Ciidanka Ammaanka Boosaaso oo dilay xubin ka tirsan Khawaarijta

Boosaaso:-Ciidanka ammaanka ee magaalada Boosaaso ayaa toogtay dhagarqabe ka tirsanaa Khawaarijta Daacish oo gudaha magaalada ku aasayay Qarax Miino oo uu doonayay in uu shacabka ku dhibaateeyo.

Ciidanka ayaa xaqiijiyay in dhagarqabaha la toogtay uu ahaa ajnabi ka tirsanaa Daacishta ku sugan Gobolka Bari.

Ciidamada Daraawiishta Puntland ayaa maalmahaan kordhiyay baacsiga cadowga Khawaarijta ah ee Daacish kuwaas oo ku dhuumaaleysanaya buuraha Calmiskaad ee Gobolka Bari halkaas oo saacadihii lasoo dhaafay ay ciidanku kula wareegeen saldhigyadii ugu muhiimsanaa ee Daacish.

Nuxurka Heshiisyada Soomaaliya iyo Masar (WARBIXIN)

Soomaaliya iyo Masar ayaa dhawaan kala Saxiixday heshiisyo muhiim ah, kuwaasi oo ku qotoma wax wada qabsi, sidaasi awgeed ayay labada Madaxweyne waa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Masar Mudane Cabdulfataax Al-Siisi ayaa kulan muhiim ah ku yeeshay Qasriga Al-Itixaadiya ee magaalada Qaahira, iyadoo kulankaasi labada Madaxweyne ay isku afgartey in xiriirka labada dal la gaarsiiyo heer iskaashi-istaraatijiyadeed, taasi oo ka tarjumaysa xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee labada dal iyo sidii loo kobcin lahaa dhinacyada waxbarashada, garsoorka, siyaasadda, amniga, isku-socodka iyo dhaqaalaha.

Dhanka Waxbarashada heshiisku waxa uu qorayaa in Jaamacadaha Masar, gaar ahaan Jaamacadda Al-Azhar Al-shariif ay kordhinaya deeqaha waxbarasho iyo tababarrada Ardayda iyo xirfadlayaasha Soomaaliyeed, si loo kobciyo aqoonta iyo xirfadaha kala duwan.

“Waxaan ku dhawaaqayaa in 60 arday oo Soomaaliyeed ay si bilaash ah ugu baran doonaan heerka PhD-da Jaamacadda Nabadda Adduunka (UPEACE). Tani waa tallaabo cad oo ka tarjumeysa sida Dowladdu ay uga go’an tahay in ay dhisto hoggaamiyeyaal aqoon sare leh oo mustaqbalka dalka door weyn ka qaata.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha XFS mudane Xamsa Cabdi Barre oo ka hadlaayay munaasabad qalin jabin oo ka dhacday Muqdisho

Aqoonta iyo waxbarashadu laf-dhabar bay u tahay horumarinta Qaranka iyo tayeynta hey’addaha dowladda, si taasi looga miro-dhaliyana waxaa loo baahan yahay in kor loo qaado aqoonyahannada dalka, iyada oo xoogga la saarayo sidii dadka wax bartay u hoggaamin lahaayeen bulshada Soomaaliyeed.

Heshiiska kale ee ay kala saxiixdeen Wasiirradaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Masar ayaa ku saabsanaa in dal-ku-galka laga dhaafo Baasaboorka Diblumaasiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, si kor loogu qaado iskaashiga diblumaasiyadeed, waxayna Labada Dowladood ka wada hadlayaan sidii dhammaan muwaadiniinta Soomaaliya iyo Masar loogu fududeyn lahaa isu-socodka, meeshana looga saari lahaa culeyska ka jira dhanka dal-ku-galka, iyadoo la xasuusan yahay in Dadka Soomaaliyeed ay baahi weyn u qabaan howshaasi, maadaama ay dalkaasi loo aado arrimo la xariira Caafimaadka, Waxbarashada, Ganacsiga iyo waliba Dalxiiska.

Sidoo kale, Labada Madaxweyne ayaa isla qaatay in la dardar-geliyo wada shaqeynta Hay’adaha Labada dal, gaar ahaan Garsoorka iyo Amniga, iyadoo ay dowladda Masar ay muujisay sida ay u garab taagan tahay dagaalka dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay kula jiraan Argagixisad, wuxuuna ballan qaaday Madaxweyne Al-Siisi inuu gacan weyn ka qaadan doono ciribtirka kooxda nabad diidka ah.

Labada Madaxweyne ayaa adkeeyey muhiimada iskaashigan lagu horumarinayo xiriirka labada dal, waxayna fareen Guddiyada wadajirka ah ee Soomaaliya iyo Masar ee u xilsaaran dhaqan-gelinta heshiisyadan in ay dedejiyaan dhammaystirka hiigsiga iskaashiga walaalnimo ee labada dal.

“Waa maalin kale oo taariikhi ah, muhiimna u ah xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Masar.Waxaa maanta la saxiixay heshiisyo muhiim ah oo saameyn weyn ku leh xoojinta iskaashiga labada dal. Labada madaxweyne ayaa qalinka ku wada duugay heshiis muhiim ah oo xiriirka labada dal gaarsiinaya heer iskaashi istiraatiijiyadeed.

Sidoo kale, aniga iyo dhiggeyga dalka Masar ayaa kala saxiixannay labo heshiis oo muhiim ah; midka hore oo ah in dadka wata baasaboorrada diblomaasiga  ee labada dal laga dhaafo fiisaha, iyo midka labaad oo lla xiriira labada machad ee tababarka diblomaasiyiinta. Heshiisyadan ayaa mid kastaa dawladnimadeena iyo dadkeena u leeyahay qiimo weyn oo gaar ah”, sidaasi waxaa yiri:- Wasiirka arrimha dibadda ee Soomaaliya mudane Axmed Macallim Fiqi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intii uusan iman Dalka Masar waxauu safar ku tegay dalka Switzerland, intii uu joogayna magaalada Davos ee Switzerland la guddoonsiiyey Abaalmarinta Hoggaamineed ee Afrika oo ay bixiso Africa House, iyadoo Abaalmarintaasi lagu maamuusay hoggaaminta Madaxweyne Dr. Xasan Sheekh ee horumarinta dowlad-dhiska, dib u xoreynta iyo hirgelinta qorshaha deyn cafinta Soomaaliya,isagoo hadal ka jeediyey munaasabadda uu ku guddoomay abaalmarinta ayaa uga mahadnaqay Africa House tixgelinta iyo qiimeynta ay ku sameeyeen horumarka ay ku tallaabsadeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

“Abaalmarintan waa aqoonsi ku aaddan adkaysiga, geesinnimada, iyo go’aan-qaadashada shacabka Soomaaliyeed. Aad baan ugu faraxsanahay oo sharaf weyn bay ii tahay inaan guddoomo abaalmarintan, aniga oo u hibeynaya shacabka Soomaaliyeed”. Sidoo kale, munaasabadda waxaa lagu soo bandhigay guulihii ay gaartay dowladda uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ee dib u dhiska ciidamada, qaadista cunaqabateynta hubka ee muddada saarnayd dalka iyo ku biirista Soomaaliya ee urur goboleedka iskaadhiga dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC).

Haddaba waa maxay Abaalmarinta Hoggaamineed ee Afrika (Africa Leadership Award)? waxaa arrintan sharaxaya Maxamed Muuse Maxamed,  “waa abaalmarin ay bixiso Africa House, oo ah urur ka shaqeeya horumarinta iyo isku xirka ganacsiga, dhaqaalaha, iyo hoggaaminta qaaradda Afrika, waxaana lagu maamuusaa hoggaamiyeyaasha iyo shakhsiyaadka Afrikaanka ah ee ku tallaabsada guulo muuqda oo ku saabsan horumarinta dowladnimada, dhaqaalaha, nabadda, iyo horumarinta bulshada ee dalalkooda iyo guud ahaan qaaradda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, waxaa la guddoonsiiyay abaalmarintan sannadka 2025-ka, si loogu aqoonsado dadaalkiisa dhanka:

  1. Dowlad-dhiska iyo Dib u Xoreynta: Hoggaaminta dadaallada lagu xoreynayo deegaanada ka maqan gacanta dowladda iyo dib u dhiska hay’adaha dowladda.
  2. Hirgelinta Qorshaha Deyn-Cafinta Soomaaliya: Soo celinta xiriirka caalamiga ah iyo ka mira-dhalinta qorshayaasha dhaqaale, taasoo u gogol-xaaraysa in Soomaaliya laga cafiyo deynta caalamiga ah.
  3. Dib u dhiska Ciidamadda: Horumarinta awoodda ciidamadda qalabka sida ee Soomaaliya, si loo xoojiyo ammaanka iyo dib u soo celinta kala dambeynta.
  4. Ka Qaadista Cunaqabateynta Hubka: Ka shaqeynta in cunaqabateynta hubka ee muddada dheer saarnayd Soomaaliya ay meesha ka baxdo, taas oo fursad noo siineysa in ciidamadeena ay si buuxda aan u qalabeysan karno.
  5. Ku Biirista Bulshada Bariga Afrika (EAC): Hoggaamintiisa ku biirinta Soomaaliya ee Ururka Bulshada Bariga Afrika, taas oo kor u qaadaysa xiriirka ganacsi iyo midka dhaqaale ee dalka uu la leeyahay dalalka deriska ah”.

Abaalmarinta Hoggaamineed ee Afrika waa mid sharaf weyn u leh Soomaaliya iyo hoggaankeeda, maadaama ay muujinayso in dadaallada ay waddo dowladda lagu aqoonsanayo masraxa caalamiga ah.

Haddaba ‘Geesigu waa kan danta dalkiisa iyo dadkiisa ka ganban, cidna uga baqin ee shafka u garaacda’.

By. C/lahi Ruush

Safiir Ilyaas oo ka qayb galay kulanka diyaargarowga Shirka tamarta Afrika

Daarasalaam:-Safiirka Soomaaliya ee dalka Tansaaniya Amb Ilyaas Xasan Cali ayaa ka qaybgalay kulanka u diyaar-garowga shirweynaha tamarta ee (Afrika Energy Summit) Kaas oo ka dhici doon Daarasalaam 27-28 bishan,shirkan ayaa waxa ka soo qayb geli doono ilaa 40 Hoggaamiye oo ka socda dalalka Africa iyada oo diiradda lagu saarayo dardargelinta helitaanka tamar ku filan Afrika oo dhan.

Shirkan oo ay marti galisay Dowladda Jamhuuriyadda Tansaaniya ayaa waxa sidoo kale qayb ka ah Bankiga Horumarinta Afrika iyo Bangiga Adduunka.

Shir-madaxeedka ayaa fursad u ah dawladaha, hoggaamiyeyaasha qaybaha gaarka ah, la-hawlgalayaasha horumarinta, iyo bulshada rayidka ah si ay u horumariyaan hadafkooda.

In ku dhow oo 300 milyan oo qof ayaa la qorshaynayaa in koronto la siiyo sanadka 2030-ka – oo loo yaqaan Mission 300 – bartilmaameedkan ayey ku dhawaaqeen kooxda Bangiga Horumarinta Afrika iyo kooxda Bangiga Adduunka bishii Abriil 2024.

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo La Kulmay Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta

Qaahira: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Masar ayaa kulan la qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta Mudane Maxamed Axmed Al-Yamaahi.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay Guddoomiye Al-Yamaaxi sida Soomaaliya ay u qadarinayso doorka Baarlamaanka Carabta ee taageerada iyo garab istaagga dowladnimada, midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya oo Baarlamaanka Carabtu ay ku soo bandhigaan fagaarayaasha heer gobol iyo heer caalami.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa muujiyey sida dowladda Soomaaliya ay uga go’an tahay in la xoojiyo wada-shaqeynta ka dhaxeysa Soomaaliya iyo Baarlamaanka Carabta, isdhaafsiga khibradaha iyo mideynta go’aammada heer Carbeed ee arrimaha caalamka.

Dhankiisa, Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta Mudane Maxamed Axmed Al-Yamaahi ayaa bogaadiyey wada-shaqeynta Soomaaliya iyo dalalka Carabta ee ku aaddan taageerada qadiyadaha Carabta.

Sidoo kale, wuxuu ammaanay aragtida istiraatiijiga ah ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee la xiriirta doorashooyinka soo socda, la dagaallanka argagixisada, iyo xoreynta deegaannada ay ku hareen argagixisadu.

DHAMMAAD

Afhyeenka Madaxtooyada JFS

Mudane Cabdiraxmaan Aadam Cali (Xadaana)

Email: [email protected]

  

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: “𝐖𝐚𝐱𝐚𝐚𝐧 𝐝𝐡𝐢𝐬𝐞𝐲𝐧𝐚𝐚 𝐠𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐬𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐰𝐚𝐱𝐛𝐚𝐫𝐚𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐬𝐢 𝐥𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐲𝐞𝐞𝐲𝐨 𝐭𝐚𝐜𝐥𝐢𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐬𝐚𝐫𝐞”.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka qeybgalay munaasabadda qalin-jabinta arday dhammaysay jaamacadda UPeace, ayaa sheegay in Xukuumaddu awoodda saari doonto sidii kor loogu qaadi lahaa waxbarashada heerarkeeda kala duwan, isla markaana uu socdo qorshaha dhismaha guddiga sare ee waxbarashada dalka.

“Waxaan ku dhawaaqayaa in 60 arday oo Soomaaliyeed ay si bilaash ah ugu baran doonaan heerka PhD-da Jaamacadda Nabadda Adduunka (UPEACE). Tani waa tallaabo cad oo ka tarjumeysa sida Dowladdu ay uga go’an tahay in ay dhisto hoggaamiyeyaal aqoon sare leh oo mustaqbalka dalka door weyn ka qaata.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Raiisul Wasaaraha, ayaa sheegay in aqoonta iyo waxbarashadu laf-dhabar u tahay horumarinta Qaranka iyo tayeynta hey’addaha dowladda, si taas looga miro-dhaliyana loo baahanyahay in kor loo qaado aqoonyahannada dalka, iyada oo xoogga la saarayo sidii dadka waxbartay u hoggaamin lahaayeen bulshada Soomaaliyeed.

Mudane Xamsa, ayaa ugu hambalyeeyay ardayda dhammaysatay waxbarashada daraasaadka sare dadaalka dheer ay ku bixiyeen aqoonta, isaga oo xusay inay lagama maarmaan tahay in ay uga faa’iideeyaan aqoontaas walaalahooda Soomaaliyeed, si loo gaaro horumar, nabad iyo xasilooni bulsho.

Maanta oo kale waxaa dunida laga xusaa maalinta caalamiga ee loo asteeyey Waxbarashada Adduunka, taasoo na xusuusinaysaa in waxbarashadu tahay xuquuq aasaasi ah oo ay tahay in dhammaan dadka dunida ay helaan, gaar ahaan dhallinyarada, si ay u noqdaan kuwo doorkooda ka qaata nabadda, horumarka, iyo midnimada.

   

Daacish oo laga qabsaday taliskii ugu weynaa ee Tuursamaale

Boosaaso: Ciidamada Daraawiishta Puntland ee howlgalka Hillaac, oo ujeedkiisu yahay ciribtirka kooxaha Khawaarijta ah, ayaa saacado ka hor ku guuleystay inay la wareegaan taliskii muhiimka ahaa ee Tuulada Tuursamaale.

Taliskan, oo ahaa fariisin istiraatiiji ah, ayaa ku yaallay bartamaha buuraleyda Calmiksaad ee gobolka Bari, kana mid ahaa saldhigyada ugu waaweyn ee kooxda Daacish ee deegaankaasi.

Qabsashada taliska Tuursamaale ayaa loo arkaa guul weyn oo ka soo hoyatay howlgalka, waxaana lagu tilmaamay dharbaaxo culus oo ku dhacday kooxda Daacish, oo taliskan u adeegsan jirtay sidii xarun ay ka soo abaabulaan dhagarta iyo dhibaataynta shacabka deegaanka.

Inta aan la qabsan taliska Tuursamaale, waxay ciidamada Daraawiishtu cagta mariyeen saldhig difaaca u ahaa, oo lagu magacaabo Janajiifta.

Guushan cusub waxay ka dhigaysaa Tuursamaale taliskii ugu weynaa ee laga qabsado Daacish tan iyo bilowgii howlgalka Hillaac, taas oo sare u qaadaysa rajada shacabka ee ku aaddan in laga ciribtiro kooxda khawaarijta ah guud ahaan gobolka Bari.

Wasaaradda Qoyska iyo Xuquuqda oo qalab muhiim ah guddoonsiiyay Ururka Naafada Qaranka

Qaar kamid ah labada gole ayaa maanta ka qeybgalay xaflad ka dhacday Xarunta Tiyaatarka oo loogu talagalay in ururka Nafada lagu guddoonsiiyo 300 oo gaari oo ah kuraasta ay adeegsadaan dadka naafada.

Xafladdaasi waxaa ka hadlay Xildhibaan Sahro C/laahi , Senator leyla Maax iyo  Wasiiru dowlaha Wasaaradda Qoyska & Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS Maxamed Cismaan,kuwaas oo u mahadceliyay Hey’adda Qadar Charity oo ka shaqeysa arrimaha bulshada.

Guddoomiyaha Ururka Naafada Qaranka Maxamed C/lle Jaamac oo isna ka hadlay xafladdii wareejinta qalabkaasi ayaa u mahadceliyay Hey’addaQadar,isagoo codsaday in hey’addaasi ay gacan ka geysato badbaadinta carunta iyo kuwa darbiyo jiifka ah eku silcaya magaalooyinka

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

1-  Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Masar Cabdulfataax Al-Sisi ayaa kulan muhiim ah ku yeeshay magaalada Qaahira, iyagoo kala saxiixday heshiis  lagu xoojinayo iskaashiga labada dal ee dhanka istiraatiijiyadda.

2-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweyne Cabdulfataax Al-Sisi ayaa goob-joog u ahaa heshiis ay kala saxiixdeen Wasiirradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Masar oo ku saabsan in dal-ku-galka laga dhaafo baasaboorka diblumaasiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, si kor loogu qaado iskaashiga diblumaasiyadeed.

3-Madaxweyne  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Davos ee dalka Switzerland ugu qeyb-galay Shirweynaha Dhaqaalaha Adduunka, isla markaana ka jeediyay khudbad la xiriirra kobaca dhaqaalaha dalka iyo  qorsheyaasha  horumarinta maalgashiga Soomaaliya.

4-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Davos kulan doceedyo kula yeeshay Hoggaamiyaha Golaha Sare ee dalka  Libya Mudane Maxamed Al Menfi iyo Ra’iisul Wasaaraha Dalka Malaysiya Mudane Anwar Ibrahim.

5-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la guddoonsiiyey Abaalmarinta Hoggaamineed ee Afrika oo ay bixiso Africa House, munaasabad lagu qabtay magaalada Davos ee Switzerland.

6-Madaxweyne  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga , isla markaana kulan la qaatay Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka, kana wadahadley dardargelinta hawlgalada lagu ciribtirayo Khawaarijta.

7-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa xarigga ka jaray Xarunta Gurmadka Deg-degga ah ee Isbitaalka De Martino, oo la dhisay, loona qalabeeyey qaab casri ah.

8-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa kormeeray xarunta Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha.

9-Ra’iisul Wasaarae Xamsa Cabdi Barre, ayaa si rasmi ah u daah-furay Nidaamka Lacag-bixinta Deg-degga ah ee SIPS (Somali Instant Payment System).

10- Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ay hoggaaminayso Wasiirka Arrimaha Gudaha Finland, Ms Mari Rantanen, oo booqasho ku timid Somalia.

11- Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa u cusboonaysiiyey muddada xil-hayntooda Guddiga Maamulka Hay’adda  Naafada Qaranka.

12- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa  kormeer shaqo ku tagay Wasaaradaha Waxbarashada & Tacliinta Sare, Dhalinyarada & Isboortiga iyo Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA).

13- Ra’iisal Wasaare Ku-Xieegnka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa kormeer shaqo ku tegay Machadka Daraasaadka Amniga, oo sannadkan ay ka qalinjebinayaan dufcaddii 3aad tan iyo markii la aas-aasay.

14-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Baashi Yuusuf Axmed oo uu weheliyo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa guddoomiyay shirka sannadlaha ee Guddiga Sare ee Machadka Tababarka Garsoorka Soomaaliya.

15- Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa magaalada New York kulamo gaar gaar ah  kula yeeshay dhiggiisa dalalka Rwanda iyo Aljeeriya.

16- Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa   sheegtay in ay  si dhaw ula socota dhaqdhaqaaqyada maaliyadeed ee kooxda Khawaarijta Al-Shabaab, iyaddo dowladda ay uga digtay ganacsatada, dallaalinta iyo darawallada in ay ka fogaadaan maalgelinta argagixisaddu.

17- Wasiirka Arrimaha Dibadda Danjire Axmed Macallin Fiqi  ayaa kula  kulmay magaalada New York Mr. Zénon Ngay Mukongo Ergeyga Joogtada ee Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Koongo u qaabbilsan Qaramada Midoobey.

18- Wasiirka Warfaafinta Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay   Maalinta Warfaafinta iyo xuska markii ugu horreysay ee la qoro wargeys Afka Soomaaliga ku soo baxo 21-ka Jannaayo 1973-kii.

19- Wasiirka Arrimaha Dibadda Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa khudbad ka jeediyay fadhi ka dhacay New York oo uu yeeshay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey tirsigiisuna ahaa 9841.

20- Wasiirka Difaaca Soomaaliya Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur oo xubno ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya  tababar ugu soo xiray dalka Qatar.

21- Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Xasan Macalin Maxamuud ayaa kulan la yeeshay ururrada haweenka iyo bulshada rayidka Soomaaliyeed.

22- Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka & Soohdimaha Cabdikariin Axmed Xasan ayaa warbaahinta la wadaagey jadwalka  diiwaangelinta xisbiyada .

23- Hantidhawraha Guud  ee Qaranka Garyaqaan Axmed Ciise Guutaale ayaa ka qeyb-galay munaasabadda  daah-furka Miisaaniyada Dowladda ee 2025-ka, isagoo bogaadiyay kororka miisaaniyadda ee sannadkan.

24- Wasiirka  Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya Mudane Cali Yuusuf (Cali Xoosh) oo socdaal shaqo ku tagay caasimadda Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ee Jowhar, isagoo kala qeybgaley maamulka shirkoodii Golaha Wasiirrada.

25- Wasaaradda Qorsheynta iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayaa  qabatay  kulan dib u- eegis lagu sameynayo mashaariicda ay maalgeliso Dowladda Jarmalka  oo ay fuliyaan KfW Development Bank iyo GIZ.

26- Wasiirka Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Marwo Khadiija Maxamed Al-Makhzuumi ayaa kulan la yeelatey Ergeyga Gaarka ah Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Danjire Mohamed El-Amine Souef.

27- Wasiirka Caddaaladda  iyo Dastuurka Mudane Xasan Macalin Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho ku qaabilay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Mohamed El-Amine Souef.

28- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa dhagax-dhigay dhismaha cusub ee Xarunta Keydka Daawada ee Gobolka Banaadir.

29- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka  Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen  ayaa  u soo xiray tababar muddo dheer u socday dufcadii 2-aad ee Daraawiishta Hirshabeelle kuwaas oo qeyb ka noqonaya Booliiska Hirshabeelle.

30- Wasiirka Maaliyadda Biixi Imaan Cige  ayaa  ka qeyb-galay  munaasabad lagu shaacinaayay Miisaaniyadda Dowladda ee 2025-ka.

31- Wasiirka Beeraha Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo wafdi uu hoggaaminaayay ayaa magaalada Berlin ee dalka Jarmalka ugu qeyb-galay shir looga hadlayay horumarinta beeraha.

32- Wasiirka Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Marwo  Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa kulan wadatashi ah la yeelatay  qeybaha kala duwan ee ururrada bulshada rayidka.

33- Wasaaradda Ganacsiga Soomaaliya oo ganacsatada uga ka digtay la macaamilka argagixisada.

34- Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ayaa hawlgal ka dhacay deegaannada Baar- dheere ee Gobalka Hiiraan ku soo qabtay gaari saanad ciidan u siday kooxda argagixisada Khawaarijta Al Shabab.

35- Taliska ilaalada Xeebaha Boliiska Soomaaliyeed iyo markabka dagaalka SANTA MARIA F-81 ee Hawlgalka Midowga Yurub  oo  tababar la xiriira ilaalinta sharciyada badda ugu qabsoomay xeebaha Soomaaliya.

36- Horjooge Mirre Cagdheer iyo laba dhagarqabe oo ka tirsanaa Khawaarijta ayaa lagu dilay tuulada Ceel Garas ee Gobolka Galgaduud, kadib hawlgal qorsheysan oo ay halkaasi ka fuliyeen ciidaanka deegaanka.

Israel oo ku hanjabtay in hawlgallo dheeraad ah ay ka fulineyso Daanta Galbeed

Milatariga iyo sirdoonka Israa’iil ayaa sheegay in howlgal xiriir ah laga fulin doono Jenin iyadoo Israa’iil ay wajaheyso dagaal fool-ka-fool ah oo hadda u wareegay Daanta Galbeed ee la haysto.

Ciidamada Israa’iil ayaa laba Falastiiniyiin ah ku dilay Daanta Galbeed ee la haysto, iyadoo qorshahooda uu yahay inay ballaarinayaan weerarrada ay ku hayaan xerada qaxootiga ee Jenin.

Xeradaasi waxaa saacadihii la soo dhaafay ku dhintay ugu yaraan 10 qof,halka uu dhaawac ka soo gaaray tobanaan kale tan iyo Talaadadii.

Xilli gawaarida sidda gargaarka ay ku sii qulqulayaan Gaza, hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga Falastiiniyiinta (UNRWA) ayaa ka digaysa in Falastiiniyiinta ku soo laabanaya guryahoodii ay la kulmi doonaan ama ay arki doonaan badidood guryo burbursan oo aan la degi karin.

Dagaalka Israa’iil ee Qaza waxa ku dhintay ugu yaraan 47,283 falastiiniyiin ah halka dhaawacana lagu sheegay 111,472 tan iyo bishiiOctober, 2023