Hantidhowraha Guud ee Qaranka oo bogaadiyay kororka miisaaniyadda ee sanadkii lasoo dhaafay

Hantidhowraha guud ee JFS Abuukate Axmed Ciise Guutaale ayaa bogaadiyay kororka Miisaaniyadda Dowladda ee sanadkii lasoo dhaafay.

Waxa una xusay in labadii sano lasoo dhaafay uu xafiiska Hantidhowrka uu door firfircoon ka qaatay kororkaas muuqda islamarkaana ay jirtay isla xisaabtanka iyo dabagalka ay sal u ahaayeen in dakhliga dowladda soo gala si toos ah loogu xareeyo meelaha ku habboon,

Hantidhowraha guud ee JFS Abuukate Axmed Ciise Guutaale,oo ka hadlayay Munaasabadii daahfurka miisaaniyadda ee 2025 ayaa dhiirrageliyay tallaabooyinka cusub ee la qaadayo,isagoo sheegay in adeegyada lagu sameeyay fatashka ama dabagalka laga arki karo natiijada kasoo baxday dabagalkaas, kororka dakhliga iyo howshii ka socotay xafiisyadaas ama hay’adahaas.

“Dakhliga gudaha in uu isbaddelay ma ahayn wax iska dhacay ee waa wax ku yimid dedaal la sameeyay, sidii loo tallaabsaday 2024 ayaa la rabaa in 2025 loosoo kordhiyo”ayuu yiri Abuukaate Axmed Ciise Guutaale, Hantidhowraha guud JFS.

Xamaas iyo Israa’iil oo maxaabiis isdhaafsaday

Saddex kamid ah maxaabiis Israa’iiliyiin ah ayaa laga sii daayay Gaza, iyadoo lagu wareejiyay ciidamada Israa’iill, taasi oo ah wajiga ugu horeeyay ee xabbad-joojin Ururka Xamaas iyo Israel ay dhawaan gaareen labada dhinac.

Maxaabiistan la siidaayay ayaa kala ah Romi Gonen, oo 24 jir ah, Emily Damari, oo 28 jir ah, iyo Doron Steinbrecher, oo 31 jir ah, kuwaas oo gacanta Xamaas galay 7-dii October 2023, kadib weerarkii loogu magacdaray Duufaanul Aqsaa ee ay kaa qaadeen Ururka Xamaas.

Muuqaallo ay baahisay Aljazeera ayaa laga arkayay muuqaalkii ugu horeeyay isdhaafsiga la heystayaasha labada dhinac, kuwaas oo isla xalay gaaray dhulka ay haystato Israel ee Falastiin, waxaana ka muuqatay wajiyadooda farxad muujineysa helidda xorriyadooda.

Dhanka kale Xukuumadda Israa’iil ayaa uun saacado kadib siideynta Xamaas, waxay iyana dhankooda ka siidaayeen maxaabiista Falastiiniyiinta ah, kuwaa oo gaaraya ilaa 90 qof oo muddo ku jiray jeelalka Israa’iil.

Xabbad-joojin ka dhaqan-gashay Gaza ayaa bilaabatay Axaddii ka dib markii labada dhinac ee kala ah Xamaas iyo Xukuumadda Israa’iil ansixiyeen heshiiska labada dhinac, waxaana heshiiska dhanka Israa’iil diiday 3 wasiir oo kali ah taas oo aan hor istaagi karin fulintiisa.

Is weydaarashada maxaabiista ayaa qeyb ka ah wajiga koowaad ee heshiiska xabbad-joojinta ee dhex maray Xamaas iyo Israa’iil , kaas oo ay dhex dhexaadiyeen Qatar, Masar iyo Mareykanka.

Wareegga labaad ee sii deynta maxaabiista ayaa lagu wadaa in uu dhaco Sabtida soo socoto, markaas oo la filayo in la sii daayo 33 ka mid ah la maxaabiista Israa’iil, , halka Israa’iil ’il ay xabsiyadeeda kasii deyn doonto ku dhawaad 2,000 oo Falastiiniyiin ah. Wajiga koowaad ee xabbad joojinta ayaana socon doono muddo 42 maalin ah.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka oo guddoomiyay shir arrimo muhiim ah looga hadlay

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka, Mudane Baashe Yuusuf Axmed, oo uu weheliyo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa guddoomiyay shirka sanadlaha ee Guddiga Sare ee Machadka Tababarka Garsoorka Soomaaliya.

Shirka oo ah midkii Afaraad ayaa waxaa waxaa sido kale ka qeybgalay Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha sare ee dowlad goboleedyada iyo Masuuliyiin kale.
Agaasimaha Machadka ayaa soo bandhigay guulaha sanadkii la soo dhaafay uu gaaray Machadka Tababarka Garsoorka, oo ay ka mid yihiin diyaarinta istiraatijiyadda garsoorka, tababarro xirfadeed, iyo xiriirrada caalamiga ah.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Dr. Baashe Yuusuf Axmed ayaa ku ammaanay machadka dadaalkiisa, isagoo ku boorriyey inay sii xoojiyaan tayeynta garsoorka dalka.

          

DF oo qabatay kulanka dib-u-eegista mashaariicda uu maalgeliyo xafiiska deeqaha iyo horumarinta ee Jarmalka

Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga, iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Soomaaliya ayaa maanta qabatay kulankii labaad ee dib-u-eegista mashaariicda ay maalgeliso Dowladda Jarmalka, oo ay fuliyaan KfW Development Bank iyo GIZ.

Kulankan oo ka dhacay Xarunta Wasaaradda Qorsheynta Qaranka ayaa waxaa si wadajir ah u furay Agaasimaha Waaxda Kormeerka iyo Qiimeynta ee Wasaaradda, Mudane Maxamuud Siciid Nuur, iyo Agaasimaha Waaxda Iskuduwidda Deeqaha, Mudane Cabdifataax Cismaan Xasan (Gaandi).

Shirka ayaa diiradda lagu saaray qiimeynta heerka fulinta iyo saameynta mashaariicda socda, iyadoo la isla falanqeeyay sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta u dhaxeysa dowladda iyo hay’adaha caalamiga ah. Waxaa sidoo kale xoogga la saaray in la hormariyo hufnaanta, isla xisaabtanka, iyo tayada mashaariicda mudnaanta leh.

Kulanka waxaa ka soo qayb galay agaasimiyaal iyo mas’uuliyiin ka socda Wasaaradaha Federaalka iyo hay’adaha maxalliga ah ee dalka. Mas’uuliyiinta ayaa soo bandhigay warbixino ku saabsan waxqabadka mashaariicda socda iyo fursadaha lagu xoojin karo habka fulinta.

Ugu dambeyn, ka qayb-galayaasha ayaa bogaadiyay dadaalka Wasaaradda Qorsheynta ku bixiso hubinta tayada mashaariicda dalka laga fuliyo iyo dhiirrigelinta isla xisaabtanka hay’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya Soomaaliya.

Dowladda Jarmalka waxay ka mid tahay saaxiibada muhiimka ah ee Soomaaliya, iyadoo taageero joogto ah ku bixisa dhismaha hay’adaha dowliga ah iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.

Madaxweynaha JFS oo kormeer shaqo ku tagay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga XJFS. Madaxwaynaha ayaa kulammo miro-dhal ah la qaatay Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida iyo Nabad Sugidda si loo dardargeliyo howlgallada lagu ciribtirayo khawaarijta.

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda ayaa sidoo kale ka dhageystay hoggaanka Ciidamada Qaranka warbixinno ku saabsan xaaladda guud ee amniga dalka, dagaalka lagula jiro argagixisada iyo sidii loo sii xoojin lahaa, isaga oo ku bogaadiyey daddaallada geesinnimada iyo nafhurinimada leh ee ay muujiyeen Ciidammada Xoogga Dalku.

 

   

Wasiirka Maaliyadda XFS oo rasmi ah u daah-furay Miisaaniyadda Dowladda ee 2025-ka

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray Miisaaniyadda Dowladda ee 2025-ka, kadib munaasabad kooban oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Munaasibadda daahfurka Miisaaniyadda ayaa waxaa ka soo qeyb galay masuuliyiin kala tirsan dhammaan hey’adaha Dowladda, ururada bulshada oo ka kooban Aqoonyahano, Culimo iyo Waxgarad. Intii ay socotay munaasibadda ayaa waxaa faahfaahin ka mixiyay hab maamulka guud ee Miisaaniyadda iyo sida loo isticmaalayo, Agaasimaha Miisaaniyadda Wasaaradda Maaliyadda Mudane Axmed Cadi Adan (Iraad). Sidoo kale Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane Saleiman Sheekh Cumar ayaa ka hadlay ahmiyadda ay miisaaniyada u lee dahay Wasaaradda iyo habka hufnaanta Maamulka Guud ee Maaliyadda.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Biixi Imaan Cige ayaa khudbad uu ka jeediyay munaasabadda ku sheegay sida ay Dowladda uga go’an tahay horumarinta Maaliyadda dalka taas oo uu ku tilmaamay in koroorka miisaaniyadda ay sabab u tahay casriyeynta ilaha dakhliga iyo hannaanka dib-u-habeynta dhaqaalaha dalka.

Miisaaniyadda Dowladda ee 2025-ka oo ah mid ka sareysa dhammaan Miisaaniyaddihii dowladda tan iyo markii kumeel gaarka laga baxay ayaa gaartay $1.3 Billion oo Doollar, taas oo mudnaan siinaysa arrimiha bulshada iyo amniga dalka.

 

  

Wasiirka Wasaaradda Qoyska oo kulan la qaadatay ururrada Bulshada Rayidka

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa kulan wadatashi ah la qaatay qeybaha kala duwan ee ururrada Bulshada Rayidka Soomaaliya.

Kulankan oo isugu jiray isbarasho iyo Wadatashi waxaa Wasiirka ku wehliyey Wasiiru dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Mudane Maxamed Cismaan Naastaro iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Maxamed Bashiir Cumar iyo xubno kale oo Wasaaradda ka tirsan.

Xubnaha u hadlay ururrada Bulshada Rayidka ah ee kulanka ka hadlay ayaa ugu horeyn ka mahad celiyey marti qaadka loo fidiyey iyo in lala tashanayo waxaana ay soo dhaweeyeen magacaabista Wasiirka cusub ee Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ayaga oo ballan qaaday iney Wasaaradda si hagar la’aan ah ula shaqeyn doonaan.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi oo kulanka khudbad ka jeedisay ayaa xubnaha ka socday Ururrada Bulshada Rayidka ah uga mahad celisay soo dhaweyntooda iyo tallooyinkooda waxaana ay warbixin ka siisay howlaha horyaala Wasaaradda oo ay ugu horeeyaan xoojinta dhowrista Xuquuqul Insaanka Soomaaliya iyo in Haweenka lagu dhiiri geliyo islamarkaana lagu gacan siiyo shaqooyinka muhiimka ah ee Dalka oo ay ugu horeeyaan xilalka iyo doorashooyinka qof iyo cod ee la filayo iney dalka ka dhacaan.

Kulankan ayaa qeyb ka ah kulammo wadatashi ah oo Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi la yeelaneyso qeybaha kala duwan ee bulshada ayadoo kulankii kan ka horeeyey la qaadatay Haweenka Soomaaliyeed.

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka oo kormeer shaqo ku tegay Machadka Daraasaadka Amniga

 Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta kormeer shaqo ku tegay Machadka Daraasaadka Amniga ee hoos yimaada Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed,isagoo u kuurgeliyay shaqooyinka muhiimka ah ee machadkan, gaar ahaan habsami u socodka imtixaanka dufcaddii 3aad ee ka qalinjabinaysa tan iyo markii machadka la aasaasay.
Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka ayaa bogaadiyay maamulka iyo shaqaalaha Machadka oo shaqo muhiim u ah horumarinta amniga qaranka u haya dalka, wuxuu sidoo kale, hambalyo u diray ardayda soo gabagabeyneysa waxbarashadooda, iyagoo noqon doona laf-dhabarta xoojinta xasilloonida iyo horumarka dalkeenna.
Ugu dambeyn, wuxuu hoosta ka xariiqay in Machadkani tiir muhiim ah u yahay kaalin weynna ka qaatay soo saarista xirfadlayaal aqoon sare u leh amniga iyo la dagaallanka fikirka xagjirka. Ardayda machadka ka baxaysa waxay bartaan culuum muhiim u ah amniga qaranka, sida cilmiga dambiyada, falanqaynta khataraha, iyo la dagaallanka fikradaha waxyeellada leh ee bulshada lagu marin habaabinayo.
    

Shir looga hadlayo wada-shaqeynta xafiisyada Hantidhowrka Guud ee Qaranka oo ka furmay Muqdisho

Ku-xigeenka Hantidhowraha Guud ee JFS, Mudane Cabdi-Jamaal Cusmaan Maxamed ayaa maanta si rasmi ah uga furay magaalada Muqdisho shir muhiim ah oo socon doona muddo shan maalmood ah. Shirka waxaa ka qaybgalaya mas’uuliyiin ka tirsan Xafiisyada Hantidhowrka Guud ee heer federaal iyo heer Dowlad gobolleed.

Ujeedka shirkan ayaa ah in la gorfeeyo dhammeystirka qaab-dhismeedka iskaashiga iyo wada-shaqeynta xafiisyada  Hantidhowrka Guud ee labada heer,arrintan waxa ay ka soo baxday shirkii sanadlaha ahaa ee labada dhinac ay yeesheen sanadkii hore, iyada oo qayb ka ah istiraatiijiyadda Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS.
Waxaa la filayaa in shirka laga soo saaro heshiis rasmi ah oo dhinacyadu ay wada saxiixaan, kaas oo qeexaya habka wada-shaqaynta labada heer, waaxda xiriirka Dowlad Gobolleedyada ee xafiiska Hantidhowrka Guud ayaa door muhiim ah ka ciyaaraysa isku-xirka doodaha iyo soo bandhigidda fikradaha ka qaybgalayaasha inta uu shirku socdo.

Shirkan ayaa ah tallaabo muhiim ah oo kor u qaadaysa wada-shaqaynta iyo hufnaanta hay’adaha hantidhowrka, si loo xaqiijiyo mas’uuliyadda iyo daahfurnaanta la xiriirta maamulka kheyraadka dowladda.

         

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga oo xafiiskiisa ku qaabilay Agaasimaha Rugta Ganacsiga Soomaalida Norway

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Danjire Axmed Macallim Fiqi, ayaa xafiiskiisa kusoo dhaweeyey Agaasimaha Guud ee Rugta Ganacsiga Soomaalida Norway, mudane Maxamed Cabdulqaadir kulanka oo uu goobjoog ka ahaa Agaasimaha waaxda jaaliyadaha iyo Qurbajoogta Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mudane Ibraahim Guure Maxamed.

Wasiirka ayaa aqbalay casuumad uu ka helay Rugta Ganacsiga si uu uga qaybgalo xafladda furitaanka shirweynaha ganacsi ee Somali Norwegian Business Summit, oo ay si wadajir ah u qabanqaabinayaan Rugta Ganacsiga Soomaalida Norway, Waaxda Jaaliyadaha iyo Qurbajoogta ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Norway.

Wasiirka ayaa muujiyey taageero iyo bogaadin ku aaddan dadaalka ay wadaan Rugta Ganacsiga Soomaalida Norway ee ku saabsan xoojinta xiriirka dhaqaale iyo dhaqan ee Soomaaliya iyo Norway, sidoo kale, wasiirka ayaa rejo wanaagsan ka muujiyay shirweynaha Caalamiga ee Qurbajoogta Soomaaliyeed oo lagu qaban doono sanadkan magaalada Oslo ee dalka Norway.