Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida Nabadoon Faarax Cabdi Waare

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, geerida ku timid Alle ha u naxariistee Nabadoon Faarax Abdi Waare oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Nabadoonku uu ahaa hormuud dhaqan oo lafdhabar u ahaa nabadda iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed, isaga oo door muuqda ka soo qaatay dadaalladii geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya, gaar ahaan dib u heshiisiinta bulshada.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Alle ha u naxariistee Nabadoon Faarax Abdi Waare, waxa uu ka mid ahaa hoggaanka nabadda iyo dhaqanka bulshada Soomaaliyeed ee doorka weyn ka soo qaatay dowlad-dhiska, dib-u-heshiisiinta iyo nabadaynta shacabka Soomaaliyeed.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.

Safiirka JFS ee dalka Cumaan oo arrimo muhiim ah kala hadlay Wasiir Dr. Maxamed Bin Saciid Al-Maamari

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Boqortooyada Cumaan, Danjire Bashiir Xasan Xaaji ayaa maanta Xafiiskiisa ku booqday Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Cumaan, Dr. Maxamed Bin Saciid Al-Maamari,

Waxeey ka wada hadeen sidii loo xoojin lahaa xiriirka iskaashiga ee ka dhaxeeya labada Dowladood, gaar ahaan dhinacyada Arimaha diinta iyo awqaafta
Wasiirka ayaa soo dhaweeyay Safiirka isagoo kala hadlay xiriirka taariikhiga ah ee ka dhaxeeya Cumaan iyo Soomaaliya, isagoo adkeeyay muhiimada ay leedahay is dhaafsiga khibradaha iyo waayo-aragnimada dhinacyada awqaafta iyo arrimaha diinta ee labada dal,

Sidoo kale, Safiirka Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay dadaalka ay Saldanada Cumaan ku bixiso horumarinta nabadda iyo wadajirka, isagoo muujiyay sida uu uga go’an yahay inuu waddankiisa ka shaqeeyo xiriir iskaashi oo dhanka dhaqanka iyo dhinacyo badan leh.

 

Wafdi ka socda Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka oo gaaray Baydhabo

Wafdi ka socda Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha oo maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud kusoo dhoweeyay wafdigan magaalada Baydhabo u gaaray dardargelinta doorashada qof iyo codka ah ee la filayo in dalka ay ka dhacdo.

Yuusuf Cabdulqaadir Maxamed oo xubin ka ah Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa yiri “Waxaan Baydhabo usoo gaarnay sidii aan dib boorka uga jafi laheyn xafiiskii Guddiga Doorashooyinka ee halkan oo muddo aan lagu shaqeyn iyo in aan guda galno hannaanka doorashada qof iyo codka ah.

  

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Labaad oo guddoomiyey shirka tiirka horumarinta arrimaha bulshada ee Xukuumadda

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali (Dhaay), ayaa guddoomiyey shirka tiirka horumarinta arrimaha bulshada ee Xukuumadda oo looga hadlay dardargalinta dadaallada dowladdu ku gaarsiineyso bulshada adeegyada kala duwan.

Shirka oo ay ka qeyb galeen wasaaradaha iyo hey’adaha ka shaqeeya arrimaha bulshada ayaa waxaa lagu soo bandhigay warbixinno ku aaddan horumarinta karaanka aadanaha iyo sidii kor loogu qaadi lahaa adeegga bulshada iyadoo wasaaradaha caafimaadka, waxbarashada iyo dhallinyarada ay warbixino la wadaageen shirka.

Mudane Cabdisalaan, ayaa sheegay in tiirka arrimaha bulshadu yahay mid muhiim u ah horumarinta ummadda Soomaaliyeed, waxaanna uu faray wasaaraddaha ku shaqada leh in la dardargaliyo arrimaha la xiriirra adeegyadda dowladdu gaarsiinayso shacabkeenna si looga miradhaliyo qorshaha Qaranka.    

MADAXWEYNAHA HIRSHABEELLE OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA NABADDOON FAARAX CABDI WAARRE

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa tacsi u diray qoyska oo ugu horreeyo madaxweynihii hore ee Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waarre, qaraabada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed oo uu ka baxay Nabaddoon Faarax Cabdi Waarre.

Madaxweynaha ayaa xusay muddadii dheereyd ee uu marxuumka ka shaqeynayay aayo-ka-talinta iyo inuu qeyb ka ahaa bud-dhiga Dowladda Hirshabeelle.

“Allaha u naxariisto Nabaddoon Faarax waxa uu lahaa taariikh weyn oo dhaqan. Doorar kala duwan ayuu ku lahaa Hirshabeelle iyo Soomaaliya oo dhan.”

Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle oo si gaar ah ugu tacsiyeeyay qoyska marxuumka ayaa Alle u weydiiyay samir iyo iimaan iyo hooygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa.

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN

Tababar lagu baranayo Habka maamulka Garsoorka oo laga daahfuray Muqdisho

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Hon. Sulayman Mohamed ayaa ka qeyb galay daahfurka Tababar ku saabsan habka Maamulka Garsoorka oo lagu tababarayo Kaaliyeyaal cusub oo ka howl geli doona heerarka kala duwan ee Garsoorka Dalka.

Tababarkan oo uu soo qaban qaabiyey Machadka tababarka Garsoorka Dalka ayaa mudada uu socdo tababarku waxaa lagu tababari doonaa kaaliyayaasha Hawlaha shaqo ee Garsoorka, heerarka ay Maxkamadaha kala leeyihiin, masuuliyadaha shaqada iyo ilaalinta xogta shaqada. Tababarkan ayaa socon doona muddo saddex toddobaad ah hadduu Alle idmo.

Kusimaha Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Dalka Garsoore Saalax Sheekh Ibraahim ayaa u furay kaaliyaal cusub oo Heer Federaal ah tababarka, isla markaana kula dardaarmay kaaliyayaasha inay ka faa’iidaystaan mudada uu tababarku socdo, masuuliayadna iska saaraan adeegga caddaaladeed ee ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed.

Ciidamada amniga Puntland oo kordhiyay howlgallada lagu ciribtirayo argagixisada By Dahir Aadan Cali Last updated: January 25, 2025 1 Min Read Share

Ciidamada amniga gobolka Bari oo howlgalo lagu xaqiijinaayo amniga ka wada Bosaaso ayaa soo bandhigay Qaraxyo Bambooyin iyo agabyo kale oo loo isticmaalo qaraxyada,Kuwaas oo laga helay Gurkha ninkii Ajnabiga ahaa ee xalay ciidanku dileen isagoo Qarax aasaya.

Taliska qaybta Booliiska Gobolka Bari ayaa Bulshada Bosaaso ugu baaqay in ay taxadaraan soona sheegaan qofwalba ay ka shakiyaan si lana shaqeeyaan laamaha amaanka.

Ciidamada ambiga maamulka Pubtland ayaa kordhiyay howlgallada lagu ciribtirayo kooxaha ee ku dhuumaeysanaya deegaannada maamulkaas.

          

Wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo ka qayb galay munaasabad loogu dabaal degayey Aqoonsiga xeer Ciise

Diridhaba:-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala iyo Wasiir ku-xigeenka Macdanta iyo Batroolka Soomaaliya, Cabdiwahaab Cumar Caananuug ayaa magaalada Diridhabe ee Dowlad Deegaanka Soomaalida uga qeyb galay munaasabad loogu dabaal-degayo aqoonsiga Xeerka Soomaaliyeed ee xeer Ciise oo ay dhawaan aqoonsatay Hay’adda UNESCO

Munaasabaddan oo halku-dhig looga dhigay “Xeer Ciise waxa uu gundhig u yahay sinnaanta, caddaaladda iyo midnimada”, ayaa waxaa kasoo qayb galay boqolaal qof, iyadoo ay goob joog ka ahaayeen madax ka kala socotay wadamada Itoobiya, Soomaaliya, Jabuuti iyo Kenya.

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta, mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo khudbad ka jeediyay munaasabadda lagu maamuusayay xeerkan ayaa uga mahadceliyay hay’adaha iyo dadkii ka shaqeeyay in xeerka la aqoonsado, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay ilaalinta iyo horumarinta dhaqamada soo jireenka ah.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Dhaqanka, Waxbarashada iyo Cilmiga ee UNESCO ayaa dhowaan xeerkan aqoonsatay, iyadoona lagu daray dhaqamada dunida ka jira ee lama taabtaanka ah, waxaana si gaar ah xeerkani u wadaagaya bulshada Ciise ee degta dalalka Itoobiya, Soomaaliya iyo Jibuuti.

Madaxweynaha DDS Mudane Mustafe Muxumed Cumar ayaa bulshada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay soo dhoweynta munaasabadaan Xeer Ciise.

Ra”iisulwasaare Xamse oo magacaabay isu-duwaha arrimaha haweenka ee xafiiska

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa u magacaabay marwo Aamina Axmed Samatar Isu-duwaha Arrimaha Haweenka ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XJFS (Gender Coordinator OPM).

Wajigii 2-aad Xamas iyo Israel oo isweydaarsaday maxaabiis

Xamaas ayaa sii daysay afar haween ah,halka Israel ay sidoo kale wareejiyeen 200 oo ruux,kadib dhexdhexaadin ay sameeyeen saraakiisha Laanqayrta Cas ee ku sugan Gaza.

Xamaas ayaa afarta dumarka ah magacyadooda ku sheegtay Karina Ariev, Daniella Gilboa, Naama Levy iyo Liri Albag,kuwaas oo muddo sanad ka badan ahaa maxaabiis la heystayaal ah.

Sii deynta maxaabiista labada dhinac ayaa qeyb ka ah heshiiskii xabbad joojinta ee ay dhowaan wada gaareen labada dhinac ee Xamas iyo Israel.

Gawaari basas ah oo sidday maxaabiista Falastiiin ayaa yimid Gaza,iyadoo halkaasi ay ka dhaceen isu soo baxyo soo dhoweyn ah oo ay ka qeybgaleen dadweyne aad u badan