Madaxweynaha Hirshabeelle oo ka tacsiyeeyay geerida abwaan Cabdulle Geeda-naar

Jowhar- Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa kaga tacsiyeeyay shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladda Hirshabeelle geerida Allaha u naxariisto Abwaan Cabdulle Geeda-naar.

Abwaanka ayaa caan ku ahaa shiribka iyo guuroowga waxana uu suugaantiisa diirada ku saari jiray nabadda iyo wacyigelinta.

Noloshiisa ugu badan waxa uu ku qaatay magaalada Muqdisho inkastoo waayadii dambe uu ku noolaa gobalka Shabeellada Dhexe ee Dowladda Hirshabeelle.

“Allaha u naxariisto Abwaan Cabdulle Geeda-naar, ehelka, asxaabta iyo shacabkii Soomaaliyeed ee muddada ku xirneyd suugaantiisa waxaan ugu tacsiyeynayaa geerida Abwaanka.”

Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa Alle uga baryay inuu ka waraabiyo Janno Fardowsa.

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN

Wasiir Cali-xoosh oo kulamo la qaadanaya qaybaha kala duwan ee bulshada Jowhar

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh oo shaqo ku jooga Hirshabeelle ayaa waqti la qaatay qaybaha kala duwan ee shacabka ku dhaqan magaalada Jowhar ee xarunta Hirshabeelle.

Xildhibaan Cali Xoosh, ayaa dhagaystay talooyinka odayaasha dhaqanka iyo dhallinyarada ee ku aaddan arrimaha xasilinta iyo dib u heshiisiinta guud ahaan dalka, gaar ahaan deegaannada Hirshabeelle.

Wasiir Cali Xoosh ayaa shalayto gaaray magaalada Jowhar ee caasimadda Hirshabeelle, isagoo kulamo gaar-gaar ah la qaatay madaxda maamulka oo uu u horreeyo madaxweyne Cali Guudlaawe, siyaasiin iyo qaybo ka mid ah ururrada bulshada.

Dowladda Soomaaliya ayaa wadda dedaallo dib u heshiisiin, sidoo kale ay socdaan dedaallo wacyi gelin ku aaddan u diyaar garowga doorasho qof iyo cod ah, taas oo lagu wado in ay dhowaan dalka ka qabsoonto.

Hay’adda SoDMA oo gargaar u qeybisay dad danyar ah oo ku dhaqan Deyniile

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA ayaa waxa ay deeq gargaar raashin ah degmada Deyniile ee gobolka Banaadir ugu qeybisay qoysas ka kooban danyar iyo kuwa naafo ah.

Gargaarkaan ayaa ka faa’iideeystay 1,000 qof, waxaana hore sidaan oo kale hay’adda SoDMA qoysas naafo ah iyo kuwo danyar ah ay raashin ugu qeybisay degmooyinka gobolka banaadir ,ayadoona SoDMA ay u taagantahay caawinta Bulshada Soomaaliyeed.

Agaasimaha gargaarka ee dagmada Deyniile ayaa u mahadnaqay Hay’adda SoDMA, isagoo sheegay in gargaarkan oo ku soo aadday xilli ay baahi badan u qabeen ayna uga mahadnaqayaan gurmadka joogtada ah iyo caawinta ay la garab jogaan dadka jilicsan hoggaanka SoDMA.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo guddoomay abaalmarinta hoggaamineed ee Afrika

Davos: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la guddoonsiiyey Abaalmarinta Hoggaamineed ee Afrika oo ay bixiso Africa House, munaasabad lagu qabtay magaalada Davos ee Switzerland.

Abaalmarintan ayaa lagu maamuusay hoggaaminta Madaxweyne Xasan Sheekh ee horumarinta dowlad-dhiska, dib u xoreynta iyo hirgelinta qorshaha dayn cafinta Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo hadal ka jeediyey munaasabadda uu ku guddoomay abaalmarinta ayaa uga mahadnaqay Africa House tixgelinta iyo qiimeynta ay ku sameeyeen horumarka ay ku tallaabsadeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

“Abaalmarintan waa aqoonsi ku aaddan adkaysiga, geesinnimada, iyo go’aan-qaadashada shacabka Soomaaliyeed. Aad baan ugu faraxsanahay oo sharaf weyn bay ii tahay inaan guddoomo abaalmarintan, aniga oo u hibeynaya shacabka Soomaaliyeed”.

Sidoo kale, munaasabadda waxaa lagu soo bandhigay guulihii ay gaartay dowladda uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ee dib u dhiska ciidamada, qaadista cunaqabateynta hubka ee muddada saarnayd dalka iyo ku biirista Soomaaliya ee urur goboleedka iskaadhiga dhaqaalaha bariga Afrika (EAC).

  

Ra’iisul wasaare Xamse oo qaabilay wasiirka arrimaha gudaha Finland

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ay hoggaaminayso Wasiirka arrimaha gudaha Finland, Ms Mari Rantanen, oo maanta soo gaartay magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa diirradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga soo jireenka ah ee u dhaxeeya labada dal Soomaaliya iyo Finland, gaar ahaan iskaashiga dhinaca amniga.

Ra’iisul wasaare Xamse oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ku tallaabsatay horumar dhanka amniga ah gaar ahaan dagaalka ay kula jirto kooxaha Khawaarijta oo ay ka gaartay guullo waaweyn, iyadoo dhinaca kalena uu xusay in dowladda Soomaaliya ay bishan billowday inay door muhiim ah ka cayaarto amniga dunida, kadib markii ay xubin ka noqotay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Duulimaadyada gudaha iyo dibadda oo sidoodii u sii soconaya (War-saxaafadeed)

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (HDRS) iyada oo ka duulaysa bedqabka, habsami usocodka duulimaadyada iyo ilaalinta xuquuqda shacabka soomaaliyeed ee safraya, ayeey HDRS waxa ay u cadaynaysaa shacabka Soomaaliyeed in howlaha safarada gudaha iyo dibadda ay caadigoodii u socon doonaan beri oo ay Taariikhdu ku beegantahay 22/01/2025.

Dowlada Federaalka Soomaaliya waxaa markasta waajib ka saaranyahay in ay daboosho baahida shacabka safraya dal iyo dibad.

Hadaba, Hay’addu Duulista Rayidka Soomaaliyeed (HDRS) waxa ay ka digaysaa wararka ay shaqsiyaadka ku faafiyeen baraha bulshada kuwaasoo lagu sheegayo inay safarada gudaha carqalad ku imaan doonto berito 22/01/2025, iyada oo go’aankaasi uu yimid kadib markii ay:

1. HDRS iyo Maamulka Garoonka Aadan Cadde soo saareen amar saameeynaya shirkadaha aan diyaaraduhu ujoogin kuwaas oo marka ay rakaab soo xareeyaan ay kadhalatay tacadi baaxad leh oo sababay cabashooyin xad dhaaf ah (fadlan eeg lifaaqa).

2. HDRS waxa ay baaritaan kusameeysay diyaaradaha gudaha kuwaas oo ay ka heshay arimo saamay ku yeelan kara badqabka rakaabka raacaya ayna Hay’addu ku amartay in aanay duulimaad samayn karin inta dayactir rasmi ah oo sharciga waafaqsan looga sameeynayo.

Ugu dambeyn, Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada iyo Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed waxay diyaar u yihiin inay shirkadaha diyaaradaha ka gacansiiyaan in ay si waafaqsan sharciga u gutaan shaqadooda una adeegaan shacabka.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka oo kormeeray qaar ka mid ah wasaaradaha dalka

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta, Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada, iyo Wasaaradda hawlaha guud iyo Guryeynta.

Booqashadan ayaa ahayd mid qeyb ka ah hawlgal ballaaran oo Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenku ku marayay Wasaaradaha iyo Hay’adaha kale ee Dawladda, si uu ugu kuurgalo shaqada muhiimka ah ee hay’adaha dawladdu u hayaan shacabka Soomaaliyeed.

Intii uu kormeerka ku jiray, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa la kulmay masuuliyiinta sare ee wasaaradahaas, isagoo warbixinno ka dhageystay ku saabsan howlaha ay Wasaaraduhu ka wadaan dalka, caqabadaha jira, iyo qorshayaasha lagu horumarinayo adeegyada shacabka.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa ku boorriyay hay’adaha dawladdu inay sii xoojiyaan isla xisaabtanka, daahfurnaanta, iyo hufnaanta shaqada, si loo hubiyo in adeegyada ay si toos ah u gaaraan shacabka. Wuxuu sidoo kale adkeeyay muhiimadda ay leedahay in qorshayaasha Wasaaraduhu ay waafaqaan Qorshaha Isbedelka Qaranka (NTP), si loo xaqiijiyo horumar waara iyo mid wadajir ah.

 

          

Wasiir Fiqi oo kala hadlay xiriirka labo geesoodka dhigiisa Rwanda oo uu kula kulmay New York

New York: Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta kula kulmay Magaalada New York, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Rwanda, Olivier Jean Patrick Nduhungirehe, isaga oo kala hadlay horumarinta xiriirka labo geesoodka , adkaynta iskaashi wadaagga iyo xaaladaha amni iyo siyaasad ee gobolka.

Intii kulanka lagu gudo jiray, labada wasiir waxa ay si qoto-dheer uga wada hadleen xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada dal iyo in ay ka go’antahay in si wadajir ah ay sare ugu qaadaan iskaashi dhinacyo badan oo nacfi wadaag leh, waxa ay sidoo kale isla soo hadal-qaadeen arrimo dhowr ah oo danta guud ah, iyagoo muujiyay muhiimadda ay leedahay in la kobciyo wax wadaagga si looga guul keeno himillooyinka.

Kulankani ayaa lagu faaqiday xaaladihii ugu dambeeyay ee heer gobol iyo heer caalami, iyadoo diiradda lagu saarray baahida loo qabo tub toosan oo Afrikaanku leeyihiin oo wax looga qabto loollanada iyo caqabadaha ka dhex aloolsan daafaha kala duwan ee qaaradda, iyadoo la adeegsanayo aragti u gaar ah Afrika si loo xaliyo arrimaha khalafsan ee ku suntan siyaasadda iyo amniga.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qayb galay shirka dhaqaalaha adduunka ee Davos

Davos-(SONNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku sugan magaalada Davos ee dalka Switzerland, halkaas oo uu kaga qeyb galay Shirweynaha Dhaqaalaha Adduunka.

Madaxweynaha ayaa Shirka ka jeedindoona khudbad muhiim ah oo uu kaga hadlayo horumarka Soomaaliya, kobaca dhaqaalaha dalka iyo qorsheyaasha dowladda ee ku aaddan horumarka waara, iyada oo sare loo qaadayo iskaashiga ay Soomaaliya la leedahay dalalka muhiimka u ah horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.

Muddada Madaxweynuhu uu ku suganyahay magaalada Davos, waxa uu guddoomi doonaa abaalmarinta Hoggaaminta Madaxweynimo ee Afrika, (Africa Presidential Leadership Award) taasi oo uu ku mutay dedaalkiisa hoggaamineed ee u hiillinta nabadda, xasilloonida iyo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shirar doceedyo la yeelan doona hoggaamiyeyaasha caalamka iyo daneeyeyaasha muhiimka ah ee Shirka ka qayb galaya, si loo xoojiyo iskaashiga caalamiga ah, loona dhiirrigeliyo maalgashiga Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa dalka Aljeeriya

New York- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta kula kulmay Magaalada New York, Wasiirka Arrimaha Dibadda, Jaaliyadaha Qaran ee Dibadda iyo Arrimaha Afrika ee Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Shacbiga Aljeeriya, Ahmed Attaf, isaga oo kala hadlay xoojinta xiriirka labo geesoodka iyo ballaarinta dhinacyada iskaashiga ee nacfi wadaagga leh.

Mudane Ahmed Attaf, waxa uu ugu hambalyeeyay Soomaaliya u billaabashada muddo xileedkeeda labada sano ee xubinta aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey, isaga oo ku bogaadiyay ku biiriddeeda A3+ ee Golaha Ammaanka, waxa uu sidoo kale ku ammaanay sii kordhiddeeda kaalinteeda xooggan ee diblomaasiyadda caalamiga.

Kulanka ayaa la iskula soo qaaday dhowr qodob oo ujeedkoodu yahay ballaarinta iskaashi dhinacyo badan leh oo si wacan uga tarjumaya dano wadaagga labada dal iyo adkaynta muhiimadda ay leedahay iskuduwidda mowqifyada fagaarayaasha caalamiga si kor loogu qaado wax wadaagga heer caalami.