Hay’adda NISA oo digniin u dirtay dadka dhaqaalaha siiya khawaarijta

Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa digniin culus u dirtay dadka ku howlan maalgelinta kooxaha argagixisada.

Qoraal ay soo saartay hay’adda ayaa lagu yiri “Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA oo la socota dhaqdhaqaaqyada Khawaarijta ayaa ganacsatada, dallaaliinta iyo darawallada gaadiidka uga digeysa maalgelinta argagixisada iyo bixinta baadda ay Zakawaat-ka ugu magac dareen”.

Wasiir Cali Xoosh oo gaaray Jowhar

Jowhar- Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali -Xoosh ayaa maanta safar shaqo ku gaaray xarunta Hirshabeele ee Jowhar.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshebeelle Mudane Cabdi Daahir Guure, Duqa Jowhar Mudane Cismaan Beerreey, odayaasha dhaqanka, haweenka iyo dhalinyarada ayaa Wasiir Xoosh kusoo dhaweeyay Garoonka diyaaradaha.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Xildhibaan Cali Xoosh ayaa intaa kadib kulan la qaatay madaxweynaha maamul goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen.

Wasiir Cali Xoosh ayaa uga mahadceliyay soo dhawaynta Madaxwayaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo guud ahaan reer bulshada Hirshabeelle.

Wasiir Xoosh ayaa inta uu joogo halkaasi waxaa uu kulamo la yeelan doonaa hoggaanka siyaasadda, shaqanka iyo qeybaha bulshada ee Hirshabelle.

Soomaaliya iyo Afrikada dhexe oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal

New York- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta kula kulmay magaalada New York, Zénon Ngay Mukongo, Ergeyga Joogtada ee Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Koongo u qaabbilsan Qaramada Midoobey.

Labada mas’uul ayaa wada hadlay sare-u-qaadidda xiriirka labo dhinaclaha iyo iskaashiga u dhexeeya labada dal, iyo sidoo kale horumarka siyaasadeed iyo amni ee Afrikada dhexe.

Kulanka ayaa diiradda lagu saarray kor-u-qaadidda xiriirka dhaqaale, dhowridda midnimada dhuleed iyo qarannimo ee labada dal ee Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Koongo, iyadoo la isla soo hadal-qaaday muhiimadda ay leedahay in caqabadaha gobolka lagu xalliyo aragti Afrikaanku leeyihiin iyo xaqiijinta bedqabka iyo ammaanka ganacsatada Soomaaliyeed ee beec-mushtarka ku leh DRC, loona fududeeyo habraacyada, iyadoo la ilaalinayo naftooda iyo danahooda maaliyadeed.

Xuska Maalinta Warfaafinta Soomaaliya 21-ka Janaayo

Shacabka  Soomaaliyeed ayaa maanta u dabbaaldegaya xuska maalinta warfaafinta Soomaaliya,gaar ahaan qoraalka Afka Soomaaliga oo kamid ah luuqadaha looga hadlo Geeska Afrika ee ay adeegsadaan dadka ugu tirada badan,kuwaas oo ku dhaqan deegaan ballaaran oo u dhexeeya gacanka Tojorra ilaa iyo webiga Tana ee Waqooyiga Kenya.

Inkastoo af Soomaaligu ay ku hadlaan dad tiradaas leh ee ku baahsan dhulka baaxadaas leh, haddana qoraal rasmi ah oo ay dadka Soomaalidu ku dhaqmaan ma jirin. Muddadii intaas ka horreysay qoraallada ay dadweynaha Soomaaliyeed ku wada xiriiri jireen waxay ahaayeen luqadaha Carabiga, Ingiriisiga iyo Talyaaniga.

Bishii Oktoobar 21keedii, sannad guuradii saddexaad ee Kacaankii Oktoobar sanadkii 1972kii ayuu Guddoomiyihii Golihii Sare ee Kacaanka Jaalle Maxamed Siyaad Barre ku dhawaaqey go’aanka ah in farta Laatiinka loo isticmaali doono qoraalka farta Soomaaliga, iyadoo wax yar oo isbeddel ah lagu sameeyey nidaamka erayada loo kala qeybinayo.

Bishii Jannaayo 21keedii 1973dii, sanad kaddib markii lagu dhawaaqay qoraalka afka Soomaaliga ayay ahayd markii ugu horreysay ee uu dalka ka soo baxo wargeys ku hadlaya Afka Soomaaliga, maalintaasaana loo asteeyay iney noqoto maalinta warfaafinta Soomaaliyeed.

Wargeyskii xiddigta Oktoobar oo ku qoran af Soomaali ayaa subaxdaas lagu waabariistay iyaodoo farxad darteed qof walba uu sito nuqul ka mid ah wargeyskaas. Ma rabo inaan taariikhda dheer ee qoraalka iyo wargeysayada Soomaaliya hadda u guda galo, hase ahaatee wargeyska Xidigta Oktoobar oo maalintaas ku soo baxay af Soomaali, wuxuu ku soo bixi jiray afafka Taliyaaniga iyo Ingiriisiga, waxaana soo saari jirtay wasaaradda warfaafinta.

Wargeyskan kahor intaan lagu qorin Af Soomaaliga waxaa la dhihi jiray Stella d`Ottobre waxaana la soo saaray markii uu curtay Kacaankii Oktoobar 1969kii, wuxuuna ku ekaa 1973dii markii magaciisa laga dhigay Xiddigta Oktoobar af Soomaalina lagu qoray.

Wargeyskan wuxuu lahaa qayb Ingiriisi ah oo ay isku mar soo wada baxeen 1969kii, hase ahaatee sanad kaddib istaagay 1970ki. Wargeyskan inta uusan Kacaanku la wareegin waxaa la dhihi jiray Corriera della Somaliya wuxuuna ku soo bixi jiray afka Taliyaaniga, wuxuuna soo bilaabmay 1950kii, wuxuuna socday ilaa 1969kii ee uu Kacaanku la wareegay.

Markii haddaba uu bilowday wargeys ku hadla afka Soomaaliga ayaa waxaa iyana kordhay dadkii wax ku qorayay af Soomaaliga. Taasina waxay keentay inuu kobco af Soomaaligii oo ay soo baxaan ereyo badan oo loo adeegsado xafiisyada, dugisyada iyo Warbaahinta. Warbaahintu waxay u ahayd macallin bulshada, waxay mar walba soo saareysay ereyo af Soomaali ah oo loo adeegsado dhinacyo badan ee nolosha ah.

Ereyadii waagaas ay warfaafintu sameysayna ilaa iyo maanta waa kuwa loo adeegsado warbaahinta. Waxaase nasiib darro ah in markii uu Kacaankii meesha ka baxay uu afkii agoontoobay, siina kori waayay, iyadoo ay taasi ugu wacan tahay daryeel la`i qabsatay afkii iyo qoraalkiisii oo waayay cid halkii ka sii qaadda.

Dhallinyaradii ku soo biirtay warbaahintana ay waayeen daliil amaba hage u horseeda una tilmaama adeegsiga iyo higaadda afka Soomaaliga. Taasina waxay keentay in qof walbaa siduu rabo uu wax u qorto, uguna hadlo. Waxaa sii lumay heerkii afka iyo qoraalkiisa, walow imin dhow ay bilaabmeen ururro iskood isu xilqaamay oo ku baraarugay iney tahay muhiim in wax laga qabto afka iyo qoraalkiisa.

Waxaase nasiib darro ah, dhallinyaradii saxaafadda meheradda ka dhigtay oo aan u soo jeedin iney hagaajiyaan aqoontooda afka iyo qoraalka Soomaaliga oo sidey rabaan wax u jacburiya, iskuna dayeyn xataa iney wax kororsadaan. Sidaas darteed waxaan rabaa inaan u sheego waayeelka warfaafinta Soomaaliyeed iyo qalinleyda aqoonta fiican iyo khibradda u leh afkan iney u huraan waqtina siiyaan dhallinyarada meherdleyda ah ee doonaya iney wax qoraan iney waqtigooda wax ka siiyaan oo ay tababarro u furaan, dhallinyaradana ay ka faaiideystaan oo ay iyaguna waqti siiyaan waa haddii ay doonayaan iney meheraddan ku shaqeeyaan bulshadana anfacaan.

Ugu dambeyntii anigoo ka faaiideysanaya munaasabaddan waxaan hambalyo u dirayaa dhamaan warfaafinta Soomaaliya meel kasta oo ay dunida ka joogaan waayeelkooda iyo dhallinyaradooda, Waxaan u rajaynayaa dhamaantood xirfadleyda warbaahinta Soomaaliyeed bad qab iyo caafimaaf. Waxaan ogahay in kuwooda xirfad-yaqaanka ah, daacadda ah ee uusan saameyn eex, qabiil iyo hunguri iney ugu shaqeyn doonaan dadkooda iyo dalkooda si hufan oo waxtar u ah bulshada iyo dalka.

W/qoray Abuukar Gob-doon

Soomaaliya iyo Slovenia oo iska kaashanaya dib u dhiska iyo horumarinta

New York-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta kula kulmay New York, Tanja Fajon, Ra’iisul wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Yurub ee Jamhuuriyadda Slovenia.

Labada mas’uul ayaa waxay ka wada hadleen sare-u-qaadidda xiriirka labo geesoodka iyo ballaarinta dhinacyada iskaashiga iyo wax wadaagga.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu falanqeeyay xaaladihii ugu dambeeyay ee siyaasad iyo amni, si gaar ah howlgalka lagu baacsanayo, laguna ciribtirayo kooxaha argagaxisada ee ka socda gobolka Waqooyi Bari ee dalka iyo qeybo ka mid ah gobollada koonfureed.

Waxaa sidoo kale kulanka lagu lafa guray dedaallada lagu bixinayo fulinta hindasayaasha laguna horumarinayo goobaha la xorreeyay sida dayactirka iyo dhismaha kaabayaasha muhiimka ah oo ay ka mid yihiiin iskuullada, isbitaallada iyo saldhigyada booliiska, kuwaas oo muhiim u ah soo kabashada iyo xasilloonida.

Wasiirka Warfaafinta oo diray farriin ku aaddan maalinta warfaafinta

asiirka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska XFS, mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa diray fariin ku aaddan maalinta warfaafinta iyo xuska markii ugu horreysay ee la qoro wargeys Afka Soomaaliga ku soo baxo 21-ka Jannaayo 1973-kii.

Maanta waxay ku astaysan tahay xuska guul taariikhi ah oo umaddeena u soo hoyatey muddo ahaan laga joogo 52 sanno kana tarjumeysa muhimadda xaqiijinta warbaahin bulshada u adeegta iyo xoojinta hiddaha iyo dhaqanka aan leenahay oo luuqaddu ugu horeyso.

Munaasabadan qaaliga ah ee maalinta warbaahinta Soomaaliyeed, waxa aan u dabaaldageyno ma ahan oo keliya horumarka ballaaran ee warbaahinteenu sameysay, balse waxaa iyana ku hoos jirta maalin aan la ilaabi karin oo taariikhi ah, taas oo ah daah-furka wargeyskii ugu horreeyay ee ku qoran afkeenna Soomaaliga oo udub dhexaad u ah jiritaankeena ummadnimo.

Taariikhdan mugga weyn leh, waxay astaan u tahay sida ay inooga go’an tahay ilaalinta aqoonsigeena, hiddaha, dhaqanka iyo sheekooyinka hodanka ah ee qeexaya sawir cadna ka bixinaya dhaxalka ma guuraanka ah ee ummadda Soomaaliyeed ay leedahay.

Af-soomaaligu ma ahan oo keliya mid aan xiriirkeena ku adkeyno, balse waa doon weyn oo ay ku raran yihiin sheekooyinkeena, taariikhdeena, halgankeena, iyo himiladeena.

In Wargeyskii ugu horeeyay lagu qoro Af Soomaali muddo haatan laga joogo nus qarni, waxay noqotey tallaabo loo aayay oo suurageliyay codka bulshadeena la maqlo, sheekooyinka iyo taariikhda aan leenahayna lagu sheego afkeenna hooyo.

Waxaan bogaadinayaa saxafiyiinta, tifaftirayaasha, iyo cid kasta oo weli meesha kasii wadda hawshan mudddada dheer soo socotey.

Waxaa dhammaanteen waajib uu inaga saaranyahay inaan sii casriyayno shaqadan muhiimka ah, kuna soo darno qeybo adkeynaya midnimadeena, is-dhexgalka bulsho iyo reebista dhaxal mustaqbalka u horseedi doona jiilasha soo socda inay dareemaan in looga tegay taariikh mudan in mar walba la ilaaliyo, si gaar ahna loo qiimeeyo.

Inagoo haddaba u dabaaldegayna xuskan weyn, , ayaan haddana waxaan caddeynayaa in Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay ka go’an tahay xaqiijinta mabaadi’ida xoroyadda hadalka iyo fikirka, iyo welliba xaqiijinta helista xogta ee shacabka ay xaqa u leeyihiin.

In la helo warbaahin tayadeedu sareyso oo bulshada waxa san u bidhaamineysa, xumaantana uga digta, ayaa waxay sal u tahay hirgelinta nidaam dimoqraadiyadeed oo isla xisaabtan ku dheehan.

Waxaan mar kale leeyahay hambalyo bahda saxaafadda, isla markaana ugu baaqayaa dhamaan bahda saxaafadda in ay xaqiijiyaan jiritaanka warbaahin tayadeedu sareyso, oo xambaarsan anshaxa iyo xirfadda saxda ah ee mihnaddan ay mudan tahay, iyagoo maanka ku haya inay indho u yihiin bulsho u ooman xog sax ah oo wax dhisaysa.

HAMBALYO HAMBALYO HAMBALYO

Wasiir Fiqi oo ka hadlay fadhiga golaha ammaanka ee QM

New York- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa khudbad ka jeediyay fadhiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ee tirsigiisu yahay 9841 ee ku qabsoomay xarunta New York.

Fadhiga oo diiradda lagu saaray xaaladda bani’aadantinimo ee ka taagan Gaza iyo sidii wax looga qaban lahaa xaaladaha liita ee ka jira halkaasi.

Wasiir Fiqi ayaa caddeeyay in Soomaaliya ay ka go’an tahay garab-istaagga iyo taageeridda qadiyadda Falastiin.

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka oo si rasmi ah u Shaaciyay Diiwaangalinta Ururrada Siyaasadda

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka & Soohdimaha Cabdikariin Axmed Xasan oo Shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa soo gudbiyay jadwalka doorashada, diiwaangelinta xisbiyada iyo waxyaabihii kale ee guddiga u qabsoomay.

Guddoomiye Cabdikariin Axmed ayaa sheegay in maanta oo ah 20-ka Janaayo 2025 billaabatay diiwaangelinta Ururrada siyaasadda si loo siiyo shahaadada aqoonsiga ah iyada oo howshaan socon doonta ilaa 31-ka Maarso 2025.

Ururradii horey ee uu diiwaangeliyay Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka ayuu sheegay Guddoomiyha in ay dib ka qaadanayaan shahaadada cusub isla markaana ay  saxiixi doonnaan shuruucda lasoo kordhiyay iyada oo aanay wax khidmad ah laga qaadin.

Guddoomiye Guddiga Doorashooyinka iyo Soohdimaha Cabdikariin Axmed Xasan,ayaa tilmaamay in guddigu uu gaari doonno gobolada dalka si dadka halkaas ugu nool ay u helaan xuquuqdooda codeynta oo ay ku dooran karaan qofka ku metala siyaasadda,iyadoo laga gudbayo doorashooyinka Dadban ee muddo wax lagu soo doortay.

“Qof walba oo Soomaliyeed ha u diyaar garoobo doorasho qof cod ah, waxaan rabnaa in aan todobaadka soo socda asteyno goobaha cocodbixinta”ayuu yiri sidoo kale  Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan

Shirka Daah-furka Dhismaha Guddiga Hubinta Badqabka Kalluunka oo ka furmaya magaalada Muqdisho.

Shirka Daah-furka Dhismaha Guddiga Hubinta Tayada iyo Kormeerka Badqabka Kalluunka Soomaaliya ayaa goordhow ka furmaya magaalada Muqdisho.

Shirkan waxaa ka qeyb galaya wasiirro, xildhibaanno, xubno ka socda bahda kaluumeysiga, iyo wakiillo ka socda hay’ado caalami ah. Ujeedada shirka ayaa ah in la dhiso guddi si rasmi ah u kormeera tayada kalluunka, badqabka cunistiisa iyo horumarinta habraacyada hubinta tayada kalluumeysiga Soomaaliya.

Munaasabadaan ayaa lagu wadaa in lagu soo bandhigo qorshayaal lagu horumarinayo warshadaha kalluumeysiga, iyadoo diiradda la saarayo ilaalinta tayada iyo badqabka kalluunka, si loo hubiyo in uu u qalmo suuqyada gudaha iyo dibadda.

 

  

Wasiirka Shaqada oo faah faahin ka bixiyay heshiis shaqa abuur oo dowladda la gashay Sacuudiga

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS Yuusuf Maxamed Aadan,oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa faah faahin ka bixiyay heshiis shaqa abuur loogu sameynayo dhallinyarada ee dowladda dhawaan la gashay sacuudiga.

Wasiirka shaqada ayaa sheegay
Shaqooyinkaasi aya ka faa’ideysan doonaan dhallinyarada leh xirfadaha kale duwan iyo kuwa aan la hayn intaba  si shaqa loogu abuur dhallinyarada Soomaaliyeed.

“Shaqooyinka sacuudiga heshiiska aynu kula soo galnay waxay isku jiraan dhallinyarada xirfadaha shaqada leh iyo kuwa aan xirfadda lahayn”.

Waxa uu intaa hadalkiisa sii raaciya Wasiirka shaqada iyo arrimaha Bulshada in heshiiskan uu soo maray habraacyadii loogu tala galay,dhallinyaradana la rabo in ay aaminaan.

“Heshiiska dhinaca shaqada ee aan la galnay dowladda Sucuudiga waxaan rabnaa in dhallinyaradu aaminaan, maxaa yeelay waxa uu soo maray habraacyadii loogu tala galay”. Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS Xildhibaan Yuusuf Maxamed Aadan

Agaasimaha Waaxda Sharciyada iyo Xiriirka Shaqaalaha ee Wasaaradda Shaqada Sucaad Cabdullaahi Macallin ayaa sheegtay in shaqooyinkaasi loo marayn doono hab raac sax ah.

“Dhallinyarada Sacuudiga ka shaqeyntooda wax musuq maasuq ah ma jiri doono, Waxaa lagu qaadanayaa oo ay marayaan hab raac sax ah”Agaasimaha Waaxda Sharciyada iyo Xiriirka Shaqaalaha ee Wasaaradda Shaqada