Munaasabad lagu taagerayo doorashooyin qof iyo ah oo muqdisho lagu qabtay

Munaasabad lagu taagerayo doorashooyin qof iyo cod ah oo uu soo qaban qaabiyay wasiirka wasaaradda gaashaandhigga XFS mudane, Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa lagu qabtay magaalada Muqdhigo.

Munaasabaddan ayaa waxaa ka qayb galay mas’uuliyiin ka mid ah labada gole ee dowladda, maamulka gobolka Banaadir , ururrada bulshada iyo boqolaal shacab ah oo taageersan in ay dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah.

Wasiirka gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in ay dadka Soomaaliyeed diyaar u yihiin in ay codkooda ku doortaan cidda hoggaamin doonto mustaqbalka dhaw.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska XFS , mudan Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh (Al-caddaala) ayaa sheegay muhiimadda ay dalka u leedahay dhallinyarada Soomaaliyeed codkooda in ay ku ciil baxaan.

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗮 𝗼𝗼 𝗱𝗵𝗮𝗴𝗮𝘅-𝗱𝗵𝗶𝗴𝗮𝘆 𝗱𝗵𝗶𝘀𝗺𝗮𝗵𝗮 𝗰𝘂𝘀𝘂𝗯 𝗴𝗮𝗿𝘀𝗼𝗼𝗿𝗸𝗮 𝗱𝗮𝗹𝗸𝗮

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa dhagax-dhigay dhismaha cusub ee garsoorka dalka oo loo dhisayo qaab casri ah, kaas oo la jaan-qaadaya hannaanka lagu casriyeynayo garsoorka dalka.

Ra’iisul wasaaraha, ayaa sheegay in hirgelinta dhismahan uu wax weyn ka tari doono horumarinta adeegga ay shacabka Soomaaliyeed u hayaan hey’addaha garsoorka dalka, taas oo ah tallaabo weyn oo loo qaadday wax ka qabashada baahiyaha ay qabaan hey’addaha caddaaladda dalka.

“Hirgelinta dhismahani waa tallaabo wanaagsan oo loo qaadday baahi-tirka hannaanka caddaaladda dalka oo ay haysteen dhibaatooyinka ay ka mid tahay xafiis la’aan, tan oo ka dhigan tallaabo bilow u ah hannaanka casriyeynta caddaaladda dalka, iyo fududeynta adeegga ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed”. Ayuu yiri ra’iisul wasaaraha.

Munaasabadda dhax-dhigga dhismaha garsoorka dalka, waxaa goobjoog ka ahaa, guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka, wasiirka Caddaaladda iyo Dastuurka, Xeer Ilaaliyaha Qaranka iyo masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan hey’addaha caddaaladda dalka.

    

SoDMA iyo WFP oo kawada hadlay arrimaha gar-gaarka dalka

Guddoomiyaha hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka, mudane, Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa xarunta dhexe ee hay’adda SoDMA ku soo dhaweeyay madaxa hay’adda Cunnada Adduunka (WFP) ee Bariga Afrika mudane, Laurent Bukera.

Kulanka labada masuul ayaa si dhaw loogu falanqeeyay xaaladda bani’aadannimo ee dalka, sidii ay wada-shaqeyn dhow u yeelan lahaayeen hay’adaha ka shaqeeya arrimaha gargaarka iyo abuuridda jawi u fududeenaya bahwadaagta howlaha gargaarka in ay waajibaadkooda si fudud u gutaan.

Guddoomiye Maxamuud Macallin ayaa ka codsaday Laurent Bukera oo booqashadiisu ku soo aaday xilli laga cabsi qabo natiijo taban oo ka dhalata abaarta in hay’adda WFP si dhaw ula shaqayso SoDMA iyo wasaaradaha Gargaarka iyo Maaraynta Musiibooyinka ee dowlad gobolleedyada.

Guddoomiyaha oo bogaadiyay xariirka shaqo ee ka dhaxeeya SoDMA iyo WFP, ayaa guud ahaan hay’adaha gargaarka iyo deeq-bixiyayaasha ugu baaqay in indhaha lagu hayo xaaladda abaareed ee dalka ka taagan.

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo furay Shirweynaha 7-aad ee Garsoorka dalka ayaa sheegay in dib-u-eegista iyo dhameystirka Cutubka 9-aad ee Dastuurka ay aasaas u yihiin helidda nidaam garsoor oo la jaanqaadaya baahiyaha bulshada iyo dib u kabashada dalka.
2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa soo dhaweeyay heshiiska xabbad-joojinta Gaza, isaga oo bogaadiyay dadaallada ay sameeyeen dalalka Qatar, Masar iyo Mareykanka si loo xaqiijiyo heshiiskan.
3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Kampala ee dalka Uganda kaga qeybgaley Shir Madaxeedka Barnaamijka Horumarinta Beeraha Afrika (CAADP), isla markaana khudbad ka jeediyay, lana kulmay qaar ka mid ah madaxdii ka qeybgashey.
4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan kula qaatay qaar ka mid ah ururrada bulshada rayidka Soomaaliyeed, kana dhageystay aragtiyadooda iyo talooyinkooda la xariira xaaladda dalka gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo amniga dalka .
5- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka dib ugu soo laabtey kadib wadahadal uu Addis Ababa kula soo yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed, wadahadalkaasna ku qotomay xoojinta xiriirka labada dal.
6- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, Ayaa Muqdisho ku qaabilay Agaasimaha Guud ee Sanduuqa Horumarinta Boqortooyada Sucuudi Carabiya, Mudane Sultan Abdulrahman Al-Marshad, iyagoo ka wadahadley xoojinta iskaashiga labada dhinac gaar ahaan arrimaha maalgashiga iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Soomaaliya.
7- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan la yeeshay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Ambassador Maxamed El-amine Souef oo ay ka wada hadleen arrimo la xiriira Hawlgalka Midowga Afrika.
8- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa si rasmi ah u soo xiray Shirweynaha 7-aad ee Garsoorka dalka.
9- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in xukuummadda ay tallaabooyin adag ka qaadi doonto mas’uul kasta oo isku daya inuu xad gudub ku sameeyo haweenka Soomaaliyeed.
10- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo ka qeybgaley munaasabad qalin jebin oo ka dhacdey Jaamacadda Muqdisho, ayaa sheegay in DFS ay waddo qorshayaal lagu horumarinayo waxbarashada dalka, si ay ubadka Soomaaliyeed u helaan tacliin tayo sare leh.
11- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa kulan la yeeshay Agaasimaha Guud ee Sanduuqa Horumarinta Boqortooyada Sucuudi Carabiya, Mudane Sultan Abdulrahman Al-Marshad.
12- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Labaad ee Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa guddoomiyey kulankii ugu horreeyey ee ay yeeshaan Guddiga Fududeynta Arrimaha Ganacsiga Soomaaliya (NTFC) oo ka kooban 18 xubnood oo isugu jira wasaarado iyo hay’ado kale oo dowladeed.
13- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa kormeer shaqo ku tagey xarumaha Wasaaradda Amniga Gudaha iyo Hey’adda Socdaalka Jinsiyadda.
14- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa khadka taleefanka kula hadlay dhigiisa dalka Ukraine, Andrii Sybiha, iyagoo ka wadahadley xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga labada dal.
15- Wasiirka Warfaafinta Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa sheegay in Jaamacadda Muqdisho iyo wasaaraddu ay yeelan doonaan wada shaqayn ballaaran oo ku aaddan horumarinta dalxiiska, wacyigelinta, warbaahinta iyo adeegyada kala duwan ee ay bulshadu u baahan tahay.
16- Wasiirka Arrimaha Dibadda Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa la kulmay dhiggiisa dalka Masar Dr. Badr Abdel Atty, iyagoo ka wadahadley horumarinta xasiloonida gobolka iyo kaalinta dowladda Masar ee hawlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM.
17- Wasiirka Warfaafinta Daa’uud Aweys Jaamac ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna Madaxa Hawlgalka AUSSOM, Ambassador Mohamed El-Amine Souef.
18- Wasiirka Arrimaha Dibadda Danjire Axmed Macallim Fiq ayaa ka qaybgalay shirkii labaad ee Guddiga Saddex-geesoodka ah ee Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Masar, iyo Eritrea oo ka dhacay magaalada Qaahira.
19- Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa magaalada Nairobi kula kulmay Madaxweyne Ku-Xigeenka Kenya, Kithure Kindiki.
20- Wasiirka Amniga Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil oo safar shaqo ku jooga magaalada Baqdaad ayaa booqday xarumaha Taliska Guud ee Ciidanka Booliska iyo Taliska Ciidamada Xuduudaha Ciraaaq.
21- Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna Madaxa Hawlgalka AUSSOM, Ambassador Mohamed El-Amine Souef, ayaa soo dhaweeyay dib u soo laabashada xiriirkii diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Itoobiya.
22- Wasiirka Hawlaha Guud Mudane Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa magaalada Nairobi ugu qeybgalay shirka Guddiga Hagista Mashruuca Isku-Xirka Kaabayaasha Dhaqaalaha Geeska Afrika.
23- Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa gacanta ku dhigay gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa oo la rabay in lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed ee ku nool caasimadda Muqdisho.
24- Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ayaa lagu soo dhaweeyay kalluumeysato Soomaaliyeed oo laga soo badbaadiyay xeebaha dalka Seychelles.
25- Wasiirka Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa magaalada Muqdisho kulan isbarasho iyo soo dhaweyn ah kula qaadatay haweenka Soomaaliyeed.
26- Bayaan kasoo baxay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda ayaa lagu sheegay in lagu raad-jooga horjooge Yusuuf Maxamed Xuseen oo loo yaqaano (Jeeri Carab) oo ka tirsan Khawaarijta Al Shabab.
27- Wasiirka Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha Khadiija Maxamed Al-Makhsuumi ayaa kulan la yeelatey George Conway oo ah Ku-Xigeenka Ergeyga Gaarka ah Xoghayaha Guud ee QM ee arrimaha Banii`aadinimadda.
28- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-Heshiisiinta Mudane Cali Yuusuf Cali -Xoosh ayaa kulan la yeeshay Wakiilka Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabbilsan Arrimaha Qaxootiga (UNHCR), Charles Mballa.
29- Dowladda Soomaaliya oo bogaadisey Ciidanka Dowlad Goboleedka Puntland ee burburiyay ilaa shan talis oo kooxda argagixisada Daacish ku laheyd deegaanno dhaca buuralayda Cal-miskaad ee Gobolka Bari.
30- Akadeemiyada Cilimiga, Dhaqanka iyo Suugaanta ayaa magaaladda Muqdisho ku qabatay barnaamij looga hadlay saameynta baraha bulshadu ku leeyihiin dhaqanka iyo hiddaha Soomaaliya.
31- Taliye Ku-Xigeenka Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ay wehliyeen saraakiil ka socotay Midowga Yurub ayaa tababar ugu soo xiray Dugsiga Jeneraal Dhegabadan cutubyo ka mid noqonaya Booliska soomaaliyeed.
32- Ilaa 11 kalluumeysato Soomaali ah oo muddo ka badan bil lagu la’aa biyaha Badweynta Hindiya ayaa laga helay xeebaha dalalka Singapore, Maldeves iyo Sri Lanka.
33- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa kulan la yeeshay Danjiraha Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Amb. Pier Mario Daccò Coppi.

Cisbitaalka Balcad oo yeeshay Xarun qaabilsan hooyada iyo dhallaanka

Qaar kamid ah xubnaha lada gole ee XFS ayaa maanta xarigga ka jaray qeybta hooyada iyo dhallaanka ee lagu kordhiyay cisbitaalka Degmada Balcad oo ka tirsan Gobolka Sh/Dhexe.

Xafladdii furitaanka waxaa ka hadlay Wasiirka Caafimaadka XFS Dr Cali Xaaji Warsame , Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibada XFS Cali Balcad ,iyagoo ka waramay baahida loo qabay qeybtaan cusub iyo kaalinta ay ka qaadan doonto samotabixinta hooyada iyo dhallaanka.

Sidoo kale,waxaa munaasabadii xarig jarka ka hadlay Dr Cismaan Dufle ,isagoo yiri”si loo hormariyo howlaha shaqo ee Isbitaalka degmada Balcad waxaan shaqaalaha u sameyn doonaa tababar Caafimaad si aan u dhiirigalinno bulshada reer Balcad”.

Djammaan xubnihii ka socday labada gole waxa ay ballanqaadeen in ay gacan ka geysan doonaan sidii guud ahaam cisbitaalkaasi uu u heli lahaa sahay dhanka daawada ah ,qalab iyo tababar la siiyo shaqaalaha caafimaadka ee halkaasi.

Dhismaha iyo horumarka ka muuqda cisbitaalka degmada Balcad waxa uu muujinayaa sida dadka reer Balcad ay ugu fiicanyihiin isku tashiga iyo wax wada qabsiga,gaar ahaan marka ay jiraan arrimaha danaha guud

Madaxda Ganacsiga XFS”Dowladda waxaa ka go’an in dalka laga hirgaliyo mashaariiic wax ku ool ah

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Cismaan Daallo oo ka qeybgalay barnaamijka todobaadka warbaahinta ayaa sheegay in ay socdaan barnaamijyo maalgashi ah oo ay ku dhiiradeen ganacsato Soomaaliyeed oo ku dhaqan gudaha iyo kuwo kale oo ka yimid dibadda.

Wasiir ku xigeenka ayaa xusay in amniga iyo bilicda ka jirta caasimadda Muqdisho ay keeni karto in la sameeyo mashaariic horumarineed iyo maalgashi ka badan kuwa hadda socda.

Cismaan Daallo ayaa soo jeediyau in la maalgashado brrtaha iyo Warshadaha dalka si loo soo celiyo wax soo saar looga kaaftoomi karo adeegyada laga keeno dibadda.

Wasiir ku xigeenka Ganacsiga ayaa ku baaqay in shacabka iyo ganacsatada ay ka qeybqaataan dib u dhiska iyo maalgashiga si kooxaha ajnabiga ah ay ugu soo dhiiradaan imaanshaha caasimadda.

Israel oo geysatay xasuuq, ka hor xabbad-joojinta la filayo Axadda soo socota

Ugu yaraan 87 Falastiiniyiin ah oo ay ku jiraan 21 carruur ah iyo 25 haween ah ayaa lagu dilay weerarrada Israa’iil ee Gaza tan iyo markii lagu dhawaaqay heshiis xabbad-joojin ah oo bilaabmaya Axadda soo socota.

“Qiyaastii 15 carruur ah ayaa maalin kasta lagu waramay  in Gaza ay  ku soo gaaraan dhaawacyo dagaal oo halisgalin kara noloshooda ,gaar ahaan dhinaca naafanimada” sidaasi waxaa yiri Hey’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga Falastiin .

Dhinaca kale,Golaha wasiirrada Israa’iil ayaa la filayaa in ay maanta isugu yimaadaan kulan lagu ansixinayo  heshiiska xabbad joojinta ee Qaza, sida ay wararku sheegayaan.

Laba ka mid ah wasiirrada xukuumadda midigta fog ee xagjirka ah ayaa ku hanjabaya inay iska casilayaan xukuumadda ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu haddii heshiiska xabbad joojinta Gaza la ansixiyo.

Dagaalka Israa’iil ee Qaza waxa uu galaaftay  ugu yaraan 46,788 halka uu dhaawac ka soo gaaray 110,453 tan iyo Oktoobar 2023.

Wasiir Fiqi oo waraaqihii aqoonsiga ka guddoomay Safiirka cusub ee Suudaan

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Suudaan Mudane Abdurahman Khalil Ahmed Abakr.

Kulanka dhinacyadaasi ayaa la iskula soo hadal-qaaday xoojmta xiriirka labada dal iyo sare-u-qaadidda iskaashiga lagama maarmaanka u ah labada dowladood. .

Wasirka ayaa xusay in Soomaaliya ay ka go’antahay xoojinta xiriirka labo geesoodka ee kala dhexeeya Suudaan,isagoo boogaadiyay waxqabadka iyo guulaha ballaaran ee ay ku tallaabsadeen dowladda dalkaasi.

Wasiir Axmed Fiqi waxa uu u rajeeyay Danjire Abdurahman Abakr inuu horumar ka sameeyo howlaha kala duwan ee horyaalla,wuxuuna dhinaca kale xusayna muhiimadda ay leedahay Suudaan oo mid ah,isla markaana ku jirta nabad iyo xasilooni.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo sheegay in xoogga la saaray horumarinta sharuucda Garsoorka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in aan dowlad wanaag laga shaqeyn karin oo musuqmaasuq la ciribtiri karin, haddii aan la helin hannaan garsoor oo lagu wada kalsoon yahay.

Ra’iisul Wasaaraha, oo ka hadlayay xiritaanka Shirweynaha 7-aad ee Garsoorka dalka, ayaa xusay in Xukuumaddu ay xoogga saartay sidii dib-u-habeyn loogu sameyn lahaa garsoorka dalka, si dib loogu soo celiyo kalsoonidii ay shacabka Soomaaliyeed ku qabeen, isaga oo adkeeyey muhiimadda ay leedahay casriyeynta garsoorka dalka oo kaalin wanaagsan ka qaadanaya hufnaanta caddaaladda.

“Waxaa marqaati ka tihiin in isbeddel muuqda lagu sameeyey hannaanka garsoorka dalka, taas oo soo celisay kalsoonidii ay dadka Soomaaliyeed ku qabeen nidaamka caddaaladda dalkeenna, tani oo ku timid dadaalkiinna”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha

Mudane Xamsa, ayaa tilmaamay in dowladdu ay ilaalinayso madax-bannaanida garsoorka, isla markaana ay la garab taaggan tahay wax walba oo ay u baahan yihiin, isaga oo kula dardaarmay in la tayeeyo shuruucda iyo xeerarka kala duwan ee ay ku shaqeeyaan garsoorka dalka, meeshana laga saaro wax walba oo aan la jaanqaaddi karin dastuurka iyo shareecada Islaamka.

               

Wasiirka Deegaanka iyo Madaxa Bankiga Adduunka oo kulan muhiim ah yeeshay

Nairobi- Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo isbadalka cimilada Soomaaliya Midane Bashiir Maxamed Jaamac iyo Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa kulan la qaatay Madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaaliya Marwo Kristina Svensson.

Kulanka ayaa waxaa looga wada hadlay xoojinta wada shaqeynta labada dhinac, Maalgelinta mashaariicda la xiriira horumarinta Deegaanka iyo isbadalka cimilada, la qabsiga iyo adkeysiga bulshada Soomaaliyeed.

Shirka waxaa la isla gartay dardargelinta Barnaamiyada horumarineed ee uu Bankiga ka wado dalkeenna ee loo yaqaan CCDR iyo taageeridda Wasaaradda ee arrimaha la xiriira dhanka sameynta sharuucda, siyaasaddaha iyo tayaynta shaqaalaha Wasaaradda.

Kulanka waxaa Safiirka iyo Wasiirka ku wehlinayay qaar ka mid ah Madaxda Wasaaradda Deegaanka, kaasi oo guul ku soo dhamaaday.