Taliska Booliska oo soo saaray awaamiir cusub oo lagu sugayo amniga caasimadda

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa bulshada la wadaagay awaamiir cusub oo lagu sugayo amniga caasimadda oo Taliska Booliska Soomaaliyeed uu soo saaray.

Afhayeenka ayaa sheegay in la farayo Ganacsatada,Shirkadaha aan Dowliga ahayn, Shirkadaha iyo Shaqaalaha ajaanibt in ay qaataan Warqadda dambi la’aanta ee waaxda dambiyada u qaabilsan ee C.I.D.

Waxa uu intaa ku daray hadalkiisa in xogaha la helay ay muujinayaan in Argagixisada lacago ay dhexmarayaan Ganacsatada si looga hortagana loo qaaday tallaabadaan oo dhaqangali doonto

amarkaan ayuu sheegay in uu billaaban doonno 10ka Febaraayo 2025,waxa una sheegay in cidii u hoggaansami weyso awaamiirta ciidanka amniga lala xisaabtami doonno.

Dhammaan shaqaalaha kala duwan ee Ajaanibta ah waa in ay qaataan warqadda dambi la’aanta ee C.I.D. sidaas oo kale waxaa Shirkadaha &Ganacsatada la farayaa in ay qaataan warqaddaas, Warqaddaan waxa ay caddeyn u tahay in Ganacsigaas ama shirkaddaas aanay ku lug lahayn kuna jirin maalgelinta Argagixisad”ayuu yiri Afhayeenka Boliiska

Boliiska Soomaaliya ayaa sidoo kale Hay’adaha caalamiga, kuwa maxaliga ah  kaga digay in aysan la macaamili karin shirkad aan wadanin warqada dambi la’aanta.

Gaashaanle Cabdifitax ayaa sheegay in diiwaangelintaan laga doonayo Shirkadaha Amniga ee gaarka loo leeyahay, Ururrada aan Dowliga ahayn, Ururrada aan faa’iido doonka ahayn, Shirkadaha Isgaarsiinta, kuwa dhismaha, Hoteellada, Duullimaadka, Caafimaadka, guryaha kireeya & kuwo kale.

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo magacaabay mareeye ku-xigeenka Dekadda Xamar

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa u magacaabay Mudane Ismaaciil Siciid Aw-muuse mareeye ku-xigeenka Dekadda Xamar, kadib soo-jeedintii Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda.

Magacaabistan ayaa qayb ka ah qorshaha dardargelinta iyo horumarinta kaabayaasha Dekadaha Dalka, si waafaqsan Qorshaha Isbeddelka Qaranka.

Trump oo wadahadallo dhanka canshuuraha ah la leh Canada iyo Mexico

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in maanta uu la hadli doono dhiggiisa Mexico iyo Canada, maalin ka dib markii uu ku dhawaaqay in uu canshuur ku soo rogay dalalka deriska ah iyo sidoo kale Shiinaha.

Maamulka Trump ayaa qorsheynaya in wixii ka bilowda maalinka Talaadada ee berito la soo rogayo canshuur boqolkiiba 25 ah oo saaran Kanada iyo Mexico iyo sidoo kale boqolkiiba 10 oo lagu soo rogay  badeecadaha ka yimaada Shiinaha.

Arrintaan ayaa imaaneysa xilli xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Marco Rubio uu u safray Panama si uu ugu sheego hogaamiyaha dalkaasi inuu soo afjaro saameynta Shiinaha ee uu ku leeyahay kanaalka Panama.

Trump ayaa dhinaca kale ka dhawaajiyay in sida ugu dhaqsiyaha badan Midowga Yurub lagu soo rogayo canshuurro  balse waxa uu ka gaabsaday in uu bixiyo waqti cayiman.

Ra’iisul wasaaraha Kanada Justin Trudeau , Madaxweynaha Mexico Claudia Sheinbaum iyo Shiinaha ayaa sheegay in ay qaadi doonaan tallaabo lamid ah tan Mareykanka ee lagu soo rogay canshuurahaasi.

Dab khasaare hantiyeed geystay oo xalay ka kacay suuq ku yaala Hargeysa

Hargeysa:-Dab xoogan oo ka kacay suuqa Idaacadda ee sinta bari ku haya Radio Hargeysa ayay ciidamada dabdamisku la tacaalayeen tan iyo xalay, kaas oo geystay khasaare hantiyadeed oo xooggan.

Ciidanka dabdamiska ayaa goor dambe oo xalay ah ku guuleystay inay damiyaan dabkan ka jacay Suuqa Idaacadda sida uu warbaahinta u sheegay Taliyaha Ciidanka Dab-demiska, iyadoo aanan wali faah-faahin buuxda laga bixin khasaare rasmiga ah ee uu geystay dabka.

Madaxweynaha maamulka Somaaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro,ayaa goor-dhow gaaray goobahii ganacsi ee uu waxyeelada xooggan xalay u geystay dabka, isagoo warbixinno ka dhageystay mas’uuliyiinta tan iyo xalay ku sugnaa halkaas.

Wasiir kuxigeenka wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala qoraal uu soo dhigay Bartiisa Fecboka ayuu Alle uga baryay gancsatada ku hanti beeshay dabka badal kheer qaba.

“Ilaaheey badal khayr leh ha siiyo muwaadiniinta ku xoolo beelay Dabkii xalay qabsaday Suuqa Gobonimo ee Magaalada Hargaysa, xanuunka ayaan llaqaybsanaynaa”ayuu yiri Wasiir ku xigeenka

Qaar kamid ah Ganacsatada Suuqa oo la hadalay warbaahinta ayaa sheegay in si fudud loo damin karay dabka balse la waayay waddooyinkii la marin lahaa gaadiidka Dab damiska, taasoo keentay in Dabka uu sii faafo.

Wasiirka Gaashaandhigga oo sheegay in Duqeyntii ka dhacday puntland lagu dilay xubno badan oo katirsana khawaarijta

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya, Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay duqeymaha ay ciidamada Mareykanka ka fuliyeen buuraha Caalmiskaad ee gobolka Bari.

Wasiirka oo ka hadlayay munaasabad tababar loogu soo xiray Cutubyo ka tirsan Kumaandooska Danab,ayaa sheegay in duqeyntaa lagu dilay xubnno baban oo katirsan khawaarijta.

“Puntland waxaa buuraha duqeyn lagu laayey Khawaarij tiro badan oo aan uga mahadcelineyso dowladda Mareykanka”ayuu yir Wasiir Cabdiqaadir Maxamed Nuur

Wasiirka waxaa uu sidoo kale sheegay in duqeymahaasi la gaarey bartimaameydkii loo waday oo ahaa xubno ka tirsan Daacish oo ku sugnaa buuraha gobolka Bari.

Dowladda Marekanka ayuu kaga mahadceliyay wasiirku garab istaaga dowladda iyo tageerada duqeymaha ka dhanka ah khawaarijta.

“Mareykanka ayaan uga mahadcelineyna duqeymaha gobolka Bari ee lagu dilay Xubno badan oo ka tirsan Daacish, waa saaxiib xilli wanaagsan na garab taagan” ayuu yiri Wasiirka.

Hadalka wasiirka waxaa uu ku soo aadaya xilli Mareykanka ay xaqiijiyeen duqeynta ka dhacday gobolka Bari, taasi oo xubno badan lagu dilay

Wafdi ka socda Dowladda Turkiga oo soo gaaray Muqdisho

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga ah ee Soomaaliya Mudane Axmed Xassan Aadan ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyey wafdi ka socda Dowladda Turkiga, kuwaas oo u yimid dalka sidii ay maalgashi ugu samayn lahaayeen Kalluumesiga iyo Kheyraadka Badda.

Ujeedka kulankani, ayaa qeyb ka ah hirgelinta heshiiskii difaac iyo iskaashiga dhaqaale oo ay kala sixiixdeen Soomaaliya iyo Turkiga kaas oo xoojinayay ka faa’iidaysiga kheyraadka badda.

Soomaaliya Baddeeda waxaa loo aqoonsan yahay inay tahay biyaha ugu khayraadka badan ee galbeedka badweynta hindiya, sidaa darteed haddii si wanaagsan loo maalgeliyo Soomaaliya waxay kaalinta hore ka gali kartaa wax soosaarka kalluunka caalamka.

Ka dib markii ay Wasaaradda kalluumeysigu ay dibu habayn ku samaysay sharciga kalluumeysiga dalka, iyo dhammaan xeerarkii sahlayey in maalgashi lagu sameeyo kheyraadka badda, Waxaa muuqata in daneeyeyaal badan ay diyaar u yihiin Maalgashiga Kalluunka Soomaaliya oo ay Dowladda Turkiga ugu horeyso.

      

Ra’iisul wasaare Xamsa Cabdi Barre oo dhaggax dhigay mashruuc Ganacsi oo casri ah

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa dhagax dhiggay Mashruuc weyn oo ka kooban Sima 5-Star Hotel oo ah kii ugu horeeyay ee noociisa ah ee dalkeennu yeesho iyo Suuq (Mall) weyn oo ay u dhammeystiran yihiin dhammaan adeegyada Suuq casri ah looga baahan yahay.

Mashruucan ayaa qayb weyn ka qaadandoonaa horumarka dalka, si gaar ah caasimadda, isagoo abuuri doona fursado shaqo oo tiro badan.

    

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay safiirka cusub ee Dowladda Falastiin

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka cusub ee Dowladda Falastiin, Rowaid Adil Mohamed oo dhowaan laga guddoomay warqadaha aqoonsiga danjiranimo.

Kulanka ayaa diirradda lagu saaray xoojinta xiriirka walaalnimo ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Falastiin.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa safiir Rowaid Adil Mohamed ugu hambalyeeyay xilka cusub, isaga oo caddeeyay in Soomaaliya ay mar walba garab taagan tahay shacabka Falastiin gaar ahaan xaqa taariikhiga ah ee ay u leeyihiin Falastiiniyiintu xornimada iyo madax-bannaanidooda wuxuunna cadeeyay in dowladda Soomaaliya aysan raali ka ahayn barakicinta shacabka Falastiin.

Dhankiisa, Safiir Rowaid Adil Mohamed , ayaa uga mahadceliyey Dowladda Federaalka Soomaaliya taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay shacabka Falastiin, isaga oo xusay in dadka reer Falastiin ay si dhow u og yihiin abaalka walaalnimo ee dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Taliyaha ciidamada militariga Turkiga oo soo gaaray magaalada Muqdisho

Taliyaha ciidamada militariga Turkiga, S/Guud Metin Gurak, ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho, halkaas oo si heer sare ah loogu soo dhoweeyay.

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde waxaa ku soo dhoweeyay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage, iyo safiirka Turkiga u joogo Soomaaliya iyo saraakiil kale Socdaalka General Metin Gurak, ayaa qeyb ka ah xoojinta iskaashiga milatari ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga

Taliyaha Ciidamadda militry Turkiga General Metin Gurak, iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa booqday dekeda Muqdisho oo uu ku sugnaa markab dagaal oo ciidamadda badda Turkiga leeyihiin iyo dugsiga Turksom

 

   

Muqdisho oo xalay lagu soo bandhigay Waxsoo-saarka Bariiska dalka

Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay magaalada Muqdisho ku qabatay munaasabad casho sharaf ah oo lagu taageerayay wax-soosaarka dalka.

Munaasabadda ayaa inta ay socotay waxaa lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira wax-soosaarka dalka, gaar ahaan bariis ka soo go’ay Beeraha gobolka Shabeellaha Dhexe, iyadoo isla bariiskaas lagu casheeyay, taasoo dhammaan ka qeyb galayaashu aad u bogaadiyeen kuna tilmaameen talaabo muhiim u ah dalka.

Munaasabadda oo ay ka qeyb galeen guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee golaha Shacabka, wasiirro ka tirsan XFS, xildhibaanno, ganacsato ururrada Haweenka iyo marti sharaf kale ayaa waxaa lagu aruuriyay dhaqaale la doonayo in lagu taageero beeraleyda Soomaaliyeed, lacagtaas oo dhan 179-kun oo dollar, islamarkaana loogu deeqay beeraleyda.

Guddoomiyaha kuxigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiya Yaasiin Samatar oo munaasabadda ka hadashay ayaa beeraleyda Soomaaliyeed ku bogaadisay horumarinta dalagyada dal, taasoo sheegtay in waxbadan ka qaban doonto cunna yirida dalka.

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka XFS mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ay wasaaraddiisa soo agaasintay munaasabadda ayaa yiri “Beeraleyda Soomaaliyeed waxaa ay sameysay isbedel weyn oo dhanka wax soo saarkooda, Dowladduna waxay siin doontaa garabka ay u baahan yihiin ee dhankasta ah”.

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddalka Cimilada xukuumadda federaalka ee Soomaaliya Sareeye Guud, Mudane Bashiir Maxamed Jaamac ayaa bogaadiyay dadka isku howlnay iyo Xukuumadda gaar ahaan Wasaardda Beeraha oo bogaadisay.

Wasiir Bashiir waxa uu u mahadceliyay Wasiirka Beeraha XFS Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) iyo howlwadeennada Wasaaradda oo uu ku bogaadiyay dhiirigelintooda Wax soo saarka dalka iyo in la iska kaashado sidii dhaqaalaha Soomaliya sare logu qaadi lahaa, iyadoo xoogga la saaraayo Beeraha.

Beeraha gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa Caan ku ahaan jiray beerista Bariiska, iyadoo dalka oo dhan iyo dibadiisa loo iib geyn jiray, waana Bariis ka wanaagsan kana caafimaad badan midka dalka dibadiisa nalooga keeno sida ay sheegeen bahda aqoonta u leh cunnooyinka la quuto, taasoo keentay in wasaaradda Beeraha inay dhiirrigelin u sameeyaan beeraleyda Soomaaliyeed.