Wasiir Cali Balcad oo qaabbilay wasiir ku xigeenka arrimaha dibedda dalka Azerbaijan

Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibedda iyo xiriirka caalamiga XFS Cali Cumar (Cali balcad) ayaa garoonka diyaaradaha Muqdosho ku qaabbilay wasiir ku xigeenka arrimaha dibedda dalka Azerbaijan Yalchin Refiyev iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Labada dhinac ayaa waxay ka wada hadli doonaan xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Azerbaijan iyo sidii loo adkayn lahaa iskaashiga labada dowladood.

Wasiirka amniga gudaha dalka oo gaaray Turkiga

Ankara: Wasiirka amniga gudaha ee Soomaaliya Jeneral Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa booqasho rasmi ah ku tegay dalka Turkiga , kaddib martiqaad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa wadankaas Ali Yerlikaya.

Booqashada wasiirka amniga Soomaaliya uu ku tegay wadanka Turkiga oo qaadan doonta muddo laba maalin ah ayaa looga golleeyahay xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga, tababarada iyo wadashaqeynta labada dal, waxaana wafdigu ay kulamo gaar gaar ah la qaadan doonaan madaxda sare ee wasaaradda amniga gudaha Turkiga.

   

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay safiirka Thailand ee Soomaaliya

Guddoomiyaha hay’ada maareynta musiibooyinka Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha cusub ee dalka Thailand u fadhin doonto Soomaaliya Amb. Morakot Janemathukorn.

Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda bani’aadannimo ee dalka, sida ay dowladda Thailand qeyb kaga qaadan karto howlaha gargaarka, taageerada farsamo iyo qalab ee ay u baahan tahay Hay’ada SoDMA.

Amb. Morakot Janemathukorn ayaa ballan-qaadday in Dowladdedu ka qeyb qaadan doonto tageerada howlaha bani’aadannimo ee Soomaaliya, si dhowna ula shaqeyn doonto hay’adda SoDMA.

  

Shir u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo IMF oo ka furmay Riyaad

Riyaad (SONNA): Waxaa maanta magaalada Riyaad ee wadanka Sucuudiga ka furmay shir muhiim ah oo u dhexeeya hay’adaha maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF, kaas oo diiradda lagu saarayo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya iyo sidii loo maalgalin lahaa ilaha wax-soo saarka dalka oo uu ugu horeeyo kheyraadka dabiiciga ah ee uu wadankeenu hodanka ku yahay.

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Biixi Imaan Cige oo hoggaaminaya xubnaha kala duwan ee shirka ka qeyb galaya oo ka kooban Xafiisyada Madaxeynaha, Ra’iisul Wasaaraha, Wasaaradaha kala ah Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Qorsheynta, Wasaaradda Batroolka, Bangiga Dhexe, hay’adda Warbixinada Maaliyadda, Hay’adda Istaatistikada Qaranka iyo Xafiiiska Xisaabiyaha Guud.

Shirkan oo socon doona muddo 4 maalmood ah ayaa lagu gorfayn doonaa, wixii u qabsoomay Dowladda Soomaaliya muddadii sanadka aheyd ee kasoo wareegtay markii lagu dhawaaqay in Soomaaliya laga cafiyay deymhii lagu lahaa, sidoo kale waxa uu noqonayo qorshaha ku aadan horumarinta dhaqaalaha dalka iyo sidii loo maalgalin lahaa mashaariicda horumarineed ee Soomaaliya gaarsiin kara isku filnaan dhaqaale.

Wasiir Biixi Imaan Cige oo furitaanka shirka ka hadlay ayaa faah-faahin buuxda ka bixiyay dadaalka Wasaaradda Maaliyadda ee ku aadan dib-u-habeynta Maaliyadda iyo casriyeynta ilaha dakhliga, kuwaas oo uu ku tilmaamay inay hadda ku socdaan hannaankii saxda ahaa ee lagu gaari lahaa horumar maaliyadeed.

Sidoo kale Wasiirka Maaliyadda XFS Biixi Imaan Cige ayaa xusay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay hufnaanta iyo horumarinta Maaliyadda, isagoo u mahadceliyay Sanduuqa IMF iyo Bangiga Adduunka oo si wanaagsan u la shaqeeya Hay’addaha Maaliyada Soomaaliya, taageerada farsamo iyo mid Maaaliyeed ee ay ku taageeraan Dowladda Federaalka.

     

Wasiirka gaashaandhigga oo qaabilay wakiilka Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga dowladda FS Soomaaliya mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ku qaabilay Ergeyga KMG ee Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya Mr James Swan ayaa ka wada hadlay hawlgallada ka dhanka ah Khawaarijta ee socda iyo doorka ciidanka AUSSOM ka qaadanayaan sidii loo ciribtiri lahaa argagixisada.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray doorka muhiimka ah ee saaxiibada Soomaaliya ay ku xoojinayaan awoodda Ciidanka XDS, waxaana la isla xaqiijiyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay amniga iyo bedqabka Soomaaliya iyo guud ahaan kan gobolka.

Dhinaca kale wasiirka wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Mudane, Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabbilay Ku-simaha Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay, James Swan iyo wafdi la socday.

Wasiirka iyo ku-simaha Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay, ayaa kawada hadlay horumarinta waxbarashada Soomaaliya, sidoo kale Wasiirka ayaa uga mahad celiyey Qaramada Midoobay taageerada joogtada ah ee ay marwalba la garab taaganyihiin dowladda Soomaaliya.

 

Xeer ilaaliyaha Qaranka oo kormeeray xarunta hay’adda socdaalka

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr Suleyman Maxamed oo uu Wehliyo ku xigeenka xeer-Ilaaliye Yaxye Maxamuud Saciid ayaa maanta kormeer shaqo ku tegay Xarunta Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ,kaas oo ujeedkiisu ahaa waxka qabashada socdaalka sharci darada ah, tahriibinta iyo ka ganacsida dadka.

Agaasimaha guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo kusoo dhaweeyay xafiiska ayaa Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka warbixin ka siiyay shaqooyinka Hay’adda.

Kulan gaar ah oo ay ku yeesheen labada masuul xarunta Hay’adda ayaa looga hadlay wax ka qabashada danbiyada socdaalka sharci darada ah iyo Tahriibinta maadaama dhaawac weyni kasoo gaaray ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan waalidiinta iyo Dhallinyara, taasoo keentay in Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka aas-aaso waax si gaar ah uga shaqeysa danbiyada Socdaalka sharci darada ah.

    

Hawlgal ka dhan ah Khawaarijta oo laga fuliyey Shabeelaha hoose

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan ururka 143-aad ee guutada 14-ka October ayaa hawlgal qorsheysan oo sifeyn ah maanta ka fuliyey tuulooyin hoostaga degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha hoose.

Hawlgalkan ayaa si gaar ah looga fuliyey tuulada Gaala-war oo 5-km dhinaca qorrax udhaca ka xigta Afgooye iyo dhul keyn ah oo tuuladaas ku teedsan, halkaas oo maalmihii la soo dhaafay ay ku dhuumaaleysanyeen Maleeshiyaad katirsan Khawaarijta.

Taliyaha Guutada 14-ka October G/sare Nuur Maxamed Gaabow “Nur Farey” ayaa Xaqiijiyay in Geesiyaasha Qarankeenna ay ku guuleysteen inay Cagta mariyaan dhamaan goobihii gabbaadka u ahaa Khawaarijta, sidoo kalana ay kasoo maleegi-jireen falalka Amni darro oo qaraxyada iyo dilalka qorsheysan ay kamid yihiin

Ciidanka Puntland oo qabtay horjooge sare oo ka tirsanaa Daacish

Boosaaso: Ciidanka Daraawiishta Puntland ee dagaalka kula jira Khawaarijta Daacish ee ku sugan buuraleyda Calmiskaad ayaa ayaa soo bandhigay madaxii dilalka qorsheysan ee kooxdaas xukumane Cabdiraxmaan Shirwac Aw-Saciid (Laahoor) kaas oo ciidanka isku soo dhiibay.

Laahoor oo ka soo baxsaday Daacish ayaa lagu soo bandhigay deegaanno hoostaga degmada Qandala ee Gobolka Bari, kadib markii uu u adkeysan waayay dagaalka kaga socdo dhinac walba.

Maxkamadda Ciidanka ee Puntland ayaa horay dil toogasho ah ugu xukuntay Laahoor oo lagu helay in uu ka mid ahaa Daacish , uuna hoggaaminayey Qaraxyo kala duwan oo ka dhacay gudaha magaalada Boosaaso.

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Falastiin u fadhiya Soomaaliya

Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Feederaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha cusub ee Dowladda Falastiin u fadhiya Soomaaliya Mudane Dr.Rowaid Adil Mohamed.

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo si diirran oo gacaltooyo leh ku soo dhoweeyay Danjiraha, ayaa ugu hambalyeeyay xilka cusub ee loo magacaabay, isagoo adkeeyay garab istaagga gobonimo doonka shacabka reer Falastiin iyo sida ay xaqa ugu leeyihiin inay helaan dowlad la aqoonsan yahay oo iyaga metesha, taas oo u horseedda nabad, xasillooni iyo barwaaqo.

Safiirka ayaa dhankiisa uga mahadceliyay guddoomiyaha soo dhawaynta diirran, wuxuuna ugu hambalyeeyay ku guulaysiga ay Soomaaliya ku guulaysatay inay ka mid noqoto xubnaha aan joogtada ahayn ee Golaha Amaanka QM, taas oo uu sheegay inay faa’iido u tahay dadka reer Falastiin ayna ku kalsoon yihiin in Soomaaliya ay ku meteli doonto qadiyadda Falastiin iyo xorriyaddooda.

Ugu dambayn, guddoomiyaha ayaa u rajeeyay Safiirka cusub ee Falastiin in ilaahay xilka loo magacaabay uu u fududeeyo, dadaal dheerad ahna ku bixiyo horumarinta xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Falastiin.

 

   

Madaxweynaha JFS oo Wareegto ku soo celiyey Xuquuqda iyo Darajada Ciidan ee Ibraahim Macallin Cabdullaahi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xeer Madaxweyne ku soo celiyey dhammaan darajooyinkii iyo xuquuqdii ciidan ee Gaashaanle Sare Ibraahim Macallin Cabdullaahi uu ku lahaa Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka, si waafaqsan Qodobbada 87-aad iyo 90-aad ee Dastuurka Kumeel-gaarka ah.

Madaxweynaha ayaa ku saleeyey Xeerkan Madaxweyne, sharciga dhismaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ee Lr. 003, soona baxay sanadkii 2023-dii, codsi uu soo gudbiyey Gaashaanle Sare Ibraahim Macallin Cabdullaahi iyo muhiimadda ay leedahay in dib loo soo celiyo xuquuqdiisa iyo darajooyinkiisa ciidan si waafaqsan dastuurka iyo sharciyada dalka.

Gaashaanle Sare Ibraahim, laga bilaabo maanta oo la saxiixay xeerkan Madaxweyne, waxa uu xaq u yeelanayaa dhammaan xuquuqda ciidan ee sharcigu uu u ogolyahay, iyadoo xeerkani uu baab’inayo dhammaan wixii xeer ah oo ka horreeyey.