Madaxweyne Xasan Sheekh oo hadal ka jeediyey shirweynaha Tamarta Afrika

Daarusalaam: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo hadal ka jeediyey Shirweynaha Tamarta Afrika ayaa soo bandhigay qorshaha dowladda Soomaaliya ee kordhinta tayada iyo awoodda Tamarta, taas oo aasaas u ah horumarka iyo isbeddelka Soomaaliya casri ah.

Madaxweynaha ayaa tilmaanay in Soomaaliya ay leedahay khayraad badan oo la xiriira cusboonaysiinta Tamarta, sida Qorraxda iyo Dabaylaha, kuwaasi oo Mustaqbalka noqon kara ilo muhiim ah oo laga dhaliyo Tamar saaxiib la ah deegaanka.

“Horumarka Soomaaliya ay hiigsanayso waxa uu u baahan yahay tamar jaban oo la heli karo. Maanta dadkayagu kala bar “50%”ma haystaan Koronto ku filan, sidaas awgeed waxaan qorshaynaynaa in aan xoojinno maalgashiga Tamarta, si aan awood ugu yeellano hirgelinta warshadaha, casriyeynta kaabeyaasha nolasha iyo xoojinta adeegyada bulshada”.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo shirkan ay ku wehelinayaan Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Mudane Cabdillahi Bidhaan Warsame iyo Wasiirka Maaliyadda Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa u soo bandhigay Daneeyeyaasha caalamiga ah in ay ka qayb qaataan maalgashiga Mashaariicda Tamarta Soomaaliya oo ah suuq weyn oo dihan.

Sidoo kale, Shir madaxeedka Tamarta Afrika oo ay ka qeyb galeen madaxda Qaaradda Afrika ayaa maanta laga soo saaray “Bayaanka Daaru-Salaam”, kaas oo ah ballanqaad lagu xaqiijinayo in 300 oo Milyan oo Afrikaan ah ay helaan Koronto ku filan marka la gaaro sanadka 2030.

        

16-ka tirsan Khawaarijta oo lagu dilay bariga gobolka Hiiraan

Baladweyne : Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa sii wada hawlgalka ballaaran oo ka socda bariga gobolka Hiiraan, kaasi oo lagula dagaallamayo Khawaarijta.

Hawlgalka oo xoogiisa laga fuliyay deegaanka Beera Yabaal ayaa lagu dilay 16 dhagarqabe oo ka tirsanaa Khawaarijta, iyada oo ciidamada maalintii shalay gacanta ku dhigeen deegaanno muhiim ah oo ay ka mid yihiin: Beera Yabaal, Buur Abooto, Eega Galmaay, Jidcilaan, Cadoow Gureey

Howlgalkan ayaa waxaa hoggaaminaya taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Khaalid Cabdullaahi Cumar, oo ay wehliyaan wakiilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda u qaabilsan arrimaha ciidanka degaanka Cali Jeeyte Cismaan iyo Taliyaha Qeybta 27-aad ee Ciidanka XDS Col. Cabdullaahi Cumar.

Ujeeddada howlgalka ayaa ah in guud ahaan dalka laga xoreeyo Khawaarijta, si loo xaqiijiyo nabadda iyo amniga dadka ku nool dalkeena Soomalia.

Dhanka kale Saraakiisha ayaa tilmaamay in howlgalka uu sii socon doono ilaa deegaannada oo dhan laga ciribtiro kooxaha nabad-diidka ah.

Guddiga doorashooyinka Qaranka oo shaaciyey deegaannada lagu qabanayo doorashada golaha deegaanka

Guddoomiyaha guddiga madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha mudane Cabdikariin Axmed Xasan ayaa ka hadlay deegaanada lagu qabanayo doorashada golaha deegaanka ee lagu wado dhawaan in la qabto.

Guddoomiyaha oo wareysi gaar ah siiyey warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in diyaar u yahay guddiga hirgalinta doorashada golaha deegaanka, waxa uu xusay in ay diyaar u yihiin qabashada doorashada golaha deegaanka kuwaas oo ka dhici doona maamullada dalka.

“Doorashada golaha deegaanka waxaan ku qabaneynaa Jubbaland, gaar ahaan gobolka Gedo, SSC-khaatumo, Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Gobolka Banaadir,” sida uu yiri Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha mudane Cabdikariin Axmed Xasan.

Sidoo kale Guddoomiye Cabdikariin ayaa sheegay in xarunta guddiga ee magaalada Muqdisho ay ka socota diiwaangalinta xisbiyada cusub, iyo cusbooneysiinta xisbiyadii hore oo uu shaaciyey tiradooda in ay kor u dhaafayaa 100 urur siyaasadeed, kuwaas oo hore u diiwaangashanaa.

Dhanka kale Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamed Axmed Amiir ayaa sheegay inay ka maamul ahaan qeyb weyn ka qaadanayaan sugidda amniga, si ay dalka uga dhacdo doorasho qof iyo cod ah.

Gobolka Banaadir ayaa diyaar garow xooggan ugu jira sidii loogu qabanaa lahaa doorashada golaha deegaanka, xilli madaxda gobolka iyo kuwa degmooyinka ay wadaan abaabulka doorashada la doonaya in markii ugu horreysay Caasimadda ay ka dhacdo.

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo qaabbilay Madaxa Boliiska Qaramada Midoobay

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa Xafiiskiisa ku qaabbilay Faisal Shahkar oo ah Madaxa Boliiska Qaramada Midoobay iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka socday Xafiiska Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Kulan gaar ah oo ay yeesheen Taliyaha iyo Mas’uuliyiintaasi ayaa looga hadlay sidii Boliiska Soomaaliyeed uga qeyb noqon la haayeen howlaha nabad ilaalinta Qaramada Midoobay, dib u dhiska awoodaha Boliiska heer Qaran iyo heer dowlad goboleed, xoojinta iskaashiga Boliiska iyo Qaramada Midoobay si kor loogu qaado la dagaalanka kooxaha Khawaariijta ciidamaduna ay u helaan qalabeyn iyo tababarro sare oo kor u qaadaya xirfaddooda.

Ra’iisul Wasaaare ku xigeenka XFS oo daah-furay qorshaha istaraatiijiyadda wasaaradda amniga

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta daah-furay Qorshaha Istaraatiijiyadda Wasaaradda Amniga ee shanta sano ee soo socota ee ku aaddan amniga iyo xasilloonida dalka.

Qorshahan muhiimka ah oo u taagan in la xoojiyo awoodda hey’addaha amniga, si loo xaqiijiyo nabadda loona abuuro jawi xasilloon ayaa u oggolaanaya shacabka Soomaaliyeed inay si nabad ah ugu noolaadaan, ugana qeyb-qaataan horumarka dalka.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa sidoo kale ku booriyey Wasaaradda amniga iyo hey’addaha kale ee ku shaqada leh inay si wadajir ah uga shaqeeyaan hirgelinta qorshahan, isaga oo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashiga ay dowladda Federaalku la leedahay maamul-goboleedyada, hey’addaha caalamiga ah, iyo bulshada rayidka ah si loo xaqiijiyo guusha qorshahan.

Guddiga Qaran ee doorashooyinka oo kormeer shaqo ku maraya dowlad goboleedyada

Wafdi ballaaran oo ka socda guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka Qaranka iyo soohdimaha ayaa safar shaqo oo kormeer ah ku jooga dowlad goboleedyada dalka.

Guddiga ayaa la kulmaya madaxda, siyaasiyiinta, hoggaanka dhaqanka, culimada iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah.

Kulamada guddiga ayaa looga tashanaayaa sidii loogu diyaar garoobi lahaa hirgelinta doorashooyinka dowladaha hoose, wuxuuna guddigu kormeeri doonaa goobaha doorashada (Seejooyinka).

Wakiillada madaxda ka ah xafiisyada guddiga ee dowlad goboleedyada ayaa sidoo kale qayb ka ah safarka, kuwaas oo la shaqeenaya xubnaha guddiga Qaran.

Kormeerkan ayaa qaadan doona muddo 5 cisho ah, iyada oo la filayo in qorsho midaysan laga yeesho sidii loogu dhaqaaqi lahaa hirgelinta doorashooyinka dawladaha hoose.

Waxaa joogto noqon doona safarrada shaqo ee guddiga, iyagoo tegi doona dowlad goboleedyada dhiman si loo dhamaystiro seejooyinka, amniga iyo howlaha doorashooyinka.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dedaal ballaaran ugu jirta sidii ay dalka ugu hirgelin lahayd doorasho qof iyo cod ah.

Howlgallo ka dhan ah Khawaarijta oo wali ka socda qeybo kamid ah gobolka Hiiraan

Hawlgallo ka dhan ah Khawaarijta Al-shabaab ayaa wali ka socda gobolka Hiiraan, kuwaas oo jab xooggan lagu gaarsiiyay, iyadoo laga xoreeyay deegaanno muhiim ah.

Goobaha laga xoreeyay Khawaarijta waxaa ka mid ah Beero Yabaal, Bur Abooto, Eega Galmay, Jidcillaan iyo Caddow Gurey ee gobolka Hiiraan.

Taliyaha Qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Col. Cabdullaahi Cumar, oo la hadlay Warbaahinta dowladda ayaa sheegay in Ciidamada Xoogga Dalka ay howlgalladan ku dileen malleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta, waxanay ciidanku burburiyeen saldhigyo muhiim u ahaa cadowga.

Sidoo kale, ciidamadu waxay gacanta ku dhigeen hub fara badan oo ay ka soo furteen Khawaarijta.

Howlgalladan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu xoreynayo degaannada dalka si looga ciribtiro Khawaarijta, kuwaas oo dhibaatooyin ku haya shacabka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha maxkamadda sare oo Qaahira uga qaybgalay shir caalami ah

Qaahira: Guddoomiyaha Maxkamadda sare JFS Baashe Yuusuf Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qeybgalay shirkii 8-aad ee Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Dastuuriga ah ee wadamada Afrika, oo ka socda magaalada Qaahira ee dalka Masar.

Shirkan ayaa sanadkan hal ku dhig looga dhigay doorka dib-u-eegista dastuuriga ah ee garsoorka iyo horumarinta bulshada, Waxaana ka qeybgalay 44 dal oo Afrikaan ah, wufuud ka socota dalalka Carabta iyo sidoo kale hay’ado caalami ah oo ka shaqeeya arrimaha sharciga, dib-u-eegista dastuurka iyo horumarinta bulshada.

Inta uu socdo shirka waxaa la jeedin doonaa khudbado iyo doodo muhiim ah oo la xiriira mowduuca shirka, iyadoo la is-weydaarsanayo waayo aragnimada iyo caqabadaha heysta Maxkamadaha sare iyo hay’adaha Dastuuriga ah ee dalalka Afrika.

Shirkan oo socon doona muddo laba cesho ah ayaa diiradda la saarayaa xoojinta kaalinta Garsoorka ee ku aaddan horumarinta dastuurka iyo sare u qaadista adeegyada cadaaladda ee bulshada.

    

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Tanzania uga qaybgalaya shirweynaha Tamarta Afrika

Daarusalaam: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo gaaray magaalada Daarusalaam ee dalka Tanzania, si uu uga qayb galo Shirweynaha Tamarta Afrika ee “Mission 300”, oo maanta furmay.

Shirkan oo sanadkan ku saleysan Dardargelinta Helitaanka Tamarta la jaanqaadi karta Horumarka Waara ayaa waxaa isugu imaanaya madaxda sare ee dalalka Afrika, hay’adaha caalamiga ah ee horumarinta, shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo khubarada ku xeel dheer arrimaha tamarta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa madasha ku soo bandhigi doona aragtida iyo qorsheyaasha dowladda Soomaaliya ay ka leedahay horumarinta tamarta, iyada oo la xoojinayo iskaashiga heer gobol iyo heer caalami.

Inta uu shirku socdo, Madaxweynaha waxa uu kulan-doceedyo la yeelan doonaa madaxda iyo daneeyeyaasha ka qaybgalaya, isaga oo muujinaya sida Soomaaliya ay uga go’an tahay ka faa’iidaysiga fursadaha iskaashiga ee dhinaca tamarta si kor loogu qaado horumarka waara ee dalka.

     

Deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan oo laga xoreeyey Khawaarijta

Baladweyne: Hawlgal ay ciidamada Qaranka iyo xoogaggga deegaanku ka sameeyeen degaanada bariga gobolka Hiiraan ayaa lagu guuleystay in laga xoreeyo degaanno dhowr ah oo muhiim u ahaa maleeshiyaadka Khawaarijta.

Goobaha laga xoreeyay Khawaarijta waxaa ka mid ah Beero Yabaal, Bur Abooto, Eega Galmay, Jidcillaan, iyo Cadow Gurey.

Taliyaha Qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Col. Cabdullaahi Cumar, oo la hadlay Warbaahinta Ciidamada Qalabka Sida, ayaa sheegay in Ciidamada Xoogga Dalka ay howlgallada ku dileen maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta, isla markaana ay burburiyeen saldhigyo muhiim ah oo cadowgu ku dhuumaaleysanayay. Sidoo kale, ciidamadu waxay gacanta ku dhigeen hub oo ay ka soo furteen Khawaarijta.

Howlgalladan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu xoreynayo degaannada dalka si looga ciribtiro Khawaarijta.