WAR SAXAAFADEED: Faahfaahin Hawlgalka Lagu Beegsadey Argagixisada Daacish (ISIS)

Muqdisho, 01-da Feberaayo 2025: Hawlgal si wadajir ah ay isaga kaashadeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Mareykanka oo lagu beegsaday horjoogeyaasha sare iyo xubnaha kooxaha argagixisada Daacish (ISIS) ayaa ka dhacay buuraleyda gobolka Bari ee Dowlad Goboleedka Puntland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo bogaadiyay hawlgalka ayaa yirri “Hawlgalkan lagu beegsaday hoggaanka sare ee ISIS waxa uu muujinayaa iskaashiga adag ee Mareykanka iyo Soomaaliya ee la dagaalanka argagixisada, taasoo gacan ka geysanaysa ciribtirka halis kasta oo wax u dhimaysa xasilloonida dalkeenna iyo gobolka guud ahaan, waxaan si qoto dheer ugu mahad celinaynaa dowladda Mareykanka”

Howlgalkan waa tallaabo muhiim ah oo lagu wiiqayo awoodda hoggaanka iyo awoodda hawlgal ee ISIS, taasoo si toos ah u dhaawacaysa kartidooda fulinta falalka argagixisada. Beegsiga shaqsiyaadka muhiimka ah ee dagaalka waxay xoojinaysaa sida Soomaaliya iyo Mareykanka ay uga go’an tahay sugidda amniga, xasilinta gobolka, iyo ka hortagga fiditaanka kooxaha xagjirka ah si loo badbaadiyo nolosha dadka aan waxba galabsan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay soo dhaweynaysaa dadaallada iyo ka go’aanaanta adag ee Mareykanka ee la dagaalanka argagixisada, waxayna adkaynaysaa sida ay uga go’an tahay wada shaqeynta joogtada ah ee ay la leedahay saaxiibada caalamiga ah si looga hortago halista argagixisada. Wadajir, waxaan u sii wadi doonnaa burburinta shabakadaha xagjirka ah, xoojinta hawlgallada amniga, iyo dhisidda mustaqbal xor ka ah argagixisada.

Mareykanka waa saaxiib dhow oo ay qiimo ugu fadhiso amniga dalkeenna, waxaana rajeyneynaa sii wadida iskaashiga arrimaha nabadda iyo amniga gobolka.

DHAMMAAD-

Dhallinyarada gobolka Banaadir oo bilaabay in ay dhiiggooda ugu deeqaan ciidamada xoogga dalka

Ku dhawaad boqol dhallinyaro ah oo kamid ah ururka dhallinyarada gobolka Banaadir ayaa maanta dhiigooda ugu deeqay Ciidanka Xoogga Dalka ee qeybta ka ah howgalka lagu cirib-tirayo Khawaarijta.
Qaar ka mid ah Dhallinyarada gobolka Banaadir oo maanta tegay xarunta Bankiga Dhiigga Qaranka ayaa sheegay in ay dhiiggooda u bixinayaan ciidamada qaranka iyo kuwa xoogagga xaq-u-dirirka oo Khawaarijta kula dagaallamaya qaar ka mid ah gobollada dalka, howlgalladaas oo suurtageliyay in deegaanno badan laga xoreeyo gacanta cadowga.
” Maanta waxaa u imaanay inaan dhiiggeyna u bixino ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee howlgalka ka dhan ah Khawaarijya ka wada gobollada dalka, waana sii socon doonaa haddii uu Ilaah yiraahdo howlgalkan dhiig-bixinta ah,waana sida aan u bilownay inshallah,” ayuu yiri mid ka mid ah dhallinyarada oo ku hadlaya afka boqolka dhallinyaro oo isugu jiray hablo iyo wiilal u huray dhiiggooda geesiyaasha qaranka.
Dhallinyarada ayaa howlaha noocani ah ku tilmaamay mid waajib waddani, Diini iyo mid damiiri ah,iyagoo dhanka kale, tilmaamay in ay sii wadi doonaan garab istaagga mujaahidiinta xoogga dalka Soomaaliyeed iyo ciidamada xaq-u-dirka deegaanka.
Ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya kuwa xoogagga deegaanka ayaa wada howlgallo lagu ciribtiro kooxda Khawaarijta ah Al-shabaab, iyagoo howlgalladdii ugu dambeeyay ee laga fuliyay gobolka Hiiraan lagu dilay rag ajaaniib ah, kuwaas oo ka barbar dagaallamayay Khawaarijta.

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐝𝐚𝐫𝐝𝐚𝐚𝐫𝐦𝐚𝐲 𝐜𝐮𝐭𝐮𝐛𝐲𝐨 𝐤𝐚 𝐭𝐢𝐫𝐬𝐚𝐧 𝐆𝐨𝐫𝐠𝐨𝐫 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐝𝐡𝐚𝐚𝐫𝐢𝐲𝐞𝐲

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka qeyb-galay munaasabad lagu dhaarinayey cutubyo ka tirsan Ciidanka Kummaandooska Gorgor ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed— ayaa sheegay in looga fadhiyo sidii ay cadowga uga difaaci lahaayeen xudduudaha dalka ee cir, dhul iyo bad.

Intii ay socotay Munaasabadda dhaarta— ayaa ciidanku waxa ay soo bandhigeen dhoollatus iyo gaardis ka tarjumaya tayada iyo xirfadda sare ee lagu carbiyey, kuwaas oo loo diyaariyey door muhiim ah in ay ka qaataan dagaalka dalka looga sifeynayo kooxaha Khawaarijta.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa xusay in qalabaynta ciidanka Gorgor ay tahay astaan muujinaysa horumarka iyo tayeynta ciidanka qalabka sida, isaga oo caddeeyey in laga sugayo sidii ay amniga dalka ula wareegi lahaayeen marka ay baxaan Ciidanka Midowga Afrika.

“Komaandooska Gorgor, waa ciidan lagu han-weyn yahay oo laga doonayo in ay laf-dhabar u noqdaan geesiyaasha Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee dagaalka kula jira cadowga, aniga oo og in aad tihiin ciidan sharaf badan, dhaqan wanaagsan oo geesiyaal ah, runtii shacabka Soomaaliyeed waxa uu idinka doonayaa in aad ka dhabaysaan dhaarta aad marteen, oo aad dadkiinna iyo dalkiinna si sharaf ugu adeegtaan”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Ra’iisul Wasaaraha oo u hambalyeeyay ciidammada dhammeystay tababarka— ayaa uga mahadceliyey dowladda Turkiga tababarka ay siiyeen ciidanka ee muujinaya xirfadda wanaagsan ee la baray, waxa uuna xusay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta tayada, tababarka iyo qalabaynta Ciidanka qalabka sida, si ay awoodda ugu yeeshaan xaqiijinta amniga dalka.

                             

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo la kulmay Agaasime goboleedka UNHCR

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallim Fiqi, ayaa maanta oo Sabti ah ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, Agaasime goboleedka Bariga iyo Geeska Afrika iyo Harooyinka waa weyn ee Hay’adda Qaramada Midoobey ee Qaxootiga (UNHCR), Mamadou Dian Balde.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay siyaabaha lagu xoojin karo iskaashiga, si gaar ah wax ka qabashada caqabadaha ka yimaada arrimaha qaxootiga iyo barakacayaasha, kor-u-qaadidda taageeridda dadka ku soo guryo noqonaya dalka, barakacayaasha iyo xalalka waara.

Kulanka ayaa diiradda lagu saarray muhiimadda ay leedahay isku dubaridka dadaallada lagu hagaajinayo helitaanka adeegyada lagama-maarmaanka u ah ee bulshooyinka barakacay, oo ay ka mid yihiin waxbarashada, caafimaadka, iyo fursadaha maaraynta nololeed, iyadoo xoogga la saarayo baahida loo qabo kordhinta taageerrada caalamiga ee wax ka qabashada si wax ku ool ah baahiyaha bini’aadantinimo.

Shirka Amniga koonfur galbeed oo looga hadlay xoojinta Amniga

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa guddoomiyey Shirka Golaha Amniga Koonfur Galbeed oo looga hadlay Istiraatijiyada Xoojinta Amniga Deeganada Koonfur Galbeed iyo ka Hortagga Dhagaraha Khawaarijta ay ku dhibaateeyaan Shacabka Soomaaliyeed.

Shirkan ayaa ku saabsanaa xaaladda guud ee Amniga Deeganada Koonfur Galbeed iyadoo ay ka qeyb-galeen Wasiirka Arimaha Gudaha, Wasiir ku xigeenka Amniga, Gudoomiyaha Gobolka Baay, Gudoomiyaha Degmada Baydhabo iyo Saraakiisha Hay’addaha Amniga Qeybahooda kala Duwan.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo waqti la qaatay qaar ka mid ah shacabka caasimadda

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa waqti la qaatay qaar ka mid ah shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Muqdisho, isaga oo si dhow uga dhageystay aragtidooda iyo dareenkooda ku aaddan horumarka iyo amniga caasimadda.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sii wadi doonta dadaalada lagu xaqiijinayo amniga iyo horumarka caasimadda iyo guud ahaan dalka, iyadoo la xoojinayo iskaashiga shacabka iyo hay’adaha dowladda.

       

Hamas oo sii deysay maxaabiis iyo Israel oo laga sugayo 183 ruux

Maamulka Xamaas ayaa ilaa hadda sii daayey laba ka mid ah saddex maxbuus oo Israa’iili ah,kuwaas oo ku wareejiyay hey’adda Laanqeyrta Cas ee Caalamiga ah.

Saddexda maxbuus ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Ofer Kalderon, Keith Siegel iyo Yarden Bibas,waxaana 2 lagu dhiibay Koonfurta Gaza,halka kan sadexaad la tilmaamay in isna lagu dhiibi doono Woqootiga Gaza.

Warar ayaa sheegay in maanta galinka dambe la sii deyn doono 183 maxbuus oo falastiiniyiin ah ,kuwaas oo in muddo ah ku jiray xabsiyada Israel.

Is-dhaafsiga maxaabiista ayaa imaanaya xilli ciidamada Israa’iil ay sii wadaan howlgallada militari ee ay ka wadaan Daanta Galbeed ee la haysto, kuwaasoo lagu bartilmaameedsaday xeryaha qaxootiga ee Jenin , Tulkarem iyo goobaha gabbaadka u ah bulshooyinka Falastiiniyiinta.

Howlgalada Israel ee u dambeeyay waxaa lagu dilay in ka badan labaatan qof laga soo bilaabo todobaadkii hore.

Dhinaca kale,Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegtay in 50 Falastiiniyiin ah oo u baahan daaweyn dhanka dibadda ah loo ogolaan doono inay ka baxaan Qaza iyaga oo sii maraya marinka Rafah ee dhaca Masar.

Cali Jeyte” Howlgalladii ugu dambeeyay waxaan ku dilnay Khawaarij ajaaniib ah”,

Ergayga madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan arrimaha ciidamada deegaanka Cali Jeyte Cusmaan ayaa kka warbixiyay howlgalladii ugu dambeeyay ee Khawaarijta looga xoreeyey deegaanno muhiim ah oo ka tirsan gobolka Hiiraan.

Cali Jeyte warbaahinta Qaranka furimaha dagaalka ugu waramay ayaa sheegay in ciidamada xoogga dalka, nabad sugidda Qaranka, ciidamada Hiil Walaal iyo xoogagga dadweynaha oo iskaashanaya ay dagaal xooggan ku qaadeen kooxda Khawaarijta Al-shabaab ee ku dhuumaaleysanaya buuraleyda gobolka Hiiraan, halkaas oo iyaga amiiradooda jab xooggan lagu gaarsiiyay.

Sidoo kale, wuxuu hoosta ka xariiqay in howlgalladii ugu dambeeyay oo ay qaadeen ku dileen rag ajaaniib ah oo ka tirsanaa Khawaarij, kuwaas oo u soo duulaan tegay sidii ay u gumaadi lahaayeen ummadda Soomaaliyeed.

”Waxaan rabaa inaan ummadda Soomaaliya la wadaago waxay tahay dagaalladii dhacay waxaa ku dhintay dad ajaaniib ah oo Soomaali ahayn oo halkaa ku jira buuraha dhexdooda oo annaguba lafahheyga ugu noolaan karin keyntaa inaan ku noolaado aysan suurgal iga ahayn baa qof ajanabi oo waxa uu u socda la garaneyn baa buurtaa ku dhintay shalay, amiiro badan ayaa lagu bur buriyay meesha, qaar aan deegaankooda halkan ahayna wey ku dhinteen meesha, inta hartayna waa laga sifeynaa Alle idimkii,”.

Shacabka Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay in ay taageeraan ciidamada xoogga dalka iyo xoogagga dadweynaha oo dadaal ugu jira sidii loo ciribtiri lahaa kooxda Khawaarijta oo ujeedkooda yahay in dadka iyo dalka xasillin, shacabka masaakiinta ahna baad joogta ah ka qaadaan, wuxuuna balan qaaday in muddo kooban ku soo ajari doonaan gumaadka Khawaarijta.

Madaxweynaha Namibia oo waraaqaha Aqoonsiga ka guddoomay danjiraha Soomaaliya u fadhin doona dalkaas

Madaxweynaha Dalka Namibia Dr.Nangolo Mbumba ayaa  warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Ambassador Maxamed Isaaq Ibraahim oo JFS u fadhin doono dalkaas.

Munaasabad Kooban oo ka dhacday xarunta madaxtooyada dalkaasi ayuu Danjire Maxamed Isaaq warqadaha ku guddoonsiiyay madaxweynaha dalkaas.

Danjire Maxamed waxa uu sidoo kale gaarsiiyay salaan uu ka waday Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeybgaley Kulan Madaxeedka 26aad ee aan caadiga ahayn ee Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC), kaasi oo looga hadlay xiisadda dagaal ee ka soo cusboonaatay Bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC).

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Qaahira kulan kula qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka Jaamacadda Carabta Mudane Maxamed Axmed Al-Yamaahi.

3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Dar Es Salaam ee dalka Tanzania kaga qeybgaley Shir Madaxeedka Afrika ee tamarta oo diradda lagu saarey dardargelinta helitaanka tamarta ee bulshooyinka Afrika.

4- Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan doceedyo la qaatay madaxda ka qaybgashay Shir Madaxeedka Afrika ee arimaha tamarta.

5- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomaya Danjireyaasha Sudan, Thailand, Falastiin, Tanzania, Portugal, Rwanda, Algeria iyo Japan.

6- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Nabadoon Faarax Abdi Waare oo oo ka mid ahaa odayaasha dhaqanka ee dalka.

7- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ka tacsiyadeeyay geeridii ku timid Allah ha u naxariistee Nabadoon Faarax Cabdi Waare, oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

8- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo kulan la yeeshay xubnaha Golaha Saxaafadda Qaranka, kuna booriyay inay si hufan u qabtaan hawlaha muhiimka ah ee loo igmadey.

9- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, oo ka qeybgalay munaasabadda qalin-jabinta ardayda Jaamacadda UPeace, isagoo sheegay in Xukuumaddu awoodda saari doonto sidii kor loogu qaadi lahaa waxbarashada heerarkeeda kala duwan, isla markaana uu socdo qorshaha dhismaha guddiga sare ee waxbarashada dalka.

10- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa u magacaabay marwo Aamina Axmed Samatar Isu-duwaha Arrimaha Haweenka ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

11- Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa meel-mariyey Qaraarka wax la qabashada iyo maareynta isticmaalka khaldan ee baraha bulshada.

12- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa daah-furay Qorshaha Istaraatiijiyadda Wasaaradda Amniga ee shanta sano ee soo socota.

13- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka 2aad Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali (Dhaay), ayaa guddoomiyey shirka tiirka horumarinta arrimaha bulshada ee xukuumadda oo looga hadlay dardargelinta dadaallada dowladdu ku gaarsiineyso bulshada adeegyada kala duwan.

14- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka 2aad Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali (Dhaay), oo xarigga ka jaray xarunta Qatar Airways ee Soomaaliya ayaa Sheegay in duullimaadyada casriga ah ee dalka ku xiraya dunida inteeda kale ay kaalin weyn ka qaadanayaan isu socodka, horumarka dalka iyo maalgashiga caalamiga ah.

15- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa hortagey kulan dadweyne oo weriyeyaasha idaacadaha kala duwan ay su’aalo weydiinayeen.

16- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka KMG ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ambassador James Swan.

17- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallim Fiqi, ayaa magaalada Dar Es Salaam ee Tanzania ku saxiixay saddex heshiis, kyadoo dhanka Tanzania ay heshiiisyadaasi u saxiixeen Wasiirka Warfaafinta, Hiddaha, Dhaqanka iyo Cayaaraha ee dalka Tanzania, Hon. Prof. Palamagamba Kabudi iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha dalkaasi, Hon. Innocent Lugha Bashungwa.

18- Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa degmada Deyniile ee gobolka Banaadir ku dilay laba nin oo bistoolado ku hubaysan kana tirsanaa Khawaariijta, kuwaas oo doonayay in ay dilaan ciidamo dowladda ka tirsan oo hawlgal ku guda jiray.

19- Wasiirka Amniga Gudaha Cabdullahi Shiekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa shir guddoomiyey kulanka joogtada ah ee guddi hawleedka farsamo ee Xiriirka Arrimaha Xasilinta.

20- Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah DFS Mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa soo gebagebeeyay kulan shaqo oo ay isugu yimaadeen mas’uulyiin iyo khubaro ka kala socday hey’adaha Dowladda Federaalka ah iyo laamaha Qarammada Midoobay ee ka hawlgala Soomaaliya

21- Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddalka Cimilada Mudane Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa kulan muhiim ah oo la xiriira la qabsiga Isbeddalka Cimilada iyo Ilaalinta Deegaanka ee Urur goboleedka IGAD magaalada Muqdisho kula yeeshay Agaasimaha Xaruntaas, Danjire Jamaal Maxamed Xasan.

22- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa kulan miro dhal ah la qaatay Safiirka Boqortooyada Sucuudi Caraabiya u fadhiya Muqdisho Amb.Axmed Bin Muxamed Al Muwallad.

23- Wasiir Ku-Xigeenka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa magaalada Diridhabe ee Dowlad Deegaanka Soomaalida uga qeyb-galay munaasabad loogu dabaal-degayeey aqoonsiga Xeerka Soomaaliyeed ee Xeer Ciise oo ay dhawaan aqoonsatay Hay’adda UNESCO.

24- Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Cabdikarim Axmed Xasan ayaa kulan la qaatay Danjiraha Midowga Yurub u jooga Soomaliya Marwo Amb: Karin Johansson.

25- Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hay’adaha maxalliga iyo kuwa caalamiga ee ka howlgala Soomaaliya uga digtay in lala shaqeeyo ama lala macaamilo kooxaha Khawaarijta.

26- Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya iyo Booliska Caalamiga ah ee (Interpol) ayaa kala saxiixday heshiis iskaashi oo ku saabsan ka hortagga dambiyadda abaabulan, kor u qaadidda amniga socdaalka iyo sare u qaadidda iskaashiga laba dhinac.

27- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee JFS Baashe Yuusuf Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qeybgalay shirkii 8-aad ee Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Dastuuriga ah ee wadamada Afrika oo ka dhacay magaalada Qaahira ee dalka Masar.

28- Ilaa iyo 16-ka tirsan Khawaarijta oo lagu dilay hawlgalka Ciidanka Xoogga Dalka iyo geesiyaasha deegaanka ay ka wadaan bariga gobolka Hiiraan

29- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa guddoomiyay shir looga hadlaayay dar-dargelinta amniga caasimadda,

30- .Xubno ka tirsan Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa kormeer ku maraya xarumaha loo diyaariyay in lagu qabto diiwaangelinta iyo doorashooyinka qof iyo codka ah ee ku yaalla qaar ka mid ah dowlad goboleedyada dalka.

31- Wasiirka Amniga Gudaha Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa sheegay in caqabadaha heysta hay’adaha amniga loo heli doono xal waara iyadoo la adeegsanaaya qorshahayaasha cusub ee istaraatiijiyada Amniga Qaranka.

32- Guddiga Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka ayaa sheegay in dooorashada deegaanka ka dhici doonto deeganada Jubbaland, SSC-khaatumo, Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Gobolka Banaadir.

33- Madaxweynaha Hirshabeelle Mudan Cali Guudlaawe Xuseen oo qaabilay xubno ka mid ah Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo hawlo shaqo u tagay Jowhar.

34- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa sii wada hawlgalka ballaaran oo ka socda bariga Gobolka Hiiraan, kaasi oo lagula dagaallamayo Khawaarijta.

35- Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay Taliyaha Ciidamada Talyaaniga ee Caribbinieri Col.Fabio Coppolino.

36- Dowladda Federaalka Soomaali ayaa canshuur dhaaf buuxda u sameeyay adeegyada iyo agabyada caafimaad ee dalka la keeno.

37- Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa qaabilay Faisal Shahkar oo ah Madaxa Boliiska Qaramada Midoobay iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka socday Xafiiska Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.

38- Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SODMA) iyo Hey’adda Cunnada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO) ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada ay khuseyso inay si degdeg ah uga diyaar garoobaan cawaaqibka ka dhalan kara roob yarida la filayo xilliga Guga 2025

39- Ciidanka Daraawiishta Puntland ayaa Khawaarijta Daacish kala wareegay deegaannada kala ah Waadi-soor, Ina Ciddoole, Damal Cagagubyo, Diibow, Qaaqsiiye, Daad, Dal lo’aad iyo Isha-Siido ee gobolka Bari.