๐†๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐š๐๐š ๐จ๐จ ๐ฆ๐ž๐ž๐ฅ-๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ฒ๐ž๐ฒ q๐š๐ซ๐š๐š๐ซ ๐ฅ๐š๐ ๐š๐ ๐š ๐ก๐จ๐ซ๐ญ๐š๐ ๐š๐ฒ๐จ ๐ค๐ก๐š๐ญ๐š๐ซ๐š๐ก๐š b๐š๐ซ๐š๐ก๐š ๐๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐š๐๐š

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa meel-mariyey Qaraarka maareynta isticmaalka khaldan ee baraha bulshada.

Shirka oo uu guddoominayey Raโ€™iisul Wasaare ku-Xigeenka labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali (Dhaay), ayaa lagu ansixiyey heshiisyo ku saabsan amniga internerka iyo heshiis is-afgarad wada shaqayn oo u dhexeeya guddiyada warbaahinta ee heyโ€™addaha isgarsiinta dowladaha Soomaaliya iyo Malaysia.

Kulanka Golaha ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay warbixinno ku saabsan amniga iyo howlgalladii ugu dambeeyay ee ciidamada qalabka sida ay ka sameeyeen qeybo kamid ah gobollada dalka.

Guddoomiyaha BJFS oo saxiixay buugga tacsida marxuum Ugaas Cabdi-Daahir

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo ka qeyb galay gogosha tacsida ee Allaha ha u naxriistee Ugaas Cabdi-Daahir Ugaas Nuur ayaa dhamaan ehelka, qaraabada iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay geerida marxuumka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa saxiixay buuga tacsida ee Allaha ha u naxriistee Ugaas Cabdi-Daahir Ugaas Nuur.

Dowladda oo digniin u dirtay hayโ€™adaha maxalliga iyo kuwa caalamiga ah

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hayโ€™adaha maxalliga iyo kuwa caalamiga ee ka howlgala Soomaaliya ugu digtay in lala shaqeeyo ama lala macaamilo kooxaha khawaarijta.

War qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta XFS ayaa sidoo kale looga digay hayโ€™aduhu in aysan argagixisadu u fududeyn adeegyadooda, loona hoggaansamin awaamiirtooda, dhaqaalana loogu yaboohin.

Duqa Muqdisho oo kulan la qaatay madaxda hayโ€™adda UNOPS

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa aqalka dowladda hoose ee Xamar kulan kula qaatay madaxda hayโ€™adda UNOPS, Hydra Nova iyo Madaxda xafiiska Bangiga Adduunka (World Bank) u qaabilsan Mashruuca Nagaad ee lagu horumarinaayo Kaabayaasha Muqdisho.

Hayโ€™adda UNOPS, Hydra Nova iyo Agaasimaha howlaha guud ayaa soo bandhigay warbixin dhameystiran oo ku aadan sahminta iyo daraasadaha laga soo sameeyay sidii xal waara loogu heli lahaa biya-mareenada Muqdisho, dhameystirka naqshada biya-mareennada (Masterplan for Trunk Drainages) oo lixdan cisho gudahooda lagu soo dhameystiraayo iyo qorshaha lagu dhisaayo waddooyin cusub oo laami ah oo iyaduna bartamaha bisha February la saxiixayo heshiiskeeda dhismo.

Duqa Muqdisho ayaa ku nuux-nuuxsaday sida ay muhiim ugu tahay dar-dargelinta qorshaha lagu dhisaayo biya-mareennada caasimadda, si xal waara looga helo dhibaatooyinka soo wajaha Magaalada Muqdisho xilli roobaadka, asigoona faray madaxda howlaha guud iyo hayโ€™addaha in sida ugu dhaw loo bilaabo dhisamaha biyo mareennada magaalada Muqdisho.

Laba diyaaradood oo ku dhacay duleedka Washington

Diyaarad rakaab ah iyo mid kale oo helikobter ah ayaa ku dhacay meel u dhow garoonka qaranka Reagan ee duleedka Magaalada Washington, DC,sida ay ka dhawaajiyeen Aqalka Cad iyo Heyโ€™adda duulimaadyada ee Mareykanka.

ย Labadaan diyaaradood oo lagu sheegay jet iyo Black Hawk ayaa ku dhacay wabiga Potomac ee duleedka ย Magaalada Washington,kadib markii ay isku jiireen hawada.

Diyaaradda rakaabka ah ee ay leedahay shirkadda American Airlines ayaa lagu waramay in ay sidday 60 ruux iyo 4 shaqaale ah,halka diyaaradda kale oo aheyd kuwa qumaatiga u kaca ay sidday 3 sarkaal oo ciidanka ah.

ma jiro war rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay labadaasi diyaarad ee isku dhacay.

ย ย Diyaaradda rakaabka ah ayaa ka soo duushay magaalada Wichita ee gobolka Kansas ee dalka Mareykanka, waxayna ku soo socotay Magaalada Washington ee dalka Mareykanka.

Booliska ayaa sheegay in hayโ€™ado badan ay ka qeyb qaadanayaan baadigoobka iyo samata bixinta haddii ay jiraan dad ka badbaaday shilalkaasi,waxaana si ku meel gaar ah loo joojiyay dhammaan duullimaadyada baxaya iyo kuwa soo dagaya.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in lagu wargeliyay shilkaasi , wuxuuna ka mahadceliyay gurmadka degdegga ah iyo shaqada cajiibka ah ee halkaasi ka socota.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay shir deg-deg ah oo looga hadlay xaaladda dalka Congo DRC

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb-galay, Shir madaxeedka 26-aad ee aan caadiga ahayn ee Madaxda Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC), kaasi oo looga hadlay xiisadda dagaal ee kasoo cusboonaatay Bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC).

Shirkan oo ay Madaxdu ku yeesheen habka fogaan aragga ah ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyaddu, waxa uu la wadaagay hoggaamiyeyaasha kale ee dalalka EAC, sida dowladda Soomaaliya ay uga walaacsan tahay xaaladda dalka Congo (DRC), isaga oo dhinacyada is haya ugu baaqay in ay si shuruud laโ€™aan ah u joojiyaan colaadda sokeeye ayna dib ugu laabtaan miiska wada-hadalka.

Madaxweynaha ayaa dul istaagay waayo aragnimada Soomaaliya ee colaadaha sokeeye iyo cawaaqib xumada ka dhalata, waxa uuna usoo jeediyay dhinacyada dagaallamaya in ilaaliyaan goobaha rayidka iyo xarumaha diblomaasiyadda, si waafaqsan xeerarka caalamiga ah iyo xaquuqda Aadanaha.

Ugu dambayn, Madaxda dalalka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC) ee shirkan ka qayb galay ayaa isla qaatay in la qabto Shir degdeg ah oo ay madaxda Ururka EAC iyo Urur Goboleedka Horumarinta Koonfurta Afrika (SADC) ay kaga wada hadlayaan colaadda sokeeye ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo DRC.

IGAD oo Soomaaliya kala shaqaynaysa ilaalinta deegaanka

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Iseddalka Cimilada JFS, Sareeye Guud Mudane Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa kulan muhiim ah maanta Xarunta La qabsiga Isbeddalka Cimilada iyo Ilaalinta ee Deegaanka Urur gobaleedka IGAD ee magaalada Muqdisho kula yeeshay Agaasimaha Xaruntaas, Danjire Jamaal Maxamed Xasan. Labada dhinac waxa ay ka wada hadleen xoojinta wadashaqeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Urur gobaleedka IGAD ee wax ka qabshada La-qabsiga, U Adkeysiga Isbeddalka Cimilada iyo ilaalinta Deegaanka oo ay dunida xilligaan ku bixinayso juhdi iyo dhaqaalo badan.

Agaasimaha Xarunta dhexe ee La-qabsiga Isbadalka Cimilada iyo Ilaalinta Deegganka Ee Urur gobaleedka IGAD, Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa warbixin dhammaystiran ka siiyay Wasiirka, Shaqooyinka iyo howlaha baaxadda leh ay ka hayso gobalka Xarunta ICECAEP, Sidoo kalana la wadaagay Istaarajiyadda La-qabsiga Isbadalka Cimilada ee 2023-20230 taasi oo ay ku cadyahiin qeybaha la doonaya in wax looga qabto Soomaaliya iyo Gobolka, isla markaana ballanqaaday in doorka Soomaaliya ay ka goโ€™an tahay inuu kaaalin macno wayn leh ka qaato.

Wasiirka Bashiir Maxamed Jaamac ayaa dhankiisa ballanqaaday in si dhow ula shaqeyn doonan Xafiiska Xarunta Sare ee La-qabisga Isbadalka Cimillada iyo Deeganka Urur gobaleedka IGAD, ka dowladd federaal ahna ay garab istaagi doonaan howlaha kala duwan ee sida wadjirka ah loo wajahayo ee wax ka qabshada u baahan, Sida La.-qabsiga, U-adkeyga, Maareynta Deegaanka iyo taageidda bulshooyinka nugal ee saameysay Fatahaadaha, Abaaraha iyo Masiibooyinka Dabiiciga ah.

Ugu damneyn Wasiirka ayaan waxaa kulanka ku wehliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda iyo khuburro kale, iyada oo la isku afgartay dardar-gelinta howlaha horutabinta leh ee labada dhinac sida wadajir ah u waddaan.

ย 

Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay oo ka wada hadlay hawlaha xafiiska UNTMIS

Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee dowladda FS mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa soo gebagebeeyay kulan shaqo oo hal maalin ah oo ay yeesheen masโ€™uulyiin iyo khubaro tiradoodu dhammayd lixdameeyo qof, kuwaas oo ka kala socday heyโ€™adaha dawladda Federaalka ah iyo laamaha Qarammada Midoobay ee ka hawlgala Soomaaliya.

Shirka oo ay wadajir u soo qaban qaaabiyeen wasaaradda arrimaha dibadda iyo hawlgalka QM ee UNTMIS, waxay ujeeddadiisu ahayd diyaarinta jadwal faahfaahsan oo ku saabsan shaqooyinka xafiiska siyaasadda ee Qaramda Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS) ay sannadka hore ee kala guurka ku wareejineyso Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Laamaha QM.

Wasiirka oo hadal ka jeediyay munaasabadda xirirtaankeeda ayaa wuxuu ka mahadceliyay kaalinta uu hawlgalka QM ka qaatay Qaran dhiska Soomaaliya.

Wuxuuna sheegay in haatan ay Dowladda Soomaaliya samaysay horumar dhinacyo badan leh isla markaana ay baahiyadii hortabinta u lahaa is beddeleen.

Wuxuu sheegay in marka muddada labada sano ah ee kala guurku ay dhammaato, ay QM iyo heyโ€™ad kasta oo Soomaaliya ka howlgaleysaa ay barnaamijyadeeda iyo mashaariicdeeda ku saleyn doonto Hindisaha Isbedekka Qaran ee loo soo gaabiyo NTP.

Wuxuu masโ€™uuliyiinta shirka ka soo qeyb gashay uu kula dardaarmay in waqtiga kala guurku ahaado mid macquul oo si deggan Loo maareeyo oo aan lala daahin ayadoo howl kasta daraasad lagu samaynayo ka dibna loo asteeyo xilliga ugu habboon ee ay tahay in heyโ€™addii dawladeed ee lahayd lagu wareego.

Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa, Danjire James Swan, oo ah Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM.

Wasiirka iyo Ergeygu waxay si weyn ugu mahadceliyaan howlkarnimada masโ€™uuliyiinta iyo khubarada ka qeyb galay dejinta qorshaha faahfaahsan ee kala guurka, kaas oo loo gudbin doono Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay bisha Maarso ee sannadkan.

ย ย ย ย ย ย 

Raโ€™iisul wasaare ku-xigeenka 2-aad ee dalka oo furay xafiiska Qatar Airways ee Soomaaliya

Raโ€™iisul wasaare ku xigeenka 2-aad ee xukuumadda Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Cabdisalaan Cabdi Cali (Dhaay), ayaa Sheegay in duullimaadyada casriga ah ee dalka ku xiraya dunida inteeda kale ay kaalin weyn ka qaadanayaan isu socodka, horumarka dalka iyo maalgashiga caalamiga ah.

Mudane Cabdisalaan oo daah-furay xarun cusub oo shirkadda duullimaadyada ee Qatar Airways ay ka hirgelisay Soomaaliya, ayaa xusay in shirkadda duullimaadyada ee dowladda Qatar ay dedaal badan galisay sidii ay xarummo ugu yeellan lahayd dalkeenna, wuxuunna ku tilmaamay in ay fursad u tahay shacabka Soomaaliyeed.

Raโ€™iisul Wasaare ku xigeenka ayaa sheegay in xiriirka iskaashi ee u dhexeeya Qatar iyo Soomaaliya uu suurta-galiyey in ay dalkeenna ka hirgaliso mashaariic badan oo ay kamid-yihiin kaabayaasha dhaqaalaha, dhismaha waddooyinka isku xira qeybo kamid ah gobollada dalka, xarumo caafimaad iyo maalgashiyo kala duwan oo ay kamid-yihiin duullimaadyada casriga ah, Isaga oo bogaadiyey taageerada Walaalaha Qatar ay la garab taagan-yihiin dadka Soomaaliyeed.

ย 

Hawlgal ka dhan ah Khawaarijta oo laga fuliyey Shabeellada hoose

Ururka 164-aad, guutada 7-aad ee qeybta 12-ka Abriil ee ka tirsan xoogga dalka Soomaaliyeed iyo ciidanka Booliiska degmada Wanlaweyn ayaa si wadajir ah u fuliyay hawlgal lagu baacsanayay Khawaarijta, laguna xaqiijinayey amniga degmooyinka iyo deegaannada hoostaga gobolka Shabeellada hoose.

Deegaannada ay Ciidamadu sida gaarka ah ay howlgalka uga fuliyeen ayaa kala ah Sharey, Tabeellaha, Warmaxan, Tisxiile iyo Warta-Baarlamaanka oo dhamaantood ku yaala wadada isku xirta degmooyinka Wanlaweyn iyo Afgooye ee Gobolka Shabeellada hoose.

Saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ayaa sheegay inay sii laba jibaari doonaan howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta si shacabka looga dulqaado dhagartooda.