Wasiirka Deegaanka XFS oo kulan la qaatay Safiirka Jarmalka ee Soomaaliya

Nairobi – Wasiirka Wasaaradda Deegganka iyo Isbadalka Cimillada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Bashiir Maxamed Jaamac oo uu wehliyo Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa kulan mira dhal ah maanta kula qaatay magaalada Nairobi ee dalka Kenya Safiirka Jarmalka ee Soomaaliya Danjire Sebastian Groth, kaasi oo uga wada hadleen xoojinta Iskaashiga labada dal, xal-u-hellidda Arrimaha Isbadalka Cimilada iyo Deegganka.

Kulanka waxaa kaloo looga hadlay xoojinta taageeridda dowladda Jarmalka ee Soomaaliya ee ku qotoma La-qabsiga Isbadalka Cimilada iyo maareynta Deegganka.

Shirka waxaa ka qeybgalay diblomaasiyiin ka tirsan Safaaradda, khuburo Wasaaradda Deegaanka ka tirsan iyo xubno kale.

   

Wasiirka Amniga XFS oo booqday Taliska Guud ee Ciidanka Booliska dalka Ciraaaq

Baqdaad: Wasiirka Wasaaradda Amniga XFS Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo safar shaqo ku jooga magaalada Baqdaad ayaa booqday Taliska Guud ee Ciidanka Booliska dalka Ciraaaq.

Booqashada Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ku wehlinayay, Wasiirka Arrimaga Gudaha Ciraaq Sarreeye guud Cabdul Amir Al-Shammari iyo Safiirka dalkeenna Soomaaliya u jooga Dalka Ciraaq DR. Ridwaan Xirsi.

Taliye ku xigeenka Boliiska oo sagootiyey Ciidamo Tababar layli Sarkaalnimo ku soo qaadanaya Dalka Masar

Ku simaha Taliyaha ahna Taliye ku xigeenka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Cismaan Maxamed Cabdullaahi (Kaniif) ayaa sagootiyey Ciidamo Tababar layli Sarkaalnimo ku soo qaadanaya Dalka Masar .

Hogaanka Tababarada iyo Qorsheynta oo qaban qaabiyey Safarka Ciidanka ayuu Taliyaha warbixin ka dhageystay, waxaana uu Ciidamada fursadda u helay Tababarka kula dardaarmay inay ka faa’ideystaan aqoon kororsiga ay heleen.

Madaxweynaha JFS oo soo dhaweeyay heshiiska Xabbad-joojinta Gaza

Gaza: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa soo dhaweeyay heshiiska xabbad-joojinta Gaza, isaga oo bogaadiyay dadaallada ay sameeyeen dalalka Qatar, Masar, iyo Mareykanka si loo xaqiijiyo heshiiskan.

Madaxweynaha ayaa ku baaqay in la isku keeno dadaallada caalamiga ah iyo kuwa gobolka si loo adkeeyo heshiiska xabbad-joojinta, isla markaana loo dedejiyo gaarsiinta gargaarka bini’aadantinimo ee degdegga ah ee shacabka ku nool Gaza, si loo yareeyo xaaladdooda adag ee bini’aadantinimo.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in Soomaaliya ay had iyo jeer taageersan tahay nabadda, isaga oo ku baaqay in la helo xal cadaalad iyo waara ah oo lagu dhisayo dowlad Falastiini ah oo madaxbannaan, si waafaqsan mabda’a laba dowladood.

Shirweynaha 7-aad ee Garsoorka dalka oo maalintiisa labaad galay

Shirweynaha 7-aad ee garsoorka dalka ayaa maalintiisa labaad ka socda magaalada Muqdisho, iyadoo diiradda lagu saarayo casriyeynta nidaamka garsoorka Soomaaliya.

Shirkan ayaa waxaa ka qeybgalaya Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir, iyo guddoomiyeyaasha maxkamadaha sare ee dowlad-goboleedyada. Mas’uuliyiintan ayaa dhageysanaya doodaha muhiimka ah ee ku saabsan horumarinta garsoorka iyo tayeynta hay’adaha cadaaladda.

Sanadkan, shirweynaha ayaa xoogga lagu saaray sidii loo xoojin lahaa awoodda garsoorka, gaar ahaan la dagaallanka dambiyada xuduudaha ka baxsan iyo hagaajinta wada shaqeynta hay’adaha kala duwan ee dalka.

Israa’iil iyo Xamaas oo 19 ka bishaan dhaqangalinaya heshiis xabbad-joojin ah

Dadka reer Falastiin ee ku nool Gazaaza ayaa isugu soo baxay waddooyinka,kadib markii dhexdhexaadiyayaasha ay xaqiijiyeen in la gaaray heshiis xabad joojin ah oo dhexmaray Xamaas iyo Israa’iil.

Dabbaaldegyo iyo fantasyo loo sameynaayo heshiiskaasi  ayaa ka dhacay Gaza,iyadoo ay muuqdaan rajo ku aadan soo afjaridda  dagaalka u dhaxeeya Israel iyo Xamaas ee socday mudada 15-ka bilood ah.

Xabbad joojinta ayaa lagu wadaa in ay dhaqan gasho maalinta Axadda ee ku beegan 19-ka Janaayo sida ay ka dhawaajiyeen xubno u xilsaarnaa dhexdhexaadinta Israel iyo Xamaas oo maalmahaan ku shirayey Magaalada Doxa ee Dalka Qadar.

Dhinaca kale ciidamada Israel ayaa xoojiyay weerarada ay ku hayaan Marinka Gaza, iyagoo dilay ugu yaraan 40 falastiiniyiin ah tan iyo markii lagu dhawaaqay heshiiska, sida ay sheegtay warbaahintu.

Sarkaal ka tirsan Xamaas oo lagu magacaabo Izzat al-Rishiq ayaa sheegay in heshiiska lagu gaaray caasimadda Qatar ee Dooxa uu buuxinayo dhammaan shuruudaha kooxda Falastiin oo ay ku jiraan in ciidamada Israa’iil ay si buuxda uga baxaan Gaza, dib u soo celinta barakacayaasha iyo joojinta dagaalka.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa uga mahadceliyey madaxweynaha Mareykanka Joe Biden iyo madaxweynaha la doortay ee Donald Trump kaalinta ay ka qaateen heshiiska lagu soo afjarayo dhibaatooyinka daraasiin la haystayaal ah iyo qoysaskooda.

Wasiir Fiqi oo khadka taleefanka kula hadlay dhigiisa dalka Ukraine

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa khadka taleefanka kula hadlay dhigiisa dalka Ukraine, Andrii Sybiha, si ay uga wada hadlaan xoojinta xiriirka diplomaasiyadeed iyo iskaashiga labada dal.

Labada wasiir ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka labada dal iyo horumarinta danaha ay wadaagaan.

Ciidanka dowlad goboleedka Puntland oo burburiyay talisyo Daacish ku lahaayeen buuralayda Cal-miskaad

Boosaaso: Ciidanka dowlad goboleedka Puntland ayaa burburiyay ilaa shan talis oo kooxda argagixisada Daacish ku laheyd deegaanno dhaca buuralayda Cal-miskaad ee Gobolka Bari kadib howlgal ay shalay halkaasi ka sameeyeen.

Saraakiisha hoggaamineysa howlgalkan ayaa sheegay in talisyadan la burburiyay ay kooxda ka soo abaabuli jirtay dhagaraha ay shacabka u maleegaan.

Ciidanka ayaa haatan ku sii raad joogo firxadka kooxda, iyagoo beegsanayo meelaha ay ku dhuumaalaysanayaan, si halistooda loo soo afjaro.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka oo guddoomiyey kulan ku saabsan iskaashiga Sucuudiga iyo Soomaaliya

Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta guddoomiyay kulan dhexmaray Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo Maamulaha guud ee Sanduuqa horumarinta Boqortooyada Sucuudi Carabiya mudane Suldaan Cabdulraxmaan Al-Marshad.

Intii uu kulanku socday, ayaa laga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dhinac, gaar ahaan arrimaha maalgashiga iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka, iyada oo la soo bandhigay fursadaha maalgashi ee ka jira dalka, kuwaas oo u baahan in maalgalin caalami ah lagu sameeyo, si looga faa’iideysto kheyraadka dalkeenna dhex ceeggaaga.

Sido kale, kulanka ayaa si gaar ah looga hadlay kaalinta uu Sanduuqa Horumarinta Sucuudiga ku yeelan karo horumarinta dhaqaalaha dalkeena, iyadoo Wasiirrada kulanka ka qeyb galay, khubaro ka socotay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, iyo hey’adaha kale ee dowladda, ay soo bandhigeen qorshayaal cad oo la xiriira mashaariicda mudnaanta leh ee Dowladda Soomaaliya ee ku saleysan Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP) ee ay dhawaan dowladdu diyaarisay.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa uga mahadceliyay wafdiga Sanduuqa Horumarinta Sucuudiga taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Soomaaliya, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in labada dhinac ay sii xoojiyaan wada shaqeynta, si loo xaqiijiyo ujeeddooyinka wadajirka ah ee ku aaddan horumarinta dhaqaalaha iyo dib-u-dhiska dalka.

Maamulaha guud ee Sanduuqa Horumarinta Sucuudiga, Mudane Sultan Abdulrahman Al-Marshad, ayaa isaguna ku celiyay sida ay uga go’an tahay taageerada Soomaaliya, isagoo xusay in sanduuqu uu sii wadayo maalgashiga iyo horumarinta mashaariicda wax ku oolka ah ee dalka.

        

Wasiirka Qoyska oo la kulantay ku xigeenka ergayga Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda Qoyska iyo hormarinta xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhsuumi ayaa maanta xafiiska ku qaabishay George Conway ku xigeenka Ergeyga gaarka ah Xoghayaha Guud ee QM (DSRSG/RC/HC).

Kulankan waxaa Wasiirka ku wehliyey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya Maxamed Bashiir Cumar iyo Khuburrada Wasaaradda waxaana looga wada hadlay wada shaqeynta Wasaaradda iyo Hay’adaha QM iyo sidoo kale hawlaha horyaala Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya.

George Conway ku xigeenka Ergeyga gaarka ah Xoghayaha Guud ee QM ayaa ugu horeyn ugu hambalyeeyey Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi xilkan cusub ee loo magacaabay waxaana uu rajo ka muujiyey wada shaqeynta hay’adaha QM iyo Wasaaradda Qoyska iney noqon doonto mid weyn isaga oo dhankoodana ballan qaaday iney sii laba jibaari doonaan.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta xuquuqul Insaanka Soomaaliya Amb Khadiija Maxamed Al-Makhsuumi oo kulanka ka hadashay ayaa sheegtay in Wasaaraddu ay ka go’an tahay la shaqeynta hay’adaha Caalamka guud ahaan si gaar ahna kuwa QM waxaana ay dhinaca kale faah faahin ka bixisay dhammaanba hawlaha horyaala Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya iyo sida ay uga go’an tahay gudashada waajibaadka loo igmaday.