Wasiirka Maaliyadda XFS oo soo xiray shir Dib-u-eegis loogu sameynayay mashaariicda horumarineed ee Bangiga Adduunka

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa soo xiray shir qaatay laba maalmood, oo ay ka soo qeyb galeen hey’adaha kala duwan ee dowladda iyo madaxda Bangiga Adduunka, shirkaan ayaa daarnaa dib-u-eegista habsami u socodka mashaariicda horumarineed ee Bangiga Adduunku maalgaliyo ee Dowladda Soomaaliya ay ka fuliso gudaha Dalka.

Wasiirka Maaliyadda XFS ayaa ku tilmaamay dib-u-eegistani in ay hoosta ka xariiqday fursado muhiim ah oo uu ka muuqdo horumar laga gaaray galka (File) maashaariicda kala duwan ee Bangiga Adduunku uu maalgaliyo.

Sidoo kale Mudane Wasiir Biixi ayaa uga mahadceliayay Bagiga taageeradiisa joogtada ah iyo wadashaqeyntiisa buuxda.

SoDMA iyo FAO oo ka digay roob yarida Guga 2025

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA) iyo FAO ayaa ka digay roob yarida la filayo xilliga Guga 2025.

Warbixin laga soo saaray shirkii GHACOF 69 ee lagu qabtay Addis Ababa ayaa muujisay in roobabka Guga ay noqon doonaan kuwo hooseeya, heerkulkuna sare u kici doono, taasoo horseedi karta biyo yari, hoos u dhac ku yimaada dhaqaalaha xoolo-dhaqatada iyo beeraleyda, barakac, iyo cunto yari baahsan.

Labada hay’adood ayaa soo jeediyay tallaabooyin degdeg ah, sida xoojinta kaydinta biyaha, horumarinta nidaamyada waraabka, bixinta macluumaadka saxda ah ee cimillada, iyo fulinta tallaalka xoolaha.

Sidoo kale, hay’adaha gargaarka iyo dowlad-goboleedyada ayaa loogu baaqay inay si wadajir ah uga shaqeeyaan qorshayaal wax looga qabanayo xaaladda, si looga fogaado abaaro la mid ah kuwii dalka ka dhacay 2017 iyo 2021.

 

Danjire Fatxudiin Ospito oo waraaqihii aqoonsiga ku wareejiyay madaxweynaha Tajakistan

Madaxweynaha Dalka Tajikistaan Mudane Emomali Rahmon ayaa waraaqaha aqoonsiga danjiranimo ka guddoomay Danjire Fatxudin Cali Maxamed Ospito.

Munaasabaddii wareejinta waraaqaha aqoonsiga ayaa lagu xusay xoojinta xiriirka labada dal ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Tajikistan, taas oo dhabaha u xaareysa kor u qaadista iskaashi dhinacyo badan.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay qaabkii loo yelan lahaa wadashaqeyn xagga dibolomaasiyadda ah iyo la socodka arrimaha kale ee la xiriira bini’aadanimada.

Danjire Fatxudin Cali Maxamed Ospito oo fadhigiidu yahay magaalada Ankara ee Dalka Turkiye,waxa uu Soomaaliya uga wakiil yahay dhowr dal oo caalamka ah.

 

Saraakiisha Xooga oo kulan dhiirigalin ah la qaatay ciidanka deegaanka ee Hiiraan

Taliyaha Ciidanka Guutada 5-aad ee qaybta 27-aad Korneyl Maxamuud Xasan Ibrahim Bakaay ayaa kulan dhiirigalin ah la qaatay ciidanka deegaanka ee dagaalka kula jira kooxaha khawaarijta.

Taliyaha ayaa la hadlay qaar kamid ah ciidanka ku sugan furimaha ay ka socdaan howlgalada cusub ee la doonayo in Khawaarijta looga sifeeyo Gobolka Hiiraan.

Korneyl Maxamuud Bakaay ayaa xusay in ciidanka deegaanka Gobolka Hiiraan ay yihiin kuwo lagu faani karo oo mar kasta diyaar u ah la dagaalanka kooxaha khawaarijta ee diidan nabadda Soomaaliya.

Sarkaalkaasi waxa uu kula dardaarmay ciidanka deegaanka in mar kale ay u istaagaan ciribtirka maleesgiyaadka Al-Shabaab,isla markaana ay casharro cusub u dhigaan tirada maleeshiyaadka ee ku harsan Gobolka Hiiraan.

Isra’el oo xirtay dad u dabbaaldegayey sii deynta maxaabiista Falastiin

Booliiska Israa’iil ayaa xiray 12 Falastiiniyiin ah oo ku sugnaa bariga Quddus ee la haysto, kaddib markii ay u dabaaldegeen sii deynta 110 maxbuus oo Falastiini ah.

Xarigga dadkaasi ayaa imaanaya xilli ciidamada Israel ay laba qof ku dileen xerada qaxootiga ee Jenin,iyadoo horay Israel ay u dileen 10 falastiiniyiin ah oo ku sugnaa Magaalada Tammum oo dhacda dhulka la haysto ee Daanta Galbeed.

Xarigga iyo dilalka qorsheysan ee lgu hayo dadka reer Falastiin ayaa ka hor-imaanaya heshiiskii xabbad joojinta ee ay wada gaareen Israel iyo Xamaas,kaas oo khuseeyay Gaza.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga Falastiiniyiinta (UNRWA) ayaa sheegtay in howlahooda ay ka sii socon doonaan Bariga Quddus iyo Daanta Galbeed ee la haysto, inkastoo Israa’iil ay bilawday mamnuucidda shaqada hey’addaasi.

Dagaalka Israa’iil ee Qaza waxaa ku dhintay ugu yaraan 47,460 falastiiniyiin ah,halka tirade dhaawacana lagu sheegay111,580 tan iyo bishii Oktoobar ee sanadkii 2023.

R/Wasaare Ku-xigeenka XFS oo ka hadlay xaaladda dalka iyo qorshaha kutalagal ee dowladda

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka XFS Saalax Axmed oo xalay qabtay kulan furan ayaa ka hadlay xaaladda guud ee dalka iyo guulaha ay ku tallaabsadeen Xukuumadda Danqaran ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh maxamuud.

Kulankaasi oo ay goob joog ka ahaayeen saxafiyiinta waxaa r/wasasre ku xigeenka uu faahfaahiyay xaaladda dalka gaar ahaan arrimaha amniga,dhaqaalaha iyo hirgelinta doorashooyinka ku saleysan qof iyo cod.

Saalax Axmad Jaamac,waxa uu sheegay in lagu guuleystay xalka barnaamijyo badan oo la xiriira arrimaha bulshada iyo kuwa muhiimka u ah dowladnimada Soomaaliya ee la jaanqaadi kara dalalka caalamka.

Mas’uulkaasi waxa uu qiray in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay dhameystirka barnaamijyada kutalagal ee loo qabanayo shacabka iyo kuwa khuseeya hirgalinta doorasho madax bannaan oo qof iyo cod ah.

Raashiya :Wafdi ka socday Hay’adda Maareynta Musiibooyinka oo loo sameeyay xaflad sagootin ah

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macallin Cabdulle iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa soo dhameystay socdaal la xiriiray arrimaja bini’aadanimada oo ay ku tageen Dalka Raasjiya.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda ilaalada madaniga, xaaladaha deg-degga ah iyo arrimaha la tacaalidda musiibooyinka ee dowladda Russia Mudane Kurynin Roman Viktorovich iyo Guddoomiyaha Gobolka Arkhangelsk, Mudane Alexey Alsufev ayaa wafdigaasi ka socday Dalka Soomaaliya u sameeyay xaflad sagootin ah,kadib wadahadallo muhiim ah oo ay yeesheen.

Mudane Maxamuud Macallin oo xafladdaasi khudbad ka jeediyay ayaa ka mahad-celiyay soo dhawaynta,martigalinta iyo sagootinta heerkeedu sarreeyo, isagoo rajeeyay in labada dowladood ay wada-shaqeyn dhaw ka yeshaan howlaha bini’aadanimada, taageerada farasamada iyo maareynta musiibooyinka.

Wasiir Kurynin Roman Viktorovich iyo Guddoomiye Alexey Alsufev, ayaa muujiyay dareen ku aaddan sida ay dowladda Russia kaga go’an tahay taageerada shacabka Soomaaliyeed iyo in ay gacan ka gaysato kaalmada bani’aadanimo si loo taageero mashaariicda kala duwan oo ay ugu horreeyaan kuwo hormarineed ee dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo warqadaha aqooonsiga ka guddoomay danjirayaal cusub

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjireyaal cusub oo ku soo biiray diblumaasiyiinta ka howlgala dalkeenna.

Danjireyaasha uu Madaxweynuhu ka guddoomay warqadaha aqoonsiga ayaa kala ah:

1. Amb. Abdirahman Khalil Ahmed – Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Sudan
2. Amb. Rowaid Adil Mohamed – Danjiraha cusub ee Falastiin
3. Amb. Morakot Janemathukorn – Danjiraha cusub ee Thailand
4. Amb. Bernard Yohana Kibesse – Danjiraha cusub ee Tanzania
5. Amb. Ana Filomena da Costa Rocha – Danjiraha cusub ee Portugal
6. Amb. Martin K. NGOGA – Danjiraha cusub ee Rwanda
7. Amb. Mahi Boumediene – Danjiraha cusub ee Algeria
8. Amb. Matsuura Hiroshi – Danjiraha cusub ee Japan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka laba-geesoodka ah ee Soomaaliya la leedahay dalalka ay danjireyaashani ka socdaan, si loo adkeeyo iskaashiga diblomaasiyadda, dhaqaalaha, horumarka iyo amniga.

Danjireyaasha warqadaha laga guddoomay ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha iyo dowladda Soomaaliya soo dhoweynta diirran, iyagoo soo bandhigay sida ay uga go’an tahay in ay dadaal ku bixiyaan horumarinta xiriirka ay dalalkoodu la leeyihiin Soomaaliya.

Soomaaliya oo ka mid noqotay guddiga fulinta ururka xoghayaasha Baarlamanka Carabta

Qaahira: Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle (Jaabiri) oo Magaaladda Qaahira ee Caasimadda wadanka Masar u jooga ka qeyb galka meertada 45-aad ururka Xoghayayaasha Baarlamaanadda Carabta ayaa loo doortay xubinimada Guddiga fulinta ee Ururka xoghayaasha Baarlamaanadda Carabta.

Shirka oo qeybtiisa hore ay yeesheen Xoghayaasha Guud ee Baarlamaanada wadamada Carabta ayaa lagu diyaariyay wax ka bedelka xeerka ururka iyo doorashada Guddoomiyaha Ururka, waxaana xubnaha kulanka ka qeyb galay ay isku raaceen in wax ka bedel lagu sameeyo xeerka ururka.

Ugu dambeyn Xoghayahaasha Baarlamaanadda Carabta ayaa Guddoomiyaha Ururka u doortay Mudane Maxamed Daakhil al-Madhiiri oo u dhashay wadanka Baqortooyada Sacuudi Carabiya, waxaana uu ururka hogaamin doonaa afarta sano ee soo socota, sidoo kale xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle (Jaabir) ayaa loo doortay xubin ka mid ah Guddiga fulinta ee ururka labada sano ee soo socota, waxaana Guddiga fulinta ee ururkan Soomaaliya kula jira wadamada Masar, Ciraaq iyo Baxreyn.

  

Hay’adaha SoDMA iyo FAO oo digniin ka soo saaray cimilada Guga 2025

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SODMA) iyo Hey’adda Cunnada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO) ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada ay khuseyso inay si degdeg ah uga diyaar garoobaan cawaaqibka ka dhalan kara roob yarida la filayo xilliga Guga 2025.

Baaqan ayaa lagu soo jeediyay shirkii 69-aad ee Greater Horn of Africa Climate Outlook Forum (GHACOF 69) oo dhawaan lagu qabtay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, kaas oo ay ka qeybgaleen khuburo cimilada ku takhasusay, wakiillo ka socday dowladaha gobolka, iyo hay’ado caalami ah.

Xaaladda Cimilada iyo Saameynta Laga Filayo

Warbixin laga soo saaray shirkaas ayaa tilmaamaysa in Soomaaliya ay wajahayso xaalado dhanka cimilada ah oo adag, iyadoo saadaashu muujinayso in:

• Roobabka Guga 2025 ay noqon doonaan kuwa hooseeya.

• Heerkulka oo sareeyo, taasoo sii xumeyn karta xaaladda nololeed.

• Roobabku ay goor dambe curan karaan, iyadoo la filayo in wakhtiga roobka uu soo gaabto.

Waxay arrintani uga sii dareysaa xaaladda adag ee ay Soomaaliya mar horeba la daalaa-dhaceysay, maadaama xilligan Jiilaalka uu dhulka yahay mid aad u qallalan, halka roobabkii Deyrta ee 2024 ay si aan sinnayn uga da’een gobollada dalka.

Dhibaatooyinka Laga Cabsi Qabo

SoDMA iyo FAO waxay sheegeen in:

• Qaar badan oo ka mid ah gobollada Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed, Jubaland, iyo Puntland oo ka da’o roob ka hooseeya intii la filayey, iyadoo degmooyin qaar sida Dangoryo ay heleen oo kaliya 7% bar-tilmaameed roobabkii la filayay.

• Deyrta aan hagaagsaneyn iyo Jiilaalka kulul ay sababi karaan biyo yari daran, dhulka oo qalala, iyo in dhaqaalaha xoolo-dhaqatada iyo beeraleyda uu hoos u dhaco.

• Waxaa jirta cabsi xooggan oo laga qabo barakac baahsan, cunto yari, iyo dhibaatooyin dhanka caafimaadka ah oo ka dhasha abaarta.

• Xaaladda la filayo inay dhacdo waa mid lagu tilmaamay inay la mid noqon karto abaarihii adag ee dhacay sannadihii 2017 iyo 2021.

Talooyinka SODMA iyo FAO

Si looga hortago xaaladahaas adag, SODMA iyo FAO waxay soo jeediyeen qorshayaal muhiim ah oo lagu xoojinayo diyaargarowga hore (Anticipatory Action), kuwaas oo ay ka mid yihiin:

 

• Biyaha: Xoojinta kaydinta biyaha, nidaamyada waraabka, iyo kor u qaadista wacyigelinta bulshada si looga hortago biyo yaraanta.

 

• Beeraha iyo xoolaha: Bixinta macluumaadka saxda ah ee ku saabsan xilliga roobka iyo talooyin ku aaddan dalagyada u adkeysan kara roob yarida. Sidoo kale, in si degdeg ah loo fuliyo tallaalka xoolaha.

 

• Caafimaadka: Wacyigelinta bulshada si looga hortago cudurrada la xiriira kuleylka iyo biyo yaraanta, iyo adkeynta nidaamyada caafimaadka si ay ula tacaalaan xaaladaha degdegga ah.

• Gargaarka Bini’aadantinimo: In si degdeg ah loo diyaariyo gargaar degdeg ah, lagana sii shaqeeyo qorshayaasha wax looga qabanayo xaaladaha ka dhasha roob yarida iyo cunto la’aanta.

FAO iyo SODMA ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka, maamul goboleedyada, beesha caalamka, iyo hay’adaha gargaarka inay si wadajir ah uga shaqeeyaan wax ka qabashada dhibaatooyinka la filayo.