Khawaarijta Daacish oo gacanta looga dhigay sagaal diyaaradood oo nooca Drone-ta

Ciidanka Daraawiishta Puntland ayaa gacanta ku dhigay ilaa sagaal diyaaradood nooca looyaqaan Drone-ta oo isugu jira kuwa wax basaasa iyo kuwo ay qaraxyo ku rakiban yihiin una diyaarsanaa inay is qarxiyaan.

Qabashada Diyaaradahaan ayaa suurta gashay kadib dagaal kooxda Khawaraajita ee daacish iyo ciidanka dalka dhex marey, waxaana sidoo kale ciidanku la wareegeen goobo ay kooxaha cadowga kasoo duuli jireen.

Gobolka Bari waxaa si xowli ah uga socda howlgalka hilaac ee ciribtirka kooxda argagixisada ee Daacish oo kuu dhuumalaysta buuralayda fog ee Calmiskaad.

Maalintii shalay aheyd ayaa halkaas lagu khaarajiyay in kabadan 20 khawaarij ah oo ka tirsan Daacish, kuwaas oo ay ku jireen 4 ajaaniib ah sida uu sheegay taliska ciidanka Daraawiishta Puntland.

Dekadda Muqdisho oo yeelatay khad toos ah oo isku xiraya Soomaaliya iyo Shiinaha

Dekadda Magaalada Muqdisho waxaa shalay si toos ah ugu soo xirtay markab u rarnaa ganacsato Soomaali ah oo kasoo shiraacday xeebaha dalka Shiinaha.

Maraakiibta ku soo xirata Dakadda Muqdisho ayaa soo mari jirtay dakadaha dalalka mandiqadda ka hor inta aysan imaan xeebaha Soomaaliya.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda ganacsiga iyo Warshadaha XFS mudane, Cusmaan Maxamed Cabdi (Daalo) ayaa sheegay in khadka tooska ah ee ay haatan ka dib Maraakiibta ganacsi ku imanayaan dekedda Muqdisho ay tahay guul weyn oo la gaaray.

Wasiir Cusmaan Daalo oo ka hadlayay munaasabad lagu daah-furayay howlaha khadka tooska ah oo ay hormuud u tahay shirkadda Lamu Shipping Limited ayaa sheegay in ay tahay tallaabadani mid ku dayasho mudan, wuxuna xusay in looga baaqsanayo dhibaatadii ay ku qabi jireen ganacsatada Soomaaliyeed oo badeecaddooda sugi jiray muddo dheer.

Fowsi Nuur Axmed oo ka tirsan mas’uuliyiinta shirkadda Lamu Shipping Limited ayaa sheegay in qiimeyn ay ku sameeyeen kadib dekedahii ay kusoo hakin jireen ganacsiyadooda ay kaga wanaagsan tahay tan Muqdisho, wuxuuna ballan qaaday in shirkadaha kale ee caalamkana ay ku soo xiri doonaan dekedda Muqdisho.

Waa markii ugu horreysay burburkii ka dib Markab ganacsi oo ka soo shiraacda xeebaha dalka Shiinaha uu toos ugu soo xirto marsada Xamar, isagoo markii hore soo mari jiray dekedo ku yaalla bariga Afrika iyo dalalka Carbeed.

Horjoogayaal iyo malleeshiyaad ka tirsanaa Khawaarijta oo lagu laayay Bari

Taliska Ciidanka Daraawiishta ciribtirka khawaarijta Puntland ayaa sheegay in goobihii shalay lagu xasuuqay cadawga ay saakay ka socdaan howlgal ka dhan ah haraadiga argagixisada.

Kooxda Daacish ayaa dagaalkii ugu dambeeyay ee shalay ka dhacay deegaanka Balli-dhiddin ee gobolka bari looga dilay 20 dhagarqabe, halka tiro intaa ka badanna lagu dhaawacay.

War xalayto ka soo baxay taliska ciidanka Daraawiishta Puntland ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in 5 xubnood oo ajaaniib ah lagu qabtay dagaalka, lagana soo riday 9 diyaaradaha Drones-ka qaraxyada xambaara ah.

Saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ciribtirka Khawaarijta ayaa waxay wacad ku mareen inaysan ka hari doonin inta uu xubin ka tirsan argagixisada ku dhuumaaleysanayo deegaannada Puntland.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo gacan ka helaysa saaxiibada caalamiga ayaa dhoor jeer howlgallo dhanka cirka ah ka fuliyay gobolka Bari, kuwaas oo lagu khaarajiyay maleeshiyaad tiro beel ah.

Shir looga hadlayo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka oo Nairobi ka furmay

Nairobi: Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib u dhiska iyo guriyeynta dowladda FS Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa magaalada Nairobi ka furay shirka guddiga hagista mashruuca isku-xirka Kaabayaasha Dhaqaalaha Geeska Afrika (Somali Horn of Africa Infrastructure Intregration Project) SHIIP.

Shirka oo ay kasoo qayb galeen Wasiirada Wasaaraddaha Hawlaha Guud & Dib u dhiska ee Maamul Goboleed, Masuuliyiin ka socda Wasaaradda Hawlaha Guud DFS, Maareeyaha Mashruuca iyo Hawl wadeenada mashruuca SHIIP.

Shirka oo socon doona saddex maalmood waxaa looga wada hadli doonaa Waxyaabihii u qabsoomay mashruuca sanadkii hore, Qorshaha sanadkan cusub & Dar-dar gelinta guud ahaan shaqooyinka mashruuca horyaalla ee daraasadaynta & naqshadaynta jidadka qaybta ka ah mashruuca Isku-xirka Kaabayaasha Dhaqaalaha Geeska Afrika (SHIIP).

    

Dowladda FS oo dalka ku soo celisay kalluumaysato ku lumay Badaha caalamiga ah

Ka dib 25 maalmood oo murugo iyo halis ah oo ay ku qabeen Badweynta Hindiya, laba kalluumaysato Soomaali ah, Ibraahim Maxamuud Cali iyo Sharmarke Nuur Cabdi Aadan, ayaa ugu dambeyn si nabad ah ugu soo laabtay dalkooda, iyagoo si qiiro leh ay qoysaskoodu ugu soo dhaweeyeen garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde. Soo badbaadintooda oo ahayd mid lagu tallaabsaday iskaashi heer sare ah ayaa waxaa hormuud ka ahayd Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha, Dr. Hodan Cismaan, oo dadaal muuqda ku bixisay gurmadkooda iyo soo celintooda.

Dr. Hodan Cismaan ayaa si hagar la’aan ah uga shaqeysay in iskaashi dhow lala sameeyo hay’adda Huatai Insurance iyo shaqaalaha markabka badbaadinta Shiinaha, si loo xaqiijiyo in kalluumaysatadu helaan daryeel caafimaad iyo taageero degdeg ah. Sidoo kale, waxay wada shaqeyn dhow la samaysay Agaasimaha Waaxda Arrimaha Aasiya iyo Australia ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Siciid Cali Mire, taas oo suurtagelisay in si degdeg ah loo diyaariyo dukumiintiyada safarka ee kalluumaysatada, iyadoo fududeysay soo celintooda.

Kalluumaysatada ayaa lagu soo badbaadiyay meel ku dhow 130 mayl-badeed oo ka baxsan Seychelles, halkaas oo doontoodii ciladaysay ay muddo dheer ku go’doonsanaayeen iyagoo aan lahayn cunto iyo biyo. Badbaadintooda waxaa suurageliyay markab badbaadin oo Shiinees ah, oo si xeel dheer uga hawlgashay sidii noloshooda loo samatabixin lahaa. Markii ay Muqdisho soo gaareen, Ibraahim iyo Sharmarke waxay si weyn ugu mahadceliyeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo shaqaalaha markabka Shiinaha, kuwaas oo badbaado u noqday nolashooda.

Hawlgalkaan wuxuu markale caddeynayaa sida Wasaaradda arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah uga go’an tahay ilaalinta nolosha iyo danaha muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dibadda ku sugan, isaga oo muujinaya muhiimadda wada shaqeynta caalamiga ah iyo doorka firfircoon ee diblomaasiyadda Soomaaliya.

Wasaaradda Arrimaha Dibaddu waxay si gaar ah ugu hambalyeynaysaa Safiir Dr. Hodan Cismaan iyo Agaasime Siciid Cali Mire, kuwaas oo hufnaan iyo xirfad sare ku hoggaamiyay hawlgalkan muhiimka ah. Waxa kale oo ay u mahadcelinaysaa mas’uuliyiinta Shiinaha, hay’adda Huatai Insurance, iyo dhammaan dhinacyadii ka qeyb qaatay guusha badbaadintan taariikhiga ah.

  

Askar ka tirsan xoogga dalka oo tabar loogu soo xiray xerada Jeneral Dhagabadan ee Muqdisho

Waxaa maanta tababar ku saabsan fulinta howlgalada gaarka gaar ah loogu soo xiray xerada General Dhegabadan ee magaalada Muqdisho askar ka tirsan ciidanka Booliis Militaaro. Tababarkan oo socday muddo saddex bilood ah ayaa lagu baranayey xirfado gaar ah oo la xiriira howlgalada gaarka ah, iyadoona ay ka faa’iideysteen ku dhawaad 30 askari

Munaasabadda xiritaanka tababarka ayaa waxaa ka soo qeyb galay safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Karin Johansson, iyo taliye ku xigeenka ciidanka lugta ee xoogga dalka Soomaaliyeed, General Cabdullaahi Aaden Xuseen (Ciro). Sidoo kale, waxaa madasha joogay mas’uuliyiin kale oo ka socday Midowga Yurub iyo marti sharaf kale.

Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Karin Johansson, oo hadal ka jeedisay munaasabadda, ayaa sheegtay in Midowga Yurub uu ka go’an yahay inuu taageero ciidamada Soomaaliya, si ay u noqdaan kuwo xirfad sare leh oo u adeegaya amniga iyo xasilloonida dalka.

Dhankiisa, Jeneral Cabdullaahi Aaden Xuseen (Ciro) ayaa uga mahadceliyay Midowga Yurub taageerada ay siiyaan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed. Waxa uu ku boorriyay askarta iyo saraakiil xigeennada ka faa’iidaystay tababarkan inay ku dabaqaan aqoonta iyo xirfadaha ay barteen si ay u gutaan waajibaadkooda Qaran.

Tababarkan oo qeyb ka ah iskaashiga dhinaca amniga ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub ayaa lagu sheegay inuu yahay mid muhiim ah oo gacan ka geysanaya dib u dhiska hay’adaha ammaanka ee dalka.

Dhammaadka munaasabadda, waxaa la guddoonsiiyay askarta iyo saraakiil xigeennada tababarka qaatay shahaadooyin iyo qalab loogu talagalay howlgalada ay fulin doonaan mustaqbalka.

    

Ciidamada Puntland oo la wareegay fariisimihii Daacish ee gobolka Bari

Ciidamada Puntland ee argagaxiso la dirirka ayaa buuraha Calmiskaad ka wada baacsiga Khawaarijta Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Gobolka Bari.

Ciidanka ayaa la wareegay fariisimihii Daacish ee aaggaas kadib howlgal safmar ah oo ay qaadeen saacadihii lasoo dhaafay.

   

Wasiirka Dekadaha “Dowladdu waxa ay wadaa qorshayaal lagu casriyeynayo Dekadda Muqdisho laguna hirgelinayo Dekad kale oo cusub”.

Wasiirka Dekadaha iyo Gadiidka Badda, xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamuud Aadan ayaa sheegay in dowladda ay waddo qorsha lagu casriyeynayo Dekadda muqdisho,si ay u la tartanto dekadaha caalamka.

“Dowladdu waxa ay wadaa qorshayaal lagu casriyeynayo Dekadda Muqdisho laguna hirgelinayo Dekad kale oo cusub”.sidaan ayuu yiri
Wasiir Maxamuud Aadan

Wasiirka Maxamuud Aadan ayaa sidoo kale ganacsatada Soomaaliyeed ku ammaanayo maalgashiga ay kawadaan dalka iyo hormarada ballaaran ay sameynayaan,kan wasaarad ahaana ay garba taaganyihiin.

Wasiir Cusmaan Maxamed Daalo oo isana goobta ka hadlay ayaa yiri “ Waan bogaadinayaa ganacsatada Soomaaliyeed ee toos isugu xiray ganacsiga Shiinaha iyo Soomaaliya balse naga ilaaliya cudurrada ka dhex dilaaca dalkaas.”

Wasiir Maxamed Soomaali ayaa dhankiisa sheegay in Dekadda muqdiaho ay sameeysay hormar weyn,iyana korortay badecada hadda laga soo dajiyo Dekada magaalada Muqdisho.

“Bishii Dekadda Muqdisho waxaa laga soo dejiyaa 6,000 oo Konteenar halka markii hore aan ku bilownay bishii 1,000 Konteenar, taasi waxa ay muujinee horumarka llagaaray”ayuu yiri
Wasiir Maxamed Soomaali

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Gudaha oo gaaray dalka Ciraaq

Wasiirka Amniga Gudaha XFS mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaciil (Fartaag),oo uu wehliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga, Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Guud Abdalla Abdalla iyo masuuliyiin kale ayaa gaaray magaalada Baqdaad ee Caasimadda dalka Ciraaq.

Wafdiga waxaa si diirran ugu soo dhoweeyay magaalada Ziad Taha Ali, oo ah Lataliyaha Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalka Ciraaq.

Safarkan ayaa qeyb ka ah xoojinta xiriirka labada dal gaar ahaan dhinacyada iskaashiga amniga iyo la dagaallanka argagixisada, iyada oo wafdigu la kulmi doono mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan dowladda Ciraaq.

 

  

Guddoomiye Kuxigeenka Gobolka Banaadir oo tababar Aqoon korosi ah u furay qaar kamid ah Shaqaalaha gobolka

Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Mudane Ciise Maxamuud Guure ayaa daah-furay Tababar Aqoon kororsi oo sare loogu qaadaayo Aqoonta iyo Xirfada qaar ka mid ah howlwadeenada Maamulka Gobolka Banaadir, waxaana goobjoog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Xafiiska Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Ismaaciil Cali Sheekh Nuur iyo Agaasimaha shaqada iyo shaqaalaha Maamulka Gobolka.

Guddoomiye Ciise ayaa sheegay in ujeedka tababarkaan uu yahay sidii loo tayeyn lahaa xirfada shaqaalaha Dowladda Hoose ee Xamar, si bulshada caasimadda ay u helaan adeeg tayo leh.

Howlwadeenada ayaa inta uu tababarka socdo waxa ay qaadan doonaan cashiro la xariira Maamul wanaaga, Anshaxa shaqada, Mas’uuliyadda Howlwadeenka, u qidmeynta Bulshada iyo dhowrista xuquuqda muwaadinka.