Wasiir Fiqi oo booqasho ku tagay dhismaha Safaaradda Soomaaliya ee Tanzania

Dar es Salaam- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, oo ay wehliyaan Safiirka Safaaradda JFS ee Dalka Tanzania , Danjire Ilyaas Cali Xasan iyo ku xigeenka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada (Villa Somalia), Md. Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan, ayaa booqasho u kuurgalid ah ku tagay dhismaha safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Daarusalaam oo dayactir xooggan uu ka socdo.

Danjire Ilayaas oo arrintan hormuud u ah ayaa Wasiir Fiqi warbixin dhammaystiran ka siiyay baaxadda dayactirka xarunta safaaradda, qeybaha cusub ee uu ku soo kordhinayo, naqshadda iyo xaaladdii uu ku sugnaa dhismihii hore ee safaaradda oo ahayd meel aan ku habboonayn baaxadda shaqada iyo adeegyada ay safaarddu u hayso bulshada Soomaaliyeed.

Wasiir Fiqi ayaa bogaadiyay halabuurka iyo geesinnimada Safiirka, kuna tilmaamay arrintan tallaabo weyn oo wax ka beddeli doonta muuqaalka iyo billicda safaaradda, korna u qaadi doonta maqaamka iyo maamuuska ay ku dhex leedahay safaaradaha dhiggeeda ah ee ku yaala Tanzania iyo guud ahaan bariga Afrika, wuxuuna ugu yeeray ganacsatada Soomaaliyeed iyo jaaliyadda ku dhaqan dalka Tanzania in ay gacan ka geystaan dhismaha safaaradda oo ah goob loogu adeego muwaadiniinta Soomaaliyeed, loogana shaqeeyo adkaynta xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Tanzania.

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, oo xalay la kulmay ganacsatada ayaa dhankiisa ku dhiirrigeliyey in ay garab istaagaan Danjire Ilyaas oo dadaalkiisa gaarka ah ku bilaabay dib u dayactirka dhismaha safaaradda.

Soomaaliya iyo Tanzania oo saddex heshiis kala saxiixday

Dar es Salaam-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallim Fiqi, ayaa maanta magaalada Daarusalaam ee dalka Tanzania kula saxiixday seddex heshiis Wasiirka Warfaafinta, Hiddaha, Dhaqanka iyo Cayaaraha ee dalka Tanzania, Hon. Prof. Palamagamba John Aidan Mwaluko, iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha dalkaasi, Hon. Innocent Lugha Bashungwa.

Heshiisyada saxiixa lagu duugay ayaa kala ahaa iskaashiga bedqabka iyo nabad-gelyada, is-dhaafsiga maxaabiista xukuman iyo Is-afgarad ku saabsan iskaashiga dhinaca horumarinta afafka Sawaaxiliga iyo dhaqanka.

Munaasabadani ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Biyaha iyo Tamarta, Xildhibaan Cabdullaahi Bidhaan, Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Tanzania, Danjire Ilyaas Cali Xasan iyo Agaasime ku xigeenka madaxtooyada (Villa Somalia), Mudane Maxamed Amiin Cismaan.

Heshiisyadani ayaa xoojinaya xiriirka laba geesoodka ee labada dal u dhexeeya, gaar ahaan isdhaafsiga maxaabiista ayadoo muwaadiniin Soomaaliyeed ay ku jiraan xabsiyada dalka Tanzania, kuwaasoo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya qorshaynayso in ay la soo wareegto, dibna dalka hooyo ugu soo celiso.

Waxaa xusid mudan in Af Sawaaxiliga oo ka mid ah afafka rasmiga ah ee Urur goboleedka dhaqaalaha Bulshada Bariga Afrika (EAC) oo Soomaaliya ay xubin ka tahay, kuna hadlaan inta badan dowladaha ku habaysan ururkaasi ayaa la isla gartay horumarinteeda.

Waxay ahayd 19 December, 2024 markii caasimadda Muqdisho labada dal wasiirro kala matalayey ay kala saxiixdeen afar heshiis oo muhiim ah oo isugu jirey; iskaashiga siyaasadeed ee labada dal, Gaashaandhigga, Caafimaadka iyo Dalxiiska.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan doceedyo la qaatay madaxda ka qaybgashay shirka tamarta Afrika

Daaru-Salaam- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Kulan-doceedyo miro-dhal ah la yeeshay madax kala duwan oo ka qeybgalay Shirweynaha Tamarta Afrika ee ka socda Daaru-Salaam ee dalka Tanzania.

Madaxweynaha ayaa la kulmay Madaxweynaha Tanzania Marwo Samia Suluhu Hassan oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga istiraatiijiga ee arrimaha Bulshada Bariga Afrika.

Labada dowladood ayaa kala saxiixday heshiisyo muhiim ah oo lagu xoojinayo wada shaqeynta dhinacyo badan, taasoo muujineysa rabitaanka labada dal ee kobcinta xasilloonida iyo horumarka gobolka.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Ghana Mudane John Dramani Mahama, waxayna ka wada hadleen sidii kor loogu qaadi lahaa xiriirka Soomaaliya iyo Ghana, maalgashiga iyo isku xirka ganacsatada labada dal.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa la kulmay Madaxa Bangiga Horumarinta Afrika (AfDB) Mudane Akinwumi Adesina oo ay dul istaageen wadashaqeynta Soomaaliya iyo Bangiga, kobcinta fursadaha maalgashi ee Soomaaliya, gaar ahaan xoolaha, dhaqaalaha badda, tamarta iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.

Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa casuumaad rasmi ah u fidiyay Dr. Adesina si uu u booqdo Soomaaliya taas oo uu aqbalay.

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo qaabbilay saraakiil ka tirsan ciidamada Talyaaniga

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa qaabbilay wafdi sare oo ka socda Ciidanka Carabinieri ee dowladda Talyaaniga oo uu hoggaaminayo Colonel.Col.Fabio Coppolino.

Kulan ay yeesheen labada dhinac ayaa looga hadlay xiriirka qotoda dheer ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga, kor u qaadidda tageerada Tababarrada, farsamada iyo agabka ciidanka Boliiska.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo tacsi ugu tagey qoyska Alle ha-u-naxariistee Ugaas Cabdi-Daahir

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo tacsi ugu tagey qoyska Alle ha-u-naxariistee Ugaas Cabdi-Daahir Ugaas Nuur oo dhawaan ku geeriyooday magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in Ugaasku uu kaalin weyn ka soo qaatay nabaddeynta iyo dowlad-dhiska Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayey madasha ay taallo gogosha tacsida, ayaa sheegay in Ugaas Cabdi-Daahir uu ku suntaa dal jacayl iyo sidii ay ummadda Soomaaliyeed dib uga soo kaban lahayd burburkii gaaray.

“Ugaas Cabdi-Daahir Ugaas Nuur, waxa uu kamid ahaa dhaqankii bud-dhigga u ahaa dowlad-dhiska Soomaaliya iyo sidii ay ummadda Soomaaliyeed mar kale u heli lahayd Qaran xooggan, waxaan rajeynayaa in aad ku socon doontaan jidkii wanaagsanaa ee uu jeexay ugaasku.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo la hadlayey qoyska Marxuumka uu ka baxay.

Mudane Xamsa, ayaa marxuumka Alle uga baryey in uu ka waraabiyo naxariistiisa Janno, ehelka iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.

Ciidanka Booliska oo laba dhagar qabe ku dilay degmada Deyniile

Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa Saaka degmada Deyniile ee gobolka Banaadir ku dilay laba nin oo Bistoolado ku hubaysan kana tirsanaa Khawaariijta, kuwaas oo doonayay in ay dilaan Ciidamo howlgal ku jiray.

Howlgalkan ayaa waxa uu dhaawac kasoo gaaray Askari ka tirsan Ciidanka Boliiska oo kamid ahaa Ciidamada ku guuleystay soo afjaridda dhagartii ay maleegayeen Khawaariijta ,waxaana gacanta lagu hayaa hubkii ay wateen iyo Maydkooda.

Ciribtirka Argagixisada oo sii xoogeystay (WARBIXIN)

Gobolka Hiiraan ayaa waxay ku soo jireen abaabulkii ugu dambeeyay ee howlgal lagu soo afjarayo goobaha tirada yar ee Khawaarijtu kaga dhuumanayso deegaanada gobolka Hiiraan, waxaana la xasuusan yahay in meeshaasi ay aheyd deegaannadii ugu horeeyay ee uu ka bilowday ama lagu tijaabiyay in la is ka dhicin karo kooxda Argagixisada ah ee Al-shabaab muddo haatan laga joogo in ku dhow sanad iyo bilooyin.

Agaasimaha Haya’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA Cabdillaahi Maxamed Cali ( Sanbaloolshe) oo ay weheliyaan Ergayga Madaxweynaha u qaabilsan Ciidamada deegaanka Cali Cusmaan Jayte iyo Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Muuse Salaad Weheliye oo ku sugnaa waqtigaasi furimaha hore ee dagaalka ayaa amarkii ugu dambeeyay ee dagaalka faray waqtigaasi Qeybaha kala duwan ee Ciidamada. Agaasimaha Haya’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka oo halkaasi kala hadlay Ciidamada ayaa yiri “Wixii hadal iyo diyaargarow ahaa waa dhamaadeen, diyaar noqda dagaalka waa galeynaa”.Maalmaha soo aadan guud ahaan Hirshabelle waxaa dib uga bilaaban doona howlgalka cirib tirka kooxda Khawaarijta.

Howlgallo ka dhan ah Khawaarijta Al-shabaab ayaa wali ka socda gobolka Hiiraan, kuwaasi oo jab xooggan lagu gaarsiiyay, iyadoo laga xoreeyay deegaanno muhiim ah. Haddaba Goobaha ugu dambeeyay ee laga xoreeyay Khawaarijta waxaa ka mid ah Beero Yabaal, Bur Abooto, Eega Galmay, Jidcillaan iyo Caddow Gurey ee gobolka Hiiraan, iyadoo Taliyaha Qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Col. Cabdullaahi Cumar, oo la hadlay Warbaahinta dowladda ayaa sheegay in Ciidamada Xoogga Dalka ay howlgalladan ku dileen malleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta, waxanay ciidanku burburiyeen saldhigyo muhiim u ahaa cadowga.

Sidoo kale, ciidamadu waxay gacanta ku dhigeen hub fara badan oo ay ka soo furteen Khawaarijta.

Howlgalladan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu xoreynayo degaannada dalka, si looga ciribtiro Khawaarijta, kuwaas oo dhibaatooyin ku haya shacabka Soomaaliyeed.

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo ee howlgaladda ayaa sheegaya in Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ay sii wada howlgalka ballaaran oo ka socda bariga gobolka Hiiraan, kaasi oo lagula dagaallamayo Khawaarijta, waxaana howlgalka oo xooggiisa laga fuliyay deegaanka Beera Yabaal ayaa lagu dilay 16 dhagarqabe oo ka tirsanaa Khawaarijta, iyada oo ciidamada maalintaasi gacanta ku dhigeen deegaanno muhiim ah oo ay ka mid yihiin: Beera Yabaal, Buur Abooto, Eega Galmaay, Jidcilaan, Cadoow Gureey.

Howlgalkan ayaa waxaa hoggaaminaya Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Khaalid Cabdullaahi Cumar, oo ay wehliyaan Wakiilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda u qaabilsan arrimaha ciidanka degaanka Cali Jeeyte Cismaan iyo Taliyaha Qeybta 27-aad ee Ciidanka XDS Col. Cabdullaahi Cumar, waxaana ujeeddada howlgalka ayaa ah in guud ahaan dalka laga xoreeyo Khawaarijta, si loo xaqiijiyo nabadda iyo amniga dadka ku nool dalkeena Soomaaliya, iyadoo ay dhanka kale Saraakiisha ay tilmaameen in howlgalka uu sii socon doono ilaa deegaannada oo dhan laga ciribtiro kooxaha nabad-diidka ah.

Magaalada Masagawaa ee Bariga Galguduud ayaa 25-kii bishan dharbaaxo xooggan ayay ku dhufteen Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ah kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab, kuwaasi oo duulaan la sii ogaa ku soo qaaday magaaladaasi, waxayna kooxdu halkaasi loogu dhigay cashar lama ilaabaan ah, iyagoo kuwii weerarka soo qaaday laga dhigay wax la dilay, wax la dhaawacay iyo kuwa Cagaha wax ka dayay ( Baqo dhabarka jeediyay).

Dhinaca kale waxaan la soconaa in howlgal lagu ciribtirayo Argagixsada uu ka socday maamul goboleedka Puntiland, waxayna wararkii ugu dambeeyay ay tibaaxayaa in Ciidanka Daraawiishta Puntland ay khawaarijta Daacish kala wareegay deegaannada kala ah Waadi-soor, Ina Ciddoole, Damal Cagagubyo, Diibow, Qaaqsiiye, Daad, Dal lo’aad iyo isha-Siido ee gobolka Bari.

Howlgallada ka dhanka ah khawaarijta Daacish ee ka socda gobolka Bari ayaa khawaarijta lagu gaarsiiyay jab xoogan, iyadoo laga saaray goobo muhiim u ahaa oo ay ka mid tahay Taliskii Tuursamaale ay ku lahaayeen.

Ciidanka Daraawiishta Puntland Soomaaliya ayaa wali halkaasi ka wada Howgallada ka dhanka ah khawaarijta, iyadoo Saraakiisha Hoggaanka u ah Ciidanka ay sheegeen in gobolka Bari oo ah mid ka Soomaaliya oo dhan laga saari doono kuwa dhagarta badan ee dalka ku soo duulay.

Ciidamada Daraawiishta Puntland ee howlgalka Hillaac, oo ujeedkiisu yahay ciribtirka kooxaha Khawaarijta ah, ayaa  ku guuleystay inay la wareegaan taliskii muhiimka ahaa ee Tuulada Tuursamaale.Taliskan, oo ahaa fariisin istiraatiiji ah, ayaa ku yaallay bartamaha buuraleyda Calmiksaad ee gobolka Bari, kana mid ahaa saldhigyada ugu waaweyn ee kooxda Daacish ee deegaankaasi.

Qabsashada taliska Tuursamaale ayaa loo arkaa guul weyn oo ka soo hoyatay howlgalka, waxaana lagu tilmaamay dharbaaxo culus oo ku dhacday kooxda Daacish, oo taliskan u adeegsan jirtay sidii xarun ay ka soo abaabulaan dhagarta iyo dhibaataynta shacabka deegaanka. Inta aan la qabsan taliska Tuursamaale, waxay ciidamada Daraawiishtu cagta mariyeen saldhig difaaca u ahaa, oo lagu magacaabo Janajiifta.

Guushan cusub waxay ka dhigaysaa Tuursamaale taliskii ugu weynaa ee laga qabsado Daacish tan iyo bilowgii howlgalka Hillaac, taasi oo sare u qaadaysa rajada shacabka ee ku aaddan in laga ciribtiro kooxda khawaarijta ah guud ahaan gobolka Bari.

Dagaalka ka dhanka ah Kooxda Argagixisada ah ee Al-shabaab waxa uu ka bilowday degaanno ka mid ah Goboka Hiiraan batamihii sanadkii 2022-kii, kadib markii ay shacabku u adkeysan waayeen dilkii,caga jugleynta, boobka Xoolahooda iyo dhaqan xumada ay ku hayeen, waxaana markaasi uu iclaamiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Dr: Xasan Sheekh Maxamuud in dagaal lagu qaado Kooxda Khawaarijta ah, iyadoo muddo hal sano ah lagu xoreeyay in ka badan Kun Kiilo miter oo dherer ah meelo isugu jira magaaloyin, Degmooyin iyo deegaanno fara badan. Hadalkii ugu cuslaa waxaa hadalka jeediyay Cali Jeyte Cusmaan oo markaasi ahaa Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan kaasi oo ahaa “ Shabaab waa Bur-Buray”.

By. C/lahi Ruush

Agaasimaha hay’adda socdaalka oo kulan la qaatay madax ka tirsan IOM

Agaasimaha hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha XFS, Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow ayaa kulan mira dhal ah la qaatay Wakiilka Hay’adda Socdaalka Adduunka (IOM) ee Soomaaliya Mudane, Manuel M. Pereira iyo Ku xigeenkiisa Ptestage Murima.

Kullanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada shaqeynta dhinacyada socdaalka iyo dardargelinta barnaamijyadda lagu horumarinayo kaabayaasha adeeg bixinta ee hay’addu u hayso bulshadda.

Agaasimaha hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha XFS, Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow ayaa hay’adda IOM iyo hay’adaha bahwadaagta la ah ugu mahadceliyay taageerada ay siiyaan dowladda Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada horumarinta hay’adda iyo kobcinta awoodda shaqaalaha.

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal

Qaahira- Safiirka J.F.S ee Masar ahna wakiilka joogtada ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Cali Cabdi Awaare ayaa booqasho ugu tagay dhiggiisa Danjire Cabdicasiis Al-Madar, Safiirka Boqortooyada Sacuudi Caraabiya u fadhiya Jaamacadda Carabta.

Labada Danjire ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal iyo wada shaqaynta carbeed, waxayna isku afgarteen in si dhaw loo wada shaqeeyo lagana wada tashado arrimaha carbeed iyo tan gobolka.

Danjire Awaare ayaa uga mahadceliyay Boqortooyada Sacuudi Caraabiya garab istaagga Soomaaliya ay markasta u fidiso sida mashaariicda horumarineed iyo maalgashiga Soomaaliya.

Eedeysane ka tirsanaa kooxaha wax tahriibiyo oo la hor geeyay maxkamadda gobolka Banaadir

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa Maxkamadda gobolka Banaadir horgeeyay eedeysane Maxamed Ibraahim Cali oo loo heysto in uu ka mid yahay Magafayaasha tahriibiya muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Maxamed Ibraahim Cali ayaa lagu eedeeyey in dad badan uu u tahriibinayay dalka Biniin, halkaas oo jir-dil loogu geystay, madax furashana loogu xirtay.