay in la xoojiyo xiriirka labada dowladood iyada oo loo marayo guddiga wadajirka ah ee wasiirada iyo in la dhaqangeliyo qodobbadii ka soo baxay shirkii dhex maray Masar, Soomaaliya iyo Ereteriya ee 2024-ka, kor u qaadista amniga Geeska Afrika iyo arrimaha Badda Cas.

    

WASIIRKA WARFAAFINTA OO QAABILAY WAKIILKA MIDOWGA AFRIKA EE SOOMAALIYA

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna Madaxa Hawlgalka AUSSOM, Ambassador Souef Mohamed El-Amine.

Wasiirka iyo Wakiilka Midowga Afrika ayaa ka wadahadley Iskaashiga labada dhinac, bilowga hawlgalka cusub ee AUSSOM, iyo taageerada Midowga Afrika uu siiyo Soomaaliya.

Wasiir Daa’uud Aweys Jaamac ayaa Wakiilka AUSSOM uga warbixiyay horumarka dhanka amniga, siyaasadda, dhaqaalaha, bulshada iyo kuwo kale ee ay ku tallaabsatey Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sidoo kale ka warbixiyay dadaallada diblomaasiyadeed ee ka socda gobolka, Soomaaliyana ay qeyb ka tahay, kuwaas oo uu sheegay inay wax ka tarayaan xasiloonida iyo horumarka gobolka.

Wakiilka ayaa bogaadiyay horumarka dhinacyada kala duwan leh ee Soomaaliya ay ku tallaabsaneyso, isagoo hoosta ka xariiqay in bilowga hawlgalka cusub ee AUSSOM uu waddada u xaari doono in ugu dambeyn, Soomaaliya ay si buuxda ula wareegto hawlaha sugidda amnigeeda, kuna kalsoon yahay in Ciidamada Qalabka Sida ay waajibaadkaasi si hufan u gudan doonaan.