Wasiirka Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka oo qaabishay danjiraha Sweden

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta xafiiska ku qaabishay Safiirka Dowladda Sweden ee Soomaaliya Danjire Joachim Waern .

Kulankan waxaa Wasiirka ku wehliyey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya Maxamed Bashiir Cumar iyo Khuburrada Wasaaradda waxaana diiradda lagu saaray sidii loo laba jibaari lahaa wada shaqeynta Wasaaradda iyo Dowladda Sweden ayadoo la iska kaashanayo Hormarinta Xuquuqul Insaanka.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi oo kulanka ka hadashay ayaa sheegtay in Wasaaraddu ay ka go’an tahay ka qeybgelinta dumarka ee arrimaha Bulshada ayadoo la iska kaashanayo sidii dumarka Soomaaliyeed ay kaalin mug leh uga qaadan lahaayeen hormarinta kaabayaasha Bulshada.

   

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo qaabilay doblomaasiyiinta safaaradda DRC Congo ee Kenya

Ku-simaha safaraadda dalka DRC-Congo ee dalka Kenya mudane Tshibangu Tshishiku David, iyo Lataliyaha Koowaaad ee safaaraadda Moussa Lombe Didier, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya

Danjire Jabril Ibrahim Abdulle ayaa qaabilay wafdigaas. Kulan labado geesood ah ayaa looga hadlay xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo DRC- Congo.

Wadahadala labada dhinac ayaa diiradda lagu saaray horumarinta xiriirka iyo danaha labada dal. Waxaa sidoo kale looga hadlay dardargelinta go’aandii ka soo baxay shirkii maalgashiga ee dhawaan ay sida wadajirka ah u soo qabanqaabiyeen labada safaraaradood ee DRC- Congo iyo safaaradaha Soomaaliya ee Kenya

Sidoo kale, waxa ay labada dhinac isla soo qaadeen qaababka loo horumarin karo xiriirka laba geesoodka ah iyada oo laga tusaale qaadanayo go’aanadii ka soo baxay wada-hadal dhanka taleefanka ah oo ay dhawaan yeesheen Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya iyo dhiggiisa DRC-Congo.

 

  

Wafdi uu hogaaminayo maamulaha guud ee Sanduuqa horumarinta dhaqaalaha Sucuudiga oo Muqdisho soo gaaray

Wafdi uu hoggaaminayo maamulaha guud ee Sanduuqa horumarinta dhaqaalaha Sucuudiga 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐒𝐮𝐥𝐝𝐚𝐚𝐧 𝐀𝐛𝐝𝐮𝐥𝐫𝐚𝐡𝐦𝐚𝐧 𝐀𝐥-𝐌𝐚𝐫𝐬𝐡𝐚𝐝 oo casuumaad rasmi ah ka helay Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.

Maamulaha ayaa kulamo muhiim ah la qaadan doona Masuuliyiin ka tirsan Xukumadda Soomaaliya, kulamaas oo diiradda lagu saari doono arrimaha maalgalinta mashaariicda horumarineed ee gudaha Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda dowladda FS mudane Biixi Imaan Cige oo uu weyhliyo Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Xildhibaan Cabdullhi Bidhaan Warsame ayaa intii lagu sugnaa qeybta soo dhaweynta ee Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho waxa ay warbixin kooban oo ku saabsan xaaladda Dalka iyo qorshayaasha kulamada soo socda ay siiyeen Suldaan Al-Marshad iyo wafdiga la socday.

Biixi Imaan Cige Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay Maamulaha Guud aqbalaadda casuumaddii uu u fidayay.

“Sharaf ayay ii tahay in aan Magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyo Suldaan Al-Marshad iyo kooxda la socota oo booqasho taariikhi ah noogu yimid, inta lagu guda jiro imaatinkiisa Soomaaliya waxa aan wada yeelan doonaa shirar muhiim ah, waxa aan isla meel dhigi doonaa fursadda maalgalineed ee hadda ka jira Soomaaliya, si aan sare ugu qaadno dhaqaalaha Soomaaliya,” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda XFS.

Sanduuqa Horumarinta Dhaqaalaha Sucuudiga waxa uu ka mid yahay hey’adaha sida gaarka ah ula shaqeeya Dowladda sidoo kalena waxa uu qeyb weyn kulahaa barnaamijkii dib-u-habeynta dhaqaalaha ee horseeday in Dowladda Soomaaliya ay gaarto deyn cafin dhameystiran.

      

Wasiir Roobow oo saxiixay qoondada Soomaaliya ee xajka sanadkan

Waxaa si rasmi ah ugu furmey dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya, gaar ahaan magaalada Jeddah shir-weynaha/Maxdarka guud ee sanadlaha ah, kaasoo socon doona muddo 3 maalmood ah, laguna saxiixayo qoondada Xujeyda ee sanad walba ay Dowladaha Islaamka loo qoondeeyo.

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Soomaaliya mudane Mukhtar Robow Ali, ayaa ka qeyb galay furitaanka maxdarka, isagoo ugu dambeyntiiba saxiixay heshiiska qoondada Xujeyda ee Dalka Soomaaliya sanadka 2025/1446, taasoo ah 11, 500 Xaaji.

Kulankan sanadlaha ah ayaa ah mid muhiimad weyn u leh qorsheynta iyo fududeynta adeegyada Xujeyda, sidoo kale na la xoojinaya iskaashiga ka dhaxeeya dowladaha Islaamka.

Inta uu socdo maxdarka, waxaa sidoo kale lagu falanqeyn doonaa horumarinta adeegyada iyo qorsheyaasha daryeelka Xujeyda, si loo hubiyo inay si habsami leh u gutaan waajibaadka Xajj-ka.

DFS oo bogaadisay howlgalka la dagaallanka argagixisada ee ka socda Puntland

Dowladda Soomaaliya ayaa bogaadisay howlgallada baaxadda leh ee lagu ciribtirayo kooxaha khawaarijta ee ku dhuumaaleysanaya buuraleyda gobolka bari.

War saxaafadeed ay howlgalladaasi ka soo saartay dowladda federaalka ayaa lagu yiri:

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay bogaadinaysaa Ciidanka Daraawiishta Puntland ee hawlgalka ka dhanka ah Khawaarijta Daacish ka wada Gobolka Bari ee Dowlad Goboleedka Puntland.

Dowladdu waxaa ay sidoo kale bogaadinaysaa doorka shacabka reer Puntland iyo garab istaagga ay u muujiyeeen ciidanka geesiyaasha ee ku jira hawlgalkaas.

Waxeey Dawladdu duco u diraysaa Shuhadada ku shahiiday hawlgalka iyo kuwa ku dhaawacmay, sidoo kale waxaa ay tacsi udiraysaa ehelada Shuhadadaas iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed ee ay ka baxeen iyaga oo u dagaalamaya difaaca Dalka, Dadka iyo Diinta.

Khawaarijta Daacish iyo Shabaab, waa cadaw ay u simanyihiin dadka Soomaaliyeed waana in loo midoobo ciribtirkooda.

Dawladda Federaalka ah waxaa ka go’an in ay shacabka iyo maamulada dalka oo dhan ku dhiirigaliso kuna garab istaagto doorkooda ka xoraynta dalka ee kooxaha Khawaarijta ah.

Dawladdu iyada oo kaashanaysa shacabka Soomaaliyeed waxay u taagan tahay sidii dalka looga tirtiri lahaa dembiileyaasha Khawaarijta, kuwaas oo muddo dheer dhibaato aan kala sooc lagayn ku haya shacabka Soomaaliyeed.

 

Wasiirka cadaaladda XFS oo qaabbilay 𝐒𝐚𝐟𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐰𝐞𝐝𝐞𝐧 𝐮 𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐲𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐝𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐚𝐬𝐭𝐮𝐮𝐫𝐤𝐚 XFS 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐗𝐚𝐬𝐚𝐧 𝐌𝐚𝐜𝐚𝐥𝐥𝐢𝐧 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐮𝐮𝐝 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐱𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐢𝐢𝐬𝐚 𝐤𝐮 𝐪𝐚𝐚b𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐚𝐟𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐰𝐞𝐝𝐞𝐧 𝐮 𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐲𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐉𝐨𝐚𝐜𝐡𝐢𝐦 𝐖𝐚𝐞𝐫𝐧.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada Dowladood, gaar ahaan dhinacyada cadaaladda iyo dowlad wanaagga.

Wasiirka ayaa warbixin ka siiyay Safiirka halka uu marayo hanaanka dib-u-eegista iyo dhammeystirka dastuurka kaas oo qorshuhu yahay in la dhameystiro sanadkan 2025.

Safiirka ayaa ballan qaaday xoojinta taageerada hannaanka dowlad dhiska Soomaaliya asaga oo bogaadiyay shaqada baaxadda leh ee Wasaaradda ka qabatay horumarinta nidaamka cadaaladda iyo arrimaha ku xeeran dhameystirka dastuurka.

Wasiir Xasan Macallin ayaa uga mahadceliyay dowladda Sweden sida ay u garab taagan tahay dowlad-dhiska Soomaaliya, isagoo sheegay in ay dowladda federaalka ka go’an tahay in ay sii waddo wada-shaqeynta caalamiga ah si loo dhiso sharciyad iyo dowladnimo waarta.

Wasiirka cadaaladda XFS oo qaabbilay 𝐒𝐚𝐟𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐰𝐞𝐝𝐞𝐧 𝐮 𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐲𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐝𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐚𝐬𝐭𝐮𝐮𝐫𝐤𝐚 XFS 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐗𝐚𝐬𝐚𝐧 𝐌𝐚𝐜𝐚𝐥𝐥𝐢𝐧 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐮𝐮𝐝 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐱𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐢𝐢𝐬𝐚 𝐤𝐮 𝐪𝐚𝐚b𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐚𝐟𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐰𝐞𝐝𝐞𝐧 𝐮 𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐲𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐉𝐨𝐚𝐜𝐡𝐢𝐦 𝐖𝐚𝐞𝐫𝐧.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada Dowladood, gaar ahaan dhinacyada cadaaladda iyo dowlad wanaagga.

Wasiirka ayaa warbixin ka siiyay Safiirka halka uu marayo hanaanka dib-u-eegista iyo dhammeystirka dastuurka kaas oo qorshuhu yahay in la dhameystiro sanadkan 2025.

Safiirka ayaa ballan qaaday xoojinta taageerada hannaanka dowlad dhiska Soomaaliya asaga oo bogaadiyay shaqada baaxadda leh ee Wasaaradda ka qabatay horumarinta nidaamka cadaaladda iyo arrimaha ku xeeran dhameystirka dastuurka.

Wasiir Xasan Macallin ayaa uga mahadceliyay dowladda Sweden sida ay u garab taagan tahay dowlad-dhiska Soomaaliya, isagoo sheegay in ay dowladda federaalka ka go’an tahay in ay sii waddo wada-shaqeynta caalamiga ah si loo dhiso sharciyad iyo dowladnimo waarta.

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo kulan la yeeshay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Masar

Qaahira-Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Amb. Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Masar, ayaa magaalada Qaahira kulan kula yeeshay jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi.

Wasiirka ayaa jaaliyadda siiyay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan horumarka dalka iyo xaaladda uu marayo xiriirka wanaagsan ee labada dal ee Soomaaliya iyo Masar.

Jaaliyadda oo ka kooban ardayda wax ka barata jaamacadaha dalka Masar iyo ganacsatada halkaas ku dhaqan ayaa Wasiirka la wadaagay xaaladahooda iyo caqabadaha ay la kulmaan, iyaga oo soo jeediyey talooyin iyo cabashooyin si loo horumariyo taageerada loo fidiyo.

Munaasabadda ayaa waxaa goob joog ka ahaa Danjiraha Soomaaliya ee dalka Masar, Amb. Cali Cabdi Awaare, Danjiraha Jabuuti ee dalka Masar, Amb. Axmed Cali Barre, Lataliyaha Madaxweynaha Soomaaliya, Md. Daahir Maxamuud Geelle iyo diblomaasiyiin ka kala socotay Safaaradaha Soomaaliya iyo Jabuuti.

Wasiirka Amniga XFS oo booqday xarunta taliska ciidanka xudduudaha ee dowladda Ciraaq

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) oo ku sugan dalka Ciraaq ayaa booqday xarunta taliska ciidanka xudduudaha ee dowladda Ciraaq, isagoo ay weheliyaan Taliye ku xigeenka labaad ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Cabdalla Cabdalla, Agaasimaha guud ee Wasaradda Amniga Yuusuf Cali iyo Safiirka Soomaaliya ee dalka Ciraaq Danjire Ridwaan Xirsi Maxamed.

Wafdiga Wasiirka ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay xarunta, waxaana qaabbilay Taliyaha Ciidanka Xudduudaha, Sarreeyo Guuto Maxamed Cabdil Wahab Sukkar iyo saraakiil sare oo ka tirsan taliska.

Intii ay booqashada ku guda jireen wafdiga ayaa dhageystay warbixin kooban oo ku saabsan waajibaadka muhiimka ah ee talisku fuliyo, gaar ahaan howlaha lagu xaqiijinayo nabadgelyada xudduudaha dalalka deriska ah, iyadoo la adeegsanayo nidaamyada casriga ah iyo farsamooyinka tiknoolojiyadda horumarsan.

Sidoo kale, Wasiirka iyo wafdigiisu waxay indha-indheeyeen xarunta la socodka iyo xakamaynta dalka Ciraaq, halkaas oo sawirrada iyo muuqaalada laga soo duubay xuduudaha dalalka deriska ah looga soo gudbiyo xarunta dhexe ee Baqdaad, si loo fududeeyo kormeerka iyo ilaalinta xudduudaha.

Wasiirka Fartaag ayaa ammaanay shaqada xirfadeed ee ay qabtaan taliska ciidanka xuduudaha Ciraaq, gaar ahaan dedaallada ku aaddan ka hortagga soo galootiga sharci-darrada ah iyo hawlaha ka dhanka ah tahriibka, isagoo ku tilmaamay dedaalladaas kuwo mudan in laga tusaale qaato.

Booqashadan ayaa qeyb ka ah xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga la-dagaallanka argagixisada ee Soomaaliya iyo Ciraaq, isdhaafsiga waaya aragnimada iyo farsamooyinka la xiriira ilaalinta

Wasaaradda warfaafinta iyo Jaamacadda Muqdisho oo yeelanaya wada shaqayn dhaw

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Daa’uus Aweys Jaamac ayaa sheegay in Jaamacadda Muqdisho iyo wasaaraddu ay yeelan doonaan wada shaqayn ballaaran oo ku aaddan horumarinta dalxiiska, wacyigelinta, warbaahinta iyo adeegyada kala duwan ee ay bulshadu u baahan tahay.

“Jaamacadda Muqdisho iyo Wasaaradda Warfaafinta waxay yeelan doonaan wadashaqeyn ku saabsan horumarinta dalxiiska, wacyigelinta, warbaahinta iyo adeegyada kala duwan ee bulshadu u baahan tahay,” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta.

Wasiirka Warfaafinta oo xarunta Wasaaradda kulan kula yeeshay guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho Dr. Ibraahim Maxamed Mursal ayaa sheegay in mowduucyada ay ka wada hadleen isaga iyo guddoomiyaha Jaamacadda ay wax weyn ka tari doonaan siyaasadda dowladda, gaar ahaan arrimaha dalxiiska oo ah mid laga samayn karo dhaqaale ballaaran.

Wasiirka ayaa waxaa kulanka ku wehliyay Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al Cadaala iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale.