Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo la kulmay Wakiilka UNHCR ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali -Xoosh ayaa xarunta Wasaaradda kula kulmay wakiilka Soomaaliya ee Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabbilsaan arrimaha Qaxootiga ee UNHCR Mudane Charles Mballa.

Kulanka ayaa looga hadlay dedaallada wadajirka ah ee ku aaddan arrimaha Qaxootiga iyo Barkacayaasha ee Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabbilay maamulaha guud ee Sanduuqa Horumarinta Sucuudi Carabiya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabbilay wafdi uu hoggaaminayo Maamulaha Guud ee Sanduuqa Horumarinta Boqortooyada Sucuudi Carabiya, Mudane Sultan Abdulrahman Al-Marshad.

Labada dhinac ayaa waxay ka wada hadleen sidii ay kaalin uga qaadan lahayeen iskaashiga labada dhinac gaar ahaan arrimaha la maalgashiga iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka.

Kulanka ayaa looga hadlay sidii Sanduuqa Horumarinta Sucuudiga uu kaalin muuqata uga geysan lahaa, arrimaha horumarinta dhaqaalaha dalka iyo maalgashiga, maadaama uu sanduuqani kamid yahay hey’addaha sida gaarka ah ula shaqeeya dowladda, sidoo kalena uu qeyb weyn ku lahaa barnaamijkii dib-u-habeynta dhaqaalaha dalkeenna ee horseeday in Soomaaliya ay gaarto deyn cafin dhameystiran.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa uga mahadceliyey wafdiga ka socday Boqortooyada Sucuudiga booqashada ay ku yimaadeen Muqdisho, isaga oo xusay in Soomaaliya ay ka jiraan fursado waaweyn oo maalgashi gaar ahaan dhinacyada beeraha, kalluumeysiga iyo tamarta.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO FURAY SHIRWEYNAHA 7-AAD EE GARSOORKA DALKA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo furay Shirweynaha 7-aad ee Garsoorka dalka ayaa sheegay in dib-u-eegista iyo dhameystirka Cutubka 9-aad ee Dastuurka ay aasaas u tahay helidda nidaam garsoor oo la jaanqaadaya baahiyaha bulshada iyo dib u kabashada dalka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay guulaha la taaban karo ee sanadihii la soo dhaafay laga gaaray horumarinta garsoorka dalka, kuwaas oo ay ka mid yihiin; shaqaaleysiinta howl-wadeenno cusub oo loo maray hannaan tartan furan oo cadaalad ah iyo hirgelinta nidaamka elektarooniga ah ee dacwadaha, kaas oo si joogto ah loo horumarinayo si loo dedejiyo habsami u socodka adeegyada garsoorka.

“Dowladdu waxa ay si weyn uga shaqeynaysaa in cutubka ku saabsan Garsoorka uu noqdo mid [sida ugu wanaagsan] u qaabeeya arrimaha garsoorka, iyada oo la hubinayo in dastuurku uu saldhig u noqdo garsoor casri ah oo dabooli kara baahida caddaaladda ee bulshada”.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa adkeeyey sida ay uga go’an tahay Dowladda dhammeystirka dhismaha nidaam garsoor oo casri ah, hufan oo ay saldhig u tahay shareecadda Islaamka, isagoo soo bandhigay tallaabooyinka lagu xaqiijinayo oo ay ka mid tahay dhismaha Maxkamadda Dastuuriga ah, sare u qaadidda miisaaniyadda Hay’adaha Garsoorka iyo baahinta adeegga garsoorka dalka.

Ciidanka Booliska oo fashiliyay gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa

Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa gacanta ku dhigay gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa oo la rabay in lagu dhibaateeyo Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Caasimadda Muqdisho.

Walxahan qarxa ayaa dhagar qabayaashu ku soo farsameeyeen sameecadaha cod baahiyaasha ah , waxaanay ku talagaleen in si farsameysan ciidamada ku dhaafiyaan balse waa ay u suurtageli waysay maadaama ciidamadu u diyaarsan yihiin ka hortagga farsamooyinka cusub ee ay adeegsanayaan Khawaariijta mar walba.

Ciidanka Boliiska qeybtooda Xirfadlayaasha ah ayaa hadda ku guuleystay burburinta walxaha qarxa ee laga soo buuxiyay gaariga gacanta Boliiska ku jira.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay wakiilka gaarka ah ee midowga Afrika u qaabbilsan Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta qaabbilay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Ambassador Maxamed El-amine Souef oo ay ka wada hadleen arrimo la xiriira hawlgalka Midowga Afrika.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta Iskaashi ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Midowga Afrika, iyo howlgalka cusub ee taageerridda iyo Xasillinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) oo bedalaya ATMIS, iyada oo danjire Souef uu xusay in Midowga Afrika si buuxda uga taageerayo dowladda Soomaaliyeed ciribtirka kooxaha Khawaarijta ah.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa Midowga Afrika uga mahad celiyey taageerrada naf-hurnimada leh ee uu la garab joogo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, waxa uuna caddeeyey sida ay dowladda uga go’an tahay in dalka laga sifeeyo kooxaha Khawaarijta ah ee isku soo bahaystay in dalkeena ay nabadda u diidaan.

Soomaaliya iyo Sucuudiga oo kala saxiixday Mashaariic Horumarineed

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa kulan muhiim ah oo miro-dhal ah Xarunta Wasaardda Maaliyadda kula yeeshay Maamulaha guud ee Sanduuqa Horumarinta Dhaqaalaha Saudi Arabia Suldaan Abdulrahman Al-Marshad iyo masuuliyiin ka tocotay Dowladda Saudi Arabia oo shalay soo gaaray magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa diirradda lagu saaray hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda Soomaaliya oo haatan meel wanaagsan maraya iyo sidii loo maalgalin lahaa mashaariicda muhiimka ah ee ay si gaar ah Dowladda Soomaaliya mudnaan u siinayso.

Intii uu socday shirka, Wasiirka Maaliyadda ayaa xaqiijiyay sida ay Dowladda Soomaaliya uga go’an tahay abuuridda fursado dhaqaale oo lagu maalgalinayo bulshada Soomaaliyeed, si sare loogu qaado dhaqaalaha dalka iyo wax-soosaarka.

Kulan kan oo ay goobjoog ahaayeen Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha, madaxda Bangiga Horumarinta iyo dib-u-dhiska Soomaaliya, Safiirada laba Dal ee Soomaaliya iyo Saudi Arabia ayaa waxaa lagu saxiixay heshiis is afgrad ah oo Dowladda Sucuudigu ay ku maalgalinayo qodista Ceelal Biyoodyo iyo horumarinayo Reer Miiga.

Talaabooyinka horumarineed ee lagu maalgalinayo ilaha dhaqaalaha ayaa ah natiijo ka dhalatay hannaankii deyn cafinta oo Dowladda Soomaaliya ay ku maamushay waddadii saxnayd.

Wasiir Fiqi iyo madaxweyne ku-xigeenka Kenya oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga gobolka

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS, Danjire Axmed Macallim Fiqi ayaa garoonka diyaaradaha ee jomo kenyatta magaalada Nairobi kula kulmay madaxweyne ku-xigeenka Kenya, Kithure Kindiki.

Wasiir Fiqi oo kasoo laabtay socdaalkiisii dalka Masar ayaa sidoo kale madaxwene ku-xigeenka Kenya la wadaagay xoojinta xiriirka labada dal iyo horumarinta iskaashiga mandiqadda bariga Afrika.

Kulanka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray sida Soomaaliya ay uga go’an tahay in la xoojiyo nabadda, wada-shaqaynta iyo horumarka guud ee gobolka.

Shirweynaha Garsoorka dalka oo maanta Muqdisho ka furmay

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS Xasan Macallin ayaa maanta furay wejiga 1aad ee Shirweynaha Garsoorka Dalka oo sanadkiiba mar la qabto.

Wasiirka ayaa sheegay in sanadkaan uu ajandaha shirku yahay sidii loo casriyeyn lahaa xeerarkii duugga ahaa ee hore loo adeegsan jiray si loola jaan qaado aaladaha cusub ee haatan la adeegsado.

Wasiirka Cadaaladda “Shirweynaha Garsoorka Dalka, sanadkaan waxa uu daarran yahay sidii loo casriyeyn lahaa xeerarkii duugga ahaa.”

Wasiirka ayaa sheegay in labadii sano ee lasoo dhaafay uu garsoorka dalku sameeyay horumar la taaban karo.

Gudoomiyaha Maxkamada Rafcaanka gobolka Banaadir Siciid Cali Maxamed oo ka hadlay furitaanka shirka ayaa sheegay in wax ka baddal loo marayo hannaan casri ah ay ku samayn doonaan habka cadaaladda iyo garsoorka dalka.

“Wax ka baddal aan u mareyno hannaan Casri ah ayaan ku sameyn-doonaa habka cadaaladda iyo Garsoorka dalka”.

Israa’iil oo xoojisay duqeymaha Gaza,isla markaana dishay 22 ruux

Ciidamada Israel ayaa sare u qaaday weerarada ay ku hayaan deegaanada Gaza, iyagoo duqeymo ka geystay xarun iskuul iyo guryo badan oo ku yiillay Marinka Gaza, xilli la tilmaamay in uu soo dhawaaday  heshiiska xabbad joojinta ah.

Weeraradii u dmbeeyay ayaa la sheegay in ciidamada Isrel ay ku dileen 22 qof tan iyo waaberigii saaka,iyadoo dhexdhexaadiyaasha ay xaqiijiyeen in heshiis xabbad joojin ah oo la gaaro uu ka soo dhow yahay sidii hore,

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden iyo Madaxweynaha Masar Abdel-Fattah al Sisi ayaa  si wadajir ah ugu baaqay Israel iyo Xamaas inay soo gabagabeeyaan heshiiska xabbad joojinta oo xal u noqon kara dhinacyadaasi .

Kumanaan Israa’iiliyiin ah ayaa isugu soo baxay Magaalada Tel Aviv, iyagoo ku baaqay in la gaaro heshiis lagu sii deynayo maxaabiista lagu haysto Gaza, iyadoo dhinaca kale boqollaal ka mid ah kuwa mayalka adag ay socod ku mareen Magaalada Jerusalem, kuwaas oo dalbanaya in dagaalka la sii wado.

Dhimashada dadka reer Falastiin ee ku dhintay Gaza ayaa mareysa in ka badan 46,645,halka dhaawacana lagu sheegay 110,012 tan iyo Oktoobar 2023.

SoDMA oo gargaar ka qaybisay degaanno hoostaga Guriceel

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SoDMA, ayaa ceelka Daboole ee duleedka degmada Guriceel waxa ay gargaar ugu qeybisay 120 qoys oo ka kooban danyar, agoon iyo dad ay saameysay abaarta LaNina.

Qaar kamid ah qoysaskii gargaarkan la gaarsiiyay ayaa u mahadnaqay hay’adda SoDMA, iyagoo sheegay in loo keenay xilli ay baahi badan u qabeen, Lana daalaa dhacayeen sameynta abaarta LaNina.

Hay’adda maaraynta musiibooyinka Qaranka ee SoDMA ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxay howlo raashiin qaybin ka wadday degaanno ka tirsan gobollada dalka, iyadoo muhiimadda siinaysa goobihii ay ku dhufteen abaaraha, daadadka iyo degaannadii laga xoreeyay khawaarijta.