Hayโ€™adda socdaalka iyo INTERPOL oo kala saxiixday heshiis wada shaqeyn

Hayโ€™adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya iyo Booliska Caalamiga ah ee (Interpol) ayaa maanta kala saxiixday heshiis iskaashi oo muhiim ah. heshiiskan ayaa diiradda saari doona dhowr arrimood, kuwaas oo kala ah:

๐Ÿญ. ๐—ž๐—ฎ-๐—ต๐—ผ๐—ฟ๐˜๐—ฎ๐—ด๐—ด๐—ฎ ๐——๐—ฎ๐—บ๐—ฏ๐—ถ๐˜†๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—”๐—ฏ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฏ๐˜‚๐—น๐—ฎ๐—ป.

๐Ÿฎ. ๐—ž๐—ผ๐—ฟ ๐˜‚ ๐—ค๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ถ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—”๐—บ๐—ป๐—ถ๐—ด๐—ฎ ๐—ฆ๐—ผ๐—ฐ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ธ๐—ฎ

๐Ÿฏ. ๐—ซ๐—ถ๐—ฟ๐—ถ๐—ถ๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ & ๐—œ๐˜€๐—ธ๐—ฎ๐—ฎ๐˜€๐—ต๐—ถ๐—ด๐—ฎ ๐—›๐—ฆ๐— & ๐—•๐—ผ๐—ผ๐—น๐—ถ๐˜€๐—ธ๐—ฎ ๐—–๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ด๐—ฎ ๐—ฎ๐—ต.

๐Ÿฐ. ๐—ฆ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐˜‚ ๐—พ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ถ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐˜…๐—ถ๐—ฟ๐—ณ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—”๐—บ๐—ป๐—ถ ๐—ฒ๐—ฒ ๐—ฆ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฎ๐—ธ๐—ถ๐—ถ๐˜€๐—ต๐—ฎ ๐—›๐—ฆ๐—.

๐Ÿฑ. ๐—•๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ถ๐—ด๐—ผ๐—ผ๐—ฏ๐—ธ๐—ฎ ๐——๐—ฎ๐—ฑ๐—ธ๐—ฎ ๐—Ÿ๐˜‚๐—บ๐—ฎ๐˜†.

Taliyaha Hoggaanka Booliska Caalamiga ah ee Soomaaliya oo munaasabadda heshiiska ka hadlay ayaa ugu horeyn ku ammaanay Agaasimaha Guud ee Hayโ€™adda Socdaalka, Mudane Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow, mudada kooban ee uu joogo heyโ€™adda. sida uu uga mira dhaliyay dhaqangalka heshiiskaan oo muhiim u ah HSJ, Taliyaha ayaa ayaa sidoo kale u mahaceliyay gudigii ka socday dhanka Heyโ€™adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee sida hagar laโ€™aanta ah kala soo shaqeeyay heshiiskan.

Agaasimaha Guud ee Hayโ€™adda Socdaalka, Mudane Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow, ayaa dhankiisa u mahadceliyay guddiga HSJ iyo Booliska Caalamiga ah (Interpol), gaar ahaan hogaankooda Soomaaliya, isagoo ku tilmaamay heshiiskan mid muhiimad gaar ah u leh xoojinta dadaallada la-dagaallanka xagjirka iyo ka hortagga dambiyada socdaalka ee Soomaaliya, tan gobolka, iyo guud ahaan Caalamka.

Ugu dambeyn, Agaasimaha Guud Mudane Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow ayaa wafdiga Interpol booqasho ku geeyay Xafiiska Ka-hortagga Dambiyada Socdaalka, Fraud Detection Unit (FDU) ee Heyโ€™adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, halkaas oo ay warbixin kooban kaga dhageysteen saraakiisha ka howlgala xafiiskaan.

ย ย ย ย ย ย ย 

Saraakiil iyo saraakiil xigeenno tababar maanta uga bilowday Dhuusamareeb

Taliyaha Qeybta 21-aad ee Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Col. Maxamed Dhagawayne ayaa maanta tababar uga furay magaalada Dhuusamareeb askar iyo saraakiil xigeenno ka tirsan Qeybta 21-aad gaar ahaan ururka 1-aad ee guutada 27-aad iyo taliska qeybta.

Tababarkan oo ay bixinayaan macallimiin aqoon durugsan leh ayaa si gaar ah askarta iyo saraakiil xigeennada loogu barayaa tabaha dagaalka iyo shuruucda ciidanka.

Taliyaha Qeybta 21-aad ee ciidamada xoogga dalka Col. Maxamed Dhagawayne oo ciidanka la hadlay ayaa ku booriyay in ay u diyaar garoobaan ka faaโ€™iideysiga aqoonta iyo dadaalka ay ku bixinayaan macallimiintooda.

ย ย ย 

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo la kulmayu safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Mudane Cabdikarim Axmed Xasan ayaa kulan horudhac ah la qaatay safiirka Midowga Yurub u jooga Soomaliya Marwo Amb: Karin Johansson.

Guddoomiyaha iyo Safiirka ayaan ka wada hadalay arrimaha Dorashooyinka iyo qorshayaasha Guddiga Madaxa-Bnanan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha.

Mudane Abdikariim ayaa sheegay in Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha uu ka shaqeynayo in dad-weynaha Soomaliyeed aay fursad u helaan in aay doortaan hogaamiyayaasha Heerarka kala duwan ee maamullada Dalka.

Wasiirka amniga gudaha Soomaaliya oo guddoomiyay kulanka guddi howleedka farsammo ee xiriirka arrimaha xasilinta

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee XFS Gen. Cabdullahi Shiekh Ismaaciil(Fartaag) ayaa maanta guddoomiyey kulanka joogtada ah ee guddi howleedka farsammo ee Xiriirka Arrimaha Xasilinta.

Kulanka oo bishani ay martigelisay Wasaaradda Amniga Gudaha XFS ayaa waxaa kasoo qaybgalay dhammaan Agaasimayaasha waaxyaha Xiriirka ee Wasaaradaha iyo Heyโ€™adaha kala duwan ee dowladda heer Federal kuwaas oo ka shaqeeya arrimaha Xasilinta iyada oo ugu horreyn Guddoomiyaha Guddiga mudane Cabdicasiis Axmed Gurbiye uu ka warbixiyay sooyaalka, baaxadda howlaha guddiga iyo hiigsiga, waxaana sidoo kale lagu soo bandhigay warbixinno la xiriirta howlaha Wasaaradda Amniga, Xasliinta iyo waxqabadka guddiga muddadi uu jiray.

Mudane Cabdullahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo ka hadlay kulanka ayaa bogaadiyey howlaha guddiga isaga oo adkeeyey muhiimadda ay Dowladda Soomaaliya u leedahay mideynta farriimaha Xasilinta iyo wacyigalinta deegaannada laga xoreeyey Cadowga Khawaarijta, waxuuna ugu dambeyn kula dardaarmay xubnaha guddiga in ay xafiisyadooda warbaahineed yeeshaan ajendeyaal mideysan oo loogu adeego guud ahaan umadda Soomaaliyeed, laguna tagaerayo hortabinnada dowladda Soomaaliya.

Shir Looga Hadlaayo Tamarta Afrika oo ka furmay Tanzania

Waxaa maanta magaalada Dar-es-Salam ee dalka Tanzania ka furmay shirka Tamarta Afrika,kaas oo ay ย isu imaanayaan hoggaamiyeyaasha qaaradda Afrika, daneeyayaasha tamarta iyo xubmo kale oo muhiim ah.

Shirkaan oo looga wadaย  hadlayo adeegyada tamarta Afrika waxa uu bixinayaa fursad muhiim ah oo lagu kobcinayo iskaashiga iyo istiraatijiyad lagu gaadhayo xalka tamar waarta , iyadoo la waafajinayo yoolalka horumarineed ee caalamiga ah.

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa ka qeyb galaya shir madaxeedkaasi, isagoo oo ku biiri doona madaxda kale ee Afrika ee doonaya in ay xoojiyaan dadaallada wadajirka ah ee wax looga qabanayo arrimaha caqabadaha ku ah tamarta iyadoo la qaadanayo Baaqa Daarasalaam.

Baaqani wuxuu dib u xaqiijinayaa sida ay uga goโ€™an tahay Madaxda Afrikaanka iyo Dawladaha in la helo tamar la isku halayn karo, la awoodi karo iyo tamar waarta oo ku filan guud ahaan qaaradda.

Hadafka ama hamiga loo yaqaan Mission 300 waxa uu higsanayaa in koronto la siiyo ku dhawaad โ€‹โ€‹300 milyan oo qof marka la gaaro 2030.

Bishii April 2024-tii ayeey aheyd matkii Bangiga Horumarinta Afrika iyo Bangiga Adduunka ay ku dhaaaqeen ,mashruucaasi xagga tamarta ah,kaas oo hoosta ka xariiqaya goโ€™aan mideysan oo lagu wajahayo caqabadaha la xiriira helitaanka tamarta Afrika.

Ciidanka Daraawiishta Puntland oo Khawaariijta kala wareegay fariisimo muhiim u ahaa

Ciidanka Daraawiishta Puntland ayaa khawaarijta Daacish kala wareegay deegaannada kala ah Waadi-soor, Ina Ciddoole, Damal Cagagubyo, Diibow, Qaaqsiiye, Daad, Dal loโ€™aad iyo isha-Siido ee gobolka Bari.

Howlgallada ka dhanka ah khawaarijta Daacish ee ka socda gobolka Bari ayaa khawaarijta lagu gaarsiiyay jab xoogan, iyadoo laga saaray goobo muhiim u ahaa oo ay kamid tahay Taliskii Tuursamaale ay ku lahaayeen.

Ciidanka Daraawiishta Puntland Soomaaliya ayaa wali halkaas ka wada Howgallada ka dhanka ah khawaarijta, iyadoo saraakiisha Hoggaanka u ah Ciidanka sheegeen in gobolka Bari oo ah midka Soomaaliya oo dhan laga saari doono kuwa dhagarta badan ee dalka ku soo duulay.

Wasiirka warfaafinta XFS oo kulan la qaatay safiirka sucuudiga u fadhiya Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daaโ€™uud Aweys Jaamac ayaa kulan miro dhal ah la qaatay Safiirka Boqortooyada Sucuudi Carabiya u fadhiya Muqdisho Amb.Axmed Bin Muxamed Al Muqallad.

Labada masโ€™uul ayaa ka wada hadlay xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Dowladdaha Soomaaliya iyo Sucuudiga kaas oo ku qotoma ixtiraam iyo wax wada qabsi.

Wasiirka ayaa ku ammaanay safiirka sida uu ugu heelan yahay xoojinta taageerada Sacuudiga uu siiyo Soomaaliya.

โ€œWaxaan u kuur-galnay sida iskaashigeenu u gaarsiisan yahay qaybo kala duwan, oo ay ku jiraan amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada,โ€ ayuu yiri wasiir Daaโ€™uud.

Xiriirka iskaashi ee dowladdaha Soomaaliya iyo Sucuudiga ayaa ah mid qoto dheer oo dhinacyadu iska kaashaadaan sidii horumar waara u gaadhi lahaayeen shucuubka labada dal.

Soomaaliya iyo Masar oo yeeshay wada-hadallo la xiriira qorshaha ka qeyb galka Masar ee AUSSOM

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo gabagebeysay wada-hadallo dhanka farsamada ah oo ay la yeelatay Jamhuuriyadda Carabta Masar, kuwaas oo ku saabsan qorshaha ka qeyb galka Ciidamada Masar ee howlgalka AUSSOM.

Jamhuuriyadda Carabta ee Masar ayaa caddeysay ka goโ€™anaashaheeda taageerada Dowladda Soomaaliya ee la dagaallanka argagixisada.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ogtahay doorka Masar ay ka qaadan karto ciribtirka Khawaarijta, waxayna ka rajaynaysaa inay gacan ka geystaan โ€‹โ€‹si lamid ah dalalka kale ee saaxiibka la ah Soomaaliya.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo guddoomiyay shir looga hadlay adkeynta dardargelinta amniga

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa guddoomiyay shir looga hadlaayay dar-dargelinta Amniga Caasimadda iyo Xoojinta Wada-shaqeynta Maamullada Degmooyinka iyo Heyโ€™addaha Amaanka.

Duqa Muqdisho ayaa warbixin ka dhageystay Saraakiisha Heyโ€™addaha Amniga, asigoona boogaadiyay guulaha laga gaaray Amniga oo ay ku naaloonayaan bulshada Gobolka Banaadir, waxa uuna faray laamaha Amniga iyo Maamulada Degmooyinka in la xoojiyo wada-shaqeynta guud si looga hortago wax weliba oo ka hor imaan kara Amniga Caasimadda.

Shirka ayaa sidoo kale looga hadlay sare u qaadida Nadaafada iyo bilicda Caasimadda, dar-dargelinta dakhli aruurinta, u diyaar garowga xilli roobaadka, asigoona kula dar-daarmay saraakiisha iyo maamullada degmooyinka in ay si hufan oo ay kujirto daacadnimo iyo Alla kacabsi ay u gutaan waajibaadka loo igmaday islamarkaana la iskula xisaabtami doono masโ€™uuliyadda shacabka loogu adeegayo.

Shirkaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasada Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Taliyaha Ciidanka illaalinta Deegaanka Xamar, Taliyeyaasha qeybta guud ee Booliska iyo Nabad sugida G/Banaadir, Taliyeyaasha Ciidamada Police Military, Guddoomiyaasha Degmooyinka, Taliyeyaasha qeybaha iyo kuwa Saldhigyada.

Muqdisho oo lagu qabtay xuska maalinta Caalamiga ah ee Furdooyinka

Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay, isla markaana lagu maamuusayay Maalinta Caalamiga ah ee Furdooyinka ayaa shalayย  lagu qatay magaalada Muqdisho, taas oo ay ka soo qeyb galeen masuuliyiinta sare ee wasaaradda Maaliyadda, qeybaha kala duwan ee maamulayaasha Furdooyinka, ganacsato iyo saraakiisha Hoggaanka ilaalada cashuuraha.

Agaasimaha guud ee wasaaradda mudane Suleymaan Sheekh Cumar, Agaasimaha furdooyinka mudane Abukar Sh Ahmed Mursal, Taliyaha Hoggaan Ilaalinta Canshuuraha & Dhaqaalaha Gen. Abdullahi Hassan Bariise , Maamulaha Furada Dekedda Xamar mudane. Osman Adawe , Maamulaha Furadad Garoonka AAIA mudane . Osman Cariif, Guddoomiye Xigeenka Rugta Ganacsiga Xaaji Galaambe iyo masuuliyiintii kale ee munaasibadda ka hadal jeediyay waxa ay isku raaceen in Furdooyinku ay yihiin Isha ugu muhiimsan dhaqaalaha iyo horumarinta Dakhliga Dowladda.

Mudane Suleymaan Sheekh Cumar, Agaasimaha Guud ee W.Maaliyadda XFS ayaa hambalyo kadib u mahadceliyay dhammaan Madaxda iyo Saraakiisha Furdooyinka oo uu sheegay in uu qirsan yahay in ay qabteen howl muhiim ah dib-u-habeynta iyo kobcinta dakhliga, agaasimaha guud ayaa sidoo kale sheegay in casriyeeynta hannaanka dakhli uruurinta ay qeyb lixaad leh ka qaadatay kororka dakhliga gudaha, waxa uuna intaa ku daray in la sii horumarin doono qaabka shaqo ee Kastamyada Dowladda.