Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay hoggaamiyaha golaha sare ee Libya

Davos : Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalayey Madasha Sanadlaha ee Dhaqaalaha Adduunka ee Davos ayaa kulan doceedyo la yeeshay Hoggaamiyaha Golaha Sare ee dalka aan walaalaha nahay ee Liibya Mudane Maxamed Al Menfi iyo Ra’iisul Wasaaraha Dalka Malaysiya Mudane Anwar Ibrahim.

Madaxweynaha iyo Hoggaamiyeyaasha uu la kulmay ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka dalalkooda kala dhexeeya dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, iyagoo mudnaanta siinayey fursadaha iskaashi, taas oo qeyb ka ah qorshaha ka qeyb-galka wafdiga Madaxweynaha ee Madasha Davos.

 

Wasiirka arrimaha gudaha dalka oo la kulmay laanta fulinta Hirshabeelle

Jowhar : Wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf (Cali Xoosh) oo socdaal shaqo ku jooga caasimadda Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ee Jowhar ayaa ka qeyb galay fadhiga Golaha Wasiirrada maamulkaas, oo uu guddoominayay Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen(Guudlaawe) iyada oo lagu dhageystay warbixin la xiriirta Xasilinta deegaannada laga xoreeyay khawaarijta.

Wasiirrada Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Caafimaadka, Amniga Gudaha, Awqaafta, Waxbarashada iyo Gargaarka ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa soo jeediyay Warbixin la xiriira dedaallada Wadajirka ah ee Xasilinta degmooyinka iyo deegaannada Hirshabeelle ee laga xoreeyay khawaarijta, iyagoo soo bandhigay guulaha la gaaray.

Sidoo kale, Wasiir Cali Xoosh ayaa ka qaybgalay Kulanka Bandhigga Waxqabadka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Hirshabeelle ee sanadkii 2024 iyo qorshaha cusub hortabinta u leh Sanadka 2025.

Safarka Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS Cali Xoosh ayaa la xiriira howlo badan oo ay ka midyihiin, Xasillinta, Dib u heshiisiinta, Dowladaha Hoose iyo arrimo kale.

      

Shir u dhexeeya deeq bixiyaasha iyo wasaaradda Qoyska oo Nairobi lagu qabtay

Nairobi; Wasiirka wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka dowladda FS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhsuumi iyo Safiirka Dowladda Canada u fadhiya Soomaaliya iyo Kenya Amb Christopher Thornley ayaa si wadajir ah u guddoomiyey kulan u dhaxeeya Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya iyo Deeq bixiyeyaasha Caalamka.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray wada shaqeynta iyo howlaha horyaala Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya iyo taageerada ay u baahanyihiin, waxaana Safiirrada iyo wakiillada beesha caalamka ee kulanka ka hadlay ay soo dhaweeyeen Wasiirka cusub ee Wasaaradda Qoyska ee XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, iyagoo ballan qaaday inay si buuxda ula shaqeyn doonaan.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Isnaanka Soomaaliya Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi oo kulanka ka hadashay ayaa safiirrada iyo wakiillada beesha caalamka la wadaagtay shaqooyinka hortebinta u leh Wasaaradda Qoyska waxaana ay uga mahadcelisay soo dhaweyntooda iyo ballan qaadkooda ku aaddan wada shaqeynta howlaha horyaala Wasaaradda.

Dhinaca kale Wasiir Khadiija Al-Makhzoumi ayaa magaalada Nairobi ku shir guddoomisay kulan heer farsamo ah oo la xiriira shaqooyinka horyaala Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS, kulankaasi oo ay ka qeybgaleen Wasaaradaha Dowlad goboleedyada dalka.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Isnaanka Soomaaliya Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa la wadaagtay guddiyada farsamo howlaha hortebinta u leh Wasaaradda iyo in wada shaqeynta hay’adaha caalamiga ah ay noqoto hab qeexan oo waafaqsan shaqooyinka muhiimka u ah Wasaaradda.

     

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kormeeray xarunta guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo kormeer shaqo ku tagey xarunta Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka, ayaa sheegay in Xukuumadda ay ka go’an tahay fududeynta wax walba oo ay u baahan yihiin, si dalka looga hirgeliyo doorasho qof iyo cod ah oo waafaqsan hannaanka dimuqraadiyadda iyo shuruucda dalka.

“Doorashadu waa xaquuq asaasi ah oo muwaadinku leeyahay, sidaas darteed, waxaad u madax-bannaan tihiin hirgelinta doorasho qof iyo cod ah oo dalkeenna ka qabsoonta”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la hadlayey xubnaha guddiga.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa xusay in Xukuumadda DanQaran ay guddiga gacan ku siineyso fududeynta dhinacyada amniga, wacyigelinta iyo wixii tasiilaad ah oo ay u baahan yihiin.

Wasiirka cadaaladda oo qaabbilay wakiilka guddoomiyaha g𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 m𝐢𝐝𝐨𝐰𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚 𝐞𝐞 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐝𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐚𝐬𝐭𝐮𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐞𝐞 𝐗𝐅𝐒, 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐗𝐚𝐬𝐚𝐧 𝐌𝐚𝐜𝐚𝐥𝐥𝐢𝐧 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐮𝐮𝐝, 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐪𝐚𝐚b𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 w𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐤𝐚 g𝐚𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 g𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 g𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐌𝐢𝐝𝐨𝐰𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚 𝐞𝐞 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 (𝐒𝐑𝐂𝐂) 𝐢𝐲𝐨 m𝐚𝐝𝐚𝐱𝐚 h𝐚𝐰𝐥𝐠𝐚𝐥𝐤𝐚 m𝐢𝐝𝐨𝐰𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚 𝐞𝐞 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 (𝐀𝐓𝐌𝐈𝐒), 𝐀𝐦𝐛. 𝐌𝐨𝐡𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐄𝐥-𝐀𝐦𝐢𝐧𝐞 𝐒𝐨𝐮𝐞𝐟 𝐢𝐲𝐨 𝐰𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐮𝐮 𝐡𝐨𝐠𝐠𝐚𝐚𝐦𝐢𝐧𝐚𝐲𝐨.

Kulankan muhiimka ah ayaa diiradda lagu saaray horumarinta doorashooyinka, xoojinta caddaaladda dalka iyo wada-shaqeynta labada dhinac ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Afrika. Wasiirka Cadaaladda Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa wafdiga uga warbixiyay horumarrada ay Xukuumadda Dan-Qaran ka samaysay dhinaca doorashooyinka, isagoo si gaar ah u tilmaamay dadaalka xukuumadda ee ku aaddan qabashada doorasho qof iyo cod ah iyo dhammeystirka dastuurka Soomaaliya, iyadoo la rajeynayo in la gaaro bisha Diseembar 2025.

Mudane Xasan Macallin ayaa caddeeyay in Xukuumadda Dan-Qaran ay ka go’an tahay hirgelinta doorashooyin cadaalad ah, isla markaana ay qorsheynayaan in dalka loo horseedo hannaan sharciyeed oo dhameystiran. Wasiirku sidoo kale wuxuu mahadnaq u jeediyay hawlgalka ATMIS iyo doorkii muhiimka ahaa ee ay ka qaateen sugidda amniga iyo taageerada dowlad-dhiska Soomaaliya muddadii ay joogeen.

Duqa muqdisho oo dhagax dhigay xarunta keydka daawada gobolka Banaadir

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa dhagax-dhigay dhismaha cusub ee Xarunta Keydka Daawada Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose Xamar.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in mashruucaan uu qeyb ka yahay mashaariic dhowr ah oo lagu horumarinaayo adeegyada aas-aasiga ah kuwaasi oo wax tar u leh bulshada, asigoona u mahadceliyay Hey’adda Qatar Charity oo gacan ka geysaneysa fulinta mashruucaan.

Munaasabadda dhagax-dhigga waxaa goobjoog ka ahaa Gudoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Gobolka Banaadir Mudane Cabdicasiis Cusmaan Maxamed, Madaxa mashaariicda Hey’adda Qatar Charity Mudane Cabdicasiis Jaasim, Agaasinka Caafimaadka Gobolka Banaadir iyo mas’uuliyiin kale.

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐱𝐚𝐫𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐤𝐚 𝐣𝐚𝐫𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐠𝐮𝐫𝐦𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐝𝐞𝐠-𝐝𝐞𝐠𝐠𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐛𝐢𝐭𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐃𝐞 𝐌𝐚𝐫𝐭𝐢𝐧𝐨

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xarigga ka jaray xarunta gurmadka deg-degga ah ee Isbitaalka De Martino, oo loo dhisay, loona qalabeeyey qaab casri ah.

Ra’iisul Wasaare Xamsa, oo xarig jarka kadib kormeer ku sameeyay qeybaha kala duwan ee dhismaha, ayaa tilmaamay in xaruntan ay qeyb muhiim ah ka tahay horumarinta adeegyada caafimaad ee dalka, isaga oo uga mahadceliyey dowladda Qatar dhismaha xaruntan oo dabooli doonta baahi weyn oo ay bulshada Soomaaliyeed u qabeen Isbitaal noocan oo kale ah.

Xarunta gurmadka deg-degga ah iyo maareynta dhaawacyada oo loo dhisay hab-casri ah, ayaa loogu tala-galay howlaha gurmadka caafimaadka iyo daryeelka bukaanka, waxaanna u dhammaystiran dhammaan agabka caafimaadka iyo qaliinnada ee loogu shaqayn lahaa bulshada Soomaaliyeed.

Wasiir Cali Xoosh oo maalintii labaad kulamo la qaadanaya mas’uuliyiinta iyo bulshada Hirshabeelle

Jowhar- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh oo uu wehliyo Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dowlad goboleedka Hirshabelle Mudane Cabdi Maxmed Guure ayaa kulan la qaatay Maamulka Gobolka Shabeellaha dhexe iyo golaha deegaanka Jowhar.

Labada dhinac ayaa waxay ka wada hadleen xasilinta, dib u heshiisiinta, dowladaha hoose iyo qaar kale.

Wasiir Cali Xoosh ayaa warbixin ka dhagaystay Maamulka Gobolka iyo Golaha Deegaanka degmada Jowhar.

“Dhismaha maamullada deegaanka badan waa qeyb ka mid ah dowlad-dhiska iyo astaan muujineysa biseylka iyo in shacabka u diyaarsan yihiin doorashooyin toos ah ee dadkii matali lahaa, talaabadaas oo dedejineysa isla xisaabtanka iyo hufnaanta”. ayuu yiri Wasiir Xoosh.

Kulanka ayaa waxaa qayb ka ahaa Guddoomiyaha Guddiga Xeer Hoosaadka, Anshaxa iyo Xasaanadda Xildhibaannada Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Ibraahim Cali(Cajiib).

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah-furay Nidaamka Lacag-bixinta deg-degga ah ee SIPS

Ra’iisul Wasaaraha XFS, Xamsa Cabdi Barre, ayaa si rasmi ah u daah-furay Nidaamka Lacag-bixinta Deg-degga ah ee SIPS (Somali Instant Payment System).

Nidaamka 𝐒𝐈𝐏𝐒 (𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐚 𝐈𝐧𝐬𝐭𝐚𝐧𝐭 𝐏𝐚𝐲𝐦𝐞𝐧𝐭 𝐒𝐲𝐬𝐭𝐞𝐦), ayaa ah nidaam lacag-bixin deg-deg ah, ammaan ah, iskuna xiraya adeegga lacagaha taleefoonada gacanta ee bangiyada kala duwani bixiyaan (mobile Wallets).

𝐒𝐈𝐏𝐒 wuxuu fududeynayaa inaad si degdeg ah lacag u 𝐝𝐢𝐫𝐭𝐨 ama wax ku 𝐢𝐢𝐛𝐬𝐚𝐭𝐨 adigoo isticmaalaya taleefonkaaga gacanta.

Nidaamkan casriga ah wuxuu kor u qaadaya ka-qaybgalka bulshada ee nidaamka maaliyadeed ee dalka, wuxuuna dhiirrigelinayaa isticmaalka teknoolojiyada lacag-bixinta oo casri ah.

Israel oo dishay 10 ruux iyo 120 meyd oo laga helay Gaza

Ugu yaraan 10 falastiiniyiin ah ayaa la dilay tiro kalena waxaa lagu dhaawacay weerar ay ciidamada Israel ku qaadeen daanta galbeed ,gaar ahaan magaalada Jenin oo kamid ah dhulka la haysto, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka.

Mareykanka ayaa difaacay weerarada cusub ee Israel ,iyagoo sheegay in dalkaasi uu xaq kitaabi ah u leeyahay Daanta Galbeed ee la haysto,sida ay ka dhawaajiyeen xubnaha Donal Trumo u qaabilsan Qaramada Midoobay.

Shaqaalaha difaaca madaniga ah ayaa ku waramaya in labadii cisho ee u dambeysay ay heleen 120 mayd ah oo laga soo saaray burburka dhismayaal ku yiillay Gaza.

Xafiiska Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ee Daanta Galbeed ee la haysto ayaa sheegaysa in xorriyadda dhaqdhaqaaqa Falastiiniyiinta aad loo xaddiday, iyadoo deegaamaynta sharci darrada ah ee Israa’iil ay sii fidayso.

Ku dhawaad ​​900 oo gaari oo sidday sahay gargaar ayaa galay Gaza Talaadadii ,iyada oo uu sii kordhayo gargaarka  ku socda dhulka ay aafeeyeen dagaalka iyo go’doominta Israel, sida ay sheegtay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan bini’aadantinimada.

Dagaalka Israel ee Qaza waxaa ku nafwaayay ugu yaraan 47,107,halka dhaawaca  uu marayo 111,147 tan iyo bishii Oktoobar ee 2023.