Dad waxaa ugu liita kuwa raba maanta meesha ay Soomaaliya joogto in lagu sii hayo’ (WARBIXIN)

Dowladaan kama duwana Dowladaha aduunka oo waa lagu dhaliili karaa wax yaabaha ay ka gaabisay Daruuf iyo Farsamo xumo teey doon taba ha sababtee; balse waa in la qira in ay howl wanaagsan ka qabatay Dalka, walina aragti ka leedahay hogaaminta dalka, waana Sababta ay qorshayaalkeeda bulshada ugu soo bandhigayso. Xoreenta Dalka wax weyn ayay ka qabatay, taasoo suuragalisay isku socodka Dhul masaafo ahaan aad u kala fog. Amniga Caasimada way xaqiijisay waana Sababta ay hadda xukuumada u leedahay waa in loo gudba in Amniga Xamar loo sugo sida Caasidamaha aduunka.

Mucaaradka waa inay aragti soo bandhigaan dalka ay ku hogaaminayaan, laakin hub sharci daraa caasimada lagama saari karo, hadana haddii Amniga wax ka qaldamaan, Dowlada ku eedeeyna isma qabato.  Doorashada wixii ka qaldan waa in aragti Dastuuriya oo toosina lagu saxaa, laakin Dood saxa maaha lama haweysan karo Doorasho Qof iyo Coda oo anagaa diidnay. Xukuumada maxa “Mandate” loo siiyay haddey Dalka iyo Dadka u adeegi karin. Kuwa maanta mucaaradka siday shacabka oga dhaadhicin karaan anaga oo banaanka joogna ayaa wax qaban doona haddii kuwii Xukunka joogay ee la doortay aysan Amniga iyo doorasha dalka wax ka qaban karin..!!

Xildhibaan Abdirahman Cagawayne oo arrinta doorshada ka hadlaayay ayaa sidaan qaba:- “Waxaa nasiib darro ah in siyaasadii dalka lagu jaangooyay maslaxado gaar ah oo hadii la waayo ay aflagaado kuxigto dalka waxaa loo doortay Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud dastuurka dalkana wuxuu awood u siinayaa in qorshayaashii dib u doorashadisa ku balan qaaday uu fuliyo waxaana ugu horreysay in dastuurka dalka la dhameystiro doorasho qof iyo codna dalka ka dhacdo labadii qodob oo ugu muhimsanaa maanta waxay marayaan meel gabagaba ah”.

Xildhibaanka oo qoraalkaan ku qoray Bartiisa Bulshada ayaa sii raaciyay “Dalka wuxuu kujiraa gacan aamin ah, waxaana Madax ka ah Madaxweyne 40 kii sano la soo dhaafay dalka aan meelna ka aadin, laba marna soo hoggaamiyay dalka, mana loo baqaayo maanta maalin uu ka fiicanyahayna ma soo marin, dalka wuxuu ka guuray mugdigii muddada dheer uu ku jiray, wuxuuna u guuray iftiinka caalamka ka socda ee dimuqraadiyada, kuwa qaylinaaya waxaan leeyahay wixii aad adiga gacantiinna ku ansixiseen ha ku eedeyna qof kale intaa taqaaniin waa dhaaftay dalkana waa ka gudbay xilligii aAfduubka loo heesan jiray”.

Dadka wax falanqeeya ayaa sheegaya inuu jiro “GEEDDI LA HUBO”: waxayna qaabaan “Guusha keliya ee aysan suurtagalka aheyn inaad gaarto, waa mida aadan u dhaqaaqin waddada lagu gaarayo. Waxaa taasi la macno ah “ Dadka leh doorasho qof  iyo cod waa rabnaa, haddana diidan dariiqii iyo fulintii lagu gaari lahaa inay dowladda kala shaqeeyaan. Xukuumad u diyaarsan hirgelinta himiladaasi ee uu garwadeen ka yahay Raiisul-wsaaraha dalka Sayid Hamza Abdi Barre iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dr: Hassan Sheikh Mohamud oo geeddigaasi hoggaan u ah ayaa dalka inoo jooga, ee shacabow halkaasi ayey taladii guushiina iyo ka gudubka doorasho dadban jirtaa ee ku bishaareysta”.

“Seddex ama Afar ka mid ah Muwaadiniintu ma diidi karaan Xuquuqda 20-ka Milyan ee kale, Tabashada iyo talo dhiibashada yaan la dhaafinin halkeeda, damaca iyo doonistana hallagu xakameeyo sharciga oo yaan xuduudka la Talaabin”, sidaasina waxaa yiri:- Wasiir ku xigeenka Warfaafinta mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cadaala.

“Dad waxaa ugu liita kuwa raba maanta meesha ay Soomaaliya joogto in lagu sii hayo”  sidaasi waxaa yiri:-Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud oo ka hadlaayay siyaasiyiinta qaarkood.

Soomaaliya ayaa ku tilaabsatay horumar laga sameeyay dhinaca Diplomaasiyadda caalamka, taasi waxaad ka garan kartaa sida isdabajoogga ah ee ay u soo qulqulayaan wadamada ka mid ah dunida, waxaana marqaati cad ka ah in hal maalin oo qura ay waraaqadahooda safiirnimo u soo gudbiyeen, wuxuuna Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjireyaal cusub oo ku soo biiray diblumaasiyiinta ka howlgala dalkeenna, waxayna Danjireyaasha uu Madaxweynuhu ka guddoomay warqadaha aqoonsiga ayaa kala ah:-

 

  1. Amb. Abdirahman Khalil Ahmed – Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Sudan
    2. Amb. Rowaid Adil Mohamed – Danjiraha cusub ee Falastiin
    3. Amb. Morakot Janemathukorn – Danjiraha cusub ee Thailand
    4. Amb. Bernard Yohana Kibesse – Danjiraha cusub ee Tanzania
    5. Amb. Ana Filomena da Costa Rocha – Danjiraha cusub ee Portugal
    6. Amb. Martin K. NGOGA – Danjiraha cusub ee Rwanda
    7. Amb. Mahi Boumediene – Danjiraha cusub ee Algeria
    8. Amb. Matsuura Hiroshi – Danjiraha cusub ee Japan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka laba-geesoodka ah ee Soomaaliya la leedahay dalalka ay danjireyaashani ka socdaan, si loo adkeeyo iskaashiga diblomaasiyadda, dhaqaalaha, horumarka iyo amniga, iyadoo Danjireyaasha warqadaha laga guddoomay ay uga mahadceliyey Madaxweynaha iyo dowladda Soomaaliya soo dhoweynta diirran, iyagoo soo bandhigay sida ay uga go’an tahay in ay dadaal ku bixiyaan horumarinta xiriirka ay dalalkoodu la leeyihiin Soomaaliya.

𝗦𝗵𝗶𝗿𝘄𝗲𝘆𝗻𝗮𝗵𝗮 𝟳𝗮𝗮𝗱 𝗲𝗲 x𝗲𝗲𝗿 i𝗹𝗮𝗮𝗹𝗶𝘆𝗲𝘆𝗮𝗮𝘀𝗵𝗮 Soomaaliyeed oo ka furmay Muqdisho

𝗦𝗵𝗶𝗿𝘄𝗲𝘆𝗻𝗮𝗵𝗮 𝟳𝗮𝗮𝗱 𝗲𝗲 x𝗲𝗲𝗿 i𝗹𝗮𝗮𝗹𝗶𝘆𝗲𝘆𝗮𝗮𝘀𝗵𝗮 𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶𝘆𝗲𝗲𝗱 ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho kaas oo sanadkan diiradda lagu saarayo mowduuca muhiimka ah ee la dagaallanka maalgelinta iyo ilaha dhaqaalaha argagixisada.

Shirkan waxaa ka qeyb galaya madax sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya, xeer ilaaliyeyaasha heer federal iyo heer dowlad goboleed iyo wakiillo ka socda hay’adaha amniga.

Waxa shirkan diiradda lagu saari doonaa doodo iyo cilmi baaris muhiim ah oo ku saabsan xoojinta shuruucda, iskaashiga hay’adaha amniga iyo sidii loo ciribtiri lahaa ilaha dhaqaale ee taageera kooxaha argagixisada.

Shirweynahan ayaa la filayaa in ay kasoo baxaan go’aanno muhiim ah oo wax ku ool u ah la dagaalka maalgelinta argagixisada, taas oo qeyb ka ah dadaallada dowladda ee lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida dalka.

in ka badan 40 khawaarij ah oo lagu dilay gobolka bari

Boosaaso- Ugu yaraan 40 xubnood oo ka tirsanaa khawaarijta Daacish ayaa lagu dilay tiro intaa ka badanna waa lagu dhaawacay markii ciidanka dabargoynta argagixisada ee Puntland ay howlgallo xooggan ka fuliyeen buuraleyda Cal-miskaad ee gobolka bari.

Saraakiisha howlgalka hoggaaminaysa ayaa warbaahinta u sheegay in malleeshiyaadka la laayay ay u badnaayeen ajaanib, iyadoo ciidanku ay la wareegeen gacan ku haynta dhammaan goobihii howlgalkaas ay ka fuliyeen.

Saraakiisha ciidanka dabargoynta argagixisada ee Puntland ayaa sheegay in ay sii baacsanayaan firxadka Khawaarijta naf la caariga ah.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka oo qaabilay wafdi ka socda dalka Masar

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka, Mudane Baashe Yuusuf Axmed, ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay wafti sare oo ka socday Wasaaradda Caddaaladda iyo Garsoorka Masar, iyagoo ka wada hadlay sidii ay labada dal iskaashi uga yeelan lahaayeen dhinacyada tababarada,isdhaafsiga khibradaha iyo hannaanka casriyeynta garsoorka.

Kulanka ayaa waxaa ku wehliyay guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka gobolka Banaadir, guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Hey’adaha Garsoorka dalka.

Guddoomiye Baashe, ayaa tilmaamay in Soomaaliya iyo Masar uu ka dhaxeeyo xidhiidh qotodheer iyo iskaashi soo jireena ah, sidaa awgeed ay ka go’antahay sidii ay iskaga-kaashan lahaayeen horumarinta iyo nidaamka danabaysan ee garsoorka labada dhinac, iyadoo si joogto ah isku dhaafsan doonno tababarada iyo khibradaha.

Dhankooda Saraakiisha Hay’adaha Garsoorka Masar ka socday, ayaa ka mahadnaqay soo dhawaynta qiimaha badan ee loo sameeyey intii ay dalka ku sugnaayeen, iyagoo qiray in hay’adaha garsoorka Soomaaliya ay sameeyeen horumar la taaban karo, islamarkaana ay dhankooda diyaar u yihiin in si dhaw laba dhinac uga wada shaqeeyaan horumarinta iyo casriyeynta caddaaladda iyo garsoorka labada dal.

      

Madaxweyne Xasan Sheekh oo saxiixay sharciga shaqada Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxiixay sharciga Xeerka Shaqada Soomaaliya oo ay soo gudbisay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, kaasoo horey ay usoo ansixiyeen labada Golle ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Xeerkani wuxuu muhiim u yahay in la xaqiijiyo xuquuqda shaqaalaha iyo in loo abuuro jawi shaqo oo cadaalad ah, kaas oo ku saleysan mabda’a sinnaanta iyo xorriyadda shaqaalaha.

Waxaa sidoo kale diiradda lagu saarayaa in shaqaalaha Soomaaliyeed ay helaan xuquuqda ay ku leeyihiin goobaha shaqada iyadoo la ilaalinayo danta guud iyo horumarka dhaqaalaha dalka.

Ugu dambeyntii, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, Mudane Yusuf Mohamed Adan ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha JFS saxiixa sharciga xeerka shaqada Soomaaliya, kaas oo markii ugu horreysay 52 sano ka dib wax ka beddel iyo casriyeyn lagu sameeyay.

Xeerkani wuxuu la jaanqaadayaa hannaanka dawlad dhiska, ganacsiga xorta ah ee dalka ka hanaqaaday iyo xaqsiinta shaqaalaha si waafaqsan Diinteena suubban iyo xeerarka caalamiga ah ee shaqaalaha.

Taliyaha Booliska Soomaaliyeed oo kulan la qaatay Safiirka Indonesia

Taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed sarreeye guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa la kulmay Danjiraha Dowladda Indonesia u qaabilsan Soomaaliya Dr. Maxamad Hery Saripudin.

Kulanka Taliyaha iyo Danjiraha ayaa looga hadlay sidii loo ambaqaadi lahaa iskaashiga dhinaca amaanka ee labada dal gaar ahaan horumarinta Boliiska oo qeyb ka ahaa wadahadaladii u dambeeyey ee lagu xoojinayey xiriirka Soomaaliya iyo Indonesia.

Soomaaliya iyo Azerbaijan oo iska kaashanaya horumarinta Tamarta

Wasiirka wasaaradda batroolka iyo macdanta xukuumadda Soomaaliya mudane Daahir Shire Maxamed ayaa maanta qaabilay wafdi ka socda dalka Azerbaijan oo uu hoggaaminayay Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda dalkaas mudane Yalchin Rafiyev

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xariirka labada dal iyo iskaashiga dhinacyada Tamarta,Batroolka ,maalgashiga iyo tababarka xirfadlayaasha.

Kulanka ayaa waxaa wasiirka ku wehliyay Safiirka Soomaaliya ee dalka Turkiye Fathudiin Ali iyo guddoomiyaha hay’adda Batroolka Somaliyeed Engineer Cabdulqaadir Aadan Maxamed.

        

Guddoomiyaha hay’adda SoDMA oo qaabbilay safiirka Falastiin ee Soomaaliya

Guddoomiyaha hay’adda maareynta musiibooyinka Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle oo ay wehilyaan guddoomiyaha hay’adda culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad iyo guddoomiye ku-xigeenka hay’adda culimada Sheekh Cali Maxamuud Xasan (Wajiis) ayaa xafiiskiisa ku qaabbilay danjiraha cusub ee dowladda Falastiin, Rowaid Adil Mohamed.

Kulanka ayaa looga hadlay sidii dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed u taageeri lahaayeen dhiggooda reer Falastiin ee colaadaha iyo barakicintu saameysay, halka kulanka lagu muujiyay sida dadka Soomaaliyeed garab taagan yihiin xor-ahanshaha iyo madax-bannaanidooda.

Guddoomiyaha hay’adda SoDMA, Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa safiirka ugu hambalyeeyay xilka cusub, halka Danjire Rowaid Adil uu ka mahad-celiyay taageerada muddada fog ah ee shacabka Soomaaliyeed la garab taagan yihiin walaalahood reer Falastiin.

Duqa Muqdisho oo dhagax dhigay Beerta Ummadda ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa dhagax dhigay Beerta Ummadda ee gobolka Banaadir, oo qeyb ka ah qorshaha horumarinta Caasimadda Muqdisho.

Duqa Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa sheegay in mashruucaan uu yahay mid loogu tala-galay helitaanka goobo nasiino iyo dalxiis oo bulshada ka wada dhaxeeya, taasi oo ardeyda, dalxiisayaasha iyo qeybaha kala gedisan ee bulshada fursad u siineysa in ay isugu yimaadaan.

Mashruucaan ayaa laga hirgelinaya Degmada Waaberi gaar ahaan meel aan ka fogeyn Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, iyadoo munaasabadda dhagax dhigga uu goobjoog ka ahaa guddoomiyaha degmada Waaberi Mudane Maxamed Sayid Cali, agaasimeyaal iyo qeybaha kala geddisan ee bulshada.

Madaxweyne Lafta gareen oo saxiixay shrciga naafada Koonfur Galbeed

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa saxiixay shrciga naafada Koonfur Galbeed oo ay diyaarisay Wasaarada Haweenka Dowladda Koonfur Galbeed.

Wasiirka Haweenka Marwo Shamsa Maxamed Yarow, Agaasimaha madaxtooyada Cabdifataax Mahad iyo madax ka socotay Qaramada Midoobay gaar ahaan xafiiska xuquuqul insaanka ayaa goobjoog ahaa munaasabada saxiixa sharciga naafada.