Danjire Maxamed Abuukar Subayr oo waraaqihii aqoonsiga guddoonsiiyay Xukuumadda Ruushka

Danjiraha J.F.S u qaabilsan dalka Ruushka Mudane Maxamed Abuukar Subayr ayaa nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo guddoonsiiyay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ruushka Mr.Mikhail Bogdanov

Wasiir ku xigeenka ahna Wakiilka Gaarka ah ee Madaxweynaha Federaalka Ruushka u qaabilsan Bariga Dhexe iyo Afrika ayaa soo dhoweeyay danjiraha ,isagoo sheegay in uu rajaynaayo in labada dal ay ka sii wada shaqeeyaan horumarinta iyo xoojinta xiriirka labada Wadan.

Danjiraha Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Safiirka ayaa madaxda Ruushka uga mahadceliyay dadaalka ay ku bixinayaan horumarka dalka Soomaliya iyo garab istaaga xukuumaddooda.

SOOMAALIYA IYO MASAR OO KALA SAXIIXDAY HESHIISYO MUHIIM AH

Qaahira:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Masar Mudane Cabdulfataax Al-Siisi ayaa kulan muhiim ah ku yeeshay Qasriga Al-Itixaadiya ee magaalada Qaahira.

Kulankan Labada Madaxweyne ayaa la isku afgartey in xiriirka labada dal la gaarsiiyo heer iskaashi-istaraatijiyadeed taas oo ka tarjumaysa xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee labada dal iyo sidii loo kobcin lahaa dhinacyada waxbarashada, garsoorka, siyaasadda, amniga, isku-socodka iyo dhaqaalaha.

Dhanka waxbarashada, Jaamacadaha Masar, gaar ahaan Jaamacadda Al-Azhar Alshariif ayaa kordhinaya deeqaha waxbarasho iyo tababarrada ardayda iyo xirfadlayaasha Soomaaliyeed, si loo kobciyo aqoonta iyo xirfadaha kala duwan.

Sidoo kale, Labada Madaxweyne ayaa isla qaatay in la dardar-geliyo wada shaqeynta Hay’adaha Labada dal, gaar ahaan Garsoorka iyo Amniga. Masar ayaa muujisay sida ay u garab taagan tahay dagaalka dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay kula jiraan argagixisada.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Cabdulfataax Al-siisi ayaa goob-joog u ahaa heshiis ay kala saxiixdeen Wasiirradaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Masar oo ku saabsan in dal-ku-galka laga dhaafo Baasaboorka Diblumaasiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, si kor loogu qaado iskaashiga diblumaasiyadeed, waxayna Labada Dawladood ka wadahadlayaan sidii dhammaan muwaadiniinta Soomaaliya iyo Masar loogu fududeyn lahaa isu-socodka, meeshana looga saari culeyska ka jira dhanka dal-ku-galka.

Labada Madaxweyne ayaa adkeeyey muhiimada iskaashigan lagu hormarinayo xiriirka labada dal, waxayna fareen Guddiyada wadajirka ah ee Soomaaliya iyo Masar ee u xilsaaran dhaqan-gelinta heshiisyadan in ay dedejiyaan dhammaystirka hiigsiga iskaashiga walaalnimo ee labada dal.

Wasiirka Qoyska oo golaha Wasiiradda uga mahadcelisay mudo cusboonaysiinta Golaha Wasiiraddu u sameeyeen gudidda Naafada Qaranka

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa uga mahad celisay Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya talaabada ay mudo cusbooneeysiinta ugu sameeyeen Guddiga Maamulka Hay’adda Naafada Qaranka taasi oo ay Golaha Wasiirrada u gudbisay Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS.

“Waxaan uga mahad celinayaa xubnaha Golaha Wasiirrada oo uu ugu horeeyo Ra’isulwasaaraha XFS Mudane Xamsa Cabdi Barre Muddo Cusboonaysiinta ay u sameeyeen Guddiga Maamulka Hay’adda Naafada Qaranka “ ayey tiri Wasiir Amb Khadiira Maxamed Al-Makhzoumi.

Wasiirka ayaa ugu dambeyn u hambalyeysay xubnaha Hay’adda waxayna tiri “ Ka Wasaarad ahaan waxaa naga go’an inaan si aad ah u hormarinno sidii dadka baahiya gaarka ah qaba ay kaalin ugu yeelan lahaayeen miiska go’aanka looga gaarayo masiirka ummadda Soomaaliyeed iyadoo la xoojinayo, lana gacan siinayo Hay’adda Naafada Qaranka.”

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐦𝐮𝐝𝐝o kordhin 𝐮 𝐬𝐚𝐦𝐞𝐞𝐲𝐚𝐲 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐦𝐮𝐥𝐤𝐚 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐍𝐚𝐚𝐟𝐚𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa u cusboonaysiiyey muddada xil-hayntooda Guddiga maamulka hey’adda Naafada Qaranka, si ay usii wadaan howlaha ay u idmanyihiin 4 sano ee soo socota.

Shirka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey Siyaasadda dhijitaalka ah ee loo dhanyahay iyo istaraatiijiyadda nidaamka dowladda ee danabaysan.

Golaha ayaa lagu soo bandhigay warbixinno ku saabsan amniga dalka, kormeerka Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ee wasaaraddaha iyo hey’adaha dalka iyo dhaqaalaha dalka.

Horjoogayaal iyo malleeshiyaad ka tirsanaa khawaarijta oo lagu laayay Ceel-garas

Dhuusamareeb- Horjooge Mirre Cagdheer iyo laba dhagarqabe oo ka tirsanaa khawaarijta ayaa lagu dilay tuulada Ceelgaras ee Gobolka Galgaduud, kadib howlgal qorsheysan oo ay halkaasi ka fuliyeen ciidaanka deegaanka.

Hawlgalkan oo lagu beegsaday fariisimo iyo goobo khawaarijtu kaga sugnayd Ceelgaras ayaa sidoo kale lagu dhaawacay 6-kale oo ay ku jiraan Horjoogihii degaanka Ceelgaras oo magaciisa lagu soo koobay Abuu Salmaan iyo Madaxii Maaliyadda Khawaarijta Jabriil kaas.

Maxamed Faarax Geeddi oo howlgalkan hoggaaminayay ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in dhaawacyadii khawaarijta halkaasi ku gaaray ay ula carareen magaalada Galhareeri ee gobolka Galgaduud.

Abaalmarinta Hoggaamineed ee Afrika (Africa Leadership Award) waa abaalmarin ay bixiso Africa House, oo ah urur ka shaqeeya horumarinta iyo isku xirka ganacsiga, dhaqaalaha, iyo hoggaaminta qaaradda Afrika.

Abaalmarintan waxaa lagu maamuusaa hoggaamiyeyaasha iyo shakhsiyaadka Afrikaanka ah ee ku tallaabsada guulo muuqda oo ku saabsan horumarinta dowladnimada, dhaqaalaha, nabadda, iyo horumarinta bulshada ee dalalkooda iyo guud ahaan qaaradda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, waxaa la guddoonsiiyay abaalmarintan sannadka 2025 si loogu aqoonsado dadaalkiisa dhanka:

1. Dowlad-dhiska iyo Dib u Xoreynta: Hoggaaminta dadaallada lagu xoreynayo deegaanada ka maqan gacanta dowladda iyo dib u dhiska hay’adaha dowladda.

2. Hirgelinta Qorshaha Dayn-Cafinta Soomaaliya: Soo celinta xiriirka caalamiga ah iyo ka mira-dhalinta qorshayaasha dhaqaale, taasoo u gogol-xaaraysa in Soomaaliya laga cafiyo daynta caalamiga ah.

3. Dib u dhiska Ciidamadda: Horumarinta awoodda ciidamadda qalabka sida ee Soomaaliya, si loo xoojiyo ammaanka iyo dib u soo celinta kala dambeynta.

4. Ka Qaadista Cunaqabateynta Hubka: Ka shaqeynta in cunaqabateynta hubka ee muddada dheer saarnayd Soomaaliya ay meesha ka baxdo, taas oo fursad noo siineysa in ciidamadeena ay si buuxda aan u qalabeysan karno.

5. Ku Biirista Bulshada Bariga Afrika (EAC): Hoggaamintiisa ku biirinta Soomaaliya ee Ururka Bulshada Bariga Afrika, taas oo kor u qaadaysa xiriirka ganacsi iyo midka dhaqaale ee dalka uu la leeyahay dalalka deriska ah.

Abaalmarinta Hoggaamineed ee Afrika waa mid sharaf weyn u leh Soomaaliya iyo hoggaankeeda, maadaama ay muujinayso in dadaallada ay waddo dowladda lagu aqoonsanayo masraxa caalamiga ah.

W/Q: Maxamed Muuse Maxamed

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐝𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 XFS oo 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐚 𝐲𝐞𝐞𝐬𝐡𝐚𝐲 b𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 r𝐚𝐲𝐢𝐝𝐤𝐚

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐝𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐚𝐬𝐭𝐮𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐞𝐞 𝐗FS, mudane 𝐗𝐚𝐬𝐚𝐧 𝐌𝐚𝐜𝐚𝐥𝐥𝐢𝐧 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐮𝐮𝐝 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐚 𝐲𝐞𝐞𝐬𝐡𝐚𝐲 𝐔𝐫𝐮𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐇𝐚𝐰𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐲𝐢𝐝𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray geeddi-socodka Dastuurka, doorashooyinka iyo kaalinta haweenka ee dhismaha dowladnimada. Wasiirka ayaa uga warbixiyay dadaallada lagu xoojinayo dowlad-dhiska, halka ay marayaan dhismaha hay’adaha garsoorka iyo dib-u-eegista Dastuurka, isagoo carabka ku adkeeyay in Soomaaliya ku jirto marxalad cusub oo taariikhi ah oo muwaadinku si buuxda ula wareegayo samaynta mustaqbalkiisa.

Haweenka Soomaaliyeed ayaa ballan qaaday in ay taageeraan hirgelinta doorasho qof iyo cod ah, iyagoo door muuqda ka qaadan doona wacyigelinta bulshada. Wasiirka ayaa ugu dambeyn ku booriyay wadajirka shacabka iyo ka-qaybgalka bulshada rayidka ah si looga gudbo marxaladda kala-guurka laguna xoojiyo dowladnimada iyo horumarka Soomaaliya.

Wasiirka difaaca XFS oo ciidamo ka tirsan XDS tababar ugu soo xiray dalka Qatar

Dooxa-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaarey magaalada Dooxa ee dalka Qatar.

Wasiirka ayaa halkaas kaga qeyb galaya munaasabadda ay ku qalin jebiyeen 17 arday oo soo dhameystay tababar ciidan oo kala duwan, kuna soo biiraya Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Wasiir Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo dowladda Qatar uga mahad-celiyay tababarka dhallinyaradaan Soomaaliyeed ayaa ugu hambalyeeyay ardaydan Soomaaliyeed guusha ay gaareen iyo dadaalka ay muujiyeen muddadii ay tababarka ku jireen.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegay in dhallinyaradaan ay ku soo biiri doonaan saraakiisha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, iyagoo qeyb lixaad leh ka qaadan doona dadaallada dib u xoreynta iyo difaaca dalka.

Madaxweynaha JFS oo booqasho rasmi ah ku tagay Masar

Qaahira,  Jannaayo 23, 2025; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi sare oo uu hoggaaminayo ayaa booqasho rasmi ah ku yimid magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar, kaddib martiqaad rasmi ah oo uu ka helay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carabta ee Masar Mudane Cabdulfataax Al-Siisi.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadli doona xoojinta dadaallada wadajirka ah ee lagula dagaallamayo argagixisada iyo sidii loo dardargelin lahaa iskaashiga amniga iyo nabadgelyada guud ee gobolka.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Dhiggiisa Cabdulfataax Al-Siisi ayaa xoogga saari doona horumarinta dhaqaalaha, kobcinta ganacsiga iyo maalgashiga, iyadoo labada dowladood ay mudnaan siinayaan kor u qaadidda fursadaha is-dhaafsiga ganacsiga iyo maalgashiga.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Cabdulfataax Al-Sisi martiqaadka diirran iyo sida ay dowladda Masar mar walba u garab taagan tahay Soomaaliya, isagoo tilmaamay in xiriirka labada dal uu salka ku hayo walaaltinimo, iskaashi istiraatiiji ah, iyo danaha guud ee labada shacab.

Wasaaradda ganacsiga oo ka digtay la macaamilka argagixisada

Wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha waxay digniin adag u direysaa dhamaan ganacsatada Soomaaliyeed taas oo ah in aan lala shaqeyn Karin, lala macaamili Karin, islamarkaana wax loo fududeyn karin kooxaha Argagixisada ah ee kaso horjeeda amniga iyo jiritaanka Dadka iyo dalka Soomaaliyeed.